XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA: DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? [cilmi baaris qeybta 2aad]
XAGJIRNIMADA BIDIXDA IYO XAGJIRNIMADA MIDIGTA:
DHIBAATO SOO KORODHAY MISE DHEEF? [cilmi baaris qeybta 2aad]
Cilmibaaris ey sameeyeen saynisyahanno iyo
khuburo ku takhasusay daraasadda maskaxda aadanaha (neuroscience) oo
saldhigoodu yahay jaamacadda University College London (UCL) ayaa lagu sheegay
dadka xagjirka bidixda iyo midigta iney ku noolyihiin dafiraadda xaqiiqda (facts)
marka ey qaldan yihiin. Daraasaddu waxay kale oo ogaatay in dadka xagjirka
labada dhinac ey ku adag tahay qirashada markey qaldan yihiin—taas
beddelkeedana ey kusii indha cad yihiin qaladkooda. Habka ey saynisyahannadaan
u mareen baaritaankaan ayaa ah hab (methodology) loo yaqaan “metacognition” oo
ah hab qofka siinaysa awood uu ku ogaado markuu qaldan yahay, deedna isagey
jirtaa inuu qirto inuu qaldan yahay iyo in kale. Saynisyahanadu waxay soo
xusheen 400 oo mutadhawac oo kala matalaya xagjirnimada bidixda iyo midigta, deedna
waxay ka codsadeen iney cabiraan fikirka ey ka aaminsan yihiin siyaasadda
dunida. Durbadiiba dadkii waxay kala istaageen labada dacal ee dunida. Garabka midigta
waxay la soo baxeen amar ku taagleyn u dhimrin la’aan (intolerance) dadka ka
aragti duwan, halka qaarka bidixda istaagay ey lasoo baxeen kaligii talisnimo
iyo in dadkoo dhan hal hab lagu maamulo.
Intaas ka gadaal, mutadhawiciinta ka
qeybqaadanayay sahankaan waxaa loo qeybiyay laba sawir oo ku dul yaalaan dhibco
kala badan, deedna waxaa laga codsaday iney doortaan kan dhibcaha badan. Ujeedada
hawshaan (task) laga leeyahay ayaa ah in la cabiro “metacognition” maskaxda
dadka ka qeyb qaadanaya sahankaan iyo kalsoonidooda dheeraadka ah (overconfidence).
Intaas kadib, saynisyahannada ayaa dadkaa ka codsaday iney qiimeeyaan kalsoonida
go’aan qaadashadooda, saynisyahannada ayaa ka qeybgalayaasha sahankaan u
balanqaaday iney abaalmarin lacag siinayaan qofkii si sax ah u qiimeeya
kalsoonida go’aan qaadashadooda. Dr. Steve Fleming oo ah saynisyahanka
hogaaminayay mashruucaan ayaa yiri: “cilmibaaristaan waxaan ku ogaanay in dadka
xagjirka labada dhinac uu go’aan qaadashadoodu ka liito dadka dhexdhexaadka ah
(moderates), sidoo kale, barafisoorku wuxuu sheegay, in dadka xagjirka ah
(labada dhinac) ey doorbidaan iney qaladkooda ku adkeystaan, oo eysan qiran
qaladkooda xataa haddii loo sheego—oo ey caddahay iney qaldan yihiin”. Dr.
Fleming oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “waxaan arrinkaan ku ogaanay, sawiro
ayaan dadkaan u qeybinay, waxaana ka codsannay iney soo saaraan sawirada ugu
dhibcaha badan. Markey qaldeen qaar, baan waxaan damacnay inaan u sheegno
qaladkooda—waxaan tusinay in sawirada ey doorteen laga dhibco badan yahay,
yeelkadeed, waxay ku adkeysteen qaladkooda xataa markii la tusay iney qaldan
yihiin”. Max Rollwage oo ah arday PhD diyaariya kana qeybqaatay cilmibaaristaan
ayaa raaciyay: “Haddii sawir yar ah qaladkiisa ey ku adkeysteen, maxaad u
maleynaysaa go’aamada arrimaha waa weyn ee dunida ka jira?”. Cilmibaaristaan oo
ey culumo kale dib-u-eegis ku sameysay ayaa ku guuleystay imtixaanka, culumada
imtixaantayna waxay ku waafaqeen in cilmibaaristaan ey tahay sax, inkastoo ey
eegtay qeyb yar ah oo ku saabsan xagjirnimada.
Comments
Post a Comment