BARAARUGGA MAANDOONKA IYO BAYLAHA MAADIIDKA! [CAQLAANI MISE
XAYAWAANI?]
HORDHAC.
Hadal la dhaafi maayee, waxa aan
raad-gurayaa doodda beryahan baraha bulshada dhex rooraysay ee ahayd
"Adeegsiga Maanku ma banana (Caqlaaninimadu waa xaaraan)". Dhalinyaro
badan ayaa aad uga soo horjeeda maanka iyo wixii la halmaala, nasiibxumo
aragtidooda ma ahan—ee waa wax loo soo dhiibay. Hadal oo dhan waxa ay kaaga bilaabayaan
hebel ayaa sidaas yiri—oo ma banaana! Waa sax, ceebna ma’aha in aad qof soo
xigatid, ee geba-gebadu waa inay adi qiimayntaada shaqsiga ah ku jaan go'naato.
Haddii aad ku tiraahdid: Hebel
inuu adeegsiga maanka (caqliga) diiday aniguba waan maqlay ee adigu ma
qiimaysay in doodda ninkaas odayga ah saxan tahay iyo in kale?
Wuxuu warcelin deg-dega kuu siin: Boowe anigu ma gaarin cilmigii aan ku qiimayn lahaa wuxuuna kuu sii raacin, adiguna ma diidi kartid walaal, marka aad heerkiisa gaadhid hadal balse hadda cilmi uma lihid. Haddii aan Cilmi waayay, caqli miyaan waayay aan wax ku qiimayo!
Wuxuu warcelin deg-dega kuu siin: Boowe anigu ma gaarin cilmigii aan ku qiimayn lahaa wuxuuna kuu sii raacin, adiguna ma diidi kartid walaal, marka aad heerkiisa gaadhid hadal balse hadda cilmi uma lihid. Haddii aan Cilmi waayay, caqli miyaan waayay aan wax ku qiimayo!
Yaab! Waxa aad isweydiinaysaa
haddii uu mawduucaba cilmi u lahayn, maxaa kadeeday oo uu meelahaas u wad-wadaa
nin kale fikirkiis oo uu qiimayn ahaan ka qatan yahay? ma shaydaan baa ku
gar-yeeshay? Muu iskaba dhaafo waxa kan uu duhurka la dhalan-dhoolayo! Waxa aad
ogaanaysaa in miskiinka god madow maankiisi lagu hubsaday oo uu rag kale u
seetaysan yahay ismana oga. Waxaa meel lagu ogaaday waa maalintii Maankiisii uu
wax ku qiimayn lahaa rag kale nacsiiyeen. Markii uu adeegsiga caqliga iyo wax
ku kala shaandhayntiisa ka tegay, isagoo dhega nuglaan u muujinaya kooxo gaar
ah, maalintaas ayuu dadnimadiina ka tegay; maalintaas ayuu xayawaan la bahoobay
oo la hayb noqday. Waayo farqiga u dhexeeya xayawaanka iyo Aadanaha waa maanka
ee maahan maskaxda!
Maadaama maskaxdii ku rakiban tahay,
laakiin maankii hawsha kala Waday seetaysan yahay waa inuu tabta xayawaanka u
dhaqmaa oo wuxuu noqday xayawaani! Qiimayn ma jidho, taas bedelkeed haddii uu
indhaha saaro cid ka aragti duwan, wuxuu durbadiiba miciin bidayaa hanjabaad sida
‘waa la arki doonaa meeshaad ku dambaysid’, ‘Naar baa kuu dambaysa’ iyo ‘waa in
dadka lagaa qabtaa’.
Mar kale, catow buu ciirsi
moodayaa oo wuxuu ku oran: adduunku waa geba-gebo, waa aakhiru samaan mar
haddii la arkay hebel iyo hebel oo caqliga isticmaalaya.
Adduunka oo dhan wuxuu u sajaranayaa oo geba-gebo ugu saadinayaa waa dhowr qof oo uu arkay inay ka aragti duwan yihiin. Saskaas laga qabo kala aragti duwanaanta ayaa dhalaya ugu dambayntii Dagaal, dil iyo bur-bur; haddii aan wax laga qaban artintaan kooxaha danaha gaarka ah leh ee diinta ku dhuumaalaystaa ay falkiyeen.
Adduunka oo dhan wuxuu u sajaranayaa oo geba-gebo ugu saadinayaa waa dhowr qof oo uu arkay inay ka aragti duwan yihiin. Saskaas laga qabo kala aragti duwanaanta ayaa dhalaya ugu dambayntii Dagaal, dil iyo bur-bur; haddii aan wax laga qaban artintaan kooxaha danaha gaarka ah leh ee diinta ku dhuumaalaystaa ay falkiyeen.
Belaayo madax la qabto ayey
leedahay, ee mijo la qabtaa maleh, marka arrintan soo jireenka ah ayaan
jeclaystay bal inaan wax ka xar-xariiqo anigoo isku dayi doona inaan xaglo kala
duwan iska taago.
WAA MAXAY MAANKU?
Wakhtiyo hore ayay soo bilaabatay
doodaha maanka la xiriira, sida waxa maanku yahay iyo waxyaabaha uu ka kooban
yahay. Waxaa doodahaas hor-kici jiray Falsafadda, diimaha iyo cilmi-nafsiga. Maanku
(Mind) waa waxa aan wax ku nahay ee noolaha uunka ku nool aan kaga duwanahay.
Maanku waa qaybta inaga mid ah ee fekerta wax na qiimaysa; waa qaybta
dareenkeenna oo dhan uu ka yimaado; waa isla qaybta xog dhamaanteed noo ururisa
jeer kaasna kala hufta oo sax iyo khalad u kala saadha; far kasta oo aan qaadno
iyada ayaa soo go'aamisa oo kama soocmi karno.
Qofka yiraahda "Caqliga in
la adeegsado waa xaaraan" waxa ogaataa oraahdaas laftirkeeda in caqligiisu
soo gooyay oo aysan daleel ka iman, marka sidee adeegsiga maanka looga
feejignaan karaa haddii feejignaanta la hadal hayo isagu uu golaha keenayo? Maanka
ayaa u xilsaaran geedi-socodka hawleed ee dareenka qofka isagoo isla markaas ba
ficil u bedela.
MAXAY TAHAY SHAQADA MAANKU?
-Feker: Maanku wuxuu ina siiyaa
awood feker si ay macne inoogu sameeyaan waxyaabaha inagu xeeran, wuxuuna
inoogu soo turjumaa wax kasta si ka fiican sidii hore isagoo waafajinaya
damaceena; duruufaheena; yoolka aan higsanayno; iyo sida aan jecel nahay
markaas. Xaaladdani waa tan ina kharibtay ee aan dunida uga harnay, had iyo goorna
waa xaaladdan, xaaladda ay dadka maan diidka ahi (ama xayawaaniga ahi) inoogu
yeeraan. In la fekero had iyo goor cidna ma diidana, waxaase dhib ka taagan
tahay markii la fekerayo ma waxaan fekerka ku salaynaa damaceena mise waxaan u
fekernaa si ka madax bannaan damaceena. Tusaale, haddii aad rabtid in aad si
madax banaan oo xor ah u fekertid waa in aadan dheg jalaq u siin dadka kugu
wacdinaya buug hebel ha fiirin iyo meel hebel wax haka raadin ee aniga isoo ag
kadaloobso, aniga waxaan rabo kugu shubayee. Haddii qofku dadkaas damacooda u
nuglaado sida ina haysataba oo dad gaara ma’ahee wixii kale oo uu maqlo fitno u
aqoonsado qofkaas fikirkiisu waa hal bacaad lagu lisay oo waxaa seeto ku
xir-xiray fikirkiisa waa damac shaqsi. Waxaa mira-dhal noqda waa fikirka xorta ah
oo aad u fekertid si bilaa xuduud ah adigoo ka talaabsanaya wax kasta oo maanku
(caqligu) diido; fikirka waxtarka leh wuxuu ka yimaadaa qof uu halbeeg u yahay
maanku (caqligu), laakiin qof wax ku miisaana dad kale damacood wax aan lur
ahayn kama leefo fikirkiisa.
XASUUS: Xasuustu waa awooda lagu
kaydiyo, laguna ilaasho xogta maanka soo gashay, waaya-aragnimadiisa iyo wixii
uu horay maanku u soo baratay. Soomaalidu waxay tiraahdaa "Qof kasta intuu
cunay, ayuu ciidamiyaa" sidaas si lamid ah maan maran wax ba kuma turna,
inuu wax soo kordhiyana haku naaloon! Maanka waxaa lagu shubaa wax kasta inta
karaankaaga ah markaas ayuu wuxuu soo saaraa in ka badan intaad ku shubtay waase
markii feker lagu laro. Waxa aan kaaga digayaa in aad akhrisid buugaag isku
fikir ah ama hal koox buugtood, waayo fadhiid ayuu caqligaagu noqon, sida
keliya ee caqliga lagu layliyo (tababaro) waa in aad akhrisid aqoon ka timid
ilo kala duwan iyo mabaadi’i ka kala yimid caqliyo herdamaya oo isdiidan
markaas ayaa aad wax ka dheefaysaa aqoontaada haddii kale waa iska Geedkeedii
xamur ahaa oo wax is bedela ha u soo fadhiyin. Haddii aan si fiican iskula
fahanno labadaan qodob ee ah fekerka iyo xasuusta waxa aan u bislaan doonnaa in
aan u qaraabsi tagno meel kasta oo aqooni taal annagoo aan ka didayn waxa
aqoontaasi tahay; kadib waxaan ku kala shaandhayn doonnaa maanka si xor ah.
SOOYAALKA MAAN-DIIDNIMADA IYO
MAAN-DOONNIMADA
Qarniyo aan dhowayn ayuu soo
bilowday colaadda ka dhex aloosan maan-diidka iyo Maan-doonka markii aad
fiirisid sooyaalka. Sida taariikhdu soo werinayso Socrates ayaa kamid ahaa
raggii ay maan-diidku dileen gu'gii 399 dhalashadii Nebi ciise cs kahor isagoo
todobaatan jir ah. Waxaa la sheegay in uu ku dooday inuusan dhalinayaradii
Giriigii hore bari doonin 'Waxa ay ka fekeri lahaayeen’, laakiin taa bedelkeed
uu ku dadaali doono inuu baro 'sidii ay u fekeri lahaayeen’. Malaha waa tan
naga maqan oo haddii aan soomaali nahay ama Afrikaanba, waxaa dunida naga
reebay waxa weeye keliya in nala baro waxaan ka fekeri lahayn tusaale: hebel
caafimaad buu bartaa, dhaqaaluu bartaa, injeeriyad buu bartaa waa wuxuu ka
fekeri lahaa, laakiin ma yaqaan siduu u fekeri lahaa taasaa sababta in aanu
dhimanno annagoo aan qori jab dunida ku soo kordhin [maxaan wax soo kordhinnaa
ma annagaa naqaanba sida loo fekero].
Maan-diidku weligood iyo waaqoodba
waxa ay ka qaraabtaan dacaayad inay ku furaan ciddii damacda in maanka dabarka
laga furo, waxa ay dacaayad ka faafiyeen Socrates iyagoo ku tilmaamay inuu
dhalinyarada magaalada Athens fasahaadinayo ugu dambayntiina naftiisii buu ku
waayay dadaalkiisii quruxda badnaa. Dhowr iyo labaatan qarni ka hor illaa
maanta oo qarnigii kow iyo tobnaad ah, qolyaha maan-diidku kama gaboobaan inay
ku mar-marsiyoodaan wax baa la fasahaadinayaa oo maantadan qolayaha Soomaaliyeed
ee maanka la colaytamay weli waxa ay ku doodayaan in umadda la fasahaadinayo. Dhinacakan
iyo Dunida islaamka, rag badan ayaa naftooda ku waayay dadaalka maan-doonka
halka rag kale halis galeen.
Faylasuufkii muslimka ahaa ee
Ibnu Siinaa ee dhashay qarnigii tobnaad ayaa ka mid ahaa ragga halista la
galiyay iyadoo mar uu saaxiibkiis ku waaniyay inuu waxakan uu ku jiro iskaga
haro, haddii kale naftiisa uu ku waayi karo waxaa laga sheegay Ibnu Siinaa
ilaahay janadiisa ha ugu deeqee in uu yiri: "Nolol gaaban oo guda balaaran
ayaa ka jeclahay nolol dheer oo ciriiri ah" isagoo ula jeeday in uu
doonayo inuu u noolaado siduu rabo (xornimo) haddii la doono haba la dilee
intii uu qaayibi lahaa nolol nabad ah oo dheer balse bilaa xoriyad ah—oo qof
kale damiciis aad ku shaqaynaysid. Dunida wuxuu Ibnu Siinaa kusoo kordhiyay cidna
iskama indha tiri karto oo bari iyo bogoxba waa laga dheregsan yahay, taasna
waxaa u sabab ah isticmaalka maanka.
Waxaa xusid mudan in xiligii
islaamku ugu xooganaa, aqoonta ugu badanna uu soo kordhiyay oo meel kasta looga
iman jiray ay ahayd xiligii maan-doonku guulaystay oo maanka dabarka laga furay,
nasiibxumo rag ayaa maankii dabarka ku xiray waxaana laga qaaday waxa aan
maanta ku jirno. Qarnigii 17aad ayaa reer galbeedka waxaa ku xoogsaday raggii
maan-doonka ahaa waxaana laga adkaatay maan-diidkii dadka ku dul noolaa iyaga
oo hilfaha loo laabay xiligaas ayaa reer galbeedku la wareegeen taladii dunida
dhinac dhaqaale, dhinac ciidan, dhinac siyaasaded iyo dhinac aqooneed. Maanku
waa furaha guusha oo waad u jeedaan Islaamka halkuu gaarsiiyay markii ay ka
tageenna halkuu dhigay, sidaas si lamid ah, ku baraarugii xoraynta maanka waxaa
horumar ka gaaray Galbeedka markii ay heeryadii maandiidka iska tuureen.
GUNAANAD
Ma ahan wax ugub ah in ay
laacdamaan maandiid iyo maandoon, si kastaba ha ahaatee, waxaan oran karaa baraarugga dhalinayarada
Soomaaliyeed waa uu soo daahay oo beri hore in la baraarugo ayay ku fiicnayd
hadase haddii uu yimid waa Gallad Eebbe. Sida sooyaalku inoo sheegayo weligeedba
maan-doonka ayaa libinta haleela halka maandiidku meel mugdi ah haa-haabtaan
marka hawl kama daalooyinoow, hogadii baa lagu jiraa, ee qof kasta maanka iyo
majahaba dabarka haka furo—Soomaaliya anagay noo baahan tahay ee guntiga hala
adkaysto.
Gallad oo dhan Eebbaa leh.
Gallad oo dhan Eebbaa leh.
W/Q: Axmed Nuur Yuusuf Calixaad.
W/T: Abdiaziz Arab
Comments
Post a Comment