MAREYKANKA OO DAGAAL QARSOODI AH KU ICLAAMIYAY WADDAMADA KHALIIJKA.


MAREYKANKA OO DAGAAL QARSOODI AH KU ICLAAMIYAY WADDAMADA KHALIIJKA.

Qaaliga maxkamadda darajada 1aad ee denbiyada magaalada New York – Mareykanaka ayaa aqbalay dacwado ka dhan ah waddamada ey kasoo jeedeen afduubayaashi dhacdadii 11kii September 2001 oo ey kamid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. 15 kamid ah afduubayaasha waxay kasoo jeedeen dalka Sacuudiga. Waddamada reer Galbeedka waa dad qorshe iyo istiraatiijiyad qaran ku socda, ma
aha qaar falcelin ku shaqeeya, micnana maleh qofka ama xisbiga markaas kursiga ku fadhiya. Markii la gaaro xilligii loo qoondeeyay in qorshaha iyo istiraatiijiyadda la dhaqangeliyo hadba hogaamiyaha jooga ayey ku tahay waajib dastuuri ah ka miradhalinta qorshaha qaran, oo laga yaabo inuusan waxba ka dajin amaba uusan ku waafqsaneyn.

Markii la weeraray daaraha mataanaha ee dheerdheer ee fadhiga u aheyd Xarunta Ganacsiga Adduunka 11kii September 2001, oo ey ku naf waayeen in ka badan 3,000 oo qofood, kuna dhaawacmeen in ka badan 25,000 oo qofood, kuna burbureen boqolaal xarumo ganacsiyeed—Mareykanku wuxuu dajiyay qorshe iyo istiraatiijiyad qotodheer. Qorshaha ayaa ahaa laba waji: Wajiga 1aad in weerarada 9/11 marmarsiiyo looga dhigto weeraridda Ciraaq iyo boobidda kheyraadka dalkaas. Inta qorshaha wajiga hore socdo waxaa la dajiyay in waddamada Khaliijka la maalo oo wixii dhaqaalle ah oo laga heli karo laga dhufsado. Wajiga 2aad in 20 sanadood kadib dib loogu soo jeesto waddamada Khaliijka oo lagu soo oogo iney argagixisadii dhibka 9/11 geystay ey waddamadooda kasoo jeedeen--sidaas aawadeedna ey waddamadaan wax ka ogaayeen qorshaha argagixisada.

Markey waddamadaan ey arrinkaas diidaan, waa in la ciyaara kaarka 2aad ee ah maxkamad lagu furo taas oo ka dalbanaysa iney magdhow siiyaan qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay 9/11 iyo xarumihii ganacsiga ee burburay. Qaaliga la yiraahdo judge George Daniels ayaa dhowaan yiri: “waxaanu haynaa caddeymo waa weyn oo muujinaya in Sacuudigu uu ka danbeeyay weeraradii 9/11, sidaas aawadeed ugu yaraan waxaa laga rabaa Sacuudiga iney inta qaladkooda qirtaan ey magdhowga iska bixiyaan”. Magdhowga Sacuudiga laga rabo ayaa ah midkii soo afjari boqortooyada Sacuudiga, sababtoo ah, magdhowga uu Mareykanku rabo waxay kor u dhaafaysaa Trillions of Dollars. Haddii aan si kale u dhigo Mareykanku wuxuu taagan yahay sacii caanaha waan ka laysannay, waxaa la joogaa xilligii la qalan lahaa oo abaarta looga bixi lahaa.

Markii 9/11 dhacday Mareykanku wuxuu gacanta ku dhigay maskaxdii soo abaabushay weerarada. Eng. Khaalid Shiikh Maxammad oo u dhashay dalka Pakistan ayaa qirtay inuu isagu dajiyay qorshaha weerarka. Mareykanka waxay ku xukumeen dil, balse wuxuu aqbalay inuu marqaati Mareykanka u noqdo si loogu soo oogo dacwad dalka Sacuudiga iney iyagu fududeeyeen weerarada, taa beddelkeedana dilka laga dhaafo. Waxaa xusid mudan in siyaasadda Mareykanka aheyd in madaxda argagixisada aan lasoo qabsan ee gantaal lagu dilo—si aanba waxba ugu soo laaban. Sababta loogu mintiday in Khaalid nolol lagu soo qabto waa in xilliga la gaaro wajiga 2aad ee qorshaha Mareykanka, Khaalid loo isticmaalo inuu ku marqaati kaco in Sacuudigu soo amartay weerarada 9/11, halkaasna saca lagu qasho. Sidoo kale waxaa Iyana xusid mudan inaan la garaneyn shaqsiyadda Khaalid, lagana yaabo inuu yahay nin u shaqeeya sirdoonka Mareykanka si loo hirgeliyo qorshaha Mareykanka.

Balse waxaa ah wax laga xumaado sida Carabta shaxda loogu ciyaarayo, iyaguna ey isugu nabayaan Mareykanka oo eysanba war u heyn in la qorsheenayo gowracooda. Waa lagu shaqaystay waddamada Khaliijka, waa la maalay—oo la hubiyay inaan dhibic caano ah ku hari. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay inta badan waddamada Muslimka, haatanna waxaa la joogaa xilligii la bireyn lahaa. Sacuudigu qaylo af labadii ayuu yeeray, markuu maqlay in maxkamad lagu soo oogay—oo wuxuu ku cabaaday saxiibkiisa Mareykanka isagoo ka dalbaday iney maxkamadaha joojiyaan. Mareykanka intey ku qosley bey ku yiraahdeen maxkamadaha waa hay’adda ugu sareysa waddanka, oo waxay awoodaan iney madaxda Mareykanka wada xiraan—ee nimanyahoow qareemo khibrad badan leh qabsada oo idiin dooda. Laba tubo ayaa la surtay, mid waa tan maxkamadda ey magdhowga ku dalbanayso, tan kalana qarashka qareemada oo noqon kara balaayiin doolar, maadaama kiisku uu yahay kiis weyn oo laba dal ah.



Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?