HOOYO WAA LAMA HURAAN. (QISO XANUUN BADAN).

Cumar waa nin dhalinyaro ah oo la nool xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay. Cumar wuxuu madax ka yahay shirkadda ugu weyn xaga ganacsiga ee magaaladiisa ka jirta. Wuxuu yiri qof dumar ah oo da' weyn oo il la' oo dhar duug ah xidhan, dayac iyo diifna Ey ka muuqato baa guriga igu soo gargaraacday maalin maalmaha kamid ah, ilaabkii markaan furay, mise waa sidii anigoo hurda macaan la iga kiciyay camal, qofkaan dumarka ah q albigeygu wuu garanayaa; laakiin caqligeygu ma xusuusto. Waxaan is iri malaha wey dawarsaneysaa (tuugsaneysaa) xoogaa shilimaad ah ayaan jeebka kasoo bixiyay oo aan usoo taagay, waxay igu tiri; Anigu ma dawarsado. Eedo maxaa kuu daran oo aan kuu qabtaa? Ayuu cumar weydiiyay islaantii – isagoo ixtiraam iyo qadarin ey ka muuqato. Waxay tiri waxba wiilkeygiiyoow!!! Wiilkeygiiyoow!!! Waan ladannahay! Sidee ayaan wiilkaaga ku noqday? Buu cumar weydiiyay islaantii, wuxuuna sii raaciyay aniga hooyadey waa qof la yaqaano oo xaafaddaan bey joogtaaye...