Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida
Soomaalida cayda ugu xun ee ay qof ku caayaan waa: “yuhuudyahow, yuhuudku dhalay.” Waa eray ka dhashay nacayb, shaki, iyo sawir maskaxeed oo si qoto dheer ugu beermay maskaxda bulshada. Dadkii sidaas loo necbaa, loo xaqiri jiray, looguna adeegsan jiray cayda ugu dambaysa ee lagu dhaawaco sharafta qof, ayaa maanta laga dalbaday aqoonsi siyaasadeed. Taasi ma aha is-beddel yar; waa qiyaas taariikheed oo caddeynaysa in qadiyadda Soomaalidu ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee suurtagal ah—sagxadda.
Faylasuufyadii iyo culumadii
cilmiga bulshada dunida ugu aqoonta badnaa waxay na bareen in marka ummad
gaarto sagxadda, aysan jirin meel kale oo ay uga sii hoos dhacdo. Sida uu
tilmaamay Georg Wilhelm Friedrich Hegel, taariikhdu waxay u socotaa qaab
is-diid ah; hoos-u-dhacu ma aha dhammaad, balse waa marxalad khasab u ah in xal
ka sarreeya kii hore la gaaro. Marka is-diidku gaaro xadka ugu dambeeya, wuxuu
dhalinayaa waji cusub oo ka duwan labadii hore.
Aragtidan waxaa sii xoojinaya Friedrich
Nietzsche, oo aaminsanaa in burburku yahay shuruud dhalinaysa nolol cusub. Sida
uu yiri, “Fowdo ayaa lagama maarmaan u ah dhalashada xiddig cusub.” Fowdada
maanta ka muuqata qadiyadda Soomaalida—kala go’, musuq baahsan, boob
hanti-qaran iyo jahawareer qaran—ma aha kaliya astaamo burbur, balse waa
calaamado muujinaya in fakar hore uu dhammaaday, mid cusubi-na uu foolanayo
kaasoo u baahan inuu dhasho. Waxaan maraynaa waa xanuunka foosha.
Dhanka kale, faylasuufka Muslimka
ah Ibn Khaldun wuxuu caddeeyay in ummaduhu maraan wareeg nololeed: kacdoon,
awood, dayac, burbur, iyo dib-u-bilow. Marka la eego aragtidan, Soomaalidu
maanta kuma jirto marxalad dabar-go’, (ama weli ma gaarin) balse waxay taagan
tahay xadka u dhexeeya burburkii hore iyo bilow cusub—haddii ay hesho fikir
cusub oo ku dhisan caddaalad iyo run-taariikheed, way badbaadaysaa, wayna ka
gudbi buundada. Haddii kale, sida Ibnu Khalduun sheegay way dabar-go’i.
Falsafadda jiritaanka
(existentialism), sida ay u fahmeen faylasuufiin ay ka mid yihiin Jean-Paul
Sartre, waxay sheegaysaa in macnaha nolosha—ama qaranimada—aan la dhaxlin,
balse lagu abuuro go’aan adag oo la qaato xilli masiibo ah oo sagxadda la
gaaray. Ummad marka ay gaarto xaalad ay ceeb, fadeexad, hoos-u-dhac, iyo
jahawareer isu biirsadaan, waxaa hortaal laba doorasho: inay is-dumiso ama inay
dib-isu-abuurto.
Ugu dambayn, sida uu tilmaamay Albert
Camus, kacdoonka dhabta ah wuxuu bilaabmaa marka qof ama bulsho ay si cad u
tiraahdo: “Meeshaan kama sii hoos degayo.” Taasi waa xilliga ay bilowdo
isbeddelka runta ah—ma aha mid ku dhisan nacayb ama aargoosi, balse waa mid ku
dhisan xisaab qaldantay oo la saxayo.
Haddaba, marka dadkii cayda loogu
adeegsan jiray ay noqdaan kuwo aqoonsi laga dalbado, taasi ma aha guul, mana
aha sharaf; waa caddayn murugo leh oo muujinaysa in sagxaddii la gaaray.
Laakiin falsafaddu waxay inoo sheegaysaa hal xaqiiqo oo aan laga baxsan karin: Marka
sagxadda la gaaro, jidka kaliya ee bannaan waa xagga sare.
Taariikhda ummadaha mararka qaar uma
socoto si toosan; waxay qaaddaa waddo qalloocan, hoos-u-dhacsan, jab, iyo mar
kalana kor ayay u kacdaa. Ummad kastaa waxay leedahay waqtiyo ay isku aragto
meel sare iyo waqtiyo ay gaarto halka ugu hooseysa ee jiritaankeeda
taariikheed. Soomaalidu maanta waxay joogtaa meel aan si fudud loo dafiri
karin: sagxaddii taariikhda.
Wararka ku saabsan in Israa’iil ay
aqoonsatay Somaliland ma aha arrin gooni ah oo ku kooban siyaasadda Geeska
Afrika, balse waa calaamad weyn oo muujinaysa halka ay maanta taagan tahay
qadiyadda Soomaalida. Qoraalkan ma difaacayo aqoonsigaas, mana taageerayo
gooni-isu-taagga, balse wuxuu falanqaynayaa macnaha qoto dheer ee dhacdadan iyo
waxa ay ka dhigan tahay mustaqbalka Soomaalida.
Sagxadda: Falsafad iyo Siyaasad
Waxaa jirta aragti oranaysa: Haddii qof ama ummad ay
gaarto badda gunteeda, hadday weli nooshahay, jidka kaliya ee u bannaan waa
kor.
Sagxadda micnaheedu ma aha
dhammaad; waa xadka ugu hooseeya ee la gaari karo. Wax ka hooseeya sagxadda ma
jirto. Sidaas darteed, marka la gaaro heerkaas, doorasho kale ma jirto marka
laga reebo kor-u-kac.
Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
wuxuu dunida u muujiyay in arrinta Soomaalida aysan ahayn mid hoos u sii
degaysa—ee ay gaartay heerkii ugu dambeeyay ee hoos-u-dhaca. Taasi waa xaqiiqo
xanuun badan, balse sidoo kale waa bilow fursad suurtagal ah.
Dulmar Taariikheed: Halka Taariikhdu ka qalloocatay
Si loo fahmo halka aan maanta joogno, waa in dib loo noqdaa:
- 1960-kii: Laba gobol oo xor ah—Somaliland iyo
Soomaaliya Talyaaniga ka xoroobay—ayaa ku midoobay rajo qaran oo sare.
- Waxaa xusid mudan in Somaliland ay iyagu yimaadeen
Muqdisho, iyagoo u arkayay midnimada inay tahay himilo ka weyn caasimad
iyo jagooyin.
- Sanadihii xigay, midnimadii waxaa hareeyay
maamul-xumo, cadaalad-darro, sinnaan la’aan, kalitalisnimo, xasuuq iyo qax.
- 1991-kii: Burburkii dowladdii dhexe wuxuu furay bog
cusub oo kala fogaansho, shaki, iyo dhaawac qaran.
- Maamuuladii la sameeyay tan iyo waagaas waxay
ahaayeen qaar lagu fogeeyay dadka Somaliland, lana duudsiiyay xuquuqdooda.
Tan iyo xilligaas, xal dhab ah
looma helin su’aasha aasaasiga ah: Sidee loogu wada noolaan karaa si
caddaalad ku dhisan?
Aqoonsiga Israa’iil: Calaamad, Ma Aha Sabab
Waa muhiim in si cad loo kala
saaro calaamad iyo sabab. Aqoonsiga Israa’iil ma aha sababta dhibaatada
Soomaalida, balse waa calaamad muujinaysa in dunidu u aragto Soomaalida ummad
aan weli xal u helin khilaafkeeda gudaha. Taas oo Israa’iil doonayso inay uga
faa’iideysato danaheeda.
Marka qadiyaddu gaarto heer ay
quwado shisheeye si fagaare ah uga dhex muuqdaan, waxay taasi tilmaamaysaa in
mas’uuliyaddii gudaha la dayacay. Taasi waa sagxadda.
Fursadda Ku Jirta Hoos-u-Dhaca
Raysal wasaarihii hore e dalka
Ingiriiska Winston Churchill ayaa waxaa laga guntay hadal xikmad ah oo
taariikhda gashay, oo wuxuu yiri: “Sharraystuhu fursad kasta dhibaato ayuu ka
dhex arkaa, halka kheyr-raadiyuhu dhibaato kasta fursad ka dhex arko.” Si ka
duwan fahamka caadiga ah, hoos-u-dhacu mararka qaar wuxuu noqdaa baraarug.
Markay ummaddu ogaato in aysan jirin meel ka sii hooseysa sagxadda, waxaa
dhalan kara su’aalo dhab ah:
- Maxaa
qaldamay?
- Maxaa
la iska indho tiray?
- Sidee
loo sixi karaa qaladaadkii hore?
Halkan ayay dooddu salka ku
haysaa: in aqoonsigan, inkastoo uu yahay mid dhaawac leh, uu soo dedejin karo fikir
cusub oo qaran.
Caddaalad
Taariikheed: In Doorkan Loo Tago Somaliland
Haddii si daacad ah loo raadinayo
dib-u-mideyn, waa in la aqoonsadaa xaqiiqo taariikheed: Somaliland mar hore
ayay u soo dhaqaaqeen midnimo.
Sidaas darteed, maanta haddii dib loo fakarayo:
- Waa
suurtagal in doorka loo tago Hargeysa.
- Waa
suurtagal in Hargeysa laga dhigo caasimad qaran, ama
- In madaxweynaha
qaranku ka yimaado Somaliland.
Arrimahan ma aha tanaasul
daciifnimo, balse waa sixid qalad hore. Midnimo lagu dhiso sinaan iyo caddaalad
ayaa ka adkaysi badan mid lagu dhiso awood iyo tiro.
Gunaanad: Sagxadda Ka Dib Maxaa Jira?
Soomaalidu maanta waxay joogtaa
sagxaddii taariikhdeeda. Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma aha dhammaad,
balse waa qaylo-dhaan. Waa fariin
oranaysa: “Hadda ama waligeed.”
Haddii laga
faa’iidaysto xilligan:
- waxaa
suuragal ah dib-u-fakar qaran,
- dib-u-heshiisiin dhab ah,
- iyo dib-u-mideyn ku dhisan caddaalad,
ma aha qasab.
Taariikhdu mar walba fursad ayay siisaa kuwa ka barta khaladkooda. Su’aashu
ma aha in sagxadda la gaaray—taasi waa xaqiiqo—ee waa: ma ka kici doonnaa mise
waan ku sii nagaan doonaa ilaa aan dabar-go’no?
Qormo xeel dheer oo waaqica taabanaysa, ku dhisan aqoon iyo u kuurgal dhab ah. Iftiimin xal iyo fahan wixii lasoo maray. Aad baan kaaga mahadcelinayaa qormadaan ustaad.
ReplyDeleteMahadsanid ustaad, dhhirigelintaadu waa ii sharaf.
DeleteIllaahay garashada hakuu siyaadiyo.
ReplyDeleteHadii inta wanaagsan ee indheer garadkaa bulshada hogaamin lahayd horaa tan loo amba qaadi lahaa.
Badbaadadu waxay kujirta a in dib la isugu noqdo
Aamiin walaalkay, kulligeynba inshallah. Waxaan u baahannahay inaan dhaqdhaqaaq samayno, oo aynaan siyaasiyiin danahooda oo qudha u ordaya wax ku sugin.
DeleteSoomaalida cayda ugu xun ee ay qof ku caayaan waa: “yuhuudyahow, yuhuudku dhalay.” Waa eray ka dhashay nacayb, shaki, iyo sawir maskaxeed oo qoto dheer ku reebmay bulshada.
ReplyDeleteAad baan uga helay
Waa qoraal fiican oo loo baahna. Somalia guud ahaan in ay wada hasho ay ka arrimiso sidi midnimadii loo soo celin laha waa muhim waana arrin u baahan in si deg deg ah loo wajaho. Lakin in wadadii loo Mari laha loo daayo dadweynaha iila fiican oo La hor dhigin shuruudo keeni karta kala fogaansho cusub.
ReplyDelete