WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN IMAAM JAN. MAXAMMED ABSHIR MUUSE (HAAMAAN)

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN IMAAM JAN. MAXAMMED ABSHIR MUUSE (HAAMAAN)
Wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadku markuu ahaa 1926kii. Wuxuu waxbarashadiisa Qur’aanka ku qaatay magaalada Wardheer ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia. Sanadku markuu ahaa 1943kii wuxuu ku biiray ciidamada loo yiqiin The Somali Gendarme oo ahaa ciidamo Police oo ey maamuli jireen gumeytihii Ingiriiska, ciidamadaas oo loo diyaarinayay iney amniga dalka la wareegaan. Xilligaas wuxuu darajada ciidanka ka gaaray captain.
Sanadku markuu ahaa 1950kii goortii daakhiliga la qaatay wuxuu wuxuu ka shaqeeyay ciidamada Policeka Soomaaliyeed. Sanadihii u dhexeeyay 1952-4kii wuxuu tababar ciidan kasoo qaatay dugsiga tababarka Policeka ee Carabinieri ee dalka Talyaaniga halkaas oo uu kasoo qalin jabiyay. 1956kii waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada Policeka ee gobolada Majertenia oo haatan loo yaqaan Puntland. Sanad kadib waxaa loosoo wareejiyay gobolka Bay – halkaas oo uu ka noqday taliyaha ciidamada policeka ee gobolkaas. Sanadku markuu ahaa 1958kii AUN Imaam Maxammed Abshir wuxuu noqday Janankii ugu horeeyay ee ey yeelato umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu noqday ninkii ugu da’da yaraa Afrika oo dhan oo noqda Korneel (colonel) wuxuuna ahaa 32 jir.
Bishii Xeys (Janaayo) ee sanadkii 1959kii wuxuu taliye ku xigeenka ciidanka u magacaabay Allaha unaxariistee Janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi. Sanadihii u dhexeeyay 1958kii ilaa bobanimada laga qaatay 1960kii wuxuu Imaamku ku mashquulsanaa dhisidda iyo tababaridda ciidan ku dheehan tayo sare iyo waddan jeceyl. Wuxuu magacaabay saraakiil xul ah oo uu ku jiray Allaha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaale Maxammed Siyaad Barre oo xiligaas ahaa korneyl (colonel), Siyaad Barre wuxuu u magaacay madaxa sirdoonka dalka oo dhan. Bishii Seyrmaweydo (Abriil) isla sanadkaas ciidamada difaaca dalka waxaa loo kala qaaday laba qeybood oo kala ah; ciidamada Policeka iyo sugidda amniga gudaha waxaana madax looga dhigay Janaraal Maxammed Abshir, iyo ciidamada xoogga (military) waxaana madax looga dhigay Janaraal Daa’uud. Sanadihii u dhexeeyay 1960kii ilaa 1969kii wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidamada policeka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, sandkii 1960kii wuxuu ku biiray iskaashatada caalamiga ah ee taliyaasha policeka wadamada adduunka. Sanadkii 1966kii waxaa AUN Janaraal Maxammed Abshir la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa ee Pervin fellowship oo ah abaalmarin la guddoonsiiyo taliyaasha loo aqoonsaday iney yihiin; taliyaha ugu shaqo wacnaa adduunka, kaasoo ku guuleysta sugidda amniga iyo kala danbeynta dalkuu taliyaha ka yahay. Bisii Gudban (Nofeembar) ee sanadkii 1967kii waxaa loo doortay inuu xubin buuxda ka noqdo madasha caalamiga ah ee sirdoonka golaha amaanka policeka adduunka. Dhanka waxabarashada, wuxuu waxbarasho u tagay jaamacadda la yiraahdo Princeton University oo ku taal magaalada New Jersey ee dalka Mareykanka. Halkaas wuxuu ku bartay maamulka iyo maareynta arimaha bulshada. Sidoo kale intuu taliyaha policeka ahaa wuxuu tababaro shaqo kasoo qaatay wadamada ey kamid yihiin; Australia, Brazil, Britain, Italy, Germany, France, USA, Egypt iyo Saudi Arabia.
Bishii Deyrhalolood (oktoobar) 1969kii wuxuu iska casilay jagadiisii taliyaha ciidanka policeka, isagoo diidanaa kacaankii afgambiga ku yimid. Si kastaba ha ahaatee, jananku wuxuu kamid noqday rag uu xiray hogaamiyihii kacaanka xilligaas. Xabsiga wuxuu ku jiray ilaa 1982kii. Hadaladii ugu horeeyay oo uu janaraal Maxamed Abshir yiraahdo goortuu xabsiga kasoo baxay waxay ka yaabiyeen dadweynaha Soomaaliyeed. Jananku wuxuu u mahadceliyay in madaxweyne Siyaad Barre uu xiray, isaga oo u sababeeyay in intii uu xabsiga ku jiray Imaam maxammed Abshir uu waqti u helay barashada culuumta diinta Islaamka si xeeldheer. Isla sanadkaas wuxuu Imaamka mu’addin ka noqday masjidka arbaca rukun ee caasimadda dalka ku yaal. Wuxuu Imaamku u jiheystay barashada diinta Islaamka – isagoo culuumta ka qaatay culumo waa weyn oo caan ka ah geyyiga Soomaaliyeed, waxaa culumadaas kamid ahaa; Shiikh Maxammed Macalin, Shiikh Nuuradiin Cali Coloow, Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacameey) iyo Shiikh Muxamed Nuur Qawi iyo culumo kale.
Sidoo kale wuxuu barashada culuumta Islaamka u aaday jaamacadaha kala ah; Jaamacadda Alazhar, Jaamacadda Khartuum iyo Jaamacadda Umul quraa. Imaamku wuxuu mashruuciisa baaritaanka ku sameeyay – xiriirka ka dhexeeya diinta Islaamka iyo sugidda amniga dadweynaha (Islam & Policing). Markii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen wuxuu Imaamku u xusul duubtay inuu nabadeeyo beelaha Soomaaliyeed ee dirirta ka dhexeysay. Wuxuu safaro dib u heshiisiin u tagay magaalooyinka dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, bishii Todob (Febraayo) waxaa Imaamka loo doortay inuu noqdo reysal wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka qorsheynta qaranka ee dawladdii kumeel gaarka aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Cali Mahdi. Sidoo kale, sanad ka hor ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo Imaamka loogu doortay inuu noqdo hogaamiyaha gobolada waqooyi bari ee Soomaaliya ee haatan loo yaqaan Puntland. Bishii Samalho (Agoosto) ee sanadkii 2000 waxaa imaamka loo doortay guddoomiyaha madasha ku meel gaarka ee qaranka ahna kusimaha guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalyeed. Sanadkii 2001dii wuxuu dagay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku nagaaday ilaa galabnimadii Arbacada 26ka bishaan aan ku jirno, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Allaha Naxariistii janno ha siiyo Imaam janaraal Maxammed Abshir wuxuu umadda Soomaaliyeed usoo shaqeeyay badi cimrigiisa, waxaa Alle ku arsaaqay 14 caruur ah, 8 gabdhood iyo 6 wiil.
Waxaan nasiib u lahaa inaan dhowr jeer bilowgii sagaashameedyadii kula kulmay imaamka magaalda Boosaaso. Waxaan ka marqaati kacayaa in Imaamku ahaa shaqsi cibaado badan, oo jecel nabadda, wada noolaanshaha, isa saamaxa iyo isu calool fiyoobaanta. Wuxuu dhalinyaro aan ku jiray mar uu noo khudbadeeyay nagu waaniyay inaan aqoonta xoog saarno oo wax baranno si aan nafteena iyo tan dadkeenaba wax u tarno.
Ilaahey kitaabkiisa midigta haka siiyee Imaamka waxaa marwalba halqabsi u ahaa oo khudbadaha uu ku gabagabeyn jiray; WALSULXU KHEYR.
Qaliinka: Abdiaziz Arab

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?