TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 6aad]
Imaamka wuxuu jaamacadda wax ka dhigay muddo
kooban, deedna wuxuu macalin ka noqoday jaamacadda Nadaamiyah ee magaalada
Naysaabuur. Muddo yar kadibna wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Duus, halkaas
oo uu gurigiisa agtiisa ka dhisay masjid lagu barto cilmiga iyo xer suufiyada
ey Alle ku caabudo oo dunida uga go’doonto. Imaamkana sidaas ayuu waqtigiisa
ugu kala qeybiyay, cibaado oo uu u go’o, waqti uu dadka wax baro iyo waqti uu
kutub alifo. Kutubtii uu xilligaas qoray waxaa kamid ah ‘Al-mustasfaa’ oo uu
alifay sanadku markuu ahaa 503dii hijriyada. Waxaa si xoog leh loosoo wariyaa
sababta Imaamka uu usoo laabtay iney aheyd inuu inta uu maqnaa uu aad ugu
riyoon jiray riyooyin wanaagsan oo aheyd inuu dib ugu laabto waxbarashada – maadaama
100kii sanaba ilaahey balan qaaday inuu umadda Islaamka usoo saaro qof diinta
cusbooneysiiya. Imaamkana wuxuu geeriyooda 505tii, waxaana la isku waafaqsan
yahay inuu ahaa cusbooneysiiyihii diinta ee qarnigii 5aad.
Imam Taajuddiin Alsubki, kitaabkiisa
Dahabaqaatu Shaaficiyatul Kubraa, wuxuu kaga sheekeeyay qeyb kamid ah karaamaadka
Imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Subki wuxuu kasoo wariyay Imaamkii weynaa Fakhrul
Islaam Abuubakar Alshaahi inuu yiri; waxaa jiray shaqsi aad u necbanaa Imaam
Alqasaali oo marwalba si xun u aflagaadeyn jiray. Imaam Alshaashi oo hadalkiisa
sii wataa wuxuu yiri; ninkii baan la kulmay – wuxuuna ii sheegay inuu riyo ku
arkay rasuulka SCW oo ey la fadhiyaan Abuubakar, Cumar iyo Imaam alqasaali.
Deedna imaamka ayaa rasuulka SCW ku yiri; rasuulkii Alloow ninkaan wuu i duraa
goor walba; markuu rasuulku xaqiiqsaday ayuu amray in ninka la jeedalo, deedna
wuxuu yiri hurdada ayaan kasoo baraarugay iyadoo dhabarkayga ey ku taal
calaamaddii jeedalka. Ninkaas wuxuu bilaabay inuu ka shalaayo duriddii uu
imaamka durijiray isagoo mar walba uu riyada soo xusuuto booyi jiray dadkana
uga sheekeen jiray. Imaami Shaashi wuxuu kaloo soo wariyay in nin kamid ahaa
fuqhada dhulka Masar uu u sheegay inuu maalin maalmaha kamid ah uu goobjoog u
ahaa in nin uu si xun u aflagaadeeyay Imaam Alqasaali, wuxuu yiri deedna waan
dhibsaday caayda loo geystay Imaamka. Habeenkii goortii la gaaray ayaan Imaam
Alqasaali ku arkay riyo, wuxuuna igu yiri; waan kuu jeedaa inaad dhibsatay in
golohaaga la igu caayay, waxba haka soo qaadin ninkaan beri buu dhimanayaa.
Markii waaga baryay, baan golohii tagay mise ninkii waan noolyahay oo waa
caafimaad qabaa, deedna xilli galab gaabkii ah ayuu ninkii fuulay daabadiisa isagoo
u socda gurigiisa, markuu gurigiisa u dhow yahay ayuu daabaddii ka dhacay,
waxaan soo gaaray dhaawac culus, gurigiisa markii la geeyana naftii baa ka
baxday intaan gabalku dhicin.
Sidoo kale Imaam Subki wuxuu soo wariyay, in
Imaam Alqasaali uu ku fakaray inuu madahab shanaad sameeyo, laakiin waxaa ka
joojiyay kadib markuu riyo ku arkay rasuulka SCW. Imaamka wuxuu riyo ku arkay
isagoo la jooga rasuulka SCW, deedna waxaa usoo galay Imaam Maalik bin Anas
imaamka madhabta Maalikiyada, dabadeedna wuu salaamay – ilbaab baa u furmay,
ilbaabkiina buu galay. Waxaa haddana noo yimid, Imaam Abuu Xaniifah, wuuna
Salaamay wuxuuna galay ilbaab. Waxaa haddana noo yimid Imaam Axmed bin Xanbal,
isagana wuuna salaamay wuxuuna galay ilbaab. Waxaa haddana noo yimid Imaam
Shaafici, wuuna salaamay deedna wuxuu galay ilbaab, markaas rasuulka SCW intuu
isoo eegay buu igu yiri; istaag Imaam Shaafici raac. Wuxuu yiri markaan hurdada
kasoo baraarugay waxaan fahmay riyada in rasuulku i farayay inaan madhabta
Imaam Shaafici qaato, ee aanan madhab kale alifin, sidaas ayaana uga joogsaday
inaan madhab cusub alifo. Waxaa xusid mudan oo culumada badi ey isku waafaqsan
yihiin in Imaam Qasaali uu lahaa aqoonta iyo haybada inuu madhab isaga uu
leeyahay uu sameeyo.
Comments
Post a Comment