WELIGAA HA ISDHIIBIN! [NEVER GIVE UP]
Waxay kusoo kortay nolol fakhri ah. Labadeeda waalid waxay ahaayeen xoogsato aan wax badan heysan. Markey qaangaadhay ayey waxay guursatay nin ey jecleyd—kaas oo ey u dhashay gabadh. Yeelkadeedee, wax yar markey wada noolaayeen, ninkeeda wuu ka dhaqaaqay, wuxuuna go’aansaday inuu furo. Iyadoo yar ayey waxay noqotay hooyo kaligeed ah, kaaga daranee fakhri ah—oo aan heysanin waxay cunto iyada iyo gabadheeda, iyo hoy ey ku noolaadaan. Waxay u tagtay dawladda si ey u hesho caawimaad. Dawladda ayaa siisay meel ey iyada iyo nuunaheeda ku noolaadaan, iyo masaariif.
Xaalku wuxuu sidaas ahaadaba, waxay go’aansatay iney qorto buug noocyada sheekada ah ‘novel’ kuwaas oo laga sameeyo filimada lagu soo bandhigo shaneemooyinka. Hase yeehsee, ma eysan awoodin iney soo iibsato computer ey buugga ku qorto, waxay sheekada ku qortay buug iyo qalin. Seddex sanadood kadib maalintii la furay ayey dhammeysay xardhinta sheekada, waxay raadisay buug-baahiyaal ‘publishers’ buuga u daabaca deedna baahiya. Dhammaan buug-baahiyada wey diideen iney aqbalaan sheekadeeda, iyagoo ku xukminayay qaab labiskeeda, diifta ka muuqata iyo deegaanka ey kasoo jeedo oo ahaa meesha ey degen yihiin dadka danyarta ah.
Buug-baahiye walba oo ey u tagto wey soo ceyriyeen, yeelkadeed, marna isma dhiibin. Waxaa lasoo diiday in ka badan 100 jeer, laakiin marnaba ma quusan. Waxay ku jirto diidmo diidmo dabataal, maalin iyadoo dhex taagan buug-baahiye yar oo aan caan aheyn lana yiraahdo ‘Bloomsbury publishers’ ayaa maamulihii buug-baahiyaha wuxuu ka helay nuunaha ey gabadhaan dhashay oo la socday. Maamulihii baa cabbaar gabadhii yareyd la kaftamay, kadibna si lama filaan ah ayuu u yiri; bal keen buugaaga eegnee. Gabadha qoraaga ah waxaa la yiraahdaa J. K. Rowling. Buugga ey daabacaaddiisa ku rafaaday oo daabacaadihii oo dhami diideen waa buugga caanka noqday ee la yiraahdo ‘Harry Potter and The Philosopher’s Stone’. Marwo Rowling buuggii ayey u geysay buug-baahiyaha, maamulihii markuu buugga akhriyay, mise waa buug aan innaba caadi aheyn.
Buugga markii la baahiyay, wuxuu noqday buugga loogu akhris badan yahay, waxaana daabacaaddii ugu horreysay la iibiiyay 120 milyan oo nuskhadood. Intaas kaliya kuma ekaanee, buugga waxaa loo beddelay filin qeybo badan leh, oo ey daawadeen boqolaal milyan oo qofood. Marwo Rowling oo ah mu’alifka sheekada, waxay buugeeda ka sameysay adduun kor u dhaafay $650 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Akhriste waxaa laga yaabaa ooraahda ‘weligaa ha isdhiibin’ in wax badan ey dhagahaagu maqleyn. Sidoo kale, ‘weligaa ha is dhiibin’ waxay kamid tahay oraahyada dhiiragelinta ah ee dhammaan aadanuhu isticmaalo luuqad walba haku hadlaan’e. Balse, gabadha qoraaga ah ee lagu magacaabo J. K. Rowling, waxay ku noolaatay oraahdaan ‘weligaa ha is dhiibin’ oo dhab ah. Waxaa hubaal ah in dadaal walbaa uu ka danbeenayo guul.
Ha isdhiibin.
Comments
Post a Comment