Posts

Showing posts from January, 2019

ISKU JAAN: KALA MAAN

Image
ISKU JAAN: KALA MAAN! Sooyaalka taariikheed ee aadanaha wuxuu soo maray marxalado iyo xilliyo kala duwan. Sida saynisyahannada casrigu sheegaan aadanaha wuxuu dunidaan yimid qiyaastii 5 milyan oo sanadood ka hor, tan iyo waagaasna wuxuu guluf ugu jiray siduu noloshiisa u hormarin lahaa. Culumada sayniska waxay sooyaalka aadanaha ku qiyaasaan ilmo markaas dhashay oo dunida lagu soo dhex turay, isagoon ku hubeysan waxaan ka aheyn maankiisa. Bilowgii hore dadku waxay xoogga saareen sidey u badbaadi lahaayeen, una heli lahaayeen dhuunmaris iyo dhinac dhig. Xilligaas dadka waxaa cunto u ahaa ugaadha oo ey daban jireen, xilligaas wuxuu dadka lamid ahaa dhiggooda xayawaanaadka oo wuxuu cuni jiray wax alaale iyo wixii ka soo hor baxa isagoon u aaba yeeleynin xaaraan iyo xalaal (xaqiiqdii xilligaas diinba masoo gaarin). Mararka qaar dadka iyagaa is cuni jiray si ey u badbaadaan, badbaado oo qudha ayaa maanka dadka ka guuxeysay. Doodaas dheer ee ku saabsan sooyaalka taariikheed ee aada...

XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? [cilmi baaris qeybta 2aad]

XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? [cilmi baaris qeybta 2aad] Cilmibaaris ey sameeyeen saynisyahanno iyo khuburo ku takhasusay daraasadda maskaxda aadanaha (neuroscience) oo saldhigoodu yahay jaamacadda University College London (UCL) ayaa lagu sheegay dadka xagjirka bidixda iyo midigta iney ku noolyihiin dafiraadda xaqiiqda (facts) marka ey qaldan yihiin. Daraasaddu waxay kale oo ogaatay in dadka xagjirka labada dhinac ey ku adag tahay qirashada markey qaldan yihiin—taas beddelkeedana ey kusii indha cad yihiin qaladkooda. Habka ey saynisyahannadaan u mareen baaritaankaan ayaa ah hab (methodology) loo yaqaan “metacognition” oo ah hab qofka siinaysa awood uu ku ogaado markuu qaldan yahay, deedna isagey jirtaa inuu qirto inuu qaldan yahay iyo in kale. Saynisyahanadu waxay soo xusheen 400 oo mutadhawac oo kala matalaya xagjirnimada bidixda iyo midigta, deedna waxay ka codsadeen iney cabiraan fikirka ey ka aaminsan yihiin siyaasadda duni...
Image
XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? Xagjirnaimadu waa noocyo badan tahay, oo waxay ka timaadaa falcelinta dadka ey ka falceliyaan xaalad lasoo gudboonaata. Dhanka kale, Bidix iyo Midig, waa miisaan lagu qiyaaso habdhaqanka, go’aan qaadashada iyo falcelinta bulshada ee ku aaddan xaaladaha soo food saara noloshooda oo dhan; ha noqoto; mid siyaasadeed, mid bulsho, mid diineed, mid deegaan, mid dhaqan, mid dhaqaale IWM. Tusaale ahaan, xisbiga Bidixda ee siyaasadda waa xisbi kacdoon iyo baahinta xuquuqda, halka xisbiga Midigta ee siyaasadda uu yahay xisbi amar adag iyo kala danbeyn adag. Inkastoo aadanuhu inta la xusuusan yahay uu labadaas dhinac kala ahaa, Bidix iyo Midig, haddana isticmaalka erayadaa waxaa dunida ugu horreysay kacaankii Faransiiska 1789kii, markii xildhibaanada baarlamaanka Faransiiska ey u kula jabeen Bidix iyo Midig. Bidixda waxaa istaagay xildhibaanada taageersanaa kacaanka dadweynaha Faransiiska ee doo...