ARAGTIDA OGAANSHAHA (THE THEORY OF KNOWLEDGE)
ARAGTIDA OGAANSHAHA (THE THEORY OF KNOWLEDGE)
Falsafadda iyo falaasifada, iyo guud ahaan aadanaha waxay muddo dheer ka doodi jireen arigtida ogaanshaha. Doodu waxaa laf dhuun gashay ku noqday su’aasha oranaysa; Fikradda iyo maatarka (maadada) kee baa soo hormaray? Ma fikirkaa soo horeeyay oo maadada kasoo hormaray? Mise maadada ayaa soo hormartay? Waa sida dooda siyaasadda iyo dhaqaalaha oo kale, keebaa soo hormaray? Keese keenay kan kale? Ma siyaasaddaa dhaqaalaha keentay? Mise markii dhaqaale la helo ayaa siyaasad iyo dawladnimo la helaa? Haddaan si kale u dhigo, ukunta iyo digaagadda kee baa soo hormaray oo Alle hor abuuray? Sidoo kale, ma ukuntaa soo hormartay oo markey kala dilaacday digaagad kasoo baxday? Mise digaagaddaa soo hormartay oo ukunta dhashay? Si kastaba ha ahaatee, si wax aad u sameysid, ama aad u fulisid waxaad maanka ku heysid – waa inaad marka hore ogtahay waxaas waxay yihiin, waxay faa’iido kuu leeyihiin iyo sababta aad u doonaysid inaad uga meel gaartid himiladaada. Jawaabaha su’aalahaasi waxay u gogolxaadhayaan cinwaanka dhigaalkaan ee ah waa maxay ogaansho? Haddaba, si aan uga jawaabno su’aalahaan, waxaa laga maarmaan ah inaan marka hore isla qeexno, oo xaglooyin kala duwan iska taagno waa maxay jiritaan? Ileyn ogaansho lama helayo jiritaan la’aan.
Jiritaanku wuxuu u qeybsamaa labo: 1) Eebe (SWT) iyo 2) Abuurka Eebe.
1- JIRAATAANKA EEBE
Jiraataanka Eebe waa xaq oo biyo kama dhibcaan ah, waana daruuro iyo waajib jiritaanka Eebe. Eebe la’aantiis wax suurtagal ah ma jirayaan, cidna dunida kuma noolaateen oo koonkuba majireen hadduusan jirin Ilaah xanaaneeya abuurka oo siiya wax walba oo ka caawinaya jiritaankooda. Tusaale, hadalka aadanaha wuxuu xanbaarsan yahay xaq iyo baadil – waana suurtagal in aadanuhu uu ku hadlo wax san iyo wax xun ama run iyo been intaba. Eebe oo arinkaas ka hadlaya wuxuu Quraanka ku yiri:
حَقِيقٌ عَلَىٰ أَن لَّا أَقُولَ عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقّ
“waxaana dhab ah inaanan Eebe ka sheegeen waxaan xaq aheyn” Taasi waa qeyb kamid ah qisadii nebi Muuse CS iyo in nebi Muuse xaq ku hadlay. Dhanka kale, Fircoon baadil buu ku hadlay markuu ilaahnimada sheegtay. Laakiin, dhowaaqa codka dadka waa xaq gaalaba ha noqdaan haddey doonaan, qof inkiray ama hadal ka keenay arinkaas gaalo iyo muslim ilaa iminka taariikhda laguma hayo, Eebe wuxuu yiri;
فَوَرَبِّ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَا أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ
“Eebaha samada iyo arlada uumaan ku dhaartee waa xaq sidaad u dhowaaqaysaan oo kale (codka dadka)”. Eebe ma oran sidaad u hadashaan (tatakalamuun), ee wuxuu yiri sidaad u dhowaaqaysaan (tandhiquun) halkaana waxaan ka baraneynaa in hadalka iyo codka la maqlo uu kala duwan yahay. Dadku waxay ku hadli karaan sax iyo khalad, laakiin dhowaaqa codkooda waa xaq oo waa wax jira oo cidina inkiri karin. Sidaan loo inkiri karin in dhowaaqa dadka uu xaq yahay, ayaanna loo inkirini in jiritaanka Eebe xaq yahay.
EEBE WAA KUMA?
Su’aalaha falsafadda ugu waa weyn sooyaalka aadanaha waxaa ugu horeeya, uguna muhiimsan su’aalaha oranaya; Eebe waa kuma? Sidee maangal ahaan (logically) u hubin karnaa jiritaanka Eebe? Waana su’aalaha ilaa iminka falaasifada isweydiiyaan gaar ahaan kuwooda aan Eebe rumaysneyn. Haddaba, waxaa muhiim ah inaan marka hore isla garanno maangal ahaan in dhammeysnimada (perfection) ey suurtagal ku tahay hal shay oo kaliya. Tusaale, kaynaanka xawaaraha dunida ugu dheereeya ee aadanuhu yaqaan waa xawaaraha ileyska (speed light). Haddii qof ama aalad ey gaadhaan xawaaraha ileyska – taasi waxay la micno tahay in qofkaasi ama aaladdaasi ey noqotay/noqday oo isku bedeshay/bedelay ileys. Maangal ahaan suurtagal ma’aha in aaladda ama qofkaas uu ahaado ileys iyo qof ama aalad isku waqti. Arinkaasina waa xeer falsafadeed iyo mid fiisigis oo falaasifadii hore iyo kuwa haatanba ey isku waafaqsan yihiin. Sidaas daraadeed, waxaan arinkaan kasoo dhirinsaneynaa oo kale in; dhammeysnimada aqoonta, dhammeysnimada awoodda, dhammeysnimada tamarta, dhammeysnimada xawaaraha iyo dhammaan noocyada kala duwan ee dhammeysnimada ey suurtagal ku tahay KALIYA hal shay. Halkaasina waa inuu lahaada seddex shardi:
Waa inuu tiro ahaan yahay hal oo qudha.
Sidoo kale waa ineysan jirin wax lamid ah ama u dhigma.
Waa inuu sugan yahay oo aan isbedeleyn, duugoobeen ama duqoobeen.
Haddaba, maadaama eysan suurtagal aheyn in dhammeysnimadu ey ahaato wax ka badan hal, tani waxay noo micneynaysaa in Eebe yahay kaligii, cid lamid ahna eysan jirin. Sidoo kale, seddexda shardi ee kor ku xusan waxay noo micneynayaan inaan Eebe la dhalin isagana uusan waxba dhalin. Maadaama uusan jirin wax Eebe lamid ah ama u dhigma, taasi waxay cirbeyneysaa oo meesha ka saaraysa in Eebe la dhalay ama uu wax dhalay. Sababtoo ah si shay loo dhalo ama uu wax u dhalo waa in la helaa cid lamid ah ama u dhigmata. Eebe wuxuu Quraanka Suurat Al-ikhlaas ku yiri; “waxaad dhahdaa (nebiyoow) Eebe waa kali (wehelna maleh) * waana sayid sugan oo aan isbedeleyn*Eebe wax ma dhalin isna lama dhalin*wax lamid ahna ma jiro*”[1]. Haddeynaan is jigraareen, sidaas waxaan ku xaqiiqsannay in Eebe jiro, kaligii yahay, cid lamid ahna eysan jirin.
2) ABUURKA EEBE.
Intaa kadib, wax walba oo Eebe ka sokeeyaa waa; tiro, kala duwan oo isbedelaya – taninna waa laf-dhabarta towxiidka, oo lagu kala garannayo laguna kala soocayo Eebe iyo abuurkiisa. Hareerahaaga ama sarayba eeg eeg, wax walba oo ishaada qabanayaan ama maankaagu qabannayo ee Eebe ka sokeeyaa; wuu tiro badan yahay, kala duwan yahay – wuuna isbedelaa, duugoobaa, duqoobaa oo halaagsamaa. Tusaale, dadku waa tiro badan yihiin, kala duwan yihiin, weyna isbedelaan – oo maalin walba laga soo bilaabo maalintey dhasheen cumri baa u siyaada ilaa ey ka geeriyoodaan, xayawaanka, buuraha, geedaha, badaha, malaa’ikta dhammaan abuurada kale waa lamid – oo abuur kaligii ah oo aan halaagsameen ma jiro. Kudarso, abuurka kuwooda caaqilka ah sida dadka, iyo kuwooda aan caaqilka aheyn sida xayawaanka, geedaha iwm – waxay dhammaan si joogto ah Alle uga nasahaan inuu sida abuurka noqdo. Tusaale; Alle wuxuu quraanka ku yiri:
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيم
“waxaa Eebe sharriifa (nasaha) wax alaale iyo wixii ku sugan samaawaadka iyo dhulka, Eebe waa adkaade falsan”. Erayga سبح waa xarako dhaqdhaqaaq, caksiga eraygaasina waa ‘xabasa’ oo micnaheedu yahay mid xiran oo aan dhaqdhaqaaqi karin. Erayga سَبَّحَ waa adkeyn fal ‘altafciil lilta’kiid’ – oo la micna ah; waa hubaal dhaqdhaqaaqa abuurka ilaahey. Sidaas aawadeed, abuurka caqliga leh sida aadanaha wey tasbiixsadaan si ey Eeebe uga nasahaan inuu iyagoo kale noqdo, kuwa aan caqliga laheyna waxay ku tasbiixsadaan iyagoo dhaqdhaqaaqa – sida geedaha ruxmada, mowjadaha badda iyo wareega meerayaasha.
تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَاوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ وَإِن مِّن شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَٰكِن لَّا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ ۗ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا
“waxaa Eebe u tasbiixsada (nasaha) samaawaadka toddobada ah iyo arlada iyo cidwalboo ku sugan halkaas, shay ma jiro; illaa wuxuu u tasbiixsadaa (nasahaa) mahadda Alle, laakiin ma fahmeysaan tasbiixooda, Eebana waa dulbadane denbidhaaf badan”.
Abuurka hamaantiis waxay u tasbiixsanayaan oo Alle u nasahayaan inuu Alle ku sifoobo sifaadka abuurkiisa; deedna uu ku dabaqmo xeerka isbedelka iyo kala duwanaanshaha sidaasna uu ku halaagsamo sida abuurkaba u halaagsamo. Sidaa daraadeed waxaad Quraanka kariimka ku arkaysaa, mar walba oo Eebe wax lala barbardhigo waxaa ka danbeysa erayga ‘subxaanah’ kaasoo Eebe ka nasahaya inuu abuurkiisa lamid noqdo. Aayadaha ku wajahan arinkaan wey badan yihiin, waxaan kasoo qaadaneynaa hal aayad, Alle wuxuu yiri: وَقَالُوا اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا ۗ سُبْحَانَهُ ۖ بَل لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ كُلٌّ لَّهُ قَانِتُونَ
“waxay dhaheen gaaladii Eebe wuxuu yeeshay ilmo, waana ka nasahan yahay; saas ma’aha, ee Eebe wuxuu leeyahay wax walba oo samada iyo dhulka ku sugan, dhammaanna Eebey u hogaansamaan”.
Culumada falsafadda waxay yiraahdaan Eebe wuxuu koonka ka abuuray eber waxba (non). Haddaba waxaa mudan inaan isweydiino waa maxay eber ama waxba? Eber ama waxba waa jiritaanka jire jiritaan la’aan. Haddaan si kale u dhigo, eber jiritaanka jire aan laheyn jismi la taaban karo, la arki karo amaba la dareemi karo. Tusaale, haddii lagu yiraahdo waxaad ka shaqeysaa isle’egtaan xisaabeed x+y=y, oo aan laguu sheegin waxa xarfaha ‘x’ ama ‘y’ u taagan yihiin, taasi waxay micnaheeda tahay in laguu dhiibay jire jiritaan la’aan. Si kale haddaan u eegno, erayga ‘qorax’ kaligiis waa jire jiritaan la’aan, laakiin markaan qoraxda eegno erayga qorax wuxuu isku bedelayaa jire buuxa oo waxaan arkeynaa qoraxdii dhabta aheyd oo indhaha ayeey naga cawareysaa – sidaas ayaana ku dareemeynaa in qoraxdu jirto.
Docda kale, Eebe agtiisa magaca iyo jiraha waa u hal oo erayga qorax iyo qoraxda rasmiga ah waa isugu mid. Sidaas aawadeed, koonka iyo wax walba oo abuurka Alle ah waxay ahaan jireen jirayaal jiritaan la’aan oo kamid ahaa cilmiga Eebe. Taasi oo micnaheedu yahay, koonka iyo wax walba oo ku abuuran waxay ku jireen cilmiga ilaaheey fikir ahaan intaan Eebe abuurin kahor – markuu doonay inuu abuuranna waxay isku bedeleen jirayaal jira oo la arki karo, naf leh, dhaqdhaqaaqaya; lana taaban karo.
Intaas kadib, waxaa durbadiiba aan u imaaneynaa su’aasha xigta ee oranaysa; sidee Eebe u abuuray koonka? Eebe wuxuu koonka ku abuuray erayadiisa, oo isaga kasoo baxday, laakiin aan aheyn qeyb Alle kamid ah, erayadaas ayaana isku xawilay jiritaanka koonkaan iyo wax walba oo ku nool. Sidaas daraadeed, jiritaanku waa erayadii Alle waxayna ku aheyd jire jiritaan la’aan ah cilmiga ilaahey. Yacnii, marka Eebe doono inuu wax abuuro waxaa uun uu yiraahdo waa ahoow, deedna wixii wuu ahaadaa. Eebe wuxuu yiri:
إِنَّمَا أَمْرُهُ إِذَا أَرَادَ شَيْئًا أَن يَقُولَ لَهُ كُن فَيَكُونُ
“amarka Eebe markuu wax inuu abuuro doono wuxuu ku yiraahdaa ahoow oo uu ahaado” Si kale haddaan u dhigo, waxaanu soo sheegnay in wax walba oo jira ey u jiri jireen iyagoo ah jirayaal jiritaan la’aan ah, laakiin ey ku sugnaayeen cilmiga ilaahey fikrad ilaahey ahaan. Sidaas aawgeed, koonku waa erayada ilaahey, oo Alle kasoo baxday laakiin aanan aheyn qeyb Alle kamid ah. Sidoo kale wuxuu Eebe yiri: وَيُحِقُّ اللَّهُ الْحَقَّ بِكَلِمَاتِهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُجْرِمُونَ
“Eebe wuxuu ku sugaa xaqa erayadiisa haba neceen dambiilayaasha”. Labadaan aayadood waxaan ku baraneynaa in Eebe uu koonka ku abuuray erayadiisa iyo in jiritaanku yahay erayadii Eebe. Abuurka koonka wuxuu ku bilaabmay qarax weyn (big bang), kaasoo ahaa Alle oo cilmigiisa u bedelay erayo, sidaasna ey ku abuurmeen koonkaan aan ku noolnahay iyo wax walba oo ku dhex jira.
Intaas kadib, halkaan waxaan u imaaneynaa su’aal ey madaxa xanuujisay falaasifada badankood, qaarkood waxay yiraahdaan; Alle markuu koonka uumay nasiino ayuu galay. Arinkaana Eebe waa ka digay, oo wuxuu yiri: وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
“Samada waxaan u dhisnay si xoog ah, waana waasicineynaa”. Eebe wuxuu halkaan ku caddeynayaa in abuurku uu socdo, marna uusan istaagin istaageyna, awooda Eebe iyo tamartiisana aan dhamaaneyn. Cilmiga sayniskanna waxay dhowaan ogaadeen in dunidu ey balaaraneyso oo aragti cilmiyeed oo arinkaan sugaya ayeey kasoo saareen – oo uu ugu horeeyo caalim Albert Einstein. Waxay culumadan qireen, in zillions iyo zillions iyo zillions meereeyaal ey abuurmaan, koonkuna uu ballaarannayo maalinba maalinta ka danbeysa. Eebe wuxuu yiri: وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ “Eebe wuxuu abuuri waxaydiin ogeyn”. Sidaas daraadeed, Eebe waa jiraha kaliya ee leh dhammeysnimada. Yacnii, Alle waa jiraha kaliya ee fikirkiisa xaqiiqoobi karta dhammaan 100%. Ilaahey aadanaha wuxuu siiyay wuxuusan siin abuurka kale, oo Alle toos uga timid. Waxaasna waa in aadanuhu fikiro, qorshe dajiyo – deedna ey u suurtagasho inuu wax kamid ah qorshihiisa uu xaqiijiyo oo u bedelo dhab. Tusaale, abuurada kale Eebe abuuray kama taliyaan aayatiinkooda, ee waxay raacaan wadada Eebe u jeexay, halka aadanaha la doorgeliyay, lana siiyay inuu wax doono ama diido. لِمَن شَاءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ “ruuxii doonaa inuu toosnaado” sidoo kale wuxuu Alle yiri:
وَقُلِ الْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاءَ فَلْيَكْفُرْ
“waxaad dhahdaa xaqa wuxuu ka ahaaday dhanka Eebihiin, ruuxii doona ha rumeeyo, ruuxii doonaana haku gaaloobo”. Aaydahaan waxay na barayaan in aadanaha la siiyay waxaan abuurka kale la siin oo ah doonista, qorsheynta iyo fulinta qaar fikradaha maanka aadanaha ka guuxaya. Sidaas daraadeed, waxaan halkaan kala soo baxeenaa in xisaabyahannadu ey yihiin culumada baratay jirayaasha aan jirin, sida isle’egyada xisaabadeed ee aan xalka loo heyn. Laakiin, muddo kadib, laga yaabo iney gaadho qarniyaal, waxaa isle’egyadaas xaliya culumada fiisigiska. Sababtoo ah, culumada fiisigiska shaqadooda waa xalinta iyo soo saaridda cilmiyaal cusub, iyo u bedelida fikradda xaqiiqo la arki karo, sida xalinta isle’egyada xalka loo waayay iyo u xawiladeeda wax jira oo jir leh. Waxaan oran karnaa, xisaabtu waa jire jiritaan la’aan, fiisigiskuna waa jiritaanka laftigiiisa, labaduna ma kala maarmaan.
Arinkaas awgeed, waxaan oran karnaa, xisaabtu waxay ka hormartay fiisigiska, xisaabyahannaduna waxay ka hormareen fiisigisyahannada. Tanina waxay daliil u tahay in xisaabtu tahay cilmiga gaarka ah Eebe, laakiin uu xoogaa yar ah uu ka baray aadanaha. Eebe wuxuu yiri; وَأَحْصَىٰ كُلَّ شَيْءٍ عَدَدًا “Eebe wey u tirakooban yihiin wax walba”. Sababtoo ah xisaabtu waa jirayaal jiritaan la’aan ah. Arinkaanina wuxuu noo fududeenayaa inaan si kalsooni uga jawaabno su’aasha oranaysa yaa soo horeeyay fikradda iyo maadada? Jawaabtuna waa waxaa soo horeeyay fikradda oo aan ku sheegnay iney tahay jire jiritaan la’aan.
Waxaan xalqadii hore ku soo ogaanay in fikradda ey kasoo hormartay maadada innagoo u keenay daliilo cilmi ah. Haddaba, si aan u fahanno aragtida ogaanshaha (the theory of knowledge) waxaan marka hore u baahannay inaan kala soocno maadada iyo fikradda. Tusaale, dadka wuxuu ka sameysanyahay maado (jir) uu kala mid yahay xayawanaadka, sidoo kale wuxuu ka sameeysan yahay ruux. Maadada Eebaa uumay, ruuxdana Eebaa siiyay aadanaha kana fadilay makhluuqaadka kale. Intaas kadib, judhiiba waxaa noo soo baxaysa su’aasha oranaysa; maxay kala yihiin dad iyo aadane (insaan)? Waana halkaan meesha lagu taraaraxo, oo culumo badan gaar ahaan kuwa sayniska ey docda kale ee giraanta uga baxeen. Dadku waa noole jira oo jir iyo naf leh sida dhammaan xayawaanka. Aadanuhuna waa noolahaas oo ku darsaday ruux, oo ah wax Alle xaggiisa ka timaaday taas oo cilmigeeda Eebe uun ogyahay. Tusaale, dad + ruux = aadane, taas oo micnaheedu tahay, dad waa nafta, ruuxduna waa aqoonta iyo sharciyadda ee aadanuhu ku gooni yahay, Eebe xaggiisana toos uga timid. Sidaas aawadeed, dad waa jiritaan muuqda, ruuxduna waa jiritaan qarsoon – halkaana waxaan kala soo baxeenaa in aadanuhu yahay jiritaan muuqda (dad) + jiritaan qarsoon (ruux). Nolosha dhulka waxay ku bilaabmatay kadib markii Eebe uumay cunsurka asaasiga u ah nolosha ee lagu magacaabo oksijiin (oxygen). Noolayaasha oo dhanna isagey qaataan oo ku neefsadaan si ey u noolaadaan – oksijiin la’aanna suurtagal ma’aha nolosha. Sidaas ayaad waxaad arkaysaa markuu nooluhu dhinto nafaska ayaa ka go’a, waxa dhimannayanna waa nafta. Sidaas baa Eebe u yiri; وَمَا كَانَ لِنَفْسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ “nafinna uma ahaan iney dhimato idinka Eebe la’aan”. كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ “naf walba wey dhadhamin geerida”. Sidaas ayaana ku yaqiinsaneyna waxa dhimanaya markey dadku xijaabtaan iney tahay nafta, ee aan ruuxdu dhimaneyn. Ruuxduna waa waxa sababaya in aadanaha la maxkamadeeyo maalinta qiyaamaha, iyo inuu masuuliyad qaaday. Eebe wuxuu yiri:
إِنَّا عَرَضْنَا الْأَمَانَةَ عَلَى السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَالْجِبَالِ فَأَبَيْنَ أَن يَحْمِلْنَهَا وَأَشْفَقْنَ مِنْهَا وَحَمَلَهَا الْإِنسَانُ ۖ إِنَّهُ كَانَ ظَلُومًا جَهُولًا
“Annagaa u bandhignay amaanada samaawaadka, arlada iyo buuraha, wey diideen, weyna ka baqeen iney xambaaraan, waxaase xanbaaray aadanaha, wuxuuna noqday dulmi badane jahli badan”.
Aayaddaan waxay noo sharaxaysaa in aadanuhu ey aqbaleen in la imtixaano deedna la maxkamadeeyo, waxayna taa bedelkeeda ku heleen waxaan abuurka kale ku helin oo ah ruuxda. Ruuxduna waa aqoonta, sharciyada iyo xoriyadda. Taasna waxaa daliil u ah, qisada abuurka aadan iyo dooda dhexmartay Eebe iyo malaa’ikta. Markii Eebe ku wargeliyay malaa’ikta inuu abuurayo aadan – si uu arlada khaliif uga noqdo, malaa’ikta muran bey ka keeneen – iyagoo ku andacoonaya in aadanuhu dhulka fasahaadinayo oo dhiig badan ku qubayo. Eebanna wuxuu ugu jawaabay, waxaan ogahay waxaydiin ogeyn. Deedna Alle Aadan wuxuu baray magacyada dhammaantood, kuwaasoo aan ku koobneyn magacyo oo qudha, balse ey ku jiraan mafaahiimta ey ka kooban tahay falasafadda nolosha oo dhan, eyna ku jirto mowduuceenaan ‘aragtida ogaanshaha’ oo eynu halkaa ku lafa-gureyno. Markaas baa Alle ku yiri; Aadamoow u sheeg magacyadooda, markuu u sheegayna; malaa’ktii waxay yiraahdeen, subxaanaka cilmi malihin waxaad na bartay mooyee, waxaad tahay adigu wax oge falsan.
Haddaba, haddeynu intaas isla garannay, waxaan u imaaneynaa aqoonta aadanaha la siiyay uu dheeryahay abuurka intiisa kale waxaa kamid ah; inuu ogaado dhacdo uusan marqaati ka aheyn. Bal waxaan dhihi karnaa, waa amar Alle ka yimid in aadanuhu uu ogaado wixii ka horeeyay ee uusan joogin dhacdadeeda, Allana aadanaha wuu siiyay aaladihii uu isticmaali lahaa. Tusaale, Alle wuxuu Qur’aanka nagu faray in aan dhulka ku gaaf wareegno si aan u aragno sida abuurku ku bilaabmay, Eebe wuxuu yiri: قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَ “Waxaad dhahdaa socda dhulka oo daya sida Eebe u bilaabay abuurka”. Halkaan Eebe wuxuu noogu sheegayaa iney aadanaha suurtagal u tahay inuu ogaado sida abuurka ku bilaabmay. Laakiin, amarkaas waxaad moodaa in Muslimiinta ey dhagaha ka fureysteen, dunidan aan haatan ku noolnahay cidda isku mashquuliso iney ogaadaan sida abuurku u bilaabmay waa dadyowga aan Muslinka aheyn. Wadamada reer Galbeedka iyo culumadooda sayniska waxay ku bixiyaan balaayiin mashruuca waddanka Switzerland laga bilaabay ee ah baaritaanka sida uu abuurka koonka ku bilaabmay. Aayad kale wuxuu Eebe ku yiri:
مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ
“marqaati ugama dhigin kuwaas abuurka samaawaadka, arlada iyo abuurka naftoodaba” alle halkaan wuxuu adkeenayaa in aadanuhu uusan marqaati ka aheyn markii koonka la abuurayay, haddana aayadda kale wuxuu ku faray iney arlada socdaan oo dayaan sida abuurku ku bilaabmay. Haddaba waxaan u baahanahay inaan in yar dul istaagno farqiga u dhexeeya labada eray ee carabiga ah, ‘shahiid’ iyo ‘shaahid’ si aan u dhuuxno waxa ee Eebe ina faray. Af-soomaali labadaan eray waxaa ku doorbiday iney noqdaan; ‘marqaati’ iyo ‘marag’. Aqriste, waxaa laga yaabaa inaad istiraahdid labada erayba waa isku macno. Isku wax bey tilmaamayaan, laakiin laba xaglood oo kala duwan ayah iska taagayaan. Tusaale, Shahiid = marqaati, waana qof arkay oo maqlay dhacdada uu marqatiga ka yahay. Alle wuxuu yiri: وَلَا يُضَارَّ كَاتِبٌ وَلَا شَهِيدٌ “yaana la dhibi qoraaga heshiiska qoraya iyo marqaatiga” halkaan waxaan arkeynaa marqaatigu uu yahay mid xaadir ku ah goobta heshiiska daynta lagu kala saxiixanayo isagoo ah mid wax maqlaya waxna arkaya. Docda kale, erayga shaahid = marag oo ah qof khabiir ah oo baaritaan kadi ogaaday – si uu uga maragkaco dhacdo uusan marqaati ka noqon. Yacnii, maragkacuhu waa qof khabiir ah cilmina leh, oo markii loo keenay caddeymo cilmi ah in dhacdo ey dhacday deedna uu caqligiisa iyo damiirkiisu ku waafaqeen in dhacdadaas ey dhacday. Tusaale, qaali maxkamadeed ayaa loo keenay in eedeysane Warfaa uu dilay marxuum Geedi, qaaliga ma uusan joogin xilliga warfaa dilayay geedi oo marqaati kama aheyn. Haddana, qaaliga markuu eegay caddeeymaha tilmaamaya in Warfaa yahay gacan ku dhiigle, sida DNAda Warfaa oo laga helay marxuumka dushiisa ama CCTV lagu arkay isagoo ku guda jira falka dilka – qaaliga wuxuu xukumayaa in Warfaa dilay Geedi, sidaasna warfaa ugu xukumayaa ciqaabta waafaqsan denbigiisa. Marka waxaan dhihi karnaa qaaliga wuxuu ka marag kacay in Warfaa uu dilay Geedi isagoon marqaati kaheyn markii falka dhacayay. Si kale haddaan u dhigo oo aan ku laabanno tusaalyaasha quraanka, Eebe wuxuu yiri: وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِّتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ “sidaas ayaan idiinka yeelnay ummad dhexdhexaad ah, si aad ugu marag kacdaan dadka”. Aayadaan Eebe wuxuu isticmaalay erayga ‘shuhudaa’u’ oo ah jamaca erayga shaahid oo micnaheedu yahay maragkac. Sababtoo ah, suurtagal ma’aha inaan dadkoo dhan marqaatiyaal ku noqono xilli walba, laakiin waxaan noqon karnaa maragkacayaal khibrad iyo cilmiga kaga maragkaca. Tusaaale, dhammaanteen inta aqrisay ama maqashay dagaalkii Beder, waxaan u nahay maragkacayaal in dagaalkaasi uu dhacay – innagoo aan joogin amaba nooleyn xilliguu dhacay. Waxaana maragkacayaal ugu noqonay inaan isticmaalnay awoodda ilaahey ku gaar yeelay aadanaha ee ah; ogaanshaha, wax baarista kadib markaan taariikhda aqrinnay. Sidaas aawadeed, innagu ma eynaan ka marqaati kicin markuu Alle koonka bilaabayay, laakiin haddaan baarno oo raacno amarka Eebe waxaa noo suurtageli karta inaan ogaano siduu abuurku ku bilaabmay deedna aan ka maragkacno ogaansho ahaan.
Xalqadii hore waxay aheyd mid xoogaa culus oo aan kusoo falanqeenay farqiga u dhexeeya maadada iyo fikirka. Sidoo kale, waxaan kusoo qaadaa dhignay farqiga u dhexeeya dad iyo aadane. Xalqadii hore iyo labadii xalqadood ee kasii horeeyay waxay gogol dhig u yihiin xalqadan afaraad oo aan kaga hadleyno argatida ogaanshaha iyo furayaasha aqoonta aadanaha oo dhan ee Eebe siiyay. Waxa ugu horeeyo ee aan u baahannahay inaan daraaseeno waa aayatul kursi, halkaas oo ey ku jiraan argtida ogaanshaha iyo furayaasheeda. Haddaan si dhab ah u fahanno ayatul kursiga, waxay na siinaysaa argtida ogaanshaha iyo furayaasheeda oo dhammeystiran. Aayatul kursi waxay ka kooban tahay 9 jumaladood, waxayna isugu xiran tahay laba laba jumlo – marka laga reebo jumlada bartanka ku jirta ee kala barta afarta jumlo ee hoore iyo afarta jumlo ee danbe. Waxaana isku xiran jumalada 1aad iyo tan 9aad, tan 2aad iyo tan 8aad, tan 3aad iyo tan 7aad, tan afaraad iyo tan 6aad. Haddii tirsiga lamaanayaasha jumladaha la isku daro waxay noqonayaan tiro buuxda oo 10 ah. Haddaan si kale u dhigo, labadii jumlo oo isku xiranba marka tirsigooda la isku daro waa 10. Tusaale, waxaan niri 9ka jumlo ey aaayatul kursi ka kooban tahay waxay isugu xiran yihiin laba laba jumlo, haddaba haddii jumalda 1aad lagu daro jumlada 9aad waxaa noo soo baxaya 10. Yacnii, 1+9=10 sidoo kale, 2+8=10, 3+7=10, 4+6=10. Halkaanna waxaa ku jira sir ey mudan tahay in la baaro. Su’aashu waxay tahay, maxay jumlooyinka aayddaan sidaan isugu xiran yihiin? Haddaba aan isla eegno jumlooyinka aayatul kursi, Eebe wuxuu yiri:
اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ 1
ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ 2
لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ 3
مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِندَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ 4
ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ5
ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ 6
وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ 7
ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ 8
وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ 9
fasirkeeda wuxuu noqonayaa sidatan:
1 Eebe ilaah aan isaga aheyn ma jiro, waana ilaah nool khalqigana maamulaya.
2 ma qabato lulmo iyo hurdo (midna).
3 wuxuuna iska leeyahay waxa samaawaadka iyo arlada ku sugan.
4 waa kuma ruuxa ka shafeeci Alle agtiisa idinkiisa mooyee?
5 wuxuu (Eebe) ogyahay waxa dadka hortooda ah iyo wax aka danbeeya.
6 mana koobi karaan wax cilmigiisa ah wuxuu Eebe doono mooyee.
7 wuxuuna kursigiisu u waasac noqday samaawaadka iyo arlada.
8 mana cusleyso ilaalintoodu.
9 Eebe waa sareeye weyn.
Haddaba haddaan daraaseeno sida jumlooyinku ey xiriir u leeyihiin waxaan arkaynaa wax cajiib ah. Shiikh Nucmaan Cali Khaan oo ah Caalim ku takhasusay fasiraadda Quraanka ayaan kasoo dheehday qaabka cajiibka ah ee ey jumlooyinka aayatul kursi xiriirka u leeyihiin. Sidaan kor kusoo xusnay jumalada 1aad waxay xiriir la leedahay jumalada ugu danbeysa ee sagaalaad. Labada jumladoodba waxay ku dhamaadaan laba magac oo kamid ah magacyada ilaaheey. Tusaale, jumlada 1aad waxay ku dhamaataa ‘الْحَيُّ الْقَيُّومُ’ jumlada 9aadna waxay ku dhamaataa ‘الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ ‘. Jumlada 2aad iyo sideedaad waxay tilmaamayaan inaan Alle lulmo iyo hurdo toona qaba, iyo ineysan culeysineyn ilaalinta samaawaadka iyo arlada. Jumalda sedexaad Alle wuxuu ku sheegay inuu leeyahay wax walba samaawaadka iyo arlada ku sugan, jumlada 7aadna wuxuu ku adkeeyay in kursigiisuna uu waasic u noqday samaawaadka iyo arlada. Si taa lamid ah jumlada 4aad iyo tan 6aad iyaguna xiriir gooni ah ayeey leeyihiin, labadaba waxay ku dhamaadaan erayga ‘إِلَّا ‘mooyee’ kaasoo tibaaxaya inaan shafeeca uusan qaadi karin cidduu Alle doono mooyee, iyo inaan cidna wax kamid ah cilmiga ilaahey aan koobi karin wuxuu Eebe doono mooyee. Jumlada 5aad ee aayadda kala barta Eebe wuxuu ku yiri; wuxuu (Eebe) ogyahay waxa dadka hortooda ah iyo wax aka danbeeya. Jumaladaasna waxay ka hadlaysaa aayadda inteeda hore iyo inteeda danbe.
Haddeynu u nimaano aragtida ogaanshaha ee ku jirta aayatul kursi, waxaan marka hore u baahannahay inaan seddex shay si fiican u fahanno. Sedexdaas oo kala ah, istiwaa, carshiga iyo kursiga. Dr Maxamed Shaxruur oo h Caalim ku takhasusay fahanka Quraanka fahan qotodheer, wuxuu kitaabkiisa (الكتاب والقرآن – قراءة معاصرة) uu si cajiib ah ugu sharxayaa seddexdaas mafhuum. Dr Mohommed wuxuu yiri; carshigu ma’aha meel ee waa awaamiirta ilaahey. Xididka micnaha erayga carabiga ah ee ‘carsh’ wuxuu caddeynayaa inuu yahay awaamirta qofka boqorka ah ama meel madax ka ah. Istawaa’uguna waa in Eebe hogaanka hayo awaamiirtiisa. الرَّحْمَٰنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَىٰ. Dr Mohammed markuu aayad fasiray wuxuu ku fasiray in Raxmaanku uu hogaanka u hayo awaamiirtiisa oo ah koonka iyo waxa ku jira oo dhan. Halkaasna wuxuu shiikha ka saaray in carshiga uu yahay meel, isagoo diidaya in Alle lagu xadido meel ama khalqigiisa la soo dhexgeliyo. Dr Mohammed markuu fasirayay kursiga ilaahey wuxuu dib ugula laabtay xididka erayga ‘kursi’ uu ku leeyahay afka carabiga. Wuxuuna tusaale usoo qaatay in carabta gaar ahaan kuwooda reer miyiga ah ee afka carabiga asalka ah ku hadla iney yiraahdaan; ‘العلماء كراريس’ culumadu waa aqoon. Sidaas daraadeed kursiga ilaahey ma’aha waxa aan innaga u naqaan kursiga, ee waa aqoonta ilaaheey oo dhammeystiran, sidaas buu Eebe SWT u yiri markuu ka hadlayay kursigiisa;
وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ
“mana koobi karaan wax cilmigiisa ah wuxuu Eebe doono mooyee. wuxuuna kursigiisu u waasac noqday samaawaadka iyo arlada”. Kursiga ilaaheey waxaa ku sugan macluumaadka khalqiga Eebe oo dhan, qaar aan naqaan iyo qaar aanan aqoonin. Lowxul maxfuudka iyo imaamul mubiin waa qeyb kamid ah kursiga ilaaheey – oo ey ku dhan yihiin macluumaadka ilaahey oo dhan. Maadaama cilmiga oo dhan ey ku jiraan kursiga ilaahey oo ah aqoonta oo dhan, Eebe wuxuu yiri; suurtagal ma’aha inaad wax ogaataan illaa dariiqada aan anigu idinku sheego mooyee. Fasirkaana waxaan ka dhex heleynaa aayatul kursiga dhexdiisa marka Eebe leeyaha إِلَّا بِمَا شَاءَ suurtagal ma’aha inaad wax ogaataan wuxuu Eebe idiin doonay mooyee. Halkaan Eebe wuxuu ka hadlayaa aragtida ogaanshaha oo aan daraaseenaynay.
Xalqadii hore waxaan kasoo sheekeenay aayatul kursi iyo qaar kamid ah siraha ku duugan. Waxaan sidoo kale tibaaxnay in kursigu uu yahay cilmiga ilaahey oo dhan. Cilmigaasna aan aadanaha waxba ka ogaan karin illaa inta Eebe doono mooyee. Taas oo micnaheedu yahay in aadanuhu hadduu qaato xeerka ilaahey uu wax uun cilmigaas ka ogaanayo. Haddaba maxay tahay aaladaha lagu ogaan karo wax kamid ah cilmigaas? Casharkeena maanta wuxuu ku meereysanayaa ka jawaabidda su’aashaas.
Waxyiga wuxuu nebi Musse [CS] ugu bilaabmay in lagu amray inuu Eebe caabudo, salaaddana oogo si uu Eebe u xuso. Eebe oo arinkaan ka sheekeenaya wuxuu yiri:
إِنَّنِي أَنَا اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدْنِي وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي
“anigu waxaan ahay ilaahey, ilaah kalana majiro aniga mooyee; i caabud – salaaddana u oog xuskayga”. Halkaan nebi Muuse (CS) waxaa la faray cibaado, salaad iyo xuska Eebe –taas oo u aheyd furaha risaalada la siiyay.
Dhanka kale, waxyigii ugu horeeyay oo rasuulka SCW kusoo degay wuxuu ahaa furayaasha aqoonta iyo aragtida ogaanshaha oo dhammeystiran. Sababtoo ah aayadihii ugu horeeyay oo rasuulka kusoo dego waxay ahaayeen kuwo farayay rasuulka akhrinta, Eebe wuxuu yiri: اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ “wax ku akhri magaca Eebe ee abuuray khalqiga”. Waxaa muhiim ah inaan isweydiino xididka micnaha erayga ‘اقْرَأْ’ halkey salka ku heyso luuqadda carabiga si aan u fahanno waxa Eebe ula jeedo. Qaamuuska Ibnu Faaris ee ah qaamuus luuqadda carabiga kuwooda ugu balaaran uguna qoto dheer – wuxuu kalimadda ‘اقْرَأْ’ ku fasirayaa iney tahay barasho ee eysan aheyn akhri. اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ “baro magaca Eebahaa ee abuuray khalqiga”. Tusaale, الاستاذ يقرأ المحاضرة والمذيع يتلو الأنباء” macalinku wuxuu akhrinayaa (barayaa) casharka, wariyuhuna wuxuu meyrinnayaa warka”. Akhrintu waa wasiilada waxbarashada, meyriskuna waa meyrin wax qoran. Tusaale, wariyuhu markuu meyrinayo warka, uma kala duwana wuxuu meyrinayo iney micno u sameyso iyo in kale, sababtoo ah; warka loo soo qoray ayuu meyrinayaa. Laakiin, macalinku markuu akhrinayo casharka wuu sharaxayaa – micno ayeyna sameynaysaa wuxuu akhrinayo, sidaas ayeyna kalmadda akhri ey u noqonaysaa baro, barashaduna waa furaha ugu horeeya ee aragtida ogaashaha iyo furayaasha aqoonta. Sidaasna waxaan ku kala baranaynaa farqiga u dhexeeya akhrin iyo meyris. Haddaan u nimaano qeybta xigta aayadda ee ah بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ oo ah furaha labaad ee aragtida ogaanshaha. Marka hore, seddex sifo oo Eebe leeyahay ayaa muhiim ah inaan si qoto dheer u fahanno – si aan u garanno waxa aayaddu tilmaamayso. Eebe waa; خالق السماوات والارض Eebe waa; بديع السماوات والارض Eebe waa; فاطر السماوات والارض. Erayga خالق waa naqshadeeye (design), haddii khalqiga oo dhan isku yimaadaan oo isku dayaan iney naqshadeeyaan samaawaadka iyo arlada ma sameyn karaan, waayo waa sifo iyo awood Eebe u gooni ah. Eebe oo noo sharxaya micnaha erayga khaaliq wuxuu yiri;
الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ Eebe waa kan naqshadeeyay deedna abuuray (khalqiga). Erayga بديع aan cidna uga horeyn, yacnii abuurka samaawaadka iyo arlada iyo dhamaan khalqiga cid uga horeysay abuurkooda ma jirto. Erayga فاطر waa cuseyb, yacnii koonku qadiim ma’aha, Eebe kaligii ayaa qadiim ah. Carabtu waxay tiraahdaa; الخبز فطير kibistu wey cusub tahay (fresh), yacnii goordhoweyd ayaa tinaarta laga soo saaray. Seddexdaan sifo ee Eebe waxay noo sheegayaan; koonka waa naqshadeyntii Eebe, cid kaga horeysay ma jirto, waana cuseyb oo qadiim ma’aha. Sababtoo ah Allah kaliya baa qadiim ah oo jiray intaan waxba jirin, jirina doona iyadoon waxba jirin. Sidoo kale, wax Eebe lamid ah ma jiraan, mana laha amin iyo meel. Wax walba innaga (makhluuqaadka Eebe) inoo ah mustaqbal isaga waxay u yihiin fal tagay (past tense). Tusaale, qiyaamaha innaga waxay noo tahay mustaqbal aan weli la gaarin, laakiin Eebe waxay u tahay fal tagay oo dhacay. Sidaas baa Eebe markuu qiyaamaha kaga hadlayo Qur’aanka wuxuu in badan istaacmaalaa fal tagay sida;
وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الْأَرْضِ إِلَّا مَن شَاءَ اللَّهُ ۖ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخْرَىٰ فَإِذَا هُمْ قِيَامٌ يَنظُرُون
‘waxaa la afuufay buunka qiyaame, deedna waxaa suuxay (dhintay) ruux walba oo samaawaadka iyo ruux walba arlada ku sugnaa, cidduu Eebe doono mooyee, mar kalaa la afuufay waaba dadkii oo taagan sugayana (xukunka Eebe)’. Dr Mohammed Sharuur oo fasiraya micnaha aayadda خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ wuxuu erayga عَلَقٍ ku micneeyay iney tahay jamaca ‘calaaqaat’ oo ah unugyo – sidaasna Eebe wuxuu aadanaha ka abuuraay isku dhafka unugyada fiisigiska, bayooligiga, kulaylka iwm. Erayga عَلَقٍ-na waa furaha labaad ee aragtida ogaanshaha, waxayna u taagan tahay tilmaanta in Eebe koonka ka abuuray unugyo kala duwan. Furaha seddexaad oo ah kan ugu muhiimsan waxaan ka helaynaa aaydda Eebe ku yiri; اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ aayddaan waxay soo koobtay dhammaan aqoonta aadanaha nooceey doonto ha ahaato, suurtagalna ma’aha cilmiga aadanaha yaqaan inuu ka baxo qalinka. Haddaba waa maxay qalin? Qalinku halkaan Eebe ku sheegay ma’aha kan khadda leh ee waa lagu qoro; ee waa aqoonsi (identification) kala soocid. Intaa kadib, markaad waxaad arkaysid ama maqlaysid aad aqoonsatay waxaad u baahana tahay inaad kala soocdid, marxaladdaana waxaa la yiraahdo habeyn (classification). Tusaale, adigoo hawd lugeenaya ayaa waxaad aragtay libaax, durbadiiba waad aqoonsatay (identification) in waxaad aragtay uu yahay libaax – markaad u sii fiirsatay waxaad garatay inaad aragtay libaax dheddig waad kala soocday aragtidaad aragtay libaaxa oo waad habeysay. Wax walba si aad u ogaatid waxay yihiin waa in marka hore aad aqoonsataa waxaas waxay yihiin, deedna aad sii kala soocdaa waxay kasii yihiin heybtooda. Tusaalaha kale ee innaga caawinaya fahanka qalin waa cudurka kaankarada (cancer), dhaqaatiirta weli ma eysan kala soocin heybtiisa dhabta ah, sababtoo ah ma eysan aqoonsan si dhab ah wuxuu kaankaradu yahay. Aragtida aqoonta waxay u kala qeybsantaa; aqoonsi (identification) iyo habeyn (classification). Labadaan qodob ayeey isugu soo ururaysaa aqoonta aadanaha oo dhan iyo aragtida ogaanshaha, labadaan qodob ayeyna ku shaqeeyaan dhammaan hay’adaha waxbarashada adduunka oo dhan.
Comments
Post a Comment