BELT AND ROAD CAGTA SAARNAYEE KU CARAABIYAAY

BELT ROAD CAGTA SAARNAYEE KU CARAABIYAAY

Madaxweynaha Shiinaha mudane Xi Jinping ayaa maanta oo jimce ah magaalada Bajiin ee caasimada Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (PRC) kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed—halkaas oo ey labada madaxweyne ku qaateen shir ka hor shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee beri ka furmi doona Bajiin. Madaxweynaha Shiinaha mudane Xi ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo qotodheer kaas oo soo socday qarniyo badan. Madaxweyne Xi ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya tahay waddankii ugu horreeyay oo Bariga Afrika ah oo xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Shiinaha, Afrikana waa waddanka labaad marka laga yimaado Masaaridii hore (Faraacinada). Xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa taariikhyahannnadu ku sheegaan inuu bilaabmay casriyadii dhexe, gaar ahaan xilligii wadadii xariirta (The Silk Road) oo aheyd sun ganacsi oo kasoo bilaabma Shiinaha Soomaaliyana mari jiray. Xilligii boqortooyada Ajuuraan. Sida loo aasaasay iskaashatada Shiinaha iyo Afrika, waxaa markii ugu horreysay Soomaaliya uga qeybgalay AUN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Taariikhyahanka Shiineyska ah ee lagu magacaabo Zheng wuxuu sheegay in diblupaasigii ugu horreeyay oo reer Soomaaliya ah uu ciidda Shiinaha cagaha soo dhigay bilowgii qarnigii 13aad—diblomaasigaas oo la oran jiray Saacid Muqdisho[1]. Dhanka kale, taariikhyahanka reer Ingiriis ee lagu magacaabo Sir Reginald Coupland wuxuu buugiisa ‘East Africa and its Invaders’ ku xusayaa oo ku doodayaa in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka facweyn yahay qarniyadii dhexe[2].

Si kastaba hate, madaxweynaha Shiinaha mudana Xi ayaa intuu kulanka socday u hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ey ka gaadhay; ilaalinta madaxbanaanidooda, nabadgelyada iyo xoojinta qarannimadooda. Sidoo kale, mudane Xi wuxuu ballanqaaday in Shiinuhu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo; dib-udhiska dalka, xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta dawladnimada. Madaxweyne Xi wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay; in labada dhinac ey soo ceshadaan xoojiyaana xiriirkoodii iyo saaxiibtinimadoodii qadiimka aheyd, in la xoojiyo mashruuca Suun & Dhabbo (Belt and Road Initiative), labadana dhinacna iyagoo ka faa’iideysanaya istiraatiijiyadda dhuleed ey dhacaan iney ka faa’iideystaan mashruucaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa madaxweynaha Shiinaha iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay Bajiin isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mahadnaqay dadaalada Shiinaha ey la garab taagan yihiin horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid saaxiibtinimo oo qaddiim ah. madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay iney ku dhaganaato mashruuca Suun & Dhabbo—kana faa’iideysato 100%. Wuxuu kale oo uu madaxweyne Farmaajo sheegay in Soomaaliya doonayso iney ka faa’iideysato khibradda Shiinaha ee ku aaddan horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Ugu danbeyntii labada dal waxay qalinka ku duugeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ey gacanta isqabsadaan si u dhisaan xulufada Shiinaha iyo Afrika. Waxa hadalkaan loo leeyahay waxaa weeye, Shiinuhu wuxuu hayaa farsamadii iyo khibraddii, Afrikana waxay heysaa khayraadkii cayriinka ahaa. Shirka labada madaxweyne markuu dhammaaday, labada madaxweyne waxay marqaati ka noqdeen qalin-duugga heshiiska labada dhinac eek u saleysan mashruuca Suun & Dhabbo iyo heshiisyo kale oo badan. Belt and Road cagta saarnayee ku caraabiyaay.






___________________________
[1] Zheng He's voyages down the western seas - bogga 42, 福建省新闻办公室
[2] East Africa and its Invaders bogga.37




Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?