HOOYO WAA LAMA HURAAN. (QISO XANUUN BADAN).



Cumar waa nin dhalinyaro ah oo la nool xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay. Cumar wuxuu madax ka yahay shirkadda ugu weyn xaga ganacsiga ee magaaladiisa ka jirta. Wuxuu yiri qof dumar ah oo da' weyn oo il la' oo dhar duug ah xidhan, dayac iyo diifna Ey ka muuqato baa guriga igu soo gargaraacday maalin maalmaha kamid ah, ilaabkii markaan furay, mise waa sidii anigoo hurda macaan la iga kiciyay camal, qofkaan dumarka ah qalbigeygu wuu garanayaa; laakiin caqligeygu ma xusuusto. Waxaan is iri malaha wey dawarsaneysaa (tuugsaneysaa) xoogaa shilimaad ah ayaan jeebka kasoo bixiyay oo aan usoo taagay, waxay igu tiri; Anigu ma dawarsado. Eedo maxaa kuu daran oo aan kuu qabtaa? Ayuu cumar weydiiyay islaantii – isagoo ixtiraam iyo qadarin ey ka muuqato. Waxay tiri waxba wiilkeygiiyoow!!! Wiilkeygiiyoow!!! Waan ladannahay! Sidee ayaan wiilkaaga ku noqday? Buu cumar weydiiyay islaantii, wuxuuna sii raaciyay aniga hooyadey waa qof la yaqaano oo xaafaddaan bey joogtaayee! Ilmada iyadoo qarsaneysa ayey tiri: ma hooyo aqoon weyday ilmaheeda ayaa jirta?!
Arintii baa yaab iyo amagaak ku noqotay cumar!!! Isagoo garan la’ wuxuu sameeyo, haddana aan dooneyn inuu islaanta ilbaabka ka xirto ayuu Islaantii ku yiri; Eedo aqalka soo gal, oo kursi fariisiyay deedna u keenay waxay cabto iyo waxay cunto. Sheekadii bey meeshoodii kasii wateen, ciyaalkii cumar baa uskuulka ka yimid, waxay kusoo ordeen aabahood oo shumiyeen. Cumar Islaantii qariibka aheyd ayuu inta xageeda usoo jeestay ku yiri: labadaan gabdhood anigaa dhalay; waxay Islaantii ku tiri Cumar iyadoo muusooneysa; haa waxaan ka gartay sidey kuugu eg yihiin.
Cumar Waa nin deeqsi ah, Allana u dhiibay maal badan, gabdhihii yar-yaraa ee Cumar uu dhalay baa Islaantii ka helay, oo waxay durbadiiba bilaabeen iney islaanta la ciyaaraan oo ka dhamaan waayaan meeshey fadhiday – ilaa laga gaadhay xiligii hurdada. Cumar waxaa la yaab ku noqotay sida islaantaan qariibka ah, ee labada saacaadood uun la joogtay ey gabdhihiisa uga heleen si dabiici ah, isagoo ogaa iney ka qaloon jireen dadka qariibka uoo eysan horay u arag, halka ayeydood (Waa islaanta Cumar u yaqaan Hooyo) oo ka ag dhoweed eysan weligood sidaan oo kale ugu farxin ama ula ciyaarin. Xaqiiq ahaan weyba necbanaayeen.
Waagii Wuxuu baryay Cumar oo weli la yaaban qisadii maanta, gabdhihii yar-yaraa baa soo kacay, aabahood bey waxay ku yiraahdeen: Aabe fadlan ayeeyo yeysan naga tagin inta aan uskuulka ku maqanahay. Cumar baa si caro ah u yiri: islaantaan ayeydiin ma'aha!! Ee mar danbe yaanan idinka maqal waxaas!!! Islaanta qolkii xalay la dejiyay ayey ku jirtaa weyna maqashay waxa Cumar ku yiri gabdhihiisa – niyaddaayey waxay ka tiri: "ilaahow Waxaan wax ogeyn ha cadaabin!!".
Cumar xaaskiisa baa reerka quraacdii u sameysay, ilmihii bey inta quraac siisay u labistay uskuulkana usii kaxeysay. Cumar islaantii qariibka aheyd buu quraac u geeyay. Xaaskii Cumar baa waxay si kas ah uga tagtay furihii gaarigeeda; gabdhaheedii bey ku tiri hooyo banaanka igu suga furihii gaarigaan soo qaadanayaaye. Labada gabdhood tii yareed baa ku tiri: Hooyo iska joog anigaa kuusoo qaadaya waataad mar walba ii dirsan jirtayee! ujeedadeeduna waxay aheyd iney caruurta guriga kasoo saarto, gurigii bey kusoo laabatay – ninkeedii bey u yeedhay, waxayna ku tiri: islaantaan haddaan guriga ugu soo laabto ogoow aniga iyo gabdhahayga guriga masoo geleyno oo guriga hooyadeey baan aadeynaa!!!
Waxay u maleysay in islaantu weli qolkii xalay la seexiyay ey ku jirto, laakiin waxayba ku quraacaneysaa jikada oo ku dhaganaa qolka fadhiga, oo ey ninkeeda kula hadlaysay.

Islaantii inta jikadii kasoo baxday bey xaaska Cumar ku tiri: Hooyo bisinka! Gurigaaga kusoo laabo anigu qorshahayga maba aheyn inaan intaan sii joogo. Shalay bey aheyd inaan laabto, haddana boosteejada baan u socdaa oo tuuladaydii ayaan ku laabanayaa. Xaaskii Cumar waji-gabax iyo ceeb bey dareentay.
Inteysan eray oran baa gabdhihii yaryaraa ilbaabka soo garaaceen, iyagoo ku qeylinaya hooyo maxaa ku helay uskuulkii waan ka daahnay, fadlan meesha naga kaxee. Sidii bey gurigii uga soo baxday iyadoo qalbiga ka dareemeysa iney wax xun sameysay. Islaantii qolkeeda ayey gashay, intii ey labisaneysay ayaa waxaa soo laabatay Cumar xaaskiisa, oo kasoo laabatay uskuulka caruurta. Xaqiiqda ma aheyn iney soo laabato, shaqo ayey aheyd iney gasho 9ka aroornimo, laakiin waxay is tiri islaantaan miskiinta ah waad xumeysay bal raaligelin aad weydiisatid.Cumar waa nin xaaskiisa aad uga baqa, hadalkeeda ma dhayalsani jirin; waxay tiraahdo sida ay tahay ayuu u fuliyaa. Cumar dharkiisa ayuu qabaa wuxuuna diyaar u yahay inuu fuliyo amarkii xaaskiisa oo islaanta geeyo meeshey gaariga ka raaci laheyd. Laakiin, Cumar iyo islaantaba midna ma oga in xaaska Cumar is bedeshay. Yeelkadeedee, kaba sii daranee, waana ilaahey amarkiisee, xaaskii Cumar hadalkii ayaa ku dhegay markii ey aragtay islaantii oo dharkeedii isku soo taagtay, diyaarna u ah iney tuuladeedii ku laabato. Sidii ayey islaantii ku kaxeeyeen oo baskii tuuladeeda u socday u saareen.
Markii ey kasoo gadoomeen boosteejada, ayaa Cumar xaaskiisa qeylo af labadii yeertay, oo ninkeeda ku canaanatay: maxaad islaanta guriga uga saartay? oo aad u joojin weysay?!!! Cumar ayaa si caro leh ku jawaabay sow adiga ma'aheyn qofkii ku hanjabaayay haddii aad guriga islaanta ugu soo laabato inaad guriga hooyadaa aadeysid??!! Markii ey gurigooda usoo dhowaadeen, labadoodana midna uusan maanta iyo shalayba shaqo tagin ayey waxay go'aansadeen iney boosteejada kusoo laabtaan, bal si ey islaanta usoo celiyaan, weli marakan qofta dumar ah ayaa aad u rabta soo celinta islaanta. Markey boosteejada yimaadeen, mise baskii islaanta ey raaci laheyd weli waa taagan yahay. Cumar xaaskiisa ayaa orod gaariga uga soo degtay iyadoo marakan faraxsan, markey baskii kor timid mise islaantii ma saarna. Wadihii baska ayey weydiisay meeday islaantaan kuu keenay cabaar ka hor? Wadihii baska wuxuu ku jawaabay: baakii iga horeeyay baa boos ka banaanaaday marka isagaan ku xawilay weyna baxeen markii aad dhaqaaqdeenba.

Cumar iyo xaaskiisa baa iska soo laabtay iyadoo midba midka kale ku eedeenayo wixii maantay dhacay. Gurigoodii bey yimaadeen iyadoo aad moodid in Cumar iyo xaaskiisa ey col yihiin, oo iney isla hadlaan iska daayee aan midna midka kale dhuganeyn murugo iyo dareen ey dareemayeen sidii iney wax danbi ah sameeyeen camal. Xiligii qadada ayaa la gaaray, laakiin waxaa la waayay qof kursigiisa ka kaca. Saacadii baa dhirin dhirowday, oo si dhaqsaha u socotay, cabaar kadib baa teleefoon usoo dhacay, uskuulka ayaa laga soo wacay oo waxaa lagu yiri maxaad caruurtiina ugu imaan weydeen? Markii bey soo carareen Cumar iyo xaaskiisa, intey jidka kusoo jireen, bey is weydiiyeen waxay caruurta u sheegi lahaayeen, ileyn saakay inteysan uskuulka aadin bey aabahood ka baryeen in islaanta qariibka aheyd ey u aqoonsadeen ayeeyo eysan ka tagin intey uskuulka ku maqan yihiin, aabahoodna wuu ka balanqaaday arinkaas.
Cumar iyo xaaskiisa Canab wey jecel yihiin caruurtooda qalbigoodana aad bey u ilaaliyaan.
Si kastaba ha ahaatee, been run u eg wey waayeen oo ey caruurta u sheegaan, waxaan ka aheyn ayeeyo xaalad degdeg ah ayaa ku soo baxday – sidaas ayeyna dhaqso ugu baxday tuuladeedii, haddii alle idmana wey soo laaban doontaa. La soco, hadda Cumar iyo Canab qalbigoodu wuu isbedelay oo islaantii waxay ugu yeerayaan erayga ayeeyo, halka markii hore ey oranayeen islaan qariib ah. Gabdhuhu waxay ahaayeen fariidiin, caqli Alle u dhiibay, wey garteen in maanta wax qaldan yihiin. Midda koobaad, weligood labadooda waalid oo isla socda uskuulka kama soo qaadin, waa marka labaadee, weligood lagama soo daahin – waana marka sedexaadee weli meysan arag waalidkood oo murugeysan inta badan waxay arki jireen waalidkood oo farxaaniin ah.
Gurigii goortii la yimid, baa Labada gabdhood tii yareed tiri: aaway ayeeyo, sow taan saakay idinka barinay ineysan naga tagin?! Oo oohin afka furatayhttps://www.facebook.com/images/emoji.php/v9/f16/1.5/16/1f62a.png😪https://www.facebook.com/images/emoji.php/v9/f16/1.5/16/1f62a.png😪 saa tii kalana wey ka daba oysay! Talo faro waa ka baxday, Cumar iyo Canab caruurta wey jeclaayeen, ma qaadan karaan xaaladdan jahwareersan! Is eedeyntii baa bilaabatay, Cumar xaaskiisa ayuu ku eedeeyay in islaantu tagto, Canabna waxay tiri: ilaahey Wuxuu nin rag ah kaaga dhigay inaad go'aan adag qaadatid oo reerka hogaamisid, anigu qof dumar ah ayaan ahay waxaan iska dhaadhicay wax qalad ah (yacnii maseyr) ee sidan u lama jeedin, mana u fahansaneyn.
Qeyladii, oohintii iyo sawaxankii baa dariska maqleyn, waxay moodeyn in la is dagaalayo oo dhibi dhacday, waxay u cid direen Cumar hooyadii oo la oran jiray Canbara oo meel xoogaa u jirta deganeyd. Islaantii Canbara aheyd baa degdeg gurigii wiilkeeda ku timid. Ilbaabkii bey soo garaacday, Markey Cumar iyo reerkiisu maqleyn afartoodiiba ilbaabkey kusoo ordeen, iyadoo mid walba doonayo inuu ilbaabka ugu hor furo. Dhamaantood waxay u heystaan in islaantii qariibka aheyd ey soo laabatay! Canab baa qataarka ilbaabka gacanta la hor heshay, fag bey ka siisay; mise waa Canbara; Cumar hooyadii oo eysan jecleyn, iyadoon sii fiirin, salaana ka qaadin, soo galna oran, bey ilbaabkii kasoo gadoontay. Gabdhihii yar-yaraa oo faraxsanaa oo is lahaa ayeeydaad jeclaateen baa idiin soo laabatay, markey wajiga hooyadood arkeen bey iyana soo laabteen oo qolkooda isku soo xireen. Cumar isagu socodkii iyo hadalkiiba waa gabay oo meeshuu taagnaa buu ku qalalay.
Canbara ayaa guriga soo gashay, iyadoo cuudu bileysaneysa, oo waxay tiri: bisinka reerka ma Jin baa galay? waa maxay sidatan? Oo adigu axadkaagaan maxaa ku qalajiyay? Maad hadashid? Calaa ayatu xaal, Cumar baa wuxuu yiri: Hooyo ilaahey baan kuugu dhaarshayee, waa la dhimanayaa qabri baa kaligaa lagu dhigi, waxaad ii sheegtaa YAA I DHALAY? WAA TUMA HOOYADEEY? Canab iyo labadeedii gabdhood wey dhegeysanayaan, oo qolka ilmaha ilbaabkiisa bey dhegta ku hayaan! Canbara waxay caruur ka laheyd Cumar, waakan haddana Cumar shaki galay iney dhashay. Qeylo ayeey af labadii yeertay. Iyadoo leh sidee ku keentay inaad maantay markaan intaa kusoo la ekeysiiyay aad i weydiiso su’aashaan oo kale?! Wax yahow doqonka oo wax ma taraha ah. Labada gabdhood ee Cumar waxaa mar walba dhiiran tan yar, tii yareed ayaa qolka kasoo baxday oo tiri: adiga aabaheen waad soo korsatay ee ma aadan dhalin, ayeeyo Fadumo ayaa noo sheegtay xalay, maantana waxay nooga sheekeen laheyd sidii aad aabaheen kusoo qaadatay 30 sano Ka hor, ee Aabe iyo hooyo ayaa guriga ka ceyriyay. Si kastaba ha u dhigtee, kheyr qabtada yari waxay ooda ka qaaday siro iyo umuuro waa weyn oola qarinayay 30 sanadood.
Canbara Markey maqashay waxa run iyo xaqaa’iq aan la inkiri karin iyo beentey sodonka sano sheegeysay in la isaga daba yimid bey waxay ku waalatay: Ma Fadumo iley baa idiin timid? Ma Fadumo iley baa idiin timid? Ma Fadumo iley baa idiin timid? Ma habartii isha la’eed ee inkaarta qabtay baa idiin timid?! Ilaa ey ka suuxday oo miir daboolantay. Biyo ayeey Cumar iyo xaaskiisa ku bilbileyn islaanta bal iney soo kiciyaan, markey arkeen in xaalku qatar yahay bey waxay u dalbeen ambulance (gargaarka degdega), waxaa loola cararay isbitaalka. Waxay Cumar, Canab iyo labadooda gabdhoodba kor taagnaadaanba goor qoraxdu soo bixi rabto, salaada subax dabadeed, bey Canbara indhaha soo kala qaaday. Waa lasoo gacan qabtay, waxay u yeertay Cumar waxayna bilowday taariikhda sidey wax u dhaceen, iyadoo ey dhegeysanayaan Canab iyo labadeeda gabdhood. Canbara waxay hadalkii ku bilowday: waxaan ka dhashay reer maalqabeyn ah, hooyadaada rasmiga ahna waxay ka dhalatay reer sabool ah. Deris ayaan aheyn guri cariish ah oo viladeena ka danbeeyay ayey deganaayeen. Anigu hooyadaa wax badan ayaan ka weynaa, oo xaqiiqdii markaan guursaday hooyadaa dhoocil ayey aheyd. Dhowr jeer oo isku xig xigta ayaan guursaday, laakiin marna Alle ilma ima siinin. Muddo badan kadib, baa hooyadaa la guursaday. Aabahaa wuxuu ahaa darawal gawaarida waa weyn ee xamuulka wada. Hooyadaa markey uurka kugu siday 6 bilood baa Aabahaa shil gaari galay, shilkaasna buu ku dhintay.
Hooyadaa markii geerida Aabahaa loo soo sheegay naxdin aawadeed sarjooga ayey ka dhacday. Aad ayey Aabahaa u jecleyd, isbitaal iney tagto ama la geeyo ma eysan awoodin, waxaa la ii sheegay in deriska ey lacagta isbitaalka isku dardareen. Dhaqaatiirtu waxay ka digeen in nuunuhu markey dhasho uu dhimanayo ama curyaanimo ku dhalanayo (Baby syndrome) sababtoo ah bey yiraahdeen; dhaawac ayaa maskaxda kasoo gaaray markey hooyadaa sarajooga ka dhacday.
Yeelkadeedee, sagaalkii bilood markii ey usbuuc ka dhiman tahay, baa hooyadaa fool iyo nabar ku bilaabmeen laba maalmood kadibna ilaahey wuu idin kala keenay. Dhaqaatiirtii waxay ku noqotay mucjizo inaad dhibkaas ka badbaaday oo aad caafimaad ku dhalatay – waxaan ka aheyn in hal il ku yaraatay oo dhaawac culusi kaa gaaray. Markaad laba sanadood gaartay, waxay hooyadaa go'aansatay iney isheeda kuu bixiso. Laakiin nasiib xumo, bedelaaadda isha ayaa waxaa laga dalbaday lacag fara badan oo eysan awoodin! Iyadoo uu xaalku sidaa yahay, ayaa hooyadaa waxay maqashay, reer taajiriin ah oo raadinaya qof ey kili u bixiya iyaguna ey lacag ugu bedelaan.
Hooyadaa arinkii ayey ku faraxday, ujeedadeeduna waxay uun aheyd iney adiga isheeda kuu bixiso si aad quruxloow u ahaatid waxna u aragtid, bulshadana eysan kuugu caayin cumar ileey. Kilidii ayaa laga bixiyay Dhowr bilood kadibna lacagtii kilideeda ayey isheeda kuugu bixisay oo labadaniinaba qaliin isku mar ah la idiin kugu sameeyay.
Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood kadib baa waxaa geeriyootay ayeeydaa hooyadaa dhashay oo hooyadaa kula heyn jirtay. Hooyadaa maadaama ey kali noqotay, waxaa ku adkaaday dabaridda noloshaada iyo bixinta, kirada guriga, cuntada, uskuulkaaga iyo biilasha oo dhan – maadaama shaqadeeda ey aheyd booyeeso, mushaarkeedana wuu idinku filnaan waayay. Iyadoo xaalku uu sidaas yahay ayaa tacsidii ayeeydaa kadib hooyadaa aad u xanuunsatay, shaqana waa kari weyday. Waxay go'aansatay iney reer ku koriya ey kuu geyso oo awoodi kara cuntadaada iyo waxbarashadaada, sidaas ayaana nasiib ugu yeeshay inaan ku helo oo aad wiilkeyga noqoto.
Canbara waxay boorsadeeda kasoo saartay laba sawir oo ahaa Cumar iyo hooyadii Fadumo inteysan isheeda wiilkeeda u bixin ka hor. Cumar markuu indhaha ka qaaday oohin buu afka furtay wabaaaaa! Waxaa kadaba ooyay xaaskiisa iyo gabdhihiisa. Sheekada dhegeysigeeda iyagoon la dareemin waxaa iminka kusoo biiray dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyaashii isbitaalka ey Canbaro ku jirtay iyo bukaankii ka ag dhowaa, dhamaan waxay la ooynayaan qisadaan xanuunkeeda iyagoon aqoon dadkey ku dhacday.
Cumar isagoo ooynaya wuxuu yiri: bal EEG quruxda hooyadey eebe ku maneystay, quruxdeeda waxay u khasaarisay inaan aniga qurux badnaado, waxay u bareertay in iyada bulshada ugu yeerto ileey, si aan aniga la iigu caayin il la’aanta. Canbara waxay tiri: markaan sanad tuulada kugu hayay baan go’aansaday inaan soo guuro anigoon hooyadaa u sheegin, 30 sanadood baa kasoo wareegtay oo ey hooyadaa intaas ku raadineysay. Anigaa qaladkaa leh ee maandhow i cafi, waxaan sidaas u sameeyay inaan la iga kaa qaadan. Waxba yaan hadalka idinku daalinee, cumar xaaskiisa iyo gabdhihiisa ayuu maca-salaameeyay, wuxuuna isku soo xirxiray inuu hooyadiisii rasmiga aheyd baadi goobo. Cumar gaariga ayuu shidaal kasoo buuxsaday, wuxuuna usoo jiheystay xagga tuuladii loogu sheegay hooyadiis. Markuu tuulada yimid wuxuu bilaabay inuu dadka tuulada weydiiyo, markii magacuu ku raadinayay lagu garan waayay, wuxuu gaariga kala soo baxay sawirka hooyadiis oo ey soo siisay islaantii Canbara aheyd ee soo korsatay. dadkii tuulada ayuu tusay, waxay ku yiraahdeen haa waa la yaqaan, laakiin tuulada wey ka guudhay oo waxay u guudhay tuulo kale oo 50 km u jirta halkaas oo ey ka heshay shaqo khadaamadnimo ah.
Cumar waqtiga iskama sii lumin ee tuuladii loogu sheegay ayuu u jiheystay, wuxuu bilaabay inuu raadiyo reerihii la yiri hooyadii baa khadaamad u ah. Baadigoob dheer kadib, gurigii reerka ayaa loo tilmaamay. ilbaabkii ayuu garaacay isagoo faraxsan oo niyadda iska leh bes adduun cadaabkiis iyo dhibtiisa waa ku deysay, hadda ayaad hooyadaa is heleysaan. Waxaa ka furtay gabadh yar oo cumar uu ku qiyaasay ilaa 15 jir. Salaam is-bariidsi kadib Cumar wuxuu u sheegay ujeedadii uu u socday. Gabdhii ayaa ku tiri: khabar wanaagsan eedo faadumo wey badbaaday!!! ayey si farxad leh u tiri. Cumar ayaa yiri maxaad tiri??? oo maxay ka badbaaday? Inantii yareed ayaa ku tiri: miyaadan maqal? Cishadii dhoweyd markeey idinka soo tagtay baskii ey saarneed ayaa la gadoomay, ilaahey mahaddiis kaligeed ayaa ka badbaaday oo lug iyo gacan uunbeey ka jabtay. Cumar meeshii ayuu haddana markale oohin iyo calaacal bilaabay.
Inantii yareed ayaa ku tiri walaal isdaji waa inaad ilaahey ku shukrisaa oo aad salaad shukri u tukataa in ilaahey kuu badbaadiyay hooyadaa. Inantii ayaa tustay sawirada baskii ey hooyadii saarneed siduu u burburay. Cumar waa lasoo kaxeeyay oo waxaa la keenay isbitaalka, hooyadii markeey indhaha ka qaaday wiilkeeda farxad aawadeed ayeey isku dayday iney soo istaagto oo waxay ilowday iney lug ka jaban tahay. Si kastaba ha ahaatee cumar iyo hooyadii is hele, farxaddii adduunka ayaa u bilaabmatay. Cumar hooyadii waa soo kaxeystay oo wuxuu la yimid gurigiisii iyo magaaladiisii. Farxadaas ayeyna ku dhamaaty sheekadii murugada iyo dhibka badneyd.






Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?