SIDEE ILMAHAAGA UGA BADBAADIN KARTAA HAGARDAAMOOYINKA
NOLOSHA?
Waaalidiinta ma'aha kaliya iney ka fikiraan
buuxinta caloosha ilmahooda, balse waa iney ka fikiraan dhisidda, daryeelka
ruuxda iyo maanka ilmahooda. Maalin dhoweyd waxaan fiirsaday muuqaal qalbigeyga
ku reebay urugo iyo uurkutaalo weyn, si walba oo aan yeelay weli waan ka
tirtiri la’ahay qalbigeyga. Waxaan daawaday gabadh dhalinyaro ah oo qurux iyo
joog Rabbi ugu deeqay—haddana gacmaha iyo lugaha ka xirxiran oo taala
isbitaalka dhimirka ee Muqdisho. Markaan baadigoobay sababta inantaan
dhalinyarada ahi u waalatay, waxay hooyadeed sheegtay in gabadheeda ey is
jeclaayeen inan, kaas oo kasoo doonay laguna meheriyay. Hooyada oo hadalkeeda
sii wadata waxay tiri; wiilka iyo gabadhayda waxay ku heshiiyeen iney
isguursadaan oo aqal yagleelaan; waxayna wada socdeen muddo dheer oo ey u tabaabusheesanayeen
dhisidda aqalkooda, annagana waan isku meherinnay. Nasiibwanaag, wiilka ayaa
wuxuu helay fursad uu ugu dhoofo dalka dibeddiisa gaar ahaan dalka Mareykanka,
si uu jecelkiisa usoo dabbarto. Gabadha aad ayey ugu faraxday in ninkey jecleyd
uu helay fursad dhoof, iyaduna waxay niyadda ku adkeysatay iney Mareykanka u
dhoofeyso—halkaasna ey aroos ku galayaan. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka
siyaasaddiisa ku aadan dadka soo-galootiga ah waxbuu ka beddelay, oo wuu
adkaaday.
Wiilka markuu Mareykanka tagay nolosha ayaa ku
adkaatay, sharci la’aan aawadeed, waxaana dhacday inuu halkaas ka bartay
haweeney kaligeed ah oo doonaysa nin ey nolosha la wadaagto. Waxaana dhacday in
wiilku haweeneydaas guursaday. Gabadhii uu Muqdisho uga soo tagay markii loo
sheegay in ninkey guurka ku ballansanaayeen uu naag kale Mareykanka ku
guursaday ma eysan rumeysan, sababtoo ah wiilka waxay u heysay dareen adag oo
aan si sahal ah lagu liici karin. Dhibtase waxay bilaabmatay markuu wiilka
laftigiisa uu gabadha lasoo xiriiray una xaqiijiyay inuu naag kale guursaday
uuna usoo socon xarrigeedana soo fasaxay. Gabadha markii ey intaas maqashay
ayey waalatay oo dharka dhigatay. Reerkii wiilka oo ey la nooleydna wey soo
ceyriyeen, oo waxay soo waceyn hooyadeed iyagoo leh kaalay gabadhaada naga kaxeyso
wiilkeenu wuu furay e. Yeelkadood, hooyo waa lama huraan, waana caymiska
qofwalba oo hooyadii nooshahay, orod bey isku xaabisay, oo gabadheedii soo
xanbaarsatay iyadoo Quraan saar iyo dhaqtar la daba oroday. Dhigaalkaan gaaban waxaan
doonayaa inaan dul istaago sababaha yar yar iyo kuwa waa weyn ee isbiirsaday ee
keenay xanuunka inantaan yar. Sidoo kale, sidee looga hortagi karaa in
musiibadaan oo kale ilmahaaga ey ku dhacdo?
Ilmaha waalidkooda maskax ahaan u dhisa waxay
diyaar u yihiin iney ka dabaashaan hagardaamooyinka ey dunida kala kulmaan. Dhibaatadaan,
ha noqoto mid ey kala kulmaan goobaha waxbarashada, goobaha shaqada, baraha
bulshada amaba ha noqoto hagardaamo iyo filan-waa ey ka kulmaan qofkey doorteen
iney nolashooda la wadaagaan. Waalidka wanaagsani waa kan ilmahiisa la sheekeysta
har iyo habeen—isagoo u diyaarinaya sideey uga falcelin lahaayeen haddii ey
lasoo dersaan; dhibaatooyin, sidey fashilkooda ugu beddeli lahaayeen guul iyo
sidey ula noolaan lahaayeen hagardaamooyinka. Waalidku waa inuu ilmihiisa baraa
iney noqdaan qaar maskax ahaan ah dad adag oo aan la liici karin; taasna micnaheeda
ma’aha in ilmaha la barayo qalafsanaan iyo in ey qariyaan caadifaddooda, mana
aha in la barayo arxandarnaan iyo isdifaacid joogta ah.
Haddaba si ilmuhu u noqdo qof maskax ahaan ka
dhisan oo u diyaarsan inuu ka dabaasho waxwalba oo lagu soo tuuro, waalidku waa
inuu ilmihiisa gunta u dhigaa afar qodob. Koow, waalidku waa inuu ilmihiisa
baraa sida ey fikirka togan ee qalloocan ugu beddeli lahaayeen mid taban oo
wacan. Tusaale, ilmahaaga oo uskuulka jooga ayaa arday kale ku yiri waxaad tahay
damiin, oo maadadii xisaabta anigaa kaa fiicnaa. Ilmaha maskax ahaan lasoo
diyaariyay meeshii uu ka qarracmi lahaa oo cuqdad ka qaadi lahaa, wuxuu hadalka
saaxiibkiis u beddelayaa mid uu isku dhiirigeliyo oo kor ugu qaado aqoontiisa. Labo,
waalidu waa inuu ilmihiisa baraa inuu marwalba naftiisa kutiirsanaado
(self-dependency). Ma garaneysid intaad noolaan kartid, amaba waxaa laga yaabaa
inuu kuugu dhaco cudur aad awoodi weydo inaad ilmahaaga caawiso. Sidaas daraadeed,
waxaa habboon in ilmaha yaraantaba la baro inuusan cidna wax ka sugin oo marwalba
naftiisa kutiirsanaado xataa hadduu guursado. Arrinkaana waa dhaqan aan
Soomaali ahaan leenahay.
Ma barno ilmaha gabdhaha iyo wilasha iney
naftooda kutiirsanaadaan. Taa beddelkeeda waxaan barnaa qaraabanimo iyo qabiil
in wax lagu helaaayo oo marwalba ey kuu hiilinayaan. Sidaas ayaa dadkeenu ugu
badan yahay dadka dadka kale shaxaada (gacanta hoorsada). Qodobkaan wuxuu si
gooni ah u taabanayaa qaabka aan gabdhaha u tarbiyeenno. Sababtoo ah, gabdhaha
waxaan u tarbiyeenaa in la guursanayo oo ey tahay iney ninkeeda kutiirsanaato,
sidaas aawadeedna loo baahneyn iney waxbarato ama shaqeysato. Gabadha markey 20
gaadho oo lasoo doono, waxba dhaqaale ma heysato, shahaado ma heysato, waxay
waxwalba ka sugeysaa ninka soo doontay. Ninkuna waa banii’aadan, oo waxaa laga
yaabaa markuu muddo gabadhaas la joogo inuu helo mid kale oo qalbigiisa uu in
badan kaga xasilay. Sidaas aawaadeedna uu gabadhii hore ka tago oo tan cusub ee
qalbigiisa la qaadqaaday uu ubbadiisa ag dhigto. Gabadhii yareed ee ninkaan
waxwalba kutiirsaneyd waxaa wajiga uga soo dhacaya oo been noqonaya riyadii iyo
yididiiladii ey la dhistay ninkaan, dabadeedna maskax ahaan ayey u
dhaawacmeysaa, qaarna dhimirka ayaa dukheenaya sida gabadha aan kaga soo
sheekeenay dhigaalka bilowgiisa. Seddex, waalidku waa inuu ilmihiisa markey yar
yihiin baraa sida ey u xakameyn lahaayeen caadifaddooda. Ilmaha waa in la baraa
ineysan dadka kale u muujin dareenkooda, nasiibdarradooda iyo iney wax ka xun
yihiin; si aan ilmaha bartilmaameed looga dhigan caadifaddooda. Afar, waalidku
waa inuu baraa ilmihiisa xaalad walba ey ku jiraan sidey u dooran lahaayeen
tallaabooyin tabane ah oo wacan, iyagoo dooranaya tallaababa tallaabadey ka
wacan tahay.
Haddaba si looga hortago inaan ilmahaaga maskax
ahaan uusan dukheynin markii uu wajaho hagardaamooyin uga yimaada dunida amaba ey
laqdabeeyaan dadka kuwa ugu dhow, tobankaan qodob ku hubso iney galaan DNA-da
ilmahaaga:
1-
Ilmahaaga bar xirfadda sida loo xalliyo
dhibaatooyinka (problem-solving skills), sida loo xakameeyo xanaaqa iyo sida
nafta loo edbiyo. Arrimahaan waxay ilmahaaga barayaan iney noqdaan qaar
waqtigooda uga faa’iideysata halbuurnimo, oo aan ku mashquulin caadifad iyo
xanaaq.
2-
U ogoloow ilmahaaga inuu qalad sameeyo, waayo,
qalad la’aan wax lama barto. Midda kale, waxaa kuu fiican in ilmahaaga uu
hortaada ku qaldamo intuu ku qaldami horta dad aan u tureyn. Balse, si dabiici
ahaan oo aanan aheyn maalinta uu ilmahaaga qaladka sameeyay, u sax qaladkiisa
adigoo si degen oo aan caro ku jirin ugu saxaya qaladkiisa.
3-
Ilmahaaga bar iney naftooda la hadlaan, iyagoo
iskala dooda sidii ey u dooran lahaayeen fikir iyo mowqif wacan.
4-
Ku dhiirigeli ilmahaaga iney wajahaan
waxyaabaha ey ka baqaan si toos ah. Haddii ilmahaaga ey ka dhuuntaan iney
wajahaan waxyaabaha ey ka baqaan, weligood ma helayaan kalsoonida ey u baahan
yihiin iney ku maareeyaan noloshooda. Tusaale, ilmahaaga haddii ey ka baqaan bisadda
ama eyga, u gee bisadda iyo ey oo bar ineysan ka baqin.
5-
U ogoloow ilmahaaga iney fashilmaan oo
khasaaraan markey yar yihiin. Haddii aad dhexda kaga soo boodid oo aad marwalba
badbaadisid, ilmaha waxay noqonayaan qaar kugu tiirsan oo la’aantaa aan noolaan
karin. Balse, waa inaad u ogolaatid iney fashilmaan oo khasaaraan, deedna ku
dhiirageli iney fashilkooda iyo khasaarahooda u beddelaan guul.
6-
Dhis shaqsiyadda ilmahaaga, u samee jiheeye iyo
dastuur shaqsi oo ilmhaaga ey raacaan. Tusaale, bar ilmahaaga run sheega iyo
daacadnimada iney ka wacan yihiin guusha lagu keeno khiyaano iyo been.
7-
Bar ilmahaagaa mahadnaqa, oo ka dhig mid
saldhigta maskaxda ilmahaaga. Haddii ilmahaaga ey soo marto maalin darran oo uu
la kulmay hagardaamooyin, waa inuu awoodaa inuu maskaxdiisa ka baaro maalmihii
wacnaa ee Eebe ku galaddeystay. Tusaale, ilmuhu haddii uu galo shil gaadhi, oo
gaadhigii uu burburo laakiin isagu uu badqabo, waa inuu ilmuhu garanayaa inuu
Eebe ku mahadiyo oo xusuusto inuu ka badbaaday shilka, qarash walba oo ka
lumay.
8-
Bar ilmahaaga inuu aqbalo mas’uuliyadda. Haddii
uu qalad sameeyo ma’aha inuu asxaabtiisa ama walaalihiisa korka ka saaro, balse
waa inuu awoodaa inuu gacanta kor u qaado oo yiraahdo anigaa ka mas’uul ah
qaladkaas, isagoon cudurdaar naftiisa u raadin.
9-
Bar ilmahaaga xirfadda habeynta caadifadda. Ma’aha
markey ooyaaan inaad markiiba dajiso oo oohinta ku celiso, daa oohintooda ha
dhammeystaan. Mana aha markey careysan yihiin inaad isku daydo inaad ka
farxiso, daa caradooda ha dhammeystaan. Daa iyagu ha bartaan sida loo habeeyo
caradooda, sababtoo ah haddaad marwalba oo ey ooyaan aad dajisid, waxay ku
talagalayaan inaad marwalba dajin doonto, halkaasna waxaa kasoo baxaya ilmo aan
habeyn karin caadifaddiisa. Waalidku waa inuusan ka daba caroon ilmihiisa
markey careeysan yihiin, dajininna, laakiin taa beddelkeeda waa iney
ismaahiyeen oo iska yeelaan ineysanba ogeyn oohinta ilmahooda. Laakiin, markey
soo degaan oo galaan xaalad kale waa iney si wacan u saxaan.
10-
Ilmahaaga tusi tusaale wanaagsan oo xaggaaga ka
yimaada, kaas oo ku aaddan sida ey maskaxdaadu ugu diyaarsan tahay ka
dabaalashada waxwalba oo laguugu soo gammo.
Comments
Post a Comment