ISKU JAAN: KALA MAAN

ISKU JAAN: KALA MAAN!
Sooyaalka taariikheed ee
aadanaha wuxuu soo maray marxalado iyo xilliyo kala duwan. Sida saynisyahannada
casrigu sheegaan aadanaha wuxuu dunidaan yimid qiyaastii 5 milyan oo sanadood
ka hor, tan iyo waagaasna wuxuu guluf ugu jiray siduu noloshiisa u hormarin
lahaa. Culumada sayniska waxay sooyaalka aadanaha ku qiyaasaan ilmo markaas
dhashay oo dunida lagu soo dhex turay, isagoon ku hubeysan waxaan ka aheyn maankiisa.
Bilowgii hore dadku waxay xoogga saareen sidey u badbaadi lahaayeen, una heli
lahaayeen dhuunmaris iyo dhinac dhig. Xilligaas dadka waxaa cunto u ahaa
ugaadha oo ey daban jireen, xilligaas wuxuu dadka lamid ahaa dhiggooda
xayawaanaadka oo wuxuu cuni jiray wax alaale iyo wixii ka soo hor baxa isagoon
u aaba yeeleynin xaaraan iyo xalaal (xaqiiqdii xilligaas diinba masoo gaarin). Mararka
qaar dadka iyagaa is cuni jiray si ey u badbaadaan, badbaado oo qudha ayaa
maanka dadka ka guuxeysay. Doodaas dheer ee ku saabsan sooyaalka taariikheed ee
aadanaha waxay u baahan tahay in buug gooni ah loo hadiyeeyo, sidaas aawadeed,
qoraalkan kagama hadli doono sooyaalkaas. Yeelkadeed, dhigaalkaan gaaban,
waxaan ku eegi doonaa sida aadanaha maanta ey isku jaan u yihiin (yacnii isugu
egyihiin, haddana ey kala maanka u yihiin). Isku jaan kala maan waxaan ugala
jeedaa dadka iyagoo dad wada ah oo muuqaal ahaan isku eg, ayaa haddana waxaad
moodaa iney xilliyo taariikheed oo boqolaal sanadood u kala dhexeyso ey ku kala
noolyihiin. Sidaas aawadeed, dhigaalkaan waxaan isku dul taagi doonaa seddex xilli
oo uu aadanuhu haatan ku kala noolyahay qarnigaan 21aad ee aan ku jirno. Xilliyadaan
oo kala ah, xilligii maanfurka (the Enlightenment era), xilligii kacaanka
warshadaha (Industrial revolution) iyo xilliga haatan dunida horumartay ey ku
jirto oo ah xilliga lambarada (digital era, amaba xilliga xogta [information era]).
Inkastoo uu jiray laba xilli oo u dhexeysay kacaanka warshadaha iyo xilliga
lambarada oo kala ah xilligii casriyeenta (modernity) iyo xilligii casriyeenta
ka gadaal (postmodernity), haddana dhigaalkaan waxaan kusoo gaabsan doonaa
seddexda xilli ee aan kor ku xusay.
Xilliga 1aad waa xilligii
loo yiqiin xilligii maanfurka (enlightenment), xilligaas wuxuu dunida ka curtay
intii u dhexeysay qarnigii 16aad ilaa qarnigii 19aad. Dunidu, gaar ahaan
Galbeedka xilligaas wuxuu ku jiray casri madow, waxaana waddamada reer
Galbeedka ka talin jiray isbaheysi boqortooyo iyo wadaadada kaniisadda, kuwaas
oo ahaa kaligii taliyeyaal talada kaligood isku koobay, bulshadana ey iyagu u
afduubnaayeen. Yurub xilligaas waxay iska diiday laba arrimood oo haatan
saldhig u noqday bullaalaha ilbaxnimada reer Galbeedka, waana: aqoonta iyo talawadaagga
(Science and Democracy). Aqoondiidka Yurub waxay gaadhay in nolosha lagu gubo
aqoonyahankii lagu arko buug cilmiyeed, ama sameeya baaritaan cilmiyeed, amaba
soo saara aragti cilmiyeed. Kumanaan kun oo saynisyahanno ah ayaa nolosha lagu
gubay, kadib markii lagu eedeeyay iney gaaloobeen (heretics). Fatwooyinka gaaleysiinta
iyo gubidda waxay aheyd xeelad lagu doonayay in lagu xakameyo cilmiga iyo
culumada sayniska, sababtoo ah, wadaadada kaniisadda waxay rumeysnaayeen haddii
cilmiga uu bullaalo in iyaga cid danbe oo dhegeysaneysa eysan jiri doonin,
shaqo la’aanna ey ku dici doonto.
Saynisyahannadii
waa weynaa ee la gaaleysiiyay oo deedna la gubay waxaa kamid ahaa; Giordano
Bruno (1548-1600). Bruno wuxuu ahaa faylasuuf, xisaabyahan iyo xiddigyahan
(yacnii ku takhasusay cilmiga xiddigaha). Sanadkii 1584kii ayuu Bruno shaaciyay
laba buug oo saynis ah oo uu kaga faalloonayo xiddigaha, isagoo ku dooday in
xiddiguhu yihiin qoraxyo kale oo ifinaya meerayaal kale. Labadaan buug oo uu
afka Talyaaniga ku daabacay waxaa la kala yiraahdaa: La Cena de le
Ceneri iyo De l'infinito universo et mondi. Sidoo kale, Bruno, wuxuu ku dooday
in dunidu ey ka weyn tahay inta yar ee noo muuqata, oo ey jiraan meereeyayaal
kale oo aan isha qaawan lagu arki karin. Sanadkii 1593kii ayaa Bruno xabsiga
loo tixaabay, waxaana wadaadada kaniisadda Kaatoliga ey kasoo saareen fatwo,
iyagoo ku xukumay in Bruno uu gaaloobay. Toddobo sanadood kadib, sanadkii
1600kii, ayaa Bruno si rasmi ah loogu xukumay 9 qodob oo gaalnimo ah—oo ey
kamid ahaayeen in afkaartiisa cilmiga ey kasoo horjeedaan diinta Kaatoliga, maadaama
uu qoray in dhulku uu ku wareego qoraxda, sidaas aawadeedna ey tahay in la gubo
isagoo nool. Bruno iyo buugtiisaba waxaa la gubay 20kii bishii Xeys (jannaayo)
ee sanadkii 1600kii.
Galileo (1564-1642) wuxuu ahaa saynisyahan u dhashay dalka
Talyaaniga, kaas oo ahaa saynisyahankii dhidibada u taagay aragtida sayniska ee
uu soo bandhigay Giordano Bruno, ee
aheyd wareegga dhulku uu ku wareego qoraxda, iyo in dhulku uusan aheyn
bartamaha dunida (heliocentrism). Galileo wuxuu ku takhasusay daraasadda maadooyinka
kala ah; xawaaraha, kaynaanka, hoobashada, isku-dheelitirnaanta iyo qaar kale
oo katirsan fiisigiska. Sanadkii 1610kii ayuu Galileo daabacay buugiisa “Starry
Messenger” oo uu kaga hadlayo wareegga dhulku uu ku wareego qorada (Earth
revolves around the Sun), kadib markuu muddo xiddigaha ku kormeeray
fogaan-arag. Durbadiiba Galileo waxaa u yeeray wadaadada Kaatoligga waxayna
saareen maxkamad oo ey ku xukumeen inuu gaaloobay, maadaama uu rumeysan yahay
wareegga dhulka. Galileo, wuu ka fakaday in la gubo, laakiin waxaa la gubay
buugtiisa, isagana waxaa lagu xukumay xabsi-guri ilaa uu ka geeriyooday
sanadkii 1642kii. Akhriste, waxaa xusid mudan in xilligaas Yurub iyo guud ahaan
Galbeedka lagala dagaalamayay aqoonta iyo aqoonyahannada in dunida Muslinku ey
bullaashay aqoonta iyo aqoonyahannada. Waxaana wax lala yaabo ah in haatan badi
dunida Muslinka ey dib ugu laabatay xilligii madoobaa ey Yurub soo martay,
halka reer Galbeedkuna ey noo weedaarteen casriyadii dahabiga ahaa ee Islaamka.
Waxaa nasiibdarro ah in waddamo badan oo uu safka hore kaga jiro waddankeenu
aan laga ogoleyn xorriyadda fikirka, amaba in qofku uu maskaxdii shiillo si uu
wax ugu soo kordhiyo bulshada uu ku dhex noolyahay. Taa beddelkeeda waxaa
talada waddamada Muslimiinta gacanta ku haya wadaado mayal adag oo qofkii ka
aragti duwan kasoo saaraya fatwo ey ku gaaleysiinayaan (sidii wadaadadii reer
Yurub eey yeeli jireen casriyadii dhexe). Iyo xukuumado boqortooyo u badan oo
diiday talowadaag—iyagoo xukunka ka dhigay mid la iska dhaxlo, bulshadana ku
qasbay iney u hoggan samaan amar-ku-taagleyntooda. Isku soo wada duuboo,
arrimahaan aan kor kusoo taxay waxay noo tilmaamayaan in hab nololeedka badi
waddamada Islaamka uu joogo xilligii Maanfurka (the enlightenment) kaas oo ah
in bulshada Muslinku u dagaalamayaan sidey u heli lahaayeen xorriyad fikir iyo matalaad
siyaasadeed oo buuxda (political representation).
Markii maanfurku uu ka bullaalay wadamada Galbeedka, oo
bulshada ey ka adkaatay wadaadada iyo boqortooyadaha, waxay bulshooyinku
bilaabeen iney hindisaan sameynta warshado wax soo saara. Waxay bulshooyinka
Yurub galeen kacdoon la magac baxay Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution
1760-1840). Kacdoonkaan waxaa bulshooyin Yurub ku tartamayeen sameynta aaladaha
sahlaya wax soo saarka uu ku taagan yahay nolosha aadanaha. Halkii markii hore waxwalba
laga sugi jiray gacan aadane, waxaa la hindisay warshado sameynaya waxwalba ka
dhaqso iyo tayo wanaagsan gacanta dadka. Waxaa xilligaas la hormariyay
kaabayaasha dhaqaalaha qeybihiisa kala duwan; sida sameynta waddooyin ey ku ordaan
tareenada isaga goosha gobolada iyo dalalka Yurub, sameynta warshadaha tola
dharka, kaabayaasha nadaafadda (sewage infrastructure) oo ah dhuumaha qaada
wasaqda. Sidoo kale, waxaa la hindisay sameynta warshadaha sameeya gawaarida,
doonyaha, maraakiibta iyo diyaaradaha casriga. Xilligaas wadamada Galbeedka
badidiis wuxuu u muuqdaa iney ka gudbeen, oo u gudbeen xilliga lambarada
(digital era) oo ah xilliga dayax-gacmeedyada hawada duula iyo internetka. Taa beddelkeeda,
waddamada Galbeedka si ey marxaladdaas ugu gudbaan waxay warshadahooda u rareen
waddamada soo koraya dhaqaale ahaan sida Shiinaha, Vietnam, iyo Hindiya. Waddamadaasna
waa waddamo jooga xilligii Kacaanka Washadaha, sababtoo ah noloshooda ayaa
haatan ku tiirsan wax soo saarka warshadaha.
Labadii marxaladood ee ka danbeeyay Kacaankii Warshadaha ee
kala ahaa casriyeenta iyo casriyeenta ka-gadaal waddamo koox ah ayaa ku jira,
sidaas aawadeedna waxaan xoogga saareynaa xilliga lambarada. Xilliga Lambarada,
waxaa kaloo loo yaqaan xilliga xogta (Information era) ama xilliga
kombuyuutarada (computer age). Manuel Castells (1996) buugiisa “The
information age: economy, society and culture” wuxuu kaga warramayaa in casriga
xogta uu meesha ka saarayo casrigii warshadaha . Tusaalae ahaa, waddanka
Ingiriiska warshadihiisa waa weyn badidood wuxuu u raray waddamada Shiinaha, Vietnam,
Thailand iyo Hindiya; taa beddelkeedana wuxuu ku mashquulay siduu u qabsan
lahaa una hormarin lahaa tiknoolajiyadda xogta. Ingiriiska haatan dhaqaalihiisa
ugu badan wuxuu kasoo galaa adeegyda (services) uu dunida ka iibiyo. Shaqooyinka
ugu badan ee dadka Ingiriisku qabtaan waa shaqooyinka loo yaqaan shaqooyinka
shaatiga cad (white collar jobs), halka ey warshadahoodiina ey kaga lisayaan
waddamada Aasiya. Mareykanku waa lamid intaan Donald Trump qabsan, warshadaha
Mareykanka ee soo saara gawaarida tusaale ahaan, waxay ku yaaleen Mexico, halkaas
oo ey ku helayeen shaqaale jaban, iyo canshuur yar. Donald Trump, oo ey ku
jirto xamaasadda waddaninimo ayaa ku amray in warshadahaas dalka Mareykanka dib
loogu soo celiyo, waxaana durbadiiba muuqata in dhaqaalaha guud ee Mareykanka
uu hoos u dhacay, Shiinaha dhaqaalihiisa oo xawaare sare ku socdaana uu kusoo
dhowaaday ama qoorta u saaran yahay dhaqaalaha Mareykanaka.
Isku soo wada xooriyoo, aadanaha ku nool arlada qarnigaan 21aad
waa isku jaan, waana kala maan; waanakala heer; waana kala adduun. Waa isku jaan oo waa isku mid, waxayna wada qabaan
hal baahi oo isku mid ah, waana kala maan—oo qolo (badi waddamada Islaamka oo
wadankeenu ugu horreeyo) waxay joogtaa qarnigii 16aad oo waxay dadkiisu guluf
ugu jiraan iney iska tuuraan heeryada boqortooyadaha iyo wadaadada afduubka ku
heysta noloshooda—kana hortaagan iney la jaanqaadaan dhiggooda waddamada horumaray.
Qolana waxay joogtaa qarnigii 19aad iyo kacaankii warshadaha waana badi
waddamada Aasiya sida; Shiinaha, Vietnam, Thailand iyo Hindiya. Qolodaan waxay
la jaxartamayaan oo u tartamayaan iney wax soo saarka warshadaha horumariyaan. Qolada
seddexaad, waa qolada iyagu labadaas marxaladood kasoo gudbay, kuna jira
casrigii xogta, lambarada, iyo adeegga. Qoladaan waxay tiigsanayaan marxallada
tan xigta ee ah in laga kaaftoomi doono shaqada aadanaha loona gudbi doono
xilliga adeegsiga mashiinada caqliga leh (intelligent machines). Marxaladdaan oo
durba ka bilaabmatay waddamada Galbeedka, oo imminka ey soo badaneyso adeegsiga
mashiinada caqliga leh, waxay u gogol xaareysaa u guuridda meerayaasha. Ma laga
yaabaa in waddankeena uu dhowaan kasoo gudbo marxallada maanfurka, annagoo
aqbaleyna kala duwaanshaha aragtiyada iyo xorriyadda fikirka, una gudubna
marxaladda waxsoo saarka iyo warshadaha? Ma laga yaabaa in 50ka sanadood ee soo
socda aan ka gudubno marxalladdaan caburiska ee waddamada Galbeedku kasoo
gudbeyn 400 oo sanadood ka hor? Ma laga yaabaa inaan dhowaan aragno shucuubta
Muslimiinta ee lagu ibtileeyay wadaad fatwo la duulaya iyo kaligiitalis ey la
jaanqaadaan dhiggooda waddamada horaymaray, iyagoo nolashooda maareenaya, aanna
cidna u daba fariisaneyn? Su’aalahaasi waxay u baahan yihiin jawaabo.
Comments
Post a Comment