SOOMAALIDA KOONFUR AFRIKA: CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA!

Waggii Cali Khaliif Galeydh uu ahaa reysal wasaaraha Soomaaliya bilowgii 2000 abbaarahaas, ayaa waxaa barnaamij toos ah ku wareystay wariyaha ruugcaddaaga ah ee u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo lagumagacaabo Larry King. Barnaamijku waxaa soo baahiyay telefishanka CNN. Xilligaas waxaa Soomaaliya aad loo hadal hayay daabacaadda lacagta bugta ah ee laga soo daabaco dibedda dalka. Lacago bug aheyd oo ey soo daabaceen niman ganacsato ah ayaa laga soo dajiyay garoonkii diyaaradaha ee lambar konton. Muran iyo eedaymo dawladda dhexdeeda ka dilaacay ayaa gabgabadii reysal wasaare Galeydh isku casilay.

Larry ayaa Galeydh weydiiyay sababta uu isku casilay, iyo muxuu wax uga qaban waayay lacagaha bugta ah ee dalka lasoo geliyo. Galeydh wuxuu ku jawaabay; "Markii aan ka warhelnay in lacag bug ah la keenay garoonka diyaaradaha, waxaan u dirnay guddi dawladda katirsan iyo ciidan si ey lacagta u qabtaan oo eysan dalka ugu baahin. Guddigii iyo ciidankii aan u dirnay iney lacagta joojiyaan ayaa dalka soo geliyay, markaasna waxaan ogaaday inaan meesha waxbaba ii oolin'.

Hadda waxay u muuqataa in dawladda Koonfur Afrika ciidankey u dirtay iney joojiyaan bililiqada lagu hayo dukaamada Soomaalida iney iyagiiba bililiqeysteen. Haddii askarigii laga rabay inuu sharciga dhaqangeliyo oo sugo amniga nolosha iyo hantida deganayaasha waddanka ey iyaguba sharci-duminta iyo amnidarrada safka hore kaga jiraan waa dhib weyn.

Ma'aha markii ugu horreysay ey dadka Koonfur Afrika bililiqeystaan hantiilayaasha Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaas. Waxaa horay u dhacday dilal qorsheysan iyo boob loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed. Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool umado badan oo kala midab, diin iyo jinsiyad duwan, dhammaan waxay ku heystaan ganacsiyo kala duwan. Hase yeeshee, qolada kaliya ee marwalba la bartilmaameesasdo waa Soomaalida. Sababtana ilaa hadda cid sharraxday ma hayno.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa imminka dadkaas Soomaaliyeed ma helin gurmad ama talo uga timaada dawladdooda Soomaaliyeed. Dawladda haatan talada heysa wey dadaashay oo waxay u gurmadday dadyow Soomaaliyeed oo ku silicsanaa daafaha dunida, sida dhalinyaradii ku rafaadsanaa xabsiyada Liibiya, Hindiya iyo jasiiradda Siishalis.Haatan waxaan uga fadhinaa iney isku xilsaaraan difaaca iyo xalinta mushkiladda heysata walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika. Waxaa muuqata in dawladda Koonfur Afrika ey indhaha ka laabanayso dhibaatada loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku heysta dalkeeda. Waxaa la joogaa xilligii lala xisaabtami lahaa dawladda Koonfur Afrika, lana samata-bixin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika. Arrinka Soomaalida Koonfur Afrika yuusan noqon dadaan cidna u maqneyn, ceelna u qodneyn. Ceel uma qodna oo dawladdii iyo shacabkii ey martida u ahaayeen ayaa sidaas ula dhaqmaya, balse waa ineysan noqon dadaan cidna u maqneyn.

Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

JECEYL & CUNSURINIMO: SIDEE JECEYLKAAGA UGU AARGUDI LAHEYD, HADDII XAALADDAAN OO KALE EY KU QABSATO?