QALANJO LUGO DHEER IYO WIILKII FAKHRIGA AHAA (2) [SHEEKO JECEYL]

QALANJO LUGO DHEER IYO WIILKII FAKHRIGA AHAA (2)
[SHEEKO JECEYL]

Weligey danbe ma arkayo Rooble, jeceylkayga! Jeceyl aan laguula ogeyn dhib badanaa, ooraahyadaas ayaa Qalanjo maskaxdayda ka guuxayay. Waxaa xusid mudan in Qalanjo inan yar aheyd—oo aan guur gaarin amaba waxba ka aqoon guur. Jeceylka ey Rooble yare u qaadday waxaa xiliigaas lagu fasiri karaa oo qudha inuu ahaa naxariis iyo dareen ey dareemaysay sidey u xanuun badan tahay agoonimada, iyo noolaanshaha aabe iyo hooyo la’aan, maadaama ey iyada laftigeeda aheyd agoon. Balse, Qalanjo oo eegeysa Rooble sawirkiisa waxay tiri: waxaan ku jeclaaday maalintii ugu horreysay ey indhahaygu ku qabteen.

Kuguma jeclaan inaad agoon tahay, balse waxaan kugu jeclaaday sida aad u faraxsan tahay oo marwalba aad u dhoola caddeyneysid—adigoo agoon ah oo aan heysan cid ku kafaallo qaadda. Sidoo kale, waxaan kuugu jeclaaday sida aad uga dhex muuqatid caruurta kula midka ah, haddey noqon laheyd farxad, bashaashnimo; xataa markaad banooniga dheeleysid waad ka dhex muuqataa caruurta kale. Marwalba aan xerada imaado waxaan jeclaa inaan kuu imaado oo kula sheekeysto, kula ciyaaro—oo farxadda kula wadaago. Balse, waxaan ahaa nacasad, ma awoodin xataa inaan hortaada istaago. Waxaas oo bahdil ah waxaa ii keenay qalbigeyga doqonka ah, oo aan sinnaba u degeyn inuu ku arko mooyee.

Waxa kaliya aan qalbigeyga ku sasabay waa qoridda waraaqo jeceyl oo aan adiga kuu qorayay, balse, aanan awoodin inaan kuusoo diro. Marwalba waxaan qoraa hees ama geeraar aan adiga kuu tiriyay, markaan damco inaan kuusoo diro waan awoodi kari waayaa. Ma dooneyn inaan sii ahaado kafaallo qaadahaaga sirta ah, waxaan habeen walba ku seexdaa inaan aroortii ku dhowaaqo jeceylkayga oo kula wadaago qisadayda, balse, goortuu waaga baryo ayaan is iraahdaa, ka waran hadduu kaa jajabiyo ama qalbigaaga dhaawaco? Deedna waxaan go’aansadaa inaan dib u dhigo. Sidaas aawadeed ayaan diyaarad usoo qaatay si aan arrinkaan kuula wadaago. Adigana waxaad iigu jawaabtay jeesjees iyo bahdilaad. Qalbigeyga waa mid dhaawacan oo rajadii uu lahaa god madow ay sii galeyso, iima muuqato ififaalo igu dhiirigelineysa inaan doonista qalbigaaga ku guuleysan doono. Ma aqaan sidaan isaga indha tiri lahaa inaadan i jecleyn oo aad qofkale nolosha la wadaagi rabto, waan isku dayey inaan is ilaawsiiyo dareenka aan kuu qabo, waxaan na dhexmaray aniga iyo qalbigeyga dagaal culus, wuu iga diidan yahay inaan xakameeyo, qalbigeyga madax adeeg wuxuu rabaa inuu ku jeclaado, kasokow wax walbo aan u sheego. Anigu sidaan kuma sii jiri kari.

Ugu danbeyntii iyadoo ilmadii iyo diifka isku dartay ayey waxay ku luuqeysay geeraar uu tiriyay Allaha ha unaxariistee abwaan Cabdullaahi Nuuradiin. Abwaanku wuxuu yiri:

Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye 

Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane

Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi'ine

Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye

Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa'e

Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne

Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye

Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe

Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye

Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye

Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye

Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire

Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne

Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye

Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye

Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada'e
Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye

Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye

Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye

Waxbase yaan calaacalin dad waa kii calool adage

Midkii cudurkan igu beeray baa ii cadaawa ahe

Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye
Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine

Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye

Inuu caashaq rageed dilaan cidina moogayne

Aniga halkaan caawa aal ciribla' weeyaane

Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe

Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara'e

Cisraa'iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro'e

Teer iyo carruurnimo midkaan daba cataabaayey

Haddii uu i caawini lahaa cudur ma jiifeene

Cidlada iyo jirradu waa dartii caawa aan qabo'e

Qoftii caashaq rageed qabtooy, xiro calooshaada!

FG: gabayga waxaa loo tiriyay gabadha, aniga waxaan ka dhigay in wiil loo tiriyay si ey ula jaanqaaddo sheekadeena.

Abdiaziz Arab

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?