Posts

Showing posts from August, 2019

MAREYKANKA OO DAGAAL QARSOODI AH KU ICLAAMIYAY WADDAMADA KHALIIJKA.

Image
MAREYKANKA OO DAGAAL QARSOODI AH KU ICLAAMIYAY WADDAMADA KHALIIJKA. Qaaliga maxkamadda darajada 1aad ee denbiyada magaalada New York – Mareykanaka ayaa aqbalay dacwado ka dhan ah waddamada ey kasoo jeedeen afduubayaashi dhacdadii 11kii September 2001 oo ey kamid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. 15 kamid ah afduubayaasha waxay kasoo jeedeen dalka Sacuudiga. Waddamada reer Galbeedka waa dad qorshe iyo istiraatiijiyad qaran ku socda, ma ’ aha qaar falcelin ku shaqeeya, micnana maleh qofka ama xisbiga markaas kursiga ku fadhiya. Markii la gaaro xilligii loo qoondeeyay in qorshaha iyo istiraatiijiyadda la dhaqangeliyo hadba hogaamiyaha jooga ayey ku tahay waajib dastuuri ah ka miradhalinta qorshaha qaran, oo laga yaabo inuusan waxba ka dajin amaba uusan ku waafqsaneyn. Markii la weeraray daaraha mataanaha ee dheerdheer ee fadhiga u aheyd Xarunta Ganacsiga Adduunka 11kii September 2001, oo ey ku naf waayeen in ka badan 3,000 oo qofood, kuna dhaawacmeen in ka badan 25,000...