SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY!
SIR MAQABE ALLOOW SAHAN AH: CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY!
HORDHAC
Arinka beryahaan qabsaday baraha bulshada Soomaalida ku kulanto ee social media iyo idaacadaha Soomaalidaba waa xariga loo geystay halgamaa Cabdulkariim Muuse (Qalbi-dhagax) iyo wareejintiisa lagu wareejiyay dawladda Ethiopia. Arinkaasoo, dhammaan xanuujiyay quluubta umadda Soomaaliyeed; caruur iyo cirroole, rag iyo dumar, daljoog iyo qurba joog, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ey ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, waxaan doonayaa inaan marka hore caddeeyo inaan ka xummahay falkaas bahalnimada ah ee muwaadinkaas Soomaaliyeed lagula kacay.
Waxaa xusid mudan in la tilmaamo, Qalbi dhagax ma’aheyn muwaadinkii ugu horeeyay ee dawladda Ethiopia loo dhiibay, rag badan ayaa ka horeeyay. Raggaasna waxaa Ethiopia u dhiibi jiray maamul goboleedyo aanan matalin dhammaan shacabka ey xukumaan, iskaba dhaaf dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, arinta Qalbi-dhagax waxay kaga duwan tahay arimihii ka horeeyay waa iyadoo tuhunku uu galay dawladdii rasmiga aheyd ee Soomaaliyeed, ilaa haddana aan wax war iyo wacaale ah laga heyn dhanka dawladda. Haddaan si kale u dhigo, dawladda ilaa hadda ismana difaacin oo iskama fogeyn waxa lagu edeeyay mana aqbalin – taas ayaana shakiga ku abuurtay in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah. Sidaas daraadeed, halkaan waxaan kusoo bandhigayaa dhigaalkaan aan ku difaacayo dawladda Soomaaliyeed – anigoo ku doodaya in dawladda la shirqoolay.
DIB-EEGIS
Tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaalyia – oo uu madaxda ka ahaa rabbi ha unaxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dalka Soomaaliya wuxuu ku jiray gumeysi dahsoon. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, toloow gumeysigaas muxuu ahaa? Sidoo kale waxaa lagaa yaabaa inaad aqristoow isweydiisid, waddankee ayaa nagu soo duulay oo na qabsaday? Haddaba, inta aanan ka jawabin labadaas su’aalood, waxaa muhiim ah inaan tibaaxo in falkii loo yiqiin gumeysiga muuqda dunida laga tirtiray, aadanahanna ey falkaas ka koreen – weliba ey isku raaceen iney reeban tahay in dal gumeysto dal kale, xeerar caalami ahna laga soo saaray.
Gumeystayaashii reer Yurub ee Afrika kusoo duulay qarniyadii 18aad iyo 19aad, tusaale ahaan, waxay baadigoobayeen khayraad cayriin ah oo ey dalkooda ku bisleystaan. Laakiin waxaa taa meesha ka saaray xeerarka caalamiga ah ee laga soo saraay dagaalkii 2aad ee adduunka kadib, kuwaasoo mamnuucay in dal dal kale ku duulo – xeerarkaasoo loo yaqaan heshiisyada Geneva ‘Geneva convention’. Yeelkadeedee, waxaa taa bedelkeeda soo baxay wax loo yaqaan duulaan maskaxeed oo ah gumeysi dahsoon. Waxaana aalaaba gumeysiga noocaan ah isticmaala dal awood leh oo dani riixayso. Dalalkaan waxay isticmaalaan duulaan maskaxeed si ey dalka ey danta ka leeyihiin ugu khuduuciyaan iney u hogaansamaan fulinta danahooda siyaasadeed, sida iney codka siiyaan haddey dal kale isqabtaan ama Qaramada Midoobay ugu codeeyaan wixii dantooda ku jirto.
Sidoo kale dano dhaqaale, sida iney khayraadkooda cayriin ey u ogolaadaan iney dalkaas kaligiis uu qaato – xataa hadduusan dantoodaa ku jirin. Tusaale, khayraadka shidaal ee wadamada khaliijka waxaa faa’iidada ugu badan qaata dalka Mareykanka. Dalka Mareykankana kuma duulin wadamada khaliijka, ee wuxuu ku guuleystay inuu wadamadaas ka dhaadhiciyo iney leeyihiin cadow la yiraahdo Iiraan iyo Ciraaq – kuwaasoo haddeey fursad u helaan ey barqo ku quraacanayaan. Sidaas aawgeed wuxuu la yimid qorshe fog oo ah inuu dalalkaan ka difaacayo cadowga, taa bedelkeedana uu khayraadka dalalkaan uu saamigiisa qaadannayo. Arinkaasina waa arin hirgalay, oo haatan aan dood ka taagneyn.
GUMEYSIGA DAHSOON EE SACUUDIGA
Haddaba, haddaan isku dayo inaan ka jawaabo labada su’aalood ee aan kor kusoo sheegnay, waa marka horee; duulaanka nalagu soo qaaday waa duulaan maskaxeed, dalalka nagu soo qaadayna waa dalal badan, sababta naloogu soo qaadayna waa danooyin iyo ujeedooyin badan. Tusaale, dalka Ethiopia wuxuu nagu soo qaaday duulaan maskaxdeed oo ujeedadiisu tahay Soomaali yeysan weligood noqon dawlad mid ah oo tiir weyn leh sideey ahaan jirtay barisamaadkii. Ujeedada labaad ee Ethiopia oo ah iyagoo ku naaloonaya, markey ku guuleystaan khudadooda u qeybinta Soomaaliya maamulo yar yar oo tabar darran oo iyaga cadow isku ah – iney deedna khayraadka dalka si sahlan oo bilaa xisaab ah u daldashaan.
Tusaalaha kale haddaan usoo qaadanno isbahaysiga khaliijka ujeedooyinkooda waxay kala mid yihiin Ethiopia oo waa khayraad doon, laakiin iyagu markii hore waxay noo soo mareen wadadda diinta. Waxay noo soo min-guuriyeen afkaarta xagjirnimada, waxayna ku guuleysteen iney ku abuuraan gudaha mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in dadka Soomaliiyeed ey Muslin ahaayeen intaan islaamka magaalada Madiina gaarin. Oo waxay taariikhyahannadu sheegaan in Islaamka Soomaaliya soo gaaray hijradii ugu horeysay ey asxaabtu ku yimaadaan dhulkii loo yiqiin arlada xabashida, halka ey kasoo degeyna ey aheyd marsada Saylac.
Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga iyo xulufadiisa taa noogama harin oo waxay keenaan afkaar ka dhigtay wax walba oo aan diin u niqiinay bidco lagu gaaloobayo oo diinta looga baxayo. Soomaaliya waxaa haatan ka dhisan in ka badan 1000 machad diini oo laga soo abaabulay wadamada khaliijka, kharash bandanna ku bixisa – ujeedkuna waa in fikirka xagjirka ah dalka lagu faafiyo, si eysan weligiis suurtagal u noqon in Soomaaliya ey dawladnimadeeda dib u hantido. Tusaale, macaahida nimankaan dalkeena ka fureen, laguma dhigo hal maado oo ka hadlaysa taariikhda iyo juquraafiga dalka Soomaaliya. Taa bedelkeeda ardayda waxaa lagu ababiyaa barashada taariikhda dalalka khaliijka iyo juquraafigooda.
Wiilka afgooye ku dhashay ee macaahiddaas kasoo qalinjabiya, ma yaqaan degmada Afgooye gobolkeey ka tirsan tahay, laakiin wuu wada xifdisan yahay degmooyinka, tuulooyinka iyo gobolada sacuudiga, guud ahaan khaliijka – taasna waxaa sababay manhajka waxbarashada ee ilmahaas la siiyay. Taasina waxay dhashay, in ilmaha markuu machadka kasoo qalinjabiyo uu toos ugu biiro Alshabaab, maadaama fikirkii machadka loogu shubay waxa kaliya uu u baahan yahay ey tahay qalabkii uu ku hawl geli lahaa. Waana halka ey Soomaalidu ka tiraahdo; tiintiin haddaad abuuratid tiitiin unbaad goosan, hadaad canbe abuuratidna canbe unbaad goosan. Waxaan shaki iiga jirin, qaraxyada dadkeena kala reebay in waa hore geedahooda la beeray, haatan uun ey tahay in mirihii soo go’aan. Yeelkadeedee, ma doonayn inaan giraanta dhankaas u wado, laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaan shay walbaa is dul taagno.
Haddaba, duulaan maskaxeedkaas khaliijka wuxuu nimankaan siiyay kalsooni ah iney Soomaaliya sideey doonaan ka yeelaan, siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Amniga waxay hiil iyo hooba garab taagnaayeen muddo badan urur diimeedyada hubeysan, sida; Al-itixaad, Maxaakiimta, Alshabaab iyo qaar kaloo aan hubeysneyn laakiin dhanka fikirka iyo soo saarida jiilkii hubka qaadi lahaa qaabilsan, ujeedkuna marwalba waa si aan dalku u degin. Dhanka siyaasadda, waxay lug ku lahaayeen, dawlad walba oo dalka laga dhisay laga soo bilaabo tan iyo dawladdii Cali Mahdi Maxammed ilaa dawladda haatan talada heysa. Waxay marwalba iyo dawlad walba u sameyn jireen balanqaadyo been ah, oo iska ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban. Tusaale, safarkii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmajo dalka dibadiisa uu ku aado, wuxuu u safray dalka Sacuudiga – halkaas oo dawladda Sacuudigu ey dooneysay iney ku adkeyso hareereenta xiriirka ey la leedahay Soomaaliya. Sida caadada aheydna waxay balanqaadeen iney mashaariic waa weyn dalka ka fulin doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, 20kii bishii Dirircowl (May) ee sanadkaan ayaa Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump wuxuu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalal badan oo Muslim ah. Muddo yar kadib, bilowgii bishii Dirirsagaaro (June) ee isla sanadkaan ayaa wadamo dhowr ah oo uu hogaaminayo dalka Sacuudiga waxay soo saareen go’aan ah iney cunaqabateen kusoo rogeen dalka Qatar. Isbahaysiga Sacuudiga uu horboodayo ayaa wadamo badan taageero ka helay, sida dalka Masar iyo Ethiopia. Laakiin, waxaa lama filaan ku noqday in dalka tabarta darran ee Soomaaliya ey qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah – iyagoo diiday iney qaataan amarada sacuudiga ee ahaa in Soomaaliya xiriirka u jarto Qatar. Sababtoo ah, waxay aheyd sanadkii hore markuu Sacuudigu ku amray Soomaaliya iney xiriirka u jarto dalka Iiraan, taa bedelkeedan loo balanqaaday Soomaaliya $50 milya sida ey kusoo warrantay Reuters.
Yeelkadeede, Soomaaliya u jartay xiriirka dalka Iiraan, awaamiirtii Sacuudigana sidey aheyd ayey u fuliyeen, laakiin wax lacag ah ma helin, ballanqaadkiina waa looga baxay. Dawacadu meesheey macluul uga barato ayeey ku baqtidaa ayeey Soomaalida tiraahdaa, Sacuudiga kalsooni weyn ayuu ku qabay in amarkiisa la fulinayo sidii loo fuliyay awaamiirtii hore. Laakiin, ilaahey mahaddiis taas ma dhicin, oo waxaa dalka madax ka ah rag dhalinyaro ah, haba khibrad yaraadeenee daacad ah. Maalintaas wixii ka danbeeyay, dawladda Sacuudiga iyadoo ka duulaydsa siyaasaddda ah CAD KANOOW AMA KU CUNAY AMA KU CIIDEEYAY waxay falankeeda gashay iney geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho sideey dawladda Farmaajo u ridi laheyd – shacabka soomaaliyeedna uga horkeeni laheyd.
Siyaasaddu mararka qaar waa dhagar iyo ciyaar ibliis, haddii aadan feejignaan ku jirin 24/7 saaxiibka dadka ugu dhow ayaa kafanta kuu xiri oo iilkana ku dhigi, kadib markii cadowga uu kuu soo maro. Haddaba waxaan rumaysannahay in dawladda Sacuudiga iyo isbahaysigiisa ey ka danbeeyaan gacan gelinta Qalbidhagax loo gacangeliyay Ethiopia si shacabka Soomaaliyeed ee cadaawada dheer kala dhexeyso Ethiopia looga horkeeno Farmaajo. Waxaana rumaysannahay in arinkaan loo adeegsaday rag sare oo jagooyin sar-sare ka haya maamulka Farmaajo. Raggaas oo Farmaajo uu u heystay iney daacad iyo saaxiibo dhow yihiin, laakiin noqday khaa’iniin dalkooda iyo dadkoodaba khiyaamay. Arinkaan waxaan u cuskanayaa dhowr arimood:
1- Waa marka koowaad ee, Qalbidhagax wuxuu ku noolaa dalka Soomaaliya muddo 3 sanandood ah, mudadaasna si xor ah ayuu ugu kala dhex gooshayay dalka gudihiisa, iyadoon cidna dani ka gelin. Dawladda Ethiopia wey ogeyd meeshuu ku sugnaa, haddeey rabtanna waa hore ayey soo qabsan laheyd iyadoon cidna idin ka qaadan. Waxaaba xusid mudan oo aan kor kusoo sheegnay; in qabqablayaasha iyo maamul goboleedyada ey boqolaal shacab ah u dhiibeen kuwaasoo lagu shaabadeeyay iney ka tisanaayeen jabhadda ONLF.
2- Tusaale, sanadkii 2009kii iney aheyd ayaan jeclahay, ciidamada Ethiopia waxay magaalada Gaalkacyo ka qafaasheen guddoomiyihii gobol Mudug, cid yac katirina ma jirin. Qalbidhagaxanna haddeey sidaas baahi weyn ugu qabaan Gaalkacyo ayaa laga soo qabtay, ciidamadooduna kama foga, daqiiqad walba ayeey soo qabsan karayeen haddeey rabaan.
3- Sidoo kale, waxaa xusid mudan in dhammaan maamul goboleedyada ey gacanta ku heyso dawladda Ethiopia, waxna ka dhistay oo waxay doonto ka fushato. Maamulka Galmudug oo laga soo qabtay Qalbidhagax, dawladda Ethiopia waxay awoodday iney si toos ula macaamisho, idinna eysan ka qaadan dawladda federaalka ee Soomaaliyeed. Sababtoo ah, kuwii hore loogu dhiibayba idin lama weydiisan dawladda federaalka, ee toos baa loogu dhiibay Ethiopia.
4- Muqdisho iyo gaalkacyo keebaa u dhow Ethiopia? Waa su’aal mudan in qofka caaqilka ah uu isweydiiyo. Maxay tahay sababta, halkaan nin maxbuus ah ilaa Xamar loo keenay? Gaalkacyo, xamar iyo Ethiopia waxaa u dhow Ethiopia.
5- Sababta Muqdisho loo keenay Qalbidhagax waxay aheyd in la siyaasadeeyo xabsiga Qalbidhagax – si loo shirqoolo dawladda Federaalka Ee Soomaaliya, iyagoon ogeyn. Waxaa laga dhigay in dawladda Ethiopia ixtiraameyso karaamada iyo madaxbanaanida Soomaliya, ujeedkuna wuxuu ahaa in shaabadda dawladda dhexe lagu soo dhufsado arintana laga dhigo in dawladda soomaaliya soo qabatay Qalbidhagax kuna wareejisay cadowga umadda soomaaliyeed. Ujeedada laga lahaana waa in la kala dilo shacabka soomaaliyeed iyo madaxweynahooda, ilaa haatanna waa lagu guuleystay yoolkaas.
6- Ujeedada waxaan oo dhan laga leeyahay waa in la rido dawladdaan qawmiga ah ee umadda soomaaliyeed hurdada ka kicinaysa. Waa halkii uu abwaanka ka lahaa;
Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo Sheyddaane
Gacalow ka joog meelahaad gacantogaalaysay
Haddii kale aduun baw go'iye gabayga aashaada.
7- ilaa hadda oo aan qoraalkaan qorayo, wax war oo rasmi ah dawladda Soomaaliya kama soo saarin arinka Qalbidhagax. Dhanka kale, dawladda Ethiopia iyadaa daqiiqaddii ugu horeysay uu gacantooda soo galay baahiyay in dawladda Soomaaliya ey kusoo wareejisay Qalbidhagax. Ujeedkuna wuxuu ahaa iney fuliso khudadii Ethiopia iyo Sacuudigu ku heshiiyeen ee ah in farmaajo iyo shacabka soomaaliyeed la kala dilo, iyadoo la isticmaalayo maadaama ey Qalbidhagax u gacangelisay cadowga umadda Soomaaliyeed.
8- Maxaa keenay in Qalbidhagax isagoon maxkamad la saarin 24 saac gudahood si jujuub ah dalka looga saaray? Dawlad rasmi ah ayaa dalka ka jirta, 24 saacna wada tashi buuxda kama sameyn karto dhamaan laamaha dawladda ee arinkaan uu khuseeyo.
GUNAANAD
Isku soo xooriyoo, waxaa muuqata in wacadkii Sacuudiga iyo xulufadiisa uu soo daahiray. Wacadkaasoo ahaa, yaa waylak Farmaajo, sidee amarkeena ku diiday, taan kugu dhigno eeg. Sababtoo ah, sidaan la wada soconno dalka Soomaaliya wuxuu ka dhaga adeegay awaamirta dalka Sacuudiga oo ahaa in xiriirka loo jaro dalka Qatar. Dalka Sacuudiguna wuxuu xiriir dhow la leeyahay dalka Ethiopia. Sacuudiga wuxuu dalka Ethiopia ka fuliyay mashaariic ey ku baxeen balaayiin doolaarka mareykanaka ah, Ethiopiana wey ku qasban tahay iney fuliso amarada dawladda Sacuudiga iyo xulufadiisa. Haddaan si kale u dhigo, laba eey ayaa Sacuudigu uu geeska Afrika ku xuuxiyaa waana Masar iyo Ethiopia. Masar juquraafi ahaan wey naga fogtahay, saameynteedana wey yaratahay, laakiin waxaa kaabiga nagu hayaa Ethiopia, oo dalka meel walba faraha kula jirta – waana halkaas halka duulaanka siyaasadeed ee ugu danbeeyay lasoo mariyay iyo kuwii ka horeeyayba. Sidaas ayaana dabin iyo qool loogu dhigay dawladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo. Waxaan rumaysannahay, in madaxweynaheena uu yahay SIR MA QABE ALLOW SAHAN AH, oo arimahaan oo dhan uusan war ka heyn, ama uu ka war helay jeer shirqoolka la fuliyay. Sababtoo ah, arinta oo dhan waxaa lagu fuliyay si degdeg ah, madaxweynahuna waa nin mashquul ah oo shaqooyin badan ey u yaalaan. Sidaas daraadeed waxaan rumeysannahay in falkaan la fuliyay isagoon la wargelin.
TALO
Anigoo ah muwaadin jecel dalkiisa, kana damqaday dhibka loo geystay ninkaas walaalkayga ah, waxaan dawladdayda gaar ahaan madaxweyne Farmaajo kula talinnayaa:
1- in sida ugu dhaqsaha badan uu shacabkii shalay u qiiroowday uu ula hadlo, kana raaligeliyo falkii bahalnimda ahaa ee lagula kacay muwaadin Qalbidhagax.
2- in madaxweynaha uu magacaabo guddi khuburo ah oo arinkaan sida ugu dhaqsaha badan baaritaan ugu sameysa, iyagoo kasoo jawaabaya dhamaan su’aalaha ka guuxaya maanka shacabka Soomaaliyeed.
3- in madaxweynuhu, markey u kala cadaato cidii falkaan gurracan ka danbeysay, iyo cid alaale ciddii ka qeyb qaadatay, fududaysay amaba taladaas bixisay – inuu marka hore ka qaado xilka ey umadda u hayaan, deedna uu maxkamadeeyo, mid mid.
4- inaan falkaan oo kale uusan dib danbe u dhicin.
5- inuu indhaha ku hayo dadka ka agdho ee talada siiya.
6- inuu indhaha aad ugu kala furo waxa walba oo keenaya in dawladda Ethiopia lala tacaamulo, xataa haddeey yihiin wax yaroo aan micno laheyn, sababtoo ah mar i dage alley dagay, mar labaad i dage aneys dagay.
Comments
Post a Comment