Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida

 Soomaalida cayda ugu xun ee ay qof ku caayaan waa: “yuhuudyahow, yuhuudku dhalay.” Waa eray ka dhashay nacayb, shaki, iyo sawir maskaxeed oo si qoto dheer ugu beermay maskaxda bulshada. Dadkii sidaas loo necbaa, loo xaqiri jiray, looguna adeegsan jiray cayda ugu dambaysa ee lagu dhaawaco sharafta qof, ayaa maanta laga dalbaday aqoonsi siyaasadeed. Taasi ma aha is-beddel yar; waa qiyaas taariikheed oo caddeynaysa in qadiyadda Soomaalidu ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee suurtagal ah—sagxadda.

Faylasuufyadii iyo culumadii cilmiga bulshada dunida ugu aqoonta badnaa waxay na bareen in marka ummad gaarto sagxadda, aysan jirin meel kale oo ay uga sii hoos dhacdo. Sida uu tilmaamay Georg Wilhelm Friedrich Hegel, taariikhdu waxay u socotaa qaab is-diid ah; hoos-u-dhacu ma aha dhammaad, balse waa marxalad khasab u ah in xal ka sarreeya kii hore la gaaro. Marka is-diidku gaaro xadka ugu dambeeya, wuxuu dhalinayaa waji cusub oo ka duwan labadii hore.

Aragtidan waxaa sii xoojinaya Friedrich Nietzsche, oo aaminsanaa in burburku yahay shuruud dhalinaysa nolol cusub. Sida uu yiri, “Fowdo ayaa lagama maarmaan u ah dhalashada xiddig cusub.” Fowdada maanta ka muuqata qadiyadda Soomaalida—kala go’, musuq baahsan, boob hanti-qaran iyo jahawareer qaran—ma aha kaliya astaamo burbur, balse waa calaamado muujinaya in fakar hore uu dhammaaday, mid cusubi-na uu foolanayo kaasoo u baahan inuu dhasho. Waxaan maraynaa waa xanuunka foosha.

Dhanka kale, faylasuufka Muslimka ah Ibn Khaldun wuxuu caddeeyay in ummaduhu maraan wareeg nololeed: kacdoon, awood, dayac, burbur, iyo dib-u-bilow. Marka la eego aragtidan, Soomaalidu maanta kuma jirto marxalad dabar-go’, (ama weli ma gaarin) balse waxay taagan tahay xadka u dhexeeya burburkii hore iyo bilow cusub—haddii ay hesho fikir cusub oo ku dhisan caddaalad iyo run-taariikheed, way badbaadaysaa, wayna ka gudbi buundada. Haddii kale, sida Ibnu Khalduun sheegay way dabar-go’i.

Falsafadda jiritaanka (existentialism), sida ay u fahmeen faylasuufiin ay ka mid yihiin Jean-Paul Sartre, waxay sheegaysaa in macnaha nolosha—ama qaranimada—aan la dhaxlin, balse lagu abuuro go’aan adag oo la qaato xilli masiibo ah oo sagxadda la gaaray. Ummad marka ay gaarto xaalad ay ceeb, fadeexad, hoos-u-dhac, iyo jahawareer isu biirsadaan, waxaa hortaal laba doorasho: inay is-dumiso ama inay dib-isu-abuurto.

Ugu dambayn, sida uu tilmaamay Albert Camus, kacdoonka dhabta ah wuxuu bilaabmaa marka qof ama bulsho ay si cad u tiraahdo: “Meeshaan kama sii hoos degayo.” Taasi waa xilliga ay bilowdo isbeddelka runta ah—ma aha mid ku dhisan nacayb ama aargoosi, balse waa mid ku dhisan xisaab qaldantay oo la saxayo.

Haddaba, marka dadkii cayda loogu adeegsan jiray ay noqdaan kuwo aqoonsi laga dalbado, taasi ma aha guul, mana aha sharaf; waa caddayn murugo leh oo muujinaysa in sagxaddii la gaaray. Laakiin falsafaddu waxay inoo sheegaysaa hal xaqiiqo oo aan laga baxsan karin: Marka sagxadda la gaaro, jidka kaliya ee bannaan waa xagga sare.

Taariikhda ummadaha mararka qaar uma socoto si toosan; waxay qaaddaa waddo qalloocan, hoos-u-dhacsan, jab, iyo mar kalana kor ayay u kacdaa. Ummad kastaa waxay leedahay waqtiyo ay isku aragto meel sare iyo waqtiyo ay gaarto halka ugu hooseysa ee jiritaankeeda taariikheed. Soomaalidu maanta waxay joogtaa meel aan si fudud loo dafiri karin: sagxaddii taariikhda.

Wararka ku saabsan in Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland ma aha arrin gooni ah oo ku kooban siyaasadda Geeska Afrika, balse waa calaamad weyn oo muujinaysa halka ay maanta taagan tahay qadiyadda Soomaalida. Qoraalkan ma difaacayo aqoonsigaas, mana taageerayo gooni-isu-taagga, balse wuxuu falanqaynayaa macnaha qoto dheer ee dhacdadan iyo waxa ay ka dhigan tahay mustaqbalka Soomaalida.

Sagxadda: Falsafad iyo Siyaasad

Waxaa jirta aragti oranaysa: Haddii qof ama ummad ay gaarto badda gunteeda, hadday weli nooshahay, jidka kaliya ee u bannaan waa kor.

Sagxadda micnaheedu ma aha dhammaad; waa xadka ugu hooseeya ee la gaari karo. Wax ka hooseeya sagxadda ma jirto. Sidaas darteed, marka la gaaro heerkaas, doorasho kale ma jirto marka laga reebo kor-u-kac.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu dunida u muujiyay in arrinta Soomaalida aysan ahayn mid hoos u sii degaysa—ee ay gaartay heerkii ugu dambeeyay ee hoos-u-dhaca. Taasi waa xaqiiqo xanuun badan, balse sidoo kale waa bilow fursad suurtagal ah.

Dulmar Taariikheed: Halka Taariikhdu ka qalloocatay

Si loo fahmo halka aan maanta joogno, waa in dib loo noqdaa:

  • 1960-kii: Laba gobol oo xor ah—Somaliland iyo Soomaaliya Talyaaniga ka xoroobay—ayaa ku midoobay rajo qaran oo sare.
  • Waxaa xusid mudan in Somaliland ay iyagu yimaadeen Muqdisho, iyagoo u arkayay midnimada inay tahay himilo ka weyn caasimad iyo jagooyin.
  • Sanadihii xigay, midnimadii waxaa hareeyay maamul-xumo, cadaalad-darro, sinnaan la’aan, kalitalisnimo, xasuuq iyo qax.
  • 1991-kii: Burburkii dowladdii dhexe wuxuu furay bog cusub oo kala fogaansho, shaki, iyo dhaawac qaran.
  • Maamuuladii la sameeyay tan iyo waagaas waxay ahaayeen qaar lagu fogeeyay dadka Somaliland, lana duudsiiyay xuquuqdooda.

Tan iyo xilligaas, xal dhab ah looma helin su’aasha aasaasiga ah: Sidee loogu wada noolaan karaa si caddaalad ku dhisan?

Aqoonsiga Israa’iil: Calaamad, Ma Aha Sabab

Waa muhiim in si cad loo kala saaro calaamad iyo sabab. Aqoonsiga Israa’iil ma aha sababta dhibaatada Soomaalida, balse waa calaamad muujinaysa in dunidu u aragto Soomaalida ummad aan weli xal u helin khilaafkeeda gudaha. Taas oo Israa’iil doonayso inay uga faa’iideysato danaheeda.

Marka qadiyaddu gaarto heer ay quwado shisheeye si fagaare ah uga dhex muuqdaan, waxay taasi tilmaamaysaa in mas’uuliyaddii gudaha la dayacay. Taasi waa sagxadda.

Fursadda Ku Jirta Hoos-u-Dhaca

Raysal wasaarihii hore e dalka Ingiriiska Winston Churchill ayaa waxaa laga guntay hadal xikmad ah oo taariikhda gashay, oo wuxuu yiri: “Sharraystuhu fursad kasta dhibaato ayuu ka dhex arkaa, halka kheyr-raadiyuhu dhibaato kasta fursad ka dhex arko.” Si ka duwan fahamka caadiga ah, hoos-u-dhacu mararka qaar wuxuu noqdaa baraarug. Markay ummaddu ogaato in aysan jirin meel ka sii hooseysa sagxadda, waxaa dhalan kara su’aalo dhab ah:

  • Maxaa qaldamay?
  • Maxaa la iska indho tiray?
  • Sidee loo sixi karaa qaladaadkii hore?

Halkan ayay dooddu salka ku haysaa: in aqoonsigan, inkastoo uu yahay mid dhaawac leh, uu soo dedejin karo fikir cusub oo qaran.

Caddaalad Taariikheed: In Doorkan Loo Tago Somaliland

Haddii si daacad ah loo raadinayo dib-u-mideyn, waa in la aqoonsadaa xaqiiqo taariikheed: Somaliland mar hore ayay u soo dhaqaaqeen midnimo.

Sidaas darteed, maanta haddii dib loo fakarayo:

  • Waa suurtagal in doorka loo tago Hargeysa.
  • Waa suurtagal in Hargeysa laga dhigo caasimad qaran, ama
  • In madaxweynaha qaranku ka yimaado Somaliland.

Arrimahan ma aha tanaasul daciifnimo, balse waa sixid qalad hore. Midnimo lagu dhiso sinaan iyo caddaalad ayaa ka adkaysi badan mid lagu dhiso awood iyo tiro.

 

 

Gunaanad: Sagxadda Ka Dib Maxaa Jira?

Soomaalidu maanta waxay joogtaa sagxaddii taariikhdeeda. Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma aha dhammaad, balse waa qaylo-dhaan. Waa fariin oranaysa: “Hadda ama waligeed.”

Haddii laga faa’iidaysto xilligan:

  • waxaa suuragal ah dib-u-fakar qaran,
  • dib-u-heshiisiin dhab ah,
  • iyo dib-u-mideyn ku dhisan caddaalad, ma aha qasab.

Taariikhdu mar walba fursad ayay siisaa kuwa ka barta khaladkooda. Su’aashu ma aha in sagxadda la gaaray—taasi waa xaqiiqo—ee waa: ma ka kici doonnaa mise waan ku sii nagaan doonaa ilaa aan dabar-go’no?

 

 

Comments

  1. Qormo xeel dheer oo waaqica taabanaysa, ku dhisan aqoon iyo u kuurgal dhab ah. Iftiimin xal iyo fahan wixii lasoo maray. Aad baan kaaga mahadcelinayaa qormadaan ustaad.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid ustaad, dhhirigelintaadu waa ii sharaf.

      Delete
  2. Illaahay garashada hakuu siyaadiyo.
    Hadii inta wanaagsan ee indheer garadkaa bulshada hogaamin lahayd horaa tan loo amba qaadi lahaa.
    Badbaadadu waxay kujirta a in dib la isugu noqdo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aamiin walaalkay, kulligeynba inshallah. Waxaan u baahannahay inaan dhaqdhaqaaq samayno, oo aynaan siyaasiyiin danahooda oo qudha u ordaya wax ku sugin.

      Delete
  3. Soomaalida cayda ugu xun ee ay qof ku caayaan waa: “yuhuudyahow, yuhuudku dhalay.” Waa eray ka dhashay nacayb, shaki, iyo sawir maskaxeed oo qoto dheer ku reebmay bulshada.

    Aad baan uga helay

    ReplyDelete
  4. Waa qoraal fiican oo loo baahna. Somalia guud ahaan in ay wada hasho ay ka arrimiso sidi midnimadii loo soo celin laha waa muhim waana arrin u baahan in si deg deg ah loo wajaho. Lakin in wadadii loo Mari laha loo daayo dadweynaha iila fiican oo La hor dhigin shuruudo keeni karta kala fogaansho cusub.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA