Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay
Waxaa la weriyey in Nebi Sulaymaan (CS) uu maalin istaagay isagoo ku tiirsan ushiisii, jinnigii u shaqaynayayna ay si joogto ah ugu hawlanaayeen hawlihii culus ee uu faray. Maalmo—ama bilo—ayay shaqada sii wadeen, iyagoo u haysta in boqorkoodii weli nool yahay, maadaama uu taagnaa oo aanu dhulka ku dhicin. Wax walba way u ekaayeen sidii caadiga ahayd: amarro waa la fulinayay, nidaamkii waa shaqaynayay, awoodduna weli way muuqanaysay.
Laakiin xaqiiqdu way ka duwanayd muuqaalka.
Quraanku wuxuu inoo
sheegayaa in Nebi Sulaymaan (CS) uu mar hore dhintay, balse aan la ogaan ilaa aboor
dhulka kasoo baxay uu cunay ushii uu ku tiirsanaa. Markii ay ushu jabtay ayuu
dhacay, waxaana markaas uun u caddaatay jinnigii in ay muddo dheer u
shaqaynayeen mayd—oo aanay ahayn boqor nool. Haddii ay ogaan lahaayeen
xaqiiqadaas hore, ma aysan kusii jireen cadaabka darran.
Qisadani ma aha oo keliya mucjiso taariikheed; waa xeer
fikir iyo cashar falsafadeed:
- · Wax taagan mar walba ma aha wax nool
- · Nidaamyadu waxay dhintaan markay gaaraan awooddooda meesha ugu sareysa, (eeg boqortooyooyinkii dunida soo maray)
- · Nidaamka isagoo u muuqda inuu awood badan yahay, ayuu haddana xaqiiqdii mayd yahay
- · Sumcad iyo magac hore makuu xajin (hayn) karaan awoodda.
Muddo dheer, Soomaalidu waxay ku
shaqaynaysay aragtiyo u ekaa kuwo nool—leh magacyo, dhaqdhaqaaq, iyo
taageerayaal—balse nolol ahaan dhintay. Aragtiyo haykal muuqda yeeshay, balse
aan lahayn awood ay ku xalliyaan su’aalaha dawladnimo, muwaadinnimo, iyo kala-duwanaansho
bulsho. Annaga ayaan fahmin mooyee, waxaannu u shaqaynaynay mayd taagan.
Faylasuufyadu waxay isku raacsan yihiin
hal qodob: aragtiyuhu ma dhintaan marka la diido, balse marka ay lumiyaan
awooddii ay wax ku fasiri lahaayeen. Marka aragti sii ahaato haykal muuqda
balse ay ka dhammaato nafta iyo shaqadii ay bulshada u qaban lahayd, waxay isu
beddeshaa wax taariikh ahaan jooga balse nolol ahaan dhintay.
Sida uu yiri Friedrich Nietzsche:
Maqaalkani wuxuu ku doodayaa in aqoonsiga
Israel ee Somaliland uu noqday aboorkii cunay usha—kii fashiliyay
muuqaalka been-abuurka ahaa, una muujiyay in aragtiyo badan oo Soomaalidu muddo
ku tiirsanayd ay waqtigoodii dhammaadeen. Halkaas ayay ka bilaabatay sagxaddii
qadiyadda Soomaalida: heer aan waxba ka sii hoosayn, balse laga yaabo inuu noqdo
bilow cusub.
Haddaba, su’aashu ma aha waxa dhacay, ee waa: maxay ahayd
aragtida dhimatay? maxaase ka dhalan kara aaska aragtiyadii duugga ahaa?
Dhimashada Afkaar Hore
Anigu waxaan ka soo jeedaa
jiilkii islaamiyiinta iyo xarakooyinka. Waxaan ku soo barbaaray dhammaan
madaaristooda kala duwan: Suufiga, Ikhwaaniga, iyo Salafiyada. Jiilashii
naga horreeyay waxay soo mareen marxalado adag; waxay bixinayeen naf, waqti,
iyo aqoon intii karaankooda ah. Waxay na siiyeen jihooyin ay u arkayeen in
sawaabku ku jiro, iyagoo ku shaqaynaya duruufo ad-adag oo kalitalisnimo,
dagaallo sokeeye iyo burbur qaran dhexdiis ah.
Marka qadiyad gaarto sagxadda, ma
burburto kaliya khariidad siyaasadeed; afkaar dhan ayaa dhacda. Fikrado
muddo dheer suuqa ku jiray—ku shaqaynayay rajo, shucuur, ama mala-awaal—ayaa
luminaya saldhiggoodii.
Midda ugu cad ee gilgishay waa
waxa loo yaqiin siyaasiga Islaamka ama saxwada Islaamka ee
qaabkii hore. Afkaartani waxay ku tiirsanayd mala-awaal oranaya in diintu si
toos ah u dhalin karto dawlad, caddaalad, iyo midnimo; iyadoo aan la diyaarin
qorshayaal waaqici ah oo salka ku haya daraaso bulshadeed. Laakiin marka bulsho
Muslim ah ay gaarto heer ay aqoonsi ka raadsato cid ay shalay u adeegsan jirtay
cayda ugu xun, sheekadii hore way burburtaa. Tanina waxay daliil u tahay
in fikirka Siyaasiga Islaamka (Political Islam) ama saxwada Islaamka ay
tahay mid dhimatay oo ay tahay in la aaso inta faataxada loo maro. Haddii aan
si kale u dhigo, waxaan ka hadlayaa waa fikirka xarakooyinka afartankii
sanadood ee lasoo dhaafay aad uga muuqday saaxada Islaamka gaar ahaan tan
Soomaaliya, ee kama hadlayo isku xukunka diinta Islaamka, taasi waa arrin kale
oo u baahan in maqaamkeeda looga doodo.
Sidoo kale, saaxadda waxaa ka baxaya:
- Fikraddii
ahayd in qabiil laga dhigi karo dawlad
- riyadii midnimo aan caddaalad ku
dhisnayn,
- in koox kaligeed qaran hogaamin karo
(tusaale, kooxda Xasan Shiikh labada jeer uu xukunka qabtay)
- iyo
mala-awaalkii ahaa in waqtigu kaligiis wax sixi doono.
Sagxadda taariikhdu hal shaqo ayay qabataa: inay kala
saarto fikirka nool iyo kan la moodayay inuu nool yahay.
Muddo dheer, aragtidaas waxay
ahayd haykal muuqda balse aan nafi ku jirin. Annaga oo aan fahmin
mooyee, aragtidu waxay ahayd mayd la qaabeeyey, oo dhaqdhaqaaq iyo magac
leh, balse aan lahayn awood ay ku xalliso su’aalaha dawladnimo, muwaadinnimo,
iyo kala-duwanaansho bulsho.
Musmaarkii Ugu Dambeeyay ee
Naxashka
Haddaba, haddii aragtidaasi ahayd
mayd muddo socday, maxaa noqday musmaarkii ugu dambeeyay ee naxashka?
Jawaabtu waa cadahay: aqoonsiga
Israel ee Somaliland.
Marka bulsho Muslim ah ay gaarto
heer ay aqoonsi ka raadsato cid ay shalay ay ka aaminsanayd inay tahay
cadowgeeda koowaad, waxay taasi si cad u muujinaysaa in sheekooyinkii mala-awaalka
ahaa ay burbureen. Waxaa dumay:
- Aragtidii ay ku baaqayeen xarkaadka Islaamka
- In qabiil
dawlad noqon karo
Georg Wilhelm Friedrich Hegel
oo si qot dheer noogu sharaxaya dhimashada aragtiyaha iyo nidaamyada wuxuu
yiri: taariikhdu waxay horumarisaa nafteeda marka aragti hore ay la kulanto
is-diid aanay xamili karin. Markaas ma sii jirto; waxay u banneysaa mid cusub.
Interregnum: Xilligii Qaska
iyo Dhalashada Cusub
Faylasuufka Talyaaniga Antonio
Gramsci wuxuu yiri:
“The old is dying and the new
cannot be born; in this interregnum a great variety of morbid symptoms appear.”
Oo micnaheedu yahay:
Soomaalidu maanta waxay ku jirtaa
interregnum—xilli ay aragtiyihii hore dhimanayaan, kuwa cusubi-na weli
si buuxda u dhalan. Qaska, jahawareerka, iyo doodaha kulul ee maanta taagan ma
aha calaamado burbur kaliya; waa calaamado is-beddel maskaxeed.
Gunaanad Aragtiyeed
Sidaas darteed, dooddaydu ma aha
in la canaanto jiilashii hore, mana aha in la diido diinta ama taariikhda. Waa aqoonsi
run ah oo oranaya:
Aragti shaqadeeda gudan weyday
waa in si sharaf leh loo aaso, si mid cusub u dhalato.
Aqoonsiga Israel ee Somaliland ma
ahan kaliya dhacdo siyaasadeed; waa dhacdadii falsafadeed ee muujisay in
aragtiyo badan oo Soomaalidu ku noolayd ay dhammaadeen waqtigoodii. Haddii
aanan aqbalin dhimashadaas, ma heli doonno dhalasho cusub.
Halkaas ayay ka bilaabanaysaa
doodda “Qabiil dawlad ma noqdo”—iyo in qaran casri ah u baahan yahay
aragti ka baxsan mala-awaal, ka gudubta one-ethnic state, kuna dhisan
muwaadinnimo, kala duwanaansho iyo caddaalad.
Comments
Post a Comment