DAD VS MASHIIN: GUUSHII UGU DANBEYSAY EE
MAANKA!
Garry Kimovich Kasparov wuxuu dhashay 13kii Seyrmaweydo
(Abriil) sanadkii 1963kii, wuxuu ku dhashay magaalada Baku ee dalka Azarbijan
ee katirsanaan jiray Midowga Soofiyeed. Kasparov waa horyaaka adduunka shaxda
afka qalaad lagu yiraahdo chess, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay horyaalka
ugu ciyaaryahansan shaxda chess ee abid dunida cag soo dhigay. Yeelkadeed,
sanadkii 1985kii, Kasparov wuxuu qaaday koobka horyaalka shaxda chess ee da’
yarta. Muddo 12 sanadood ah kadib, Kasparov, cid la baratanta oo ka badisa waa
la waayay, shaxyahan walba oo yimaada si fudud ayuu uga badan jiray, qaar wuxuu
diri jiray 32-0. Xaalka Kasparov wuxuu sidaas ahaadaba—oo dunida uu kaligii ku calanwaleeyaba,
sanadkii 1997kii ayaa waxaa ciyaar ka dalbaday mashiin ey xardheen khuburada shirkadda
kombuyuutarada ee loo yaqaan IBM, mashiinka oo lagu magacaabi jiray Deep Blue. Kasparov
wuu aqbalay dalabka, ciyaartii ugu horreysayna si dirqi ah ayuu uga badiyay
mashiinka Deep Blue. Ciyaar ku celis ah ayaa dhexmartay mashiinka Deep Blue iyo
Kasparov, markaan Kasparov waxaa looga badiyay si aqlabiyad ah (comprehensive defeat);
waxaana halkaas ka dhashay halheys hirgalay oo la yiraahdo guushii ugu
danbeysay ee maanka (brain’s last stand). Kaparov halkii ilbiriqsi wuxuu
maankiisa ku shaandheyn karaa seddex dhaqaaq oo shaxda chess ah, halka Deep
Blue uu ilbiriqsiqii shaandheyn karo in ka badan 200 oo milyan oo dhaqaaq. Arrinkaan
wuxuu Kasparov ku qasbay inuu ciyaarta ka fariisto, sidoo kale, arrinkaan wuxuu
u gogol xaadhay in mashiinada caqliga leh (smart machines) ey la wareegi
doonaan shaqadii aadanaha qaban jiray oo idil.
BILOWGA TAARIIKHDA
Mashiinada caqliga leh waa guushii ugu weyneyd
ee aadanuhu gaadhay tan iyo markii aadanuhu helay fikradda wax beerashada. Sooyaalka
taariikheed ee aadanaha waxay soo martay marxalado kala duwan. Xilli waxaa
jirtay aadanaha uu ku noolaa godadka dhurwaayadu galaan—oo u ugaarsan jiray sida
xayaawanada. Xilligaas aadanaha wuu kasoo gudbay oo wuxuu bartay inuu xoolaha
dhaqdo, oo wuxuu bartay dhaqashada geella, lo’da iyo adhiga, arrinkaasna wuxuu
aadanaha ku qasbay inuu yeesho deegaan rasmi ah oo uu dego oo uu xoolaha ku
daaqsado—halka markii hore uu ahaa reer guuraa daba orda ugaadha. Waana xilligaas
xilliga aadanuhu bartay inuu buuraha aqallo ka jeesdo, halkaasna ka galo
dhaxanta, roobabka iyo bahalada. Isla xilliyadaas, aadanuhu wuxuu bartay inuu
dallag abuurto, oo noloshiisa uu ku tiiriyo dallaga kasoo go’a beeraha—halka
markii hore uu ahaa hilib warato ku nool ugaarsiga ugaadha. Sidoo kale, adanuhu
wuxuu bartay sameynta iyo horumarinta agabka lagu fasho beeraha, agabka lagu
kariyo cuntada, agabka lagu dhiso aqallada iyo agabyo kaloo badan. Maadaama agabkiisu
uu batay oo uusan marwalba la guur-guuri karin, arrinkaana waxay sidoo kale aadanaha
ku qasabtay inuu dego oo yeesho hal deegaan. Halkaas waxaa ka dhashay in
aadanuhu noqdo bulshooyin iyo qowmiyado ku kala baahda afarta dhinac ee arlada.
Markii aadanuhu uu ku baahay dunida oo uu noqday
qowmiyado iyo bulshooyin, waxaa bilaabmay marxaladdii diimaha iyo farriimaha
Alle ey aadanaha soo gaari jireen, isla marxaladdaas waxay aheyd marxaladdii gadoodka
aadanaha uu ku gadooday abuurihiisa iyo ergooyinkii loosoo diray. Si kastaba ha
ahaatee, wuxuu xaalka aadanaha sidaas ahaadaba, wuxuu soo gaaray casriyadii
madoobaa ee aadanuhu uu ku sigtay inuu dib ugu laabto dhaqankiisii hore ee
xayawaannimada. Inkastoo marxaladdaan ey qolaba xilliyo kala duwan soo martay,
haddana waa marxalad qolo walbaa ey soo martay. Waxaana arrinkaan u sabab ahaa
in qolo walba iska diiday isdhexgalka bulshada iyo aqbalaadda kala
duwanaanshaha.
CASRIGII MAANFURKA
Colaado badan iyo abaaro badan oo isdaba joog
ahaa kadib, waxaa qaaradda Yurub ka dhashay olole caalami ah oo sabab u noqday
horumarka iyo isbeddelka aadanaha uu maanta heysto. Ololahaan waxaa loo yaqaan ololihii
maanfurka (The Enlightnment). Waxaan muran ka taagneyn in reer Galbeedku maanta
yihiin ilbaxnimada hormuudka u ah geedi-socodka nolosha aadanaha, si walba oo
loo diidan yahay ilbaxnimadaas. Maanfurku waa olole maanshiil iyo falsafadeed
kaas oo dunida qabsaday qarniyadii 16aad, 17aad, 18aad, 19aad, 20aad ilaa
qarniga aan maanta ku jirnana socda. Inkastoo taariikhyahannada caalamiga ah ey
isku khilaafsan yihii goorta saxda ah ee uu bilaabmay ololaha maanfurku,
haddana waxay isku waafaqsan yihiin inuu kasoo bilaabmay kacaankii sayniska ee
bilaabmay sanadkii 1620kii. Sidoo kale, waxay taariikhyahannadaan sheegaan in
maanfurku uu ka bilaabmay koox saynisyahanno ah oo ka doodi jiray arrimaha
sayniska, falsafadda, bulashada, hidaha iyo dhaqanka. Culumadaan saynisyahannada
ah waxay ku kulmi jireen maqaaxiyaha qaxwaha laga cabbo, jaamacadaha iyo
makatabadaha. Afkaartii maanfurka waxay aheyd mid diidan dulmiga boqortooyadaha
iyo diinta ey ku hayeen dadkii ku noolaa Yurub xilligaas, iyo in wax walba lagu
salleeyo maangalnimo (reeason). Markii afkaarta maanfurka uu ku baahay Yurub oo
dhan, qarniyadii 18aad iyo 19aad waxay horseeday kacdoon dadweyne oo lagu doonayo
in siyaasadda iyo xukunka wax laga beddelo. Faylasuufyadii iyo aqoonyahannadii
soo daadihiyay ololaha maanfurka waxaa kamid ahaa:
1- John Locke (1632-1704) wuxuu u dhashay dalka
Ingiriiska, wuxuu haa faylasuuf. Wuxuu cilmiga ka qaatay Thomas Hobbes oo ahaa
faylasuuf Jarmal. Ardaydiisa waxaa kamid ahaa Voltaire, Emanuel Kant iyo Jean-Jacques
Rousseau.
2- François-Marie Arouet Voltaire (1694-1778)
wuxuu ahaa faylasuuf u dhashay dalka Faransiiska, wuxuu door weyn ka qaatay
ololaha maanfurka.
3- Jean-Jacques Rousseau (1712-1778) wuxuu ahaa
faylasuuf u dhashay dalka Faransiiska, oo door weyn ka ciyaaray ololaha
maanfurka.
4- Adam Smith (1723-1790) wuxuu ahaa faylasuuf
dhaqaalayahan u dhashay dalka Scotland oo katirsan boqortooyada Midowday (UK). Wuxuu
ahaa aabaha iska leh aragtida suuqa xorta iyo xorriyadda dhaqaalaha (economic
freedom).
5-
Emanuel Kant (1724-1804) wuxuu ahaa faylasuuf
udub dhexaad u ah falsafadda adduunka oo idil. Dadka qaarkii waxay ku sheegaan
inuu ahaa ninkii ugu caqliga badnaa abid.
dhigaal laguma soo koobi karo faylasuufyadii
sida hagar la’aanta uga qeyb galay dhaqdhaqaaqii maanfurka ee aadanaha.
Maanfurku wuxuu dadka tusay xaqooda iney
dhacsadaan iyo in la wadaago xukunka iyadoo aasaas looga dhigayo xorriyadda
qeybaheeda kala duwan sida; xorriyadda doorashada, xorriyadda saxaafadda,
xorriyadda hadalka, xorriyadda dhaqaalaha, xorriyadda siyaasadda iyo xorriyadda
lahaanshaha. Kacdoomadii uu maanfurku sababay waxaa kamid ah; kacaankii
Faransiiska ee sanadkii 1789kii oo ahaa kacaan dadweyne oo ey ku diideen
addoonsiga boqortooyada iyo in hantida guud ey gacanta ku hayaan koox yar
(feudalism). Kacaanka Faransiiska wuxuu Yurub ka dhaliyay dhaqdhaqaaqyo
isbeddel doon ah, oo ey bulshadu ku dooneyso dimuquraadiyad dhammeystiran. Waxaa
kaloo maanfurku dhaliyeen Kacaankii Warshadaha, oo soo bilaabmay sanadkii 1760kii,
wuxuuna ahaa kacdoon lagu casriyeenayo wax soo saarka dadka. Waxaa la
hal-abuuray mashiino waa weyn oo shaqada dad badan ey qaban jireen muddo dheer
ku qabanaya xilli kooban. Kacdoonku wuxuu ka bilaabmay waddanka Ingiriiska oo
xilligaas caan ku ahaa tolidda dharka noocyadeeda kala duwan. Warshaddii ugu
horreysayna waxaa loo sameeyay shirkadaha dharka tola. Si tartiib-tartiib ah
ayeey usoo bateen hal-abuuro hindisay warshado iyo agab looga kaaftoomay
shaqooyinkii dadku qaban jireen. Kacdoonkii warshaduhu ma hanaqaadeen haddaan
saynisyahannada eysan la garab istaageen hindisooyin iyo baaritaano cusub, gaar
ahaan heliddii awoodda dahsoon ee qulqulka danabka (the invisible power—electricity).
Waxaana isticmaalka danabka hindisay saynisyahan la oran jiray Michael Faraday oo
u dhashay dalka Ingiriiska. Helidda danabka waxay u gogol xaadhay hindisidda
agabyo iyo warshado ku shaqeeya danab.
CASRIYEENTA IYO CASRIYEENTA KA GADAAL
Maanfurka waxaa feer socday casri
taariikhyahanadu ku sheegaan casrigii ‘casriyeenta’ (modernity) kaas oo ah
helidda iyo hindisidda walax iyo afkaar cusub oo lagu hormarinayo nolosha
aadanaha. Casrigaan wuxuu dhammaaday 1930kii, sida ey taariikhyahannadu
sheegaan. Casriyeenta wuxuu fikir-wadaag la yahay manfurka, oo labaduba waxay
wax walba ku salleeyaan maangalnimo. Waxaa casrigaas ka danbeeyay casri la
yiraahdo ‘casriyeenta ka gadaal’ (postmodernity) kaas oo ey culumada cilmiga
bulshadu ku sheegaan inu yahay casrigii sayniska iyo tiknoloojiyadda lagu
tiirsanaa kaas oo ilbaabada isugu laabay casrigii ka horreeyay ee casriyeenta. Casriyeenta
iyo casriyeenta ka gadaal waa xilligii aadanaha uu u kala barratamay sahminta
hawada sare, waa xilligii la helay awoodda dhammeystiran ee tamarta (nuclear),
sidoo kale waa casrigii colaadaha waa weyn ey dunida ka dhaceen. Sidii loo
helay isticmaalka iyo adeegsiga internetka, waxay dunidu gashay casri loogu
yeero casrigii lambarada (digital era) oo loola jeedo casri wax walba loo
isticmaalayo kumbuyuutarka oo ku shaqeeya lambaro dhaadheer oo la isku geeyay.
Casrigaan lambarada wuxuu aadanaha u kaxeeyay
xagga sare ee mustaqbalka, isagoo baadigoob ugu jira inuu samada sare ka
xaadhxaadhto hoy uu ku noolaan karo. Casrigaan wuxuu aadanuhu hindisay mashiino
caqli leh (smart machines) kuwaas oo la wareegay qaar kamid ah shaqooyinkii
dadku qaban jireen. Waxaan aragnay diyaarado, gawaari iyo dayaxgacmeedyo
mashiino caqli lihi wadaan. Kudarso, warshadaha sameeya gawaarida, diyaaradaha,
hubka iyo maraakiibta waxaa 90% shaqooyinka qabta waa mashiinada caqliga leh. Dhanka
caafimaadka, wadamada Galbeedka waxaa dhowaan ka bilaabmay mashiino dhaqaatiir
ah (robot doctors) oo sameenaya qalliimada culus sida qalliinka wadnaha iyo
maskaxda. Mashiinada dhaqaatiirta ah waxay si aan nasasho laheyn u qalayaan 100
jibaar bukaanada ey maalintii dhaqaatiirta aadanaha qalaan. Mashiinada dhaqaatiirta
ah ma doonayo mushaar, cunno ama cabitaan; ee wuxuu doonayaa kaliya software
iyo danab uu ku shaqeeyo.
Sidoo kale, khuburada hubka waxay sanadkii hore
soo bandhigeen mashiino askar ah oo duuli kara, kuwaas oo caqli leh. Mashiinadaan
waxaa lagu kaydin macluumaadka qofka la rabo in la dilo sida; aqoonsiga
suuraddiisa (face recognition), aqoonsiga codkiisa (voice recognition), culeyska
jidhkiisa, dhererkiisa, magaciisa, da’diisa, deegaankiisa iwm. Khuburadaan waxay
sheegeen in mashiinadaan inta diyaarad lagu soo raro iyagoo kumanaan kun ah—deedna
lagu daadin karo hawada magaalada la doonayo in la weeraro, mashiin walbaana
wuxuu si habsami ah u fulinayaa howshii loo igmaday; isagoon baqeen, amardiido
la imaaneyn, su’aalna ka keeneen shaqadiisa. Khubaradaan waxay sheegeen,
mashiinada askarta ee caqliga lihi waxay beddel u noqon doonaan hubka nuclearka—oo
isagu meeshii lagu rido dad, duunyo iyo deegaanba nabaadguurinaya. Dhowrkii sano
ee ugu danbeeyay dawladda Mareykanka waxay si habsami ah u adeegsaneysay
diyaarado aan duuliye laheyn (drones) diyaaradahaan waa kuwo caqli leh (smart
drones) waxay dilaan markey aqoonsadaan qofka bartilmaameedka u ah, inkastoo
waagii hore kombuyuutaro laga hagi jiray—haatan iyagaa is haga. Sidoo kale
saynisyahannadu waxay hindiseen, mashiino caqli leh oo guryaha iyo xafiisyada
ka shaqeyn kara kala joogsi la’aan. Mashiino wadi kara gawadhida, Uber oo ah
shirkadda taksiilayaasha ugu weyn dunida, ayaa haatan wadda tijaabooyin oo ey
ku sameyneyso gawaari ey wadaan mashiino caqli leh, si ey uga kaaftoomaan
shaqaaleysiinta dadka. Tareeno badan ayaa haatan waxaa wada mashinaada caqliga
leh.
GUNAANAD
Isku soo wada xooriyoo, horumarka aadanaha ka
gaadhay casriyeenta ayaa ah mid xawaare sareeya ku socda, mana muuqato wax
hakin kara ama caqabad kusoo fool leh. Waxaan oo horumar ah waxaa asal iyo
aasaas u ah maskaxda aadanaha iyo isticmaalkeeda. Maskaxduna waa haddiyadda ugu
qaalisan ee Eebe ku manaystay aadanaha—ee aan cid kale la siin. Ummad walbana
horumarkeeda wuxuu ku xiran yahay isticmaalka iyo adeegsiga hadiyaddaas. Umaddii
iyada go’aansata iney maanka ka abaarowdo, abaar iyo hallaag unbaa u danbeyn
diintey doonaan ha heystaan e. Tusaale, maxaa dalkeena marwalba abaarta ugu soo
laablaabtaa annagoo soomayna saalaadayna oo Muslimiin ah? Maxaase waddamada
reer Galbeedka ee aan Muslinka aheyn aan abaar ugu dhicin? Jawaabta oo fudud ma’aha
carro Alle iyo in Alle dadkiisa kala jecel yahay; ee waa Soomaaliya waxaa lala
dirirsan yahay dhirta, oo waala jaraa oo la dhuxulaystaa—iska daa in dhir cusub
la beero ee. Halka waddamada Galbeedka ey mamnuuc tahay iyo denbi weyn oo
xabsilagu galayo jaridda laan iska daa in geed dhan la jaro ee, taa beddelkeeda
waxay marwalba abuuraan dhir iyo howdad horleh. Dhirtuna waa sanbabka arlada ey
ka neefsato, qof aan sanbab laheyn ma neefsan karo ee wuu dhimanayaa.
Meelba meeshey ka dhir badan tahay wey ka roob
badan tahay abaarna isma arkaan. Taa beddelkeeda, meelba meeshey ka dhir
yartahay wey ka roob yar tahay, weyna ka abaar badan tahay. Waana sababtaas tan
dalkeena abaarta ku badisay kuwa reer Galbeedkana barwaaqada ka dhigtay. Adeegsiga
aadanaha adeegsanayo maankiisa wuxuu gaarsiiyay heerkaan aan la inkiri karin,
wuxuuna kasoo saaray gododkii xayaawanada uu mar u hoyan jiray. Sida imminku uu
xaalka ku socdo, ha beeneysan haddii aadanaha uu xiddigaha qasriyo ka yagleesho.
Allana waa tilmaamay in aadanuhu uu gaarayo heer aad u sareesa, oo uu is
yiraahdo cid naga sareysaa majirto annagaa dunida ka boqor ah, markaasna waa
marka saacaddeena ey dhammaaneyso. Garry Kasparov, 20 sanadood ka hor wuu
dhayalsanayay in shaxda chess mashiin kaga adkaaday, oo wuxuu islahaa waa guul
kumeelgaar ah, caqliga aadanahana cidna kama adkaan karto. Balse, imminka
annagoo dhan baa garowsanay in mashinada caqliga lihi yihiin hagayaasha
mustaqbalka aadanaha.
Comments
Post a Comment