XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA
XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA
"Quraanka waxaan soo dajinnay isagoo Carabi ah, si aad wax u kastaan". إِنَّا أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ Sida aayaddaan kore ka muuqata, Eebe wuxuu isku xiray caqliga (wax kala kasidda) iyo afka Carabiga -- haddaba maxay tahay xiriirka ka dhexeeya afka Carabiga iyo caqliga? Haddaan eegno waaqica adduuneed ey dadka afka afka Carabiga ku hadlaa ku noolyihiin, waxaa lagu doodi karaa inaysan Carabtu safka hore kaga jirin ummadaha ku caan baxay maalidda caqliga.
Ibnu Faaris oo ahaa aqoonyahan ku takhasusay naxwaha afka Carabiga wuxuu sheegay in luuqadda Carabigu samada laga soo dajiyay eyna aheyd luuqad ey ku hadli jireyn qoomamkii hore sidaa; Caad iyo Thamuud.
Dr Cabdulmajiid Aldhayib oo ah bare afka Ingiriiska ka dhiga jaamacadda Umul Quraa ayaa wuxuu yiri kalimadda 'Carabi' micnaheeda ma'aha luuqadda Carabta ku hadasho, ee waxaa loola jeedaa luuqad dhammeys ah oo deeqtoon warkuna uu ku caddaado. وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّهُمْ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُ بَشَرٌ ۗ لِّسَانُ الَّذِي يُلْحِدُونَ إِلَيْهِ أَعْجَمِيٌّ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِيٌّ مُّبِينٌ "waxaan dhab u ognahay iney dhihi; waxaa Quraanka nebiga bara dad; carabka ey ku qalloocin waa Cajami [luuqadaha aan Carabiga aheyn] kanna waa carab Carabi oo cad". Aayaddaan wuxuu Eebe noogu sheegayaa in Carabigu uusan aheyn mid ku kooban dadka ku hadla oo qudha ee uu yahay luuqadda uu warku ku caddaado si mug weyn. Aayaddaan waxay la hadlaysay gaaladii Quraysh ee afka Carabiga ku hadalkeeda intey dhaafeen ku gabyi jiray, haddana Eebe wuxuu hadalkooda ku tilmaamay carab qalloocan oo Cajami ah!!
Maxay tahay haddaba sababta Carabtii afka Carabiga ku hadlaysay Quraanku ugu tilmaamay Cajami carab qalloocan?
Dr Cabdulmajiid wuxuu ku dooday in afka Carabigu uu yahay afka fitrada taas oo ey ku dhashaan aadanaha oo idil diinteey doonaan ha heystaan ama isirkey doonaan haka soo jeedaan. Afka uu Dr Cabdulmajiid ka hadlayo kama wado kan lagu hadlo, oo qofwalba afka hooyadii ayuu ku hadlaa, ee waa luuqadda fahanka ee maanka ku abuuran. Dr Cabdulmajiid oo doodiisa sii wataa wuxuu yiri, carabtu nasiib unbey u yeesheen iney afkaan ku hadlaan, weyna ku hadleen waxayna ula baxeen af Carabi. Doodda Dr Cabdulmajiid waxaa adkaynaysa xadiiska nebiga scw laga wariyay; انماالعربية بلسان "carabinimadu waa carabka" oo uu nebigu scw ula jeedo in ku hadalka af carabiga uu qofku ku noqonayo Carab. Carabna loolama jeedo isir ama diin, ee waa ku hadalka luuqadda fitrada.
In luuqadda Carabiga tahay luuqadda fitrada aadanaha ku abuuran waxaa u daliil ah, Nebi walba wuxuu Eebe u diray qoomkiisa oo ey isku af yihiin. Eebe wuxuu yiri: وَمَا أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ "Rasuulna ma'aanan ku dirin waxaan afka qoomkiisa ka aheyn, si uu [risaalada] ugu caddeeyo...". Halka nebi Muxammad NNKH loosoo diray caalamiinta oo dhan [dunida iyo waxwalba oo ku jira] si uu naxariis ugu noqdo. وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ "Kumana aanan diri [Muxamaddoow] adigoo naxariista caalamka ah mooyee". Haddaba maadaama luuqadda uu nebigu ku hadlayay aheyd Carabi, Eebana uu yiri; rasuul walba waxaan ku dirnay afka qoomkiisa si uu ugu caddeeyo risaalada; dhanka kalana Nebi Muxamad (NNKH) Caalamiinta oo dhan loosoo diray, waxaana ogsoonahay inaan caalamiinta oo dhan afka Carabiga eysan ku wada hadlin oo afaf kala duwan ey ku hadlaan; haddaba maxay tahay luuqadda nebi Muxammad NNKH lagu soo diray oo ey fahmayaan caalamiinta dhammaantood? Waa luuqadda caddeynta iyo fahamka taas oo xiriir la leh caqliga sida aayadda aan dhigaalkaan ku bilaabay ey tilmaamaysay. Sidaas aawadeed, luuqadda Carabigu waa luuqadda aadanaha ee caqliga xiriirka la leh, waana midda midda uu warku ku caddaado si dhammeystiran.
Luuqadyahannada casrigeena ee uu ugu horreeyo caalimka luuqadaha Noam Chomsky wuxuu sheegaa in dadku ey ku dhashaan nidaam luuqadeed oo fitri ah oo cad, balse markuu soo koro ayuu hadba qoladuu la joogo luuqadooda ku hadlaa. Balse, luuqaddaan fitriga ah waxay sii joogtaa gunta hoose ee hab-dhsmeedka nidaamka luuqadeed ee aadanaha, arrinkaan wuxuu Noam ugu yeeray 'deep construction' dhismaha gunta-fog. Noam wuxuu nidaamkaan ugu yeeray 'Ideal Linguistic System' Nidaam luuqadeed oo fariid ah, si kale haddaan u dhigo Noam wuxuu xiriirinayaa nidaamka luuqadeedka fariidka iyo caqliga, sida Quraanku u xiriiriyayba. Nidaamka luuqadeed ee fariidka ee ey ka hadleen khubarada luuqadaha waa luuqadda Carabiga ee Eebe ku xiray fahanka iyo caqliga.
Waxaa mudan inaan isweydiino maxay u dhintaan luuqadaha adduunka ama ey u doorsamaan oo ey luuqadda carabiga asalkeedii weli u heysataa? Tusaale ahaan, afka Ingiriiska ee Shakespear (abwaan Ingiriis ah oo noolaa casriyadii dhexe) ku hadli jiray maanta cid ku hadashaa maleh oo afka Ingiriiska isbeddel weyn ayaa ku yimid. Sidoo kale Faransiiska 300 oo sano ka hor iyo kan maanta dunida looga hadlaa waxay kala yihiin laba luuqadood. Luuqaddii Carabiga ee lagu hadli jiray qarnigii 7aad caruuraha uskuulaadka dhigta xataa waa fahmayaan, halka luuqadaha kale uu isbeddel weyn ku imaanayo muddo markii la joogaba. Sababaha ugu weyn ee taariikhyahannada u eeniyaan sababta diimaha ey u doorsamaan iney tahay luuqadda lagu soo dajiyay oo doorsanta ama dhimata.
Annagoo ka qiyaas qaadanayna dooda taariikhyahannada waxaan ku doodi karnaa sababta Quraanku uusan u doorsamin iney tahay maadaama lagu soo dajiyay luuqadda fitrada iyo Nidaam Luuqadeed Fariid ah kaas oo ku si gun dheer ugu abbuuran nidaamka aadanaha ee luuqadda. إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ "Dikriga annagaa soo dajinnay annagaanna xifdineena" Ma laga yaabaa xifdinta Eebe ka hadlayo iney tahay in Quraanka lagu soo dajiyay afka Carabiga kaas oo ku abuuran nidaamka fitrada ee dadka sida DNA-a, suurtagalna eysan aheyn in dabiicada ey beddesho ama ey dhimato? DNA-da waa aqoonsi shaqsiyadeed oo ku jira gudaha dhiigga qofwalba sida dhiigga, lafaha, hilibka iyo qeybaha jirka aadanaha oo dhan. Luuqadda Carabiga (ama luuqadda fahanka) waxaan ku doodi karnaa iney sidaas tahay oo sida DNA ey fitrada aadanaha ku jirto.
Dhigaalkaan waxaan kusoo gunnaanadayaa aayadda oranaysa:
وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا أَعْجَمِيًّا لَّقَالُوا لَوْلَا فُصِّلَتْ آيَاتُهُ ۖ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ
"Haddaan ka yeeli laheyn Quraanka Cajami, [gaaladii Quraysh] waxay dhihi lahaayeen; aayaadkiisa maxaa loo caddeyn waayay? ma [Quraan] Cajami ah iyo [Nebi] Carabi ah? ۗAayaddaan waxaan ka fahmaynaa in xataa gaaladii Quraysh ey war caddeynta iyo fahanka la xiriiriyeen luuqadda Carabiga, umana eysan fahansaneen in luuqadda Carabiga tahay tan ey ku hadlayaan oo qura, ee waxay u fahansanaayeen iney tahay mid fitro ah; oo hadduu Eebe lahadlaayo addoomadiisa uu luuqaddaas fitriga kula hadlaayo.
Comments
Post a Comment