BALLANTII BUUNDADA JABAN IYO NUUNIHII JECEYLKA
BALLANTII BUUNDADA JABAN IYO NUUNIHII
JECEYLKA
Qian Fenxiang waxay leedahay uur weyn—oo
waxaa soo dhow ajasheedii. Qian, waxaa heysa cabsi, kama baqayso dhalidda ama xanuunka foosha, balse
waxay ka baqaysaa dawladda, sababtoo ah Shiinaha ma ogola in qoysku uu dhalo
hal cunug ka badan. Qian iyo gabadheeda 3 jirka ah waxay ku dhuunteen gurI-doon
webiga dul heehaabaya—si ey cunugeeda labaad ugu dhasho. Lix usbuu kadib waxay
dhashay gabadh.
Xu Lida
oo ah sayga Qian, ayaa ka dhaliyay, mandheerta ayuu ku jaray maqas guri aan
aheyn kan dhaqaatiirta isticmaalaan, waxwalba waxay ku socdeen sidey
qorsheeyeen, ilaa ibidii ey soo dhici weyday. Waana khatar weyn oo suurtagal ah
in hooyadu u dhimato haddaan ibida lasoo ridin. Isbitaal ma tagi karaan, oo
waxay ka baqayaan in la ciqaabo. Nasiibwanaag, waxaa ka ag dhowaa xarun caafimaad
oo gaar loo leeyahay. Xaruntii ayey isku biimeeyeen. Dhaqtarkii xarunta joogay
ayaa la tacaadhufay xaaladda banii’aadannimo oo ey ku jiraan qoyskaan, wuxuuna
aqbalay inuu hooyada badbaadiyo, dawladdana uusan u sheegin.
Shan maalmood
kadib, Xu wuxuu kacay hiirta waaberi, wuxuuna u qubeeyay gabadhiisa shanta
maalmood jirta, wuxuu siiyay caano—dhar nadiif ahna wuu usoo xiray. Gabadhii wuxuu
kusoo riday salad—wuxuuna ula soo dhaqaaqay suuq khudaarta lagu iibiyo oo aad
saxmad u ah, kuna yaalla magaalada Suzhou. Hareeraha ayuu iska eegay, si aayar
ah ayuu dhulka u dhigay, wuuna kasoo ruqaansaday. Sallada dhinaceeda wuxuu geliyay
warqad ey ku qornaayeen erayadaan:
“Gabadhayada
Jingzhi, waxay dhalatay 10ka aroornimo, 24kii bishii todobaad ee sanad
dayaxeedka 1995kii. Saboolnimo iyo siyaasadaha dunida ayaa nagu qasbay inaan gabadheena
xoorno. Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajo-dhowreynaa quluubta aabayaasha iyo
hooyooyinka sokeeye iyo shisheeye. Ku mahadsanid inaad badbaadisay gabadhayada,
aadna aqbashay inaad daryeeshid. Haddii samooyinku ey leeyihiin dareen,
nasiibkuna uu markale na kulansiiyo, waxaa inoo balan ah kulanti danbe—oo—aan ku
kulanno Buundada Jaban ee Magaalada Hangzhou, aroornimada maalinta ey Qixi [waa
magaca kale ee gabadha yar] ey 10 jirsato ama 20 jirsato.” Ayuu fariintiisa
kusoo gabagabeeyay Xu.
Maalinta
jeceylka ee Shiinaha ayaa loogu magacdaray, maalinta dabaaldagga Qixi, taas oo
ku began maalinta 7aad ee bisha 7aad ee sanad dayaxeedka Shiinaha, waxayna
sidoo kale ku beegan tahay maalinta lo’ jire iyo jeceylkiisa loo ogolaaday iney
buundada jaban isku arkaan.
Nuune Jingzhi
iyo farriintii saladdeeda ku jirtay waxaa la geeyay xarunta agoomada ee
magaalada Suzhou—halkaas oo lagu daryeello caruurta aan cidna heysan. Xilliyadaas
waxaa xarunta soo booqday lamaane Mareykan ah oo raadinaya nuune ey koriyaan,
lamaanahaan oo lagu magacaabo Ken iyo
Ruth Pohler oo ka yimid degmada Hudsonville, ee gobolka Michigan. Waxay lamaanaha
yiraahdeen:
“Ma aanan kala jecleyn waddanka uu u
dhashay cunuga aad doonayno inaan korsano, balse, waxaa na dhiirigelisay
seedigeen oo Shiineys ah, iyo xaaskayga Ruth walaasheed oo horay ilmo Shiineys
ah u korsatay.” Ayuu yiri Ken, oo ah aabe dhalay laba wiil—kaas oo doonayay
ilmo seddexaad.
Gabadhii yareed iyo farriintii la
socotay ayey soo qaateen, fariinta waxay tuseen haweeney turjumaan ah si ey ugu
fasirto waxa warqadda ku qoran. Ken wuxuu yir: “dareenka tarjumaanadda ayaa aad
u kacay markey bilowday akhriska warqadda, weyna ilmeysay. Fariintu waxay aheyd
mid qalbiga lushay.” Lamaanaha waxay go’aansadeen ineysan Kati (waa magaca
cusub ee Jingzhi ey ula baxeen) u sheegin sidey kusoo heleen ilaa ey 18 ka
gaadho.
Kati waxaa lagu soo koriyay nolol aad u
wanaagsan, waxayna heshay waxwalba oo ey nolosheeda u baahan tahay, caafimaad,
waxbarasho, laba waalid oo jecel—kuwaas oo isku si u koriyay iyada iyo labada
wiil ee dhabarkooda kasoo go’ay. Kati, markey weynaatay waxay bilowday
jaamacad, halkaas oo ey ku daraaseenayso caafimaadka dadweynaha iyo
muyuusikada. Kati oo ka warramaysa koriinkeeda waxay tiri: “waxaa la igu soo
koriyay nolol caruurnimo oo fadhida, in la isoo korsaday qofwalba wuu ogaa,
sidaas aawadeed qofna ima weydiin jirin asalkeyga”.
Dhanka kale, Qian and Xu, labada waalid ee dhalay Kati,
waxay kusoo koreen tuulada Baoying ee u dhow magaalada Yangzhou ee gobolka
Jiangsu. Xu iyo jeceylkiisa Qian waxay is jeclaayeen caruurnimadooda. Xu,
markuu dhammeeyay dugsiga sare wuxuu aaday magaala Hangzhou si uu u shaqaysto. Xu
oo xilligaas 16 jir ahaa shaqada kaliya uu helay waxay noqotay inuu alaabaha
burburay ee guryaha lagu isticmaalo uusoo uruuriyo. Markuu dhowr sanandood u dhabar adeegay shaqadaas adag—uuna uruursaday
xoogaa lacag ah, ayuu wuxuu kusoo laabtay tuuladiisii si uu ula midoobo
lamaanihiisa Qian oo ey ilaa yaraantii is jeclaayeen. Lamaanaha waxay buul yar
ah ka dhisteen xero ey ku nool yihiin qaxootiga xamaalatada—taas oo ku taal duleedka
magaalada Hangzhou. Waxay aad uga fogaayeen isbitaalada iyo xarumaha
caafimaadka, markii Qian ey fool qabatay, Xu wuxuu kusoo kaxeeyay baaskiilkiisa
isagoo soo jaray kiilo mitiro badan si uu u geeyo isbitaal ey ku dhasho. Qian waxay
dhashay gabadhooda curadka ah taas oo loo bixiyay Xiaochen.
Niyad wanaagooda aawadeed, waxaa ku dhalatay iney gabadhooda
Xiaochen u dhalaan walaal ey wehelsato. Xu wuxuu yiri: “waxaan is niri waad ka
baxsan kartaan sharciga Shiinaha ee aan ogoleyn dhalidda hal cunug ka badan. Sababtoo
ah waxaan ku nooleyn xero qaxooti oo aad uga fog xarrumaha dawladda. Si kastaba
ha ahaatee, waxay si dhaqsiyaha u barteen arxan-darrada xukuumadda. Sharciga hal
cunug qoyskiiba waxay sababtay in 300 oo milyan oo ilmood laga soo rido uurka
hooyadood, kuwaas oo badidood qasab ahaa, tiro aan la aqoon oo gabdho ah ayaa
la nolol xabaalay, waxaana jira basaasyo dawladda u shaqeeya oo goob walba ku
sugan. Qian iyo Xu waaga ayaa ku baryay, talana waa ku caddaatay. Qian uur ayey
qaaday. Ma oga ilmaha uurka ku jira inuu gabadh ama wiil yahay, micnana maleh
wuxuu yahay, haddii la ogaado waa laga soo ridayaa. Lamaanaha waxay go’aansadeen
marka Qian dhasho iney cunuga banaanka dhigaan—iyagoo rajo ka qaba in dad kale
ey heli doonaan oo siin doonaan nolol wanaagsan.
Lamaanaha
Qian iyo Xu, dadaalkoodii badnaa wuu mira dhalay, oo noloshooda wey u kala
kacday. Waxay iminka leeyihiin dukaan weyn oo lagu iibiyo qalabka koronatada ku
shaqeeyay sida; muuqbaahiyaha, feerada, raadiyaha iyo qasaaladaha.
Dhanka kale Kati (Jingzhi) waxay
jirsatay 10, sanadkuna waa 2005tii. Sida ballanta aheyd, labadii waalid waxay
tageen Buundada Jaban, iyagoo rajo ka qaba, reerka gabadhooda qaatay iney
ballanta oofin doonaan, oo ey gabadhooda markale la midoobi doonaan. “waxaanu
tagnay Buundada aroor hore, waxaanu xanbaarsaneyn boor weyn kaas oo aan ku
qornay magaca gabadheena iyo erayo u dhow tii aan farriinta gabadheena ku
qornay. Waxaan ku ordaynay gabadh walba oo aan aragno oo buundada maraysa,
annagoo isleh waa gabadhiinii” ayuu yiri Xu. “waxay aheyd xaalad qaraar” ayuu
raaciyay Xu. Yeelkadeed, cidna lama kulmin, waxay buundada isaga carraabeen
gabal dhicii—iyagoo gaajo, haraad, daal iyo niyadjab bastood la ah.
Dhanka kale qoyskii Mareykanka ahaa ee Kati
qaatay, waxay saaxiib Shiinaha jooga ka codsadeen iney tagto buundada oo eegto
labadii waaalid ee Kati haddii ey buundada yimaadeen. Ken wuxuu yiri: “waan
xusuusannay ballanta 10ka sano, balse ma aanan doonayn Kati oo 10 jir ah inaan
arrintaan soo dhexgelinno. Saaxiibad Shiineys ah ayaan ka codsanay iney tagto
buundada—haddii ey labada waalid aragtana naga gaarsiiso in Kati nolol fiican
ku nooshahay eyna heysato reer jecel. Nasiibdarro saaxiibka laga codsaday inuu balata
tago wuusoo daahay, wuxuuna buundada tagay daqiiqado kadib markey labada waalid-dhiig
ee Kati ey halkaas isaga ruqaansadeen”.
Nasiib badni aawadeed, Xu waxaa si lama
filaan ah sawir uga qaaday sawirqaade u shaqeeya TV-ga CCTV kaas oo barnaamij
ka duubayay Buundada Jaban. Sawirka waxaa kasoo muuqday Xu oo kor u haya boor
ey ku qoran tahay magaca gabadhiisa uu baadigoobayo iyo farriintii uu saladda u
geliyay. Warbaahinta Shiineyska ayaa dhanka wanaagsan u qaaday xanuunka aabaha
baadigoobaya gabadhiisa, waxayna bilaabeen barnaamijyo ey ku baafinayaan Kati. Saaxiibkii
shiineyska ahaa ee qoyskii Mareykanka soo wakiisheen ayaa warbaahinta lasoo
xiriiray, taas oo sawiro keentay. Labada waalid waxay markii ugu horreysay
arkeen sawirka gabadhooda ey duruuftu ku qasabtay iney xooraan. Yeelkadeed, nasiibdarro,
saaxiibkaan ayaa muddo kadib telkiisa bedeshay, deedna labadii qoys wey kala lumeen.
Labadii waalid oo faraxsanaa waxaa soo wajahay niyadjab kale.
Waxay maalmaha iyo habeenadu isku
beddelaan bilo, biluhuna ey noqdaaan sanado, sanado kadib, markey Kati
weynaatay; ayey waalidiinteeda Mareykanka waxay weydiisay sida ey Shiineys ugu
ekaatay. Wadahadallo dheer kadib waxay u sheegeen iney kasoo qaateen xarun agoomada
oo ku taal Shiinaha, eyna garanayaan labadeeda dhiig-waalid. Waxay la xiriireen
wariye filimada sameeyay oo Shiinaha caan ka ah kaas la yiraahdo Chang. Change qisada
ayuu akhriyay, wuxuuna go’aansaday inuu filin ka duubo si qarsoodi ah, uuna
Kati iyo labadeeda dhiig-waalid uu ku mideeyo buundada maalinta ey 22 jirsato.
Xu iyo
xaaskiisa Qian sida caadada u aheyd sanadwalba maalinta ku beegan dhalashada
gabadhooda ayey waxay tagaan Buundada Jaban—iyagoo rajo ka qaba iney gabadhooda
timaaddo. Filin qaade Chang ayaa waxaa uusoo kaxeeyay Kati, wuxuuna si lama
filaan ah u keenay Buundada Jaban—halkaas oo ey labadeeda dhiig-waalid ey kor u
hayaan boor ey ku qoran tahay magaceeda. Meeshii ayaa waalidkii iyo gabadhooda
ey isku soo boodeen—oo—isku booyeen ilaa gabalku ka dhaco. Kati waxaa loosoo
galbiyay guriga labadeeda waalid halkaas oo ey kula kulantay markii ugu
horreysay walaasheed-dhiig ee ka weyn, taas oo daardeed Kati loo dhalay.
Kati waxay tiri: “wixii ugu horreeyay
ey igu yiraahdeen waxay ahey aheyd, ‘caato ayaad tahay, waa inaad wax cuntaa’. Intaan
la joogay, gacantooda ayey cuntada igu siin jireen. Waxaan umaleynayaa iney aad
ugu faraxsan yihiin aragayga, aadna iigu xiiseen”.
Dhanka kale labadeeda waalid-dhiig waxay
yiraahdeen: “xiriir wanaagsan lama lihin gabadheena, sababtoo ah af-Ingiriis
kuma hadalno, iyadana Mandariin kuma hadasho. Waxa kaliya ee aan nafteena u
sheegi karnaa oo ey nagula muuqataa waa sidii gabadh nalaga guursaday, oo ku
mashquulsan saygeeda iyo caruurteeda”.
Comments
Post a Comment