QALANJO LUGO DHEER IYO WIILKII FAKHRIGA AHAA (2) [SHEEKO JECEYL]
QALANJO LUGO DHEER IYO WIILKII FAKHRIGA AHAA (2) [SHEEKO JECEYL] Weligey danbe ma arkayo Rooble, jeceylkayga! Jeceyl aan laguula ogeyn dhib badanaa, ooraahyadaas ayaa Qalanjo maskaxdayda ka guuxayay. Waxaa xusid mudan in Qalanjo inan yar aheyd—oo aan guur gaarin amaba waxba ka aqoon guur. Jeceylka ey Rooble yare u qaadday waxaa xiliigaas lagu fasiri karaa oo qudha inuu ahaa naxariis iyo dareen ey dareemaysay sidey u xanuun badan tahay agoonimada, iyo noolaanshaha aabe iyo hooyo la’aan, maadaama ey iyada laftigeeda aheyd agoon. Balse, Qalanjo oo eegeysa Rooble sawirkiisa waxay tiri: waxaan ku jeclaaday maalintii ugu horreysay ey indhahaygu ku qabteen. Kuguma jeclaan inaad agoon tahay, balse waxaan kugu jeclaaday sida aad u faraxsan tahay oo marwalba aad u dhoola caddeyneysid—adigoo agoon ah oo aan heysan cid ku kafaallo qaadda. Sidoo kale, waxaan kuugu jeclaaday sida aad uga dhex muuqatid caruurta kula midka ah, haddey noqon laheyd farxad, bashaashnimo; xataa marka...