Posts

Showing posts from August, 2018
Image
SOOMAALIDA KOONFUR AFRIKA: CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA! Waggii Cali Khaliif Galeydh uu ahaa reysal wasaaraha Soomaaliya bilowgii 2000 abbaarahaas, ayaa waxaa barnaamij toos ah ku wareystay wariyaha ruugcaddaaga ah ee u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo lagumagacaabo Larry King. Barnaamijku waxaa soo baahiyay telefishanka CNN. Xilligaas waxaa Soomaaliya aad loo hadal hayay daabacaadda lacagta bugta ah ee laga soo daabaco dibedda dalka. Lacago bug aheyd oo ey soo daabaceen niman ganacsato ah ayaa laga soo dajiyay garoonkii diyaaradaha ee lambar konton. Muran iyo eedaymo dawladda dhexdeeda ka dilaacay ayaa gabgabadii reysal wasaare Galeydh isku casilay. Larry ayaa Galeydh weydiiyay sababta uu isku casilay, iyo muxuu wax uga qaban waayay lacagaha bugta ah ee dalka lasoo geliyo. Galeydh wuxuu ku jawaabay; "Markii aan ka warhelnay in lacag bug ah la keenay garoonka diyaaradaha, waxaan u dirnay guddi dawladda katirsan iyo ciidan si ey lacagta u qabtaan oo eysan da...

TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 11aad]

Waxaa iyanna xusid mudan in Imaamku uu dhigaaladaan ku qoran afka hooyadii uu ku xusay in kutubtisa ey yihiin 70 kutub oo majallado kala duwan leh. Taasna waxay meesha ka saareysaa been abuuradii faraha badnaa ee Imaamka loo geystay, sida; in 240 kitaab uu leeyahay ama uu kutubtiisa culumo ku aflagaadeyay. Waxaa kale oo kutubtiisa usuusha kamid ah kitaabka aadka u qiimaha badan ee la yiraahdo ‘Al-mustasfaa’. Waxaa sidoo kale kamid ah kutubtiisa usuusha ee aadka u qiimaha badan kitaabka la yiraahdo; شفاء الغليل في بيان الشبه والمخيل ومسالك التعليل . Dhanka tasawufka (suufinimada, sifeynta ruuxda), waxaan u imaaneynaa kitaabkiisa ‘ إحياء علوم الدين ’ ee dhaxalgalka ah ee uu dhammaan umadda muslimiinta u hibeeyay. Waxaa kaloo dhigaaladiisa tawufka kamid ah dhigaal la yiraahdo ‘ أيها الولد ’ oo uu Imaamka u qoray arday kamid ah ardaydiisa. Dhigaalka wuxuu ka kooban yahay talooyin iyo naseexooyin aad u qiima badan. Risaalooyinka Imaam Qasaali uu u diray madaxda casrigiisa waxaa ku jirta wa...

TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 10aad]

Haddeey noqon laheyd aflagaado, haddeey noqon laheyd gaaleysiin iyo bidceyn, ama haddeyn noqon laheyd in gacan loola tago dhiigiisa la daadiyo. Waxaas oo dhanna waxaa sabab u ah qofkaas oo qalbigiisa ey hareysay xaasidnimo iyo quuriwaa. Nebi Yuusuf CS waxay walaalihiis ceelka ugu rideen waxay aheyd iyagoo u quuriwaayay in Alle doortay Aabahoodna uu ka jeclaa walaalkood. Xaasidnimada hadduusan qofka ka joogin waa mid halaajinaysa aakhiro iyo adduun. Dhanka kale Abul Faraj Bin Aljawsy wuxuu kusoo wariyay kitaabkiisa " الثبات عند الممات " in Abuu Xaamid walaalkiis Shiikh Abul Futuux Axmed Alqasaali uu yiri; maalin Isniin ah ayey aheyd, walaalkey wuxuu tukaday salaad subax, markuu salaaddii ka baxay wuxuu yiri ii keena kafantayda, waa loo keenay – deedna wuu dhunkaday kafanta indhahana ayuu saartay, wuxuuna yiri; " سمعاً وطاعة للدخول على الملك " waan maqlay waana adheecay inaan boqorka u galo. Deedna lugaha ayuu fidsaday isagoo qiblada u jiheysana, ilbiriqsiyo kadibna ...