Posts

Showing posts from April, 2020

WELIGAA HA ISDHIIBIN! [NEVER GIVE UP]

Image
WELIGAA HA ISDHIIBIN! [NEVER GIVE UP] Waxay kusoo kortay nolol fakhri ah. Labadeeda waalid waxay ahaayeen xoogsato aan wax badan heysan. Markey qaangaadhay ayey waxay guursatay nin ey jecleyd—kaas oo ey u dhashay gabadh. Yeelkadeedee, wax yar markey wada noolaayeen, ninkeeda wuu ka dhaqaaqay, wuxuuna go’aansaday inuu furo. Iyadoo yar ayey waxay noqotay hooyo kaligeed ah, kaaga daranee fakhri ah—oo aan heysanin waxay cunto iyada iyo gabadheeda, iyo hoy ey ku noolaadaan. Waxay  u tagtay dawladda si ey u hesho caawimaad. Dawladda ayaa siisay meel ey iyada iyo nuunaheeda ku noolaadaan, iyo masaariif. Xaalku wuxuu sidaas ahaadaba, waxay go’aansatay iney qorto buug noocyada sheekada ah ‘novel’ kuwaas oo laga sameeyo filimada lagu soo bandhigo shaneemooyinka. Hase yeehsee, ma eysan awoodin iney soo iibsato computer ey buugga ku qorto, waxay sheekada ku qortay buug iyo qalin. Seddex sanadood kadib maalintii la furay ayey dhammeysay xardhinta sheekada, waxay raadisay buug-baahiyaa...