1DA LUULYO WAA TEE??
1DA LUULYO WAA TEE?? Wax ka baro taariikhda faca weyn ee ku hareersan maalinta ugu qiimaha badan taariikhda dhow ee umadda Soomaaliyeed. Waa maalintii xoriyadda iyo midowga 1da Luulyo 1960. FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA! HORUDHAC Waxaan marka hore ugu hambaleyeynaa dhammaan ummada Soomaaliyed munaasibadan qaaliga ah ee 1da Luuliyo. Waxaan leeyahay farxad ku ciida isla markaana dib ha loo eego taxanaha taariikhda gobanimadoonka Soomaaliyeed. Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto,iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah, kuwaasoo la xuso oo laga sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay. Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran, mid qoys, iyo mid shakhsiyeed oo midba mudnaanteeda loo xuso, taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo, oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin taariikhi ah, iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan. Hadaba maanta oo ah 1da Luuliyo sanadka 2019 oo ahayd maalin taar...