TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 10aad]
Haddeey noqon laheyd aflagaado,
haddeey noqon laheyd gaaleysiin iyo bidceyn, ama haddeyn noqon laheyd in gacan
loola tago dhiigiisa la daadiyo. Waxaas oo dhanna waxaa sabab u ah qofkaas oo
qalbigiisa ey hareysay xaasidnimo iyo quuriwaa. Nebi Yuusuf CS waxay
walaalihiis ceelka ugu rideen waxay aheyd iyagoo u quuriwaayay in Alle doortay Aabahoodna
uu ka jeclaa walaalkood. Xaasidnimada hadduusan qofka ka joogin waa mid
halaajinaysa aakhiro iyo adduun. Dhanka kale Abul Faraj Bin Aljawsy wuxuu kusoo
wariyay kitaabkiisa "الثبات عند الممات"
in Abuu Xaamid walaalkiis Shiikh Abul Futuux Axmed Alqasaali uu yiri; maalin
Isniin ah ayey aheyd, walaalkey wuxuu tukaday salaad subax, markuu salaaddii ka
baxay wuxuu yiri ii keena kafantayda, waa loo keenay – deedna wuu dhunkaday
kafanta indhahana ayuu saartay, wuxuuna yiri; "سمعاً وطاعة للدخول على الملك"
waan maqlay waana adheecay inaan boqorka u galo. Deedna lugaha ayuu fidsaday
isagoo qiblada u jiheysana, ilbiriqsiyo kadibna nafta ayaa ka baxday.
Inkastoo Imaam Abuu Xaamid uusan aheyn abwaan u banbaxay
noocyada kala duwan ee suugaanta, haddana wuu yiqiin xeerarka curinta gabayada
iyo maansooyinka. Maansooyin dhowr ah ayuu tiriyay, mid kamid ah haddaan kasoo
qaadanno waxay oranaysaa sidatan:
فقهاؤنا
كذبالة النبراس هي في الحريق وضوؤها للناس
خُبْر
دميم تحت رائق منظر كالفضة البيضاء فوق نحاس
fuqahadeenu waa sida dubaaladda
faynuusta, iyadana wey guban dadkana wey u iftiimin. Sidoo kale, Imaamku wuxuu
ahaa nin si wacan u yaqaan labada luuqadood ee Faarisiga oo aheyd afka hooyadii
iyo luuqadda Carabiga oo uu bartay. Laakiin, ma’aheyn nin ku takhasusay naxwaha
luuqadda Carabirabiga – sida uu kusoo waramay Cabdulqaafir Alfaarisi oo ahaa
imaamka saaxiibkii. Cabdulqaafir wuxuu kaloo sheegay in Imaamka lagu qabsaday
jumlooyin kamid ah buugaagtuu curiyay iney ku jireen qaladaad naxwe ah,
imaamkana wuu ka cudurdaartay wuxuuna sheegay in naxwaha eysan aheyn
takhasusukiisa. Si kastaba ha ahaatee, iintaas yar Imaamka wuxuu ku kabay
hibada Eebe u siiyay qalinmaalka iyo inuu si xeeldheer oo gun weyn usoo
bandhigay afkaartiisa. Imaamku meeshuu ugu xoogga badnaa waa curinta iyo
habeynta kutub dhaxal ah oo umadda anfacda. Waxaa xusid mudan Imaamku wuxuu mootan
yahay in ka badan 900 oo sanadood, kutubtiisana ilaa maanta waxay saameeysay
dunida oo dhan gaalo iyo Muslimiin. Kutubtiisa fiqiga waxaa ugu weyn uguna
muhiimsan 4 kutub oo kala ah; Albasiid, Alwasiid, Alwajiis iyo Alkhulaasah. Albasiid
waa kitaab balbalaarinaya cilmiga fiqiga, Alwasiid mid dhexdhexaad ah, Alwajiis
mid kooban iyo Alkhulaasah mid soo gunaanaday.
Dhanka culuumta usuusha
kutubtiisa waxaa kamid ah, المنخول في علم الأصول Imaamka kitaabkaan wuxuu alifay intuu la joogay Imaamul
Xarameyn Aljuwayni oo uu ardayga u ahaa. Waxaa xusid mudan kitaabkaan
Almankhuul in lagu daray waxyaabo badan oo lagu xumeenayo suuradiisa, Imaamkana
uusan oran. Waxaa kamid ah, in kitaabkiisa lagu maagay oo lagu duray Imaam Abuu
Xaniifa. Sidoo kale, waxay raggaan colaadda u qabay Imaamka ey alifeen in ka
badan 240 kitaab oo ey Imaamka magaciisa ku qoreen – iyagoo ka dhigaya in
Imaamku uu qoray. Waxaa sidaas sameeyay waxay ahaayeen dadkii gaaleysiiyay Imaamka
oo xilligiisii uu ka harsan waayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhowaan la
helay dhigaalo ku qoran afka Faaris uu Imaamku u qoray madaxdii xilligiisa iyo
culumo si uu isaga bari yeelayo waxyaabaha kitaabkiisa lagu daray ee Imaamada
Islaamka lagu duray. Dhigaaladaan waxaa dhowaan soo tarjumay Jaamcadda Azhar ee
ku taal dalka Masar.
Comments
Post a Comment