SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY!

SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY! HORDHAC Arinka beryahaan qabsaday baraha bulshada Soomaalida ku kulanto ee social media iyo idaacadaha Soomaalidaba waa xariga loo geystay halgamaa Cabdulkariim Muuse (Qalbi-dhagax) iyo wareejintiisa lagu wareejiyay dawladda Ethiopia. Arinkaasoo, dhammaan xanuujiyay quluubta umadda Soomaaliyeed; caruur iyo cirroole, rag iyo dumar, daljoog iyo qurba joog, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ey ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, waxaan doonayaa inaan marka hore caddeeyo inaan ka xummahay falkaas bahalnimada ah ee muwaadinkaas Soomaaliyeed lagula kacay. Waxaa xusid mudan in la tilmaamo, Qalbi dhagax ma’aheyn muwaadinkii ugu horeeyay ee dawladda Ethiopia loo dhiibay, rag badan ayaa ka horeeyay. Raggaasna waxaa Ethiopia u dhiibi jiray maamul goboleedyo aanan matalin dhammaan shacabka ey xukumaan, iskaba dhaaf dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, arinta Qalbi-dhagax waxay kaga duw...