BILOWGA DHAMMAADKA: TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN!
BILOWGA DHAMMAADKA
TRUMP OO GODKIISA BIYO UGU GALEEN!
Madaxweynaha dalka Mareykanka mudane Donald J
Trump ayaa waxaa kusoo furmay mowjado xil-ka-qaadis (impeachment) kadib markii
dhowaan ey maxkamad ku taal dalka Mareykanka ku heshay denbiyo laba mas’uul oo
kamid ah dadka ugu dhow dhow madaxweyne Trump. Garyaqaan Michael Cohen oo ahaa
garyaqaan u gaar ah madaxweyne Trump—muddo dheerna la shaqeynayay ayaa
maxkamadda horteeda ka qirtay in xilligii doorashada madaxweynaha Mareykanka uu
lacago musuqmaasuq ah siiyay laba haween ah oo ku caan baxay sameynta filimada
anshax-xumada lana kala yiraahdo Karen McDougal iyo Stormy Daniels. Garyaqaan
Cohen ayaa qirtay inuu dumarkaan siiyay lacago laaluush ah si uu u aamusiyo,
lacagahaas oo uu amray madaxweyne Trump. Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib
markii labadan haween ey ku handadeen iney warbaahinta u sheegayaan in
madaxweyne Trump la sameeyay gogoldhaaf.
Garyaqaanka ayaa arrimahaan daboolka ka qaaday
kadib markii loo sheegay inuu kala doorto xabsi inta noloshiisa ka dhiman ama inuu
ku marqaati furo madaxweynaha, wuxuuna doorbiday inuu ku marqaati furo
madaxweynaha. Sidoo kale, isla maalinnimadii Talaadada ayaa xoghayihii ololaha
doorashada madaxweyne Trump, Paul Manafort, ayaa maxkamad ku taal Gobolka
Virginia waxay ku heshay denbiyada musuqmaasuq doorasho, isaguna wuu qirtay,
wuxuuna doorbiday inuu madaxweynaha ku marqaati furo intuu xabsi daa’in geli
lahaa.
Arrimahaan ayaa waxay yimaadeen kadib baaritaan
uu muddo waday la taliyaha gaarka ah ee FBI mudane Robert Muller. Baaritaankaan
oo ku saabsan in dalka Ruushka ey wax saameyn ah ku yeelatay doorashadii 2016ka
ka dhacday dalka Mareykanka, iyo xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo madxweyne
Trump, iyo in Ruushku madaxweyne Trump gacan ka siiyeen guusha doorashada.
HADDABA, TRUMP SIDEE XIL-KA-QAADIS LOOGU SAMEYN
KARAA?
Dastuurka Mareykanka wuxuu qabaa haddii la helo
cod aqlabiyad ah oo ka yimaada aqalka matalayaasha (House of Representatives) kaas
oo ku aadan xilhaye dawladeed oo lagu eedeeyay denbiyada waa weyn sida;
khiyaano qaran, musuqmaasuq, xatooyo xoolo dadweyne ama laaluush in xilka laga
xuyuubin karo. Haddii aqalka matalayaasha ey cod aqlabiyad ah ku dalbadaan in
madaxweynaha xilka laga qaado, waxaa markaas dib-u-eegis ku sameynaya guddiga
cadaaladda qaranka. Guddiga cadaaladda qaranka haddii ey u arkaan in
xil-ka-qaadistu tahay sharci, waxay u gudbinayaan aqalka congresska, dabadeedna
waxaa la qaadayaa cod bixin loo dhan yahay sida ku xusan dastuurka dalka
Mareykanka. Aqalka congresska ayaa guddi iska dhex dooran—kuwaas oo qaada
maxkamadda madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa la siin fursad uu isku difaaco.
Marka dhegeysiga maxkamadda uu dhamaado, waxaa bilaabmaya cod bixintii ugu
danbeysay oo labada aqal ey ka bixinayaan in madaxweynuhu yahay danbiile ama
inkale. Haddii seddex duleel laba duleel ey u codeeyaan in madaxweynuhu
danbiile yahay, waxaa laga xayuubinayaa xilka, haddii la ganaaxayna waa loo
sheegayaa—xilkana waxaa si kumeel gaar ah usii haynaya madaxweyne kuxigeenka.
SUURTAGAL MA TAHAY IN TRUMP XILKA LAGA
XAYUUBIYO?
Lataliyihii
hore ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Brian Klaas oo khabiir ku ah
siyaasadda Mareykanka ayaa wargeyska The independent u sheegay; “denbi
qirashada garyaqanka Trump iyo hoghayihiisii dhanka ololaha doorashooyinka
waxay madaxweyne Trump u geysatay dhaawac weyn oo ah dhanka sharciga iyo
siyaasadda, eyna adagtahay inuu kasoo kaco”. Mudane Klaas oo hadalkiisa sii
wata wuxuu yiri: “labada nin ee Michael Cohen iyo Paul Manafort, iyagoo
isfuranaya waxay daboolka ka qaadi doonaan siro badan oo aan imminka lasoo
bandhigin, waxayna la shaqeyn doonaan mudane Robert Muller oo baaraya xiriirka
ka dhexeeya madaxweynaha iyo Ruushka. Sidoo kale, Klaas wuxuu yiri: “nasiibka
in Trump xilka laga xayuubiyo ama inuusan dhammeysan mudada u harsan waxay
cirka isku shareertay wixii ka danbeeyay maalintii Talaadada”. Klaas: “dad
badan oo ku jira xayndaabka Trump ayaa maxkamado ku heleyn fal denbiyeedyo,
qaarna weyba qirteen; arrimahaana waxay soo gaabinayaan cimriga xilka Trump”.
Dadka uu
khabiir Klaas sheegayo waxaa kamid ah haweeney madow ah oo la yiraahdo Omarosa
Manigault—oo kamid aheyd shaqaalaha Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka
Mareykanka. Gabadhaan ayaa sheegtay in si sharcidarro ah looga eryay
shaqadeedii, waxayna warbaahinta usoo bandhigtay caddaymo cod sir ah oo ey ka
duubtay agaasimaha guud ee Aqalka Cad isagoo si aan maamuus laheyn ula hadlaya
haweenaydaan. Omarosa Manigault, ayaa warbaahinta u sheegtay iney diyaar u
tahay iney ku marqaati furto madaxweyne Trump gaboodfalada uu ku sameeyay
sharciga iyo dastuurka dalka Mareykanka.
Iskusoo
wada duuboo, taariikhda Mareykanka weli ma dhicin in madaxweyne xilhaya looga
guuleystay xil-ka-qaadis (impeachment) lagu sameenayay. Sanadkii 1868kii ayaa
waxaa madaxweynihii Mareykanka xilligaas Andrew Johnson lagu furay mowjad
xil-ka-qaadis, laakiin gabagabadii denbi waa lagu waayay. Haddii Trump mowjadda
xil-ka-qaadista (impeachment) lagu furo, si guul ahna xukunka looga qaado,
wuxuu noqonayaa madaxweynihii Mareykanka soo maray abid oo xilka laga
xayuubiyo.
Comments
Post a Comment