BASAAS IYO QARAN-DUMIS: QISADA BASAASNIMO EE UGU KHATARSANEED DUNIDA
Waxay qaadatay wax ka yar qadar daqiiqad ah si loo beddelo moolada sakatuurada iridda hore ee aqalka laga soo galo—kaas oo ku yaalay dabaqa 8aad ee dhismaha 103 Leninsky Prospekt, ee ah dabaq ku yaala magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kaas oo ey degenaayeen basaasyada Midowga Soofiyeed iyo qoysaskooda ee loo yaqaan KGB. Halka laba nin oo xiran gacan-gelis (gloves) iyo dhar ka ilaaliya iney raad aqalka uga tagaan ey baarayeen guriga (protective clothes), laba kale oo farsamayaqaanno ahna waxay gidaarada gadaashooda iyo telefoonka dhexdiisa geliyeen codbaahiye iyo qalab codka duuba. Sidoo kale, waxay layrarka fadhiga, qolka jiifka iyo jikada dhex geliyeen kaamirooyin yar yar oo muuqaalka duuba. Markey howshaan dhammeeyeen, saacad kadib, ma jirin meel aqlka katirsan oo KGB eysan wax ka maqleen ama ka arkeen. Ugu danbeyntii, saraakiishaan ka socotay sirdoonka Midowga Soofiyeed KGB waxay xirteen dhar ka ilaaliya shucaaca nuclearka, waxayna guda galeen iney shucaac nuclear ku buufiyaan dharka, armaajooyinka dharka lagu xareeyo, kabaha iyo dalladaha oo dhammaan yiillay aqlkaan. Shucaaca nuclear ee alaabtaan lagu buufiyay ma’aha mid wax dileysa ama sumeynaysa, ee waa mid khafiif ah, hase ahaatee waxay sheegaysaa meel walba uu tago qofkii alaabtaas xirta ama qaata. Intaas kadib, nimankii waa kasoo baxeen aqalka, iyagoo si caadi ah—oo aan laga shakineyn aqalka u xiray.
Saacado kadib, waxaa garoonka diyaaradaha Moscow soo gaaray sargaal sare oo katirsan sirdoonka KGB, kaas oo shaqo ugu maqnaa magaalada London ee cariga Ingiriiska. Gaashaanle Sare Oleg Antonyevich Gordievsky wuxuu ahaa sargaalka ugu khibrad iyo aqoon badan ee sirdoonka Midowga Soofiyeed xilligiisii. Wuxuu ahaa basaaska ey Midowga Soofiyeed ku dhaartaan oo meelaha khatarta ah u diri jiray, wuxuu si u qalmid ah usoo xulaalay darajooyinka sirdoonka isagoo sagxadda kasoo bilaabay. Wuxuu kasoo shaqeeyay wadamada dhaca Waqooyiga Yurub ee la isku yiraahdo Scandinavia, wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay Ingiriiska iyo Ruushka—isagoon saxar qalad ah ka tagin. Balse, haatan markuu gaaray da’da 46 sanadood ayaa waxaa loo dalacsiiyay inuu noqdo madaxa sirdoonka Midowga Soofiyeed ee Ingiriiska. Haddaba, si loo caleemo saaro, waxaa Oleg lagu wargeliyay inuu Moscow kusoo laabto, si madaxa guud ee KGB uu ugu tufo. Oleg waxaa loo diyaarinayaa markuu kontomeeyo cimrigiisa gaaro in lagu wareejiyo hay’adda sirdoonka Midowga Soofiyeed KGB.
Oleg waa nin dheer oo jirkiisu uu dhisan yahay, markuu garoonka diyaaradaha Moscow yimid, wuxuu si aayar ah uga dhex muuqday dadweynihii garoonka joogay. Oleg waxaa maskaxdiisa ka guuxaya cabsi iyo argagax weyn—kaas oo kiciyay dhammaan dareemayaashiisa khatarta. Far iyo meel bugtaa is ogee, Oleg waa basaas laba-wajiile ah oo u shaqeeya labada sirdoon ee Ingiriiska iyo kan Midowga Soofiyeed. Oleg waxaa maskaxdiisa ku jirta in ilbiriqsi walba la khaarijin karo. Mudoo 12 sanadood ah, Oleg wuxuu u shaqeenayay sirdoonka MI6 ee sirdoonka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibedda. Sirdoonka MI6, waxay Oleg ugu wanqaleen naynaysta 'NOCTON', kaas oo ahaa baaq sir ah oo ey isla ogaayeen basaasiinta MI6 iyo Oleg. NOCTON wuxuu noqday basaaskii ugu qiimaha badnaa dunida xilligii dagaalka qaboobaa uu socday. Macluumaadka qaaliga ah ee NOCTON uu siin jiray sirdoonka Ingiriiska waxay sababtay in reer Galbeedku uu wax ka beddelo qaabka uu u wajahayo Midowga Soofiyeed. Wuxuu sidoo kale reer Galbeedka uu siisay iney ka gacan sareeyaan Soofiyeedka, maadaama ey sirtooda helayeen falkooda ka hor.
NOCTON wuxuu sirdoonka Ingiriiska iyo kuwa reer Galbeedkaba u kala dhambaalay shabakada sirdoonka Soofiyeedka iyo sidey u shaqeeyaan. NOCTON wuxuu kaloo reer Gaalbeedka dhex geeyay qaab fikirka Soofiyeedka gaar ahaan xilliyadii gantaalada nuclearka la isku soo jeediyay. Madaxweynihii Mareykanka xilligaas Ronald Reagan iyo reysal wasaarihii Ingiriiska Margaret Thatcher midna ma ogeyn qofka uu NOCTON yahay, waxa kaliya oo loo sheegi jiray xogaha lasoo helo ee ku aaddan Midowga Soofiyeed. NOCTON xaaskiisa xataa kama war hayn in ninkeeda uu yahay laba-wajiile basaas u ah Ingiriiska. Yeelkadeed, NOCTON maadaama uu yahay sargaal sare oo sirdoonka Soofiyeedka katirsan, wuxuu heli jiray xogo sir ah oo aan weli madaxweynaha Soofiyeedka la ogeysiin. Si kastaba ha ahaatee, NOCTON waxaa lagu amray inuu Moscow soo galo, arrinkaan waxaa walaac ka muujiyay MI6, oo NOCTON uu uga qiimo badan yahay wax walba. Saraakiisha MI6 waxay NOCTON kula taliyeen inuu goosto oo uusan Moscow ku laaban, iyagana ey nabadgelyadiisa kafaala-qaadayaan. MI6 waxay ka shaki qabtay in Moscow ogaatay in NOCTON uu MI6 la shaqeenayo. Fikir dheer kadib, NOCTON wuxuu go’aansaday inuu Moscow tago oo ka boodo talada MI6.
Saraakiisha MI6 waxay si halhaleel ah u bilaabeen iney dib u eegaan qorshaha badbaadinta NOCTON haddii Moscow ey xirto ama qorsheenayso iney shirqoosho NOCTON. Qorshahaan waxaa lagu naanaysi jiray PIMLICO, waxaana la dajiyay 7 sanadood ka hor inta uusan NOCTON go’aansan inuu Moscow ku laabto. Waa 18kii bishii Dirircowl (MAAJO) ee sanadkii 1985kii. Waxaa xusid mudan MI6 xilligaas ka hor weligood qof kama soo furan Ruushka iska daa iney basaas laba-wajiile ah soo furtaan e. NOCTON waxaa loo tababaray inuu dareemo khataraha inta eysan soo dhicin. Isagoo dhex mushaaxaya garoonka Moscow, NOCTON wuxuu dareemayaa welwel sababo badan aawadood. Waxaa meelwalba uga muuqda calaamadaha khatarta. Sargaalka baasaboorkiisa hubinayaa wuxuu qaatay in badan inuu baasboorka hubiyo, waagii hore, maadaama uu yahay sargaal sirdoon, waa loo fududeyn jiray. Sidoo kale, gaari iyo ilaaliye midna looma soo dirin oo garoonka kasoo qaada, tanina waxay gelisay shaki kale iyo dareen ah in lagu raadjoogo. NOCTON wuxuu ku qasbanaaday in taksi aqalkiisa geeya uu kireysto. Intuu taksiga saarnaa, NOCTON wuxuu eegayay in la daba socdo, gaar ahaan wuxuu iska ilaalinayay gawaarida KGB uu sida aadka ah u yiqiinay.
Aqalkiisa markuu gaaray, sakatuuradii koowaad wey furantay, sakatuuradii labaad wey furantay. Balse, tii seddexaad ayaa furmi weysay. Sakuutarada seddexaad waxaa si kama ah ugu xiray saraakiisha aqalkiisa baartay inta uusan imaan. NOCTON aqalkiisa laba sakatuuro unbuu ku xiri jiray, wuxuuna sidaas u yeelay inuu dabin u dhigo qaarka ku daba jooga iyo si uu u ogaado haddii aqalkiisa loosoo dabamaro. Seddexdaas arrimood oo isbiirsaday, basaas NOCTON waxaa u xaqiiqsantay in la ogaaday inuu MI6 la shaqeeyo. NOCTON waxaa lasoo daristay cabsi taas oo qalajisay dareemayaashiisa wax kala soocidda, wuxuu aaminay in ilbiriqsi walba la shirqoolayo, uuna noqon doono dameer bakhtiyay. Basaaskii la basaasay, kuwii basaasana lasii basaasay ayaa u sawirmay Oleg. NOCTON wuxuu go’aansaday inuu bixiyo baaqii sirta ahaa ee kala dhexeeyay MI6 kaas oo lagu naanaysay PIMLICO. Baaqu hadal ma’aha, ee waa xilli, meel iyo walax. Haddii seddexdaa calaamadood NOCTON lagu arko, MI6 waa iney bilowdaa howlgalkeeda badbaadinta NOCTON. Seddexda arrin waxay kala ahaayeen, in NOCTON lagu arko waddo Moscow ku taal oo la isla ogaa, inuu sito bac cuntada lagu qaato nooc la isla ogaa iyo xilliga inuu yahay galab casarkii 3da galabnimo. NOCTON baaqaas ayuu diray.
Saraakiisha MI6 ee Moscow ayaa waxay qaateen gaari ey saaran yihiin nin iyo naag basaas ah, iyo nuune yar oo weli xafaayad qaba. NOCTON bey goor habeenkii ah u tageen, waxaay ku duuduubeen darbaal aan raajada iyo kaamirooyinku arki kari waxa gudaha ku jira, waxana ku rideen gaariga gadaashiisa. Waxay isla habeenkii ula soo baxsadeen dhanka xuduudda Finland. Markey xuduudda soo gaareen waa la istaajiyay, waxaana baaritaan loogu dhaqaaqay gaariga. Askartii, raajadii iyo kaamirooyinkii markii ey arki waayeen wax qarsoon oo gaariga ku jira, ayeey waxay kusoo fasaxeen eeyo loo tababaray urinta wax nool, daroogada IWM. Labadii basaas ee lasoo baxsaday NOCTON markey eeyada arkeen wey naxeen, waxayna is yiraahdeen haddaa lasoo saarayaa NOCTON idinkana waa la idin tooganayaa. Si kastaba ha ahaatee, basaasadda haweenayda ah ayaa si dhaqsaha ugu fikirtay xeelad ey eeyada uga hortagto iney wax uriyaaan. Waxay soo qaadatay nuunaheeda oo xafaayaddiisa ey saxaro ka buuxdo, waxayna nuunaha dulsaartay meesha NOCTON lagu qariyay—halkaas oo ey dhigtay xafaayaddii saxarada ka buuxday, nuunahana ku nadiifisay. Eeyada markey soo gaareen halka NOCTON lagu qariyay, sankooda ayey la boodeen iyagoo goobta dib uga cararay. Wax yar kadib waa la sii daayay , deedna waxay usoo talaabeen dhanka Finland, iyagoo halkaas diyaarad kasoo qaatay una soo ruqaansaday dhanka London. Oleg (NOCTON) waxaa la dajiyay aqal sir ah, oo aad loo ilaaliyo, ilaa imminkana wuxuu ku noolyahay dalka Ingiriiska, iyadoo amnigiisa aad loo sugo.
FG: Qisada Oleg oo dhammeystiran waxaa ka helaysaa buugga ‘The Spy and the Traitor: The Greatest Espionage Story of the Cold War’ waxaa qoray Ben Macintyre, buugga wuxuu soo baxay bisha May 2018. Buuggu wuxuu noqday buugga loogu akhris iyo gadasho badan yahay dunida.
Comments
Post a Comment