1% U TALISA 99%
Cabqarigii weynaa ee Albert Einstein ayaa hadda ka hor wuxuu yiri: “laba shay xad malaha; adduunka aan ku noolnahay iyo nacasnimada aadanaha qaarkii, tan hore ma aan hubo” (Perls, 1992, p86). Faylasufku wuxuu ooraahdaa ula jeeday; dunidu xad malaha oo cid aan Alle aheyn oo taqaan xadkaa majirto, sidoo kale nacasnimada aadanaha qaar, xad malaha – oo marwalba wax laga yaabo ayaa aadanaha lagu arkaa, oo isaga nacanimadiisa mala yaqaan xadkeeda. Einstein haddii uu maanta noolaan lahaa wuxuu labadaas ku dari lahaa ‘damaca aadanaha’.
Loolanka ilbaxnimada aadanaha ayaa lagu saadaalin jiray in lagu kala bixi doono quwad military oo qolaba qoladey ka xoog badan tahay ey ku quraacan doonto. Sidoo kale waxay khuburada siyaasdda odorosa ey sheegeen in dunida ey burburin doonaan hubka halista ah ee nukliyeerka, kaas oo haatan gacanta ugu jira wadamo aan xiriirkoodu fiicneyn, ooba la oran karo waa wadamo loolan siyaasadeed uu ka dhexeeyo, suurtagalna ey tahay in ilbiriqsi walba uu dagaal ka dhex oogmo. Wadamadaas waxaa kamid ah; Mareykanka iyo Ruushka, Hindiya iyo Pakistaan, Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha.
Dagaal gondahaaguu ka dilaacaayee, waxay sidoo kale khuburada hubkan halista ah ey sheegaan in haddii uu dagaal dhexmaro laba kamid ah quwadahaas lana isku adeegsado hubka nukliyeerka in dunidu ey burburi doonto – lana waayi doono san-kuneefle weli neefsanaya. Yeelkadeedee, waxaan qabaa aragti taa ka duwan. Marka hore waxaan aaminsannahay in dadyowga dunida ku nool 99% ey ku jiraan addoonsi dadban, addoonna u yihiin dhiigmiirato aan dhammeyn 1% tirada dadka ku nool dinda. Tan xigta, waxaan rumeysannahay dunida iney sababan doonto hunguri daydayga tiro yar oo damaaci ah oo wax walbanna iyaga isku raba. Haddaan si kale u dhigo, dagaal la isku adeegsado nukliyeer intaanba la gaarniba, koox yar oo gacanta ku haysa bangiyada adduunka ayaa dunida baabi’in haddaan laga qaban. Dhigaalkaan gaaban waxan ku eegi doonaa su’aalo dhowr ah sida; yey yihiin 1% u Talisa 99% anigoo xaglooyin kala duwan iska taagi doona.
Waxaa dadka badidii isku waafaqsan yihiin in aadanuhu damac weyn yahay, damaciisana ey dharjin karto ciid oo qudha! Aadanaha haddii la siiyo dunida mugeed oo dahab iyo luul ah, waxaa suurtagal ah inuu raadiyo intaas in le’eg amaba ka badan. Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalaha dunida guudkeeda saaran wuxuu gacanta ugu jiraa dad yar oo aan dhammeyn 1% tirada dadka ku nool dunida(Chomsky, 1999). Kooxdaan 1% waxay kaloo gacanta ku hayaan go’aamada siyaasadeed ee dunida. Shaqaalaha kooxdaan waxaa ku jira oo ugu horeeya wadamada reer galbeedka sida; Mareykanka iyo Ingiriiska, iyo dhamaan wadamada kale ee dunida. Haddii waddan dagaal lagu qaadayo kooxdaan ayaa go’aamisa, wadamada waa weyn ee dunidana waa fuliyayaal go’aamada kooxdaas oo qudha.
Laga soo bilaabo dagaalkii 1aad ee dunida ilaa maanta, dagaalada waa weyn ee dunida ka dhacayay wuxuu salka ku hayay kuna hayaa dano dhaqaale. Wadamo dhisan ayaa lagu duuli oo la burburin, deedna waxaa lala geli heshiis ah in dib u dhis lagu sameeyo wadankii kolkaas la burburiyay, khayraadkiisan si xisaab la’aan ah ayaa la cantoobsan. Tusaale, dagaalkii 2aad ee adduunka kolkii Hitler uu ku duulay wadamada Yurub, qaar uu qabsaday qaarna ey ku dhowaayeen inuu qabsado; waxaa Yurub usoo gurmaday wadanka Mareykanka. Mareykanku jeceyl uu Yurub u qabo uguma soo gurmadin – ee wuxuu Yurub lasoo galay heshiis loo bixiyay ‘marshal plan’ qorshe degdeg ah, oo lacago fara badan Yurub looga qaaday ayuu Mareykanku ku yimid. Lacagahaas iyo dulsaarkooda ‘interest’ waxay wadadmada Yurub bixinteeda ku qaadatay muddo ka badan 70 sanadood. Waddanka Ingiriiska tusaale ahaan, wuxuu lacagtaas iyo dulsaarkii saarnaa bixinteeda dhameeyay dhowr sanadood ka hor.
Kolkii Yurub laga xoreeyay ciidmadii Jarmalka, ciidnakii Jarmalkanna la jabiyay oo Jarmalka oo dhan uu Mareykanka iyo xulufadiisa gacanta ku dhigeen. Waddankii Jarmalka ee ahaa cadowga lala dagaalamayay, goortuu dagaalka dhamaaday Mareykanka iyo xulufadiisa waxay kusoo rogeen in Jarmalka bixiyaan magdhow, kaas oo la siinayo Mareykanka iyo xulufadiisa, magdhowgaas oo ilaa maanta socda ‘postdam confrence’ (Feis, 2016). Waxaa xusid mudan dagaalkii 2aad ee adduunka wuxuu socday 6 sanadood 1939-45, dawladda Mareykanka dagaalka waxay soo gashay sanadkii ugu danbeayay 1944kii jeer ey labada dhinac isku daaleen, si ey kahasaaraheeda u yareeso, damaceedana boqol jibaarto.
Hadddaba yey ahaayeen kooxdaan 1%? Kooxdaan dunida maamushaa inkastoo eysan laheyn magac gooni iyo sumad lagu aqoonsado toona, laakiin waxaa jira oo lagu tuhmaa iney is leeyihiin kooxda loo yaqaan ‘Bilderberg’ ee awooda badan. Sida uu kusoo warramayo aqoonyahan Estulin (2017), oo qoray buug uu ugu magac daray ‘The True Story of the Bilderberg Group’, wuxuu qoraagu leeyahay kooxdaan waxay ka kooban dhaqaaleyahanno, akaadeemiyiin iyo siyaasiyiin aan tiradooda ka badneyn 150 qofood. Yeelkadeedee, kooxdaan dhulka hoostiisa ku shaqeysa ee is qarisaa waxaa lagu gartaa falalkooda. Kooxdaan ma’aha xisbi albaabada u furan yihiin oo lageli karo, ee waa koox yar iyo qoysaskooda. Cid alaale iyo ciddii is hortaagta qorshahooda waa laga takhalusi xataa hadduu yahay madaxweynaha Mareykanka. Kooxdaani waxay gacanta ku hayaan seddexda hay’adood ee hantida dunida maamusha, kuwaas oo kala ah; International Money Fund (IMF), World Bank iyo Federal Reserve oo ah bangiga dhexe ee Mareykanka.
Muddo ka badan 5 kun oo sanadood dunida waxaa lacag u aheyd dahabka iyo qalinka oo dadku wax ku kala iibsan jireen (Gullbekk, 2014). Sababtoo ah dahabka iyo qalinka waxaa la ogaaday ma’aha wax la sameyn karo ama la nuqli karo, ee waa macdan rabbaani ah oo ka dhalata qaraxyo ka dhaca buuraha ama badda. Si kastaba ha ahaatee, siduu xaalka aadanaha sidaa u ahaa, ayaa sanadku markuu ahaa 1944kii shir ey isugu yimaadeen 44 dal oo reer galbeed u badan ayaa lagu qabtay magaalda New Hampshire ee dalka Mareykanka. Shirka ujeedadiisu wuxuu ahaa in la isku xiro qiimaha dahabka iyo lacagta doolarka Mareykanka – sidaasna uu doolarka Mareykanka ku noqday lacagta adduunka. Heshiiskaas waxaa loo yaqaan ‘Bretton woods conference’ (Steil, 2013). Federal reserve oo ah hay’adda kaliya ee dunida doolarka daabacda ayaa masuuliyaddaas heysa, iyadana waxaa maamula kooxdaan 1% ama dadka qaar ugu yeeraan Bilderberg group. Waddan walba oo ganacsi sameynaya waxay ku qasban yihiin iney dahabkooda ku bedeshaan waraaqo aan innaba wax qiima ah eysan laheyn.
Muddo yar kadib dahabkii dunida badidii wuxuu gacanta usoo galay kooxdaas iyo hay’addooda Federal reserve. Waxaa kobcay dhaqaalihii Mareykanka, si aan wadamada dunida u shakiyin eyna hoos ugu dhicin kalsoonida ey ku qabaan doolarka, sanadku markuu ahaa 1961kii Mareykanka iyo xulufadiisa waxay London ka aasaaseen meel lagu kaydiyo dahabka oo loo yiqiin ‘London Gold Pool’. Khiyaanada dheesha Mareykanka waxaa fahmay madaxweynihii hore ee Faransiiska Gen. Charles de Gaulle, wuxuuna dalbaday in doolarka dalkiisa loogu bedelo dahab, isagoo si rasmi ah doolarka usoo celinayay. Dawladda Mareykanka oo ey dabada ka riixayaan kooxdaan yar 1% ayaa waxay isku dayeen iney shirqoolaan Madaxweyne Charles De Gaulle, shirqoolkaas oo fashilmay, deedna waxay kiciyeen kacdoonkii ardayda Faransiiska kaas oo ugu danbeyntii ku qasbay in Madaxweyne De Gaulle uu is casilo (Winchester, 2015). Waxa sidaas loo sameeyay waxay aheyd in cashar adag loogu dhigo cid alaale iyo ciddii isku dayda iney fashisho hawlaha doolarka. Yeelkadeedee, wuxuu xaal sidaas ahaaba, dawladda Mareykanka waxay dagaal la gashay waddanka Vietnam halkaas oo dhaqaalihii Mareykanka uu ku wiiqday si darran.
Sanadku markuu ahaa 1971kii ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanka mudane Richard Nixon wuxuu ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo kala furay dahabka iyo doolarka, ilaa maantana sidaas ayeey ku kala maqan yihiin. Waddankii dollar heystay maalintaas waa qiima beelay kala bar ama ka badan. Mareykanka waxaa usoo hartay in doolarkoodu uu ku xiran yahay lacagaha adduunka oo dhan, oo haddii warqadda doolaarka qiimo beeho ey iyagunna qiimaha lacagtoodu kor u kaceeyso; laakiin haddii doolarka uu suuqa ka baxo lacagaha dunida oo dhan suuqa ayey ka baxayaan iyaguna. Waxayna dawladda Mareykanka sidaas u sameysay inaan dhaqaalaheeda uusan burburin – oo waddankii isku daya inuu dhaqaalaha Mareykanka bururiyo ee iyagana is burburinayaan. Tusaale, doolarka ugu badan dunida banaanka wadanka Mareykanka wuxuu yaalaa waddanka Shiinaha. Shiinuhu hadduu rabo inuu burburiyo Mareykanka wxuu ku burburin karaa isagoo go’aansada inuu diido inuu aqbalo doolarka, laakiin; dawladda Shiinaha waxay ogyihiin haddii ey talaabadaas qaadaan, iney iyaguna gacantooda isku dilayaan.
Si lamid ah arintii dahabka iyo doolarka ayaa waxay kooxdaan 1% ku guuleysteen iney isku xiraan shidaalka iyo doolarka. Waxay heshiis la galeen wadamada shidaalka ugu badan dunida soo saara sida; wadamada khaliijka – waxayna qalinka ku duugeen in doolarka oo qudha lagu iibsan karo shidaalka, taa bedelkeedana ey helayaan in quwadda Mareykanka iyo xulufadiisa ey difaacayaan dalalkaan. Giraantu waxay soo wareegtaba, sanadku markuu ahaa 2000 wadamada Yurub waxay sameysteen hal lacag (single currency) oo ey wadaagaan oo la yiraahdo Yuuro ‘euro’. Madaweynihii xilka laga tuuray ee dalka Ciraaq AUN mudane Saddaam Xuseen ayaa isla sanadkaas wuxuu ku dhowaaqay inuu shidaalka wadanka Ciraaq uu ku iibinayo Yuuro oo qudha. Taasina waxay ka carasiisay kooxda 1%, waxay celceliyaan oo hadba cunuqabateen saaraan, ama isku dayaan iney la heshiiyaan oo wafdi u diraan. Markey arkeen in Saddam uu ka dhabeenayo arinkaas, bilowgii 2003kii waxay Mareykanka iyo xulufadiisa ku duuleen Ciraaq si ey u joojiyaan arinkaas. Waana taas sababta Ciraaq loogu duulay ee ma aheyn waxay idaacadha sheegi jireen. Sababtoo ah haddii Sadaam u suurtageli laheyd inuu shidaalka Ciraaq ku iibiyo Yuuro, waxaa ku dayan lahaa wadamo kale oo shidaalka soo saara Mareykankana ey xiisadi dhextaal sida Iiraan, Venezuela iyo qaar kale. Halkaasna waxaa ku fashilmi lahaa doolarka Mareykanka kaas oo horseedi karaya burburka dalka Mareykanka. Waana taa aragtidayda ku aadan inaan nukliyeer la isla gaareenee, ee daqiiqad walba oo doolarka uu dumo ey dunidana u dhamaan karto. Waayo? Noloshu waxay ku socotaa waa wax kala iibsi la isla wada aqoonsan yahay; haddii taas ey meesha ka baxdo, oo lacagihii dhan ee dunida ey dhacaan, suurtagal ma noqonayso in asaasiyaadkii nolosha sida biyaha iyo cuntada la kala iibsado.
Dhanka kale 99% dadyoowga dunida waxay addoomo u yihiin 1% aan kasoo sheekeenay. 99% wax walba oo ey qabtaan waxay u shaqeenayaan kooxdaas yar, oo iyagu faa’iido ku qaba dhuuqidda dhiigga dadka. 99% adduunka subax walba wey kalahaan si ey usoo shaqeystaan, waxay soo hoydaan iyagoo dayn lagu leeyahay, iyagoo og amaba aan ogeyn, dayntaasna ey leeyihiin kooxda 1%. Kooxdaan waxay bangiyada dunida oo dhan siiyaan daymo ey saaran tahay dulsaar – oo ey kasoo qaataan bangiga federal reserve ee saldhigiisu yahay magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka. Deetana bangiyadaas waxay lacagahaas sii daymiyaan shirkadaha wax soo saara ee waa weyn iyo kuwa yar-yarba, qaar guud iyo kuwo gaar loo leeyahay. Meeshaad doonto dunida ka joog, hantidaad doonto heyso, wax soo saarkaaga si toos ah ama si dadban wuxuu u gaarayaa xarumaha dhaqaalaha ee burcadda 1% ey maamulaan. Tusaale, wadanka Mareykanka waxaa lagu leeyahay dayn kor u dhaaftay $12 trillion, lacagtaas badideed waxaa ku leh Fedral Reserve oo ey gacanta ku hayaan hantilayda aan dhameen 1% dadka dunida (The Balance, 2017). Waana sidaas xaalka waddan walba oo dunida kamid ah, ama shidaal hasoo saaro sida; Sacuudiga, ama faqiir ha ahaado sida Soomaaliya – waddan walba waxaa la siiyaa daymo ey bixiyaan World Banka ama IMF oo hoos yimaada Federal Reserve. Shayga ugu qaalisan uguna muhiimsan oo ey heystaan kooxdaan dhiigmiiratada ah waa madbacadda daabacda doolarka, cid kale oo daabici kartaa aan iyaga aheyn majirto. Hadba intey doonaan oo doolar ah ayey daabacaan dabadeedna wadamada iyo bangiyada ayeey daymiyaan waraaqahaas ey daabaceen, taa bedelkeedana waxay soo xareystaan lacagta adag ee dahabka iyo luulka.
Tusaale, 99% dadyoowga dunida haddii ey u baahdaan lacag ey ku iibsadaan guri, baabuur, raashiin amaba ey rabaan iney safar dalxiis u baxaan ama ey caruurtooda waxbarasho jaamacadeed geeyaan, maadaama eysan halmar awoodi karin dhaqaalhaas faraha badan – waxay dayn ka qaataan bangi. Bangiyadana iyagoo ku faraxsan ayeey lacagta siiyaan dadka u baahan, sababtoo ah; daynta waxaa u saaran dulsaar ‘interest’ oo kordhaysa sanad walba. Miskiinkii baahida heysay ee daynta bangiga ka qaatay wuxuu ku qasbanaanayaa inuu subax walba shaqo u kalaho inta noloshiisa ka dhiman, xataa hadduu xanuunsan yahay ma u goyn karo shaqada, sababtoo ah hadduu halmar uu seego bixinta daynta, dulsaarku wuu sii laba jibaarmayaa. Waana sidaas xaalka badi dadyowga dunida. Qof walba iyo dawlad walba waxaa afka loo geliyay daymo ey dulsaaro saaran yihiin, qof walbanna waa addoon u seetaysan kooxdaas 1%, iyagoo og iyo iyagoon ogeyn. Haddaad aragtid qof guri qurux badan degen, ha u maleynin inuu si fudud ku helay gurigaas, ama uu isagu leeyahay, hadduusan kamid aheyn hantiilayda dunida ee 1%, guriga dayn ayaa lagu siiyay – hadduu gafo hal maalin bixinta lacagta daynta ee loo qoondeeyay, guriga waa lagala wareegayaa. Sidaas awwadeed ayaa is dilka uu ugu badan yahay wadamada horumaray. Oo waxaa laga yaabaa qof is dilay inuu isku dilay sababtoo ah waxaa laga ceyriyay shaqdiisii, deedna wuxuu gafay bixinta dayn uu bangi ka qaatay, taas oo la xiriirta guri uu dayn ku iibsaday, ama gaari cusub uu dayn kusoo qaatay, amaba lacag caddaan ah uu bangiga ka qaatay si uu ugu guursado ama waxyaabo uu u baahan yahay ugu soo iibsado. Caymiska nolosha kala dabarraya ee wadamada horumaray waa shaqada, oo wax walba daboolaysa; haddii taa la waayo qofkii noloshiisa waxay galeysaa hirig iyo ciriiri. Sidaas baa waxay reer galbeedka ku maahmaahaan: “ku ciyaar lacagtaada, laakiin; haku ciyaarin shaqadaada”.
TIXRAAC
Ø Perls, F. (1992). Ego, hunger and aggression. 1st ed. Highland, NY: Gestalt Journal Press, p.86.
Ø Chomsky, N. (1999). Profit over people. 1st ed. New York: Seven Stories Press.
Ø Steil, B. (2013). The Battle of Bretton Woods: John Maynard Keynes, Harry Dexter White, and the Making of a New World Order. Princeton University Press.
Ø Feis, H. (2016). Between war and peace. [Place of publication not identified]: Princeton University Pres.
Ø Estulin, D. (2017). True story of the bilderberg group. [Place of publication not identified]: Trine Day.
Ø Gullbekk, S. (2014). Money that changed the world: a history of gold coins and gold currencies. Oslo: Scribendarius.
Ø Winchester, S. (2015). A clasp of lethal friendship for de Gaulle: from the archive, 16 June 1975. [online] the Guardian. Available at: https://www.theguardian.com/world/2015/jun/16/general-de-gaulle-cia-assassination-plot-1975 [Accessed 21 Jul. 2017].
Ø The Balance. (2017). The Real Owner of the U.S. Debt Will Surprise You. [online] Available at: https://www.thebalance.com/who-owns-the-u-s-national-debt-3306124 [Accessed 21 Jul. 2017].
Ø
Comments
Post a Comment