DAMACA CUSUB EE INGIRIISKA EE KU WAJAHAN AFRIKA [FALANQEYN]
Reysal wasaaraha Ingiriiska marwo Theresa May ayaa shalay bilowday socdaal dheer oo ey ku kala bixineyso wadamada Afrika. Socdaalkaan ayaa lagu macneeyay inuu yahay socdaal kasbasho saaxiibo, is-dhaafsi fursadaha maalgashiga iyo kheyraadka. Ingiriiska ayaa ah waddanka labaad ee ugu maalagshiga badan Afrika marka laga yimaado mareykanka. Sanadkii hore oo kaliya maalgashiga shisheeye (FDI) ee Ingiriisku ee Afrika wuxuu gaarayay adduun dhan £42.7 Bilyan, halka Mareykanku uu ahaa £44.3 Bilyan, waxaa ku soo xiga Faransiiska £38 Bilyan iyo Shiinaha £31 Bilyan. Duqda Theresa May waxay maanta balanqaaday iney Afrika siineyso gargaar lacageed oo gaaraya £4 Bilyan oo ey ugu talogashay in shaqo abuur loogu sameeyo da’ yarta Afrika. Dhigaalkaan waxaan ku eegayaa, maxay tahay laba-kacleynta Ingiriiska ee ku wajahan Afrika? Waxaan marka hore dul istaagi doonaa sooyaalka kala-boobkii hore ee Afrika (Scramble for Africa) ee ey geysteen reer Yurub, iyo raadadkii ey ka tageen. Sidoo kale, waxaa qaadaa dhigi doonaa kala-boobka cusub ee Afrika (The New cramble for Africa) ee ey kala boobayaan quwadaha waa weyn ee dunida.
KALA-BOOBKII AFRIKA [SOOYAAL]
Kala-bookii Afrika, waxaa kaloo loo yaqaan qeybsigii Afrika, waxay aheyd; qabsashadii, kala-qeybsigii iyo gumeysigii Afrika ey sameeyeen wadamada Yurub sanadihii u dhexeeyay 1881ilaa 1914kii. Sanadkii 1870kii, kaliya 10% ayey gacanta ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub ee Afrika u yimid iney boobaan khayraadka hoos ceegaaga qaaradda diihan. Hase ahaatee, wixii loo gaaray sanadkii 1914kii, 90% dhulka Afrika waxaa gumeystay saancaddayaashii reer Yurub, marka laga reebo; Itoobiya, Laybeeriya iyo Darwiish Land oo uu ka talinayay Sayid Maxamed Cabdullahi Xasan [1]. Shirkii Berlin ee sanadkii 1884kii, kaas oo si rasmi ah miiska qadada loogu qeybsaday Afrika ayaa inta badan taariikhyahannadu ula jeedaan kala-boobkii Afrika (Scramble for Africa) ama qeybsigii Afrika (Partition of Africa) amaba qabsashadii Afrika (The Conquest of Africa) [2]. Loolan ka dhexeeyay imbiraadooradaha Yurub kaas oo ku qotomay dhaqaale uruursi iyo muruq tuujis ayey Afrika markii horaba u yimaadeen reer Yurubku. Waxayna Afrika waagaas kusoo galeyn iney u yimaadeen ganacsi iyo wax isweydaarsi, waxayna ku ekaan jireen degmooyinka xeebaha ah. Balse, si tartiib-tartiib ah ayeey ugu soo siqeen gudaha Afrika—iyagoo gebi ahaanba markii danbe la wareegay dad iyo duunyaba—oo bilaabay iney si toos ah u hoos geeyaan xukunkooda [3].
Loolanka ba’an ee ka dhexeeyay Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo wadamada kale ee Yurub ayaa wuxuu ahaa mid xawaare sare ku socda. Qolaba qolada kale waxay ugu faani jirtay dhulka ballaaran ey heysato iyo dadka ey gumeysato, ilaa heer loolanka reer Yurub gaaray iney isugu faanaan hab-dhaqanka xun ee gunnimada ah ee loola dhaqmayo dadka Afrika [4]. Yurubtu Afrika kama bixi laheyn haddaan dhexdooda uusan ka dillaacin dagaalo waa weyn oo lagu hoobtay, sida; dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka. Gaar ahaan dagaalkii 2aad ee adduunka markey reer Yurub isku hoobteen, oo gaareen meelaan laga soo noqon karin, waxay go’aansadeen si ey u kala nabad galaan iney yareeyaan damacooda dibedda, qolo walbaana ku ekaato dhulkooda, waxayna bilaabeen iney wadama ey gumeysan jireen siiyaan xorriyaddooda. Run ahaantii, ma’aheyn xorriyad siin, ee waxay aheyd awooddooda oo wiiqantay, iyo iyagoo ka baqayay dagaalo kale.
DAMACA CUSUB EE INGIRIISKA
Afti laga qaaday dadka Ingiriiska sanadkii 2016ka ayey waxay ku doorteen iney ka baxaan Midowga Yurub, aftidaasna waxaa loo yaqaan ‘BREXIT’ oo laga wado British Exit of Europe – ka bixidda Ingiriiska Yurub. Arrinkaan wuxuu Ingiriiska ka dhigay dhaqaale ahaan mid baylaha taagan. Tan iyo maalintii dadka Ingiriiska ey u codeeyeen iney ka baxaan Yurub, dawladda Ingiriiska waxay ku howlaneyd iney buuxiso booska Yurub banneysay, oo kasbato saaxiibo cusub oo ey dhaqaale ahaan ku tiirsanaan karto. Arrinkaanna waa istiraajiyad Ingiriis oo si cilmiyeysan loo dajiyay. Socdaalka reysal wasaaraha Ingiriiska marwo Theresa May ey ku kala bixineyso waddamo badan oo Afrika ah, wuxuu qeyb ka yahay istiraatiijiyaddaas. Duqda Theresa markey shalay caga-dhigatay dalka Koonfur Afrika ayey ku dhowaaqday iney dooneyso in dalkeedu uu ka hormaro Mareykanka marka loo eego dalalka dhaqaalaha ugu badan ku maalgashada Afrika. Damaca cusub ee Ingiriiska ayaa ah iney helaan wax u beddela suuqa weyn ee Yurub oo ey laba sanadood kahor ka baxeen, Afrikana waa yoolkooda weyn. Sababtoo ah, Afrika waxaa hoos ceegaaga khayraad farabadan oo aan weli laga intifaacsan.
Khuburada siyaasadda caalamiga falanqeeya ayaa damaca cusub ee Ingiriiska ku sheegay mid lala soo daahay, maadaama Shiine iyo midowga Yurub ey marhore heshiisyo ganaci iyo maalgashi la sameysteen badi waddamada Afrika. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka taariikhiga ah ee Ingiriiska uu la leeyahay badi waddamada Afrika, ayaa laga yaabaa iney badbaadiso qorshaha cusub ee maalgashiga Ingiriiska ku aadan Afrika. Sanadkii 2015kii, Midowga Yurub waxay Afrika la sameeyeen ganacsi gaaraya £305 Bilyan, waxaa kusoo xigay Shiinaha oo qarashgareeyay adduun dhan £188 Bilyan, kaalinta seddexaad waxaa galay Mareykanka oo isticmaalay ganacsi £53 Bilyan,waxaa kaalinta afaardna waxaa galay Ingiriiska oo isticmaalay adduun dhan £36 Bilyan. Haddaba, Ingiriiska waxaa hortaal shaqo adag, hadduu rabo inuu jaranjartaas dhalada uga baxo—oo noqdo waddanka 1aad ee ugu maalgashiga iyo ganacsiga badan ee Afrika.
Madaxda Afrika waxaa imminka horyaal fursado qaali ah, sababtoo ah indhaha dunida oo dhan waxay usoo jeedaan Afrika. Madaxda Afrika waxaa laga doonayaa iney muujiyaan xilkasnimo qaataanna go’aamo istiraatijiyadeed oo leh hiraal fog. Waxaa dunidu eegi doontaa sida ey madaxda Afrika ey mudnaanta u kala siiyaan quwadahaan garab-raratada ah ee usoo hayaamay iney wax ka helaan khayraadka hoos ceegaaga Afrika. Afrika waxaa hortaal iney kala doorato ciddey mudnaanta siineyso, ma waxay siineysaa:
1- Saxiibka jajaban ee Shiinaha oo isagu khayraadka ku beddelanaya inuu Afrika u dhiso kaabayaasha dhaqaalaha sida; garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo waddooyinka waa weyn?
2- Mise, Midowga Yurub oo iyagu leh suuqa dhaqaalaha ee ugu weyn dunida?
3- Mise waddanka ugu muruqa weyn dunida xagga dhaqaalaha, waa Mareykanka?
4- Mise, waxay tixgelin doonaan saaxiibka taariikhiga ah ee soo jireenka ah, waa Ingiriiska ee?
Waxaa xusid mudan in socdaalka duqda Theresa May ee Afrika uu yimid usbuuc kahor shirka iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee ka dhacaya magaalada Bajiin ee carriiga Shiinaha. Madaxda Afrika badidood shirkaas ayaa laga casumay, waxaana la filayaa iney dhammaan halkaas tagi doonaan, sababtoo ah waxaa jirta xan ah in Shiinaha ey Afrika usoo bandhigi doonaan heshiisyo cusub oo ku aaddan dhaqaalaha iyo ganacsiga. Dhanka kale, khubarada siyaasadda caalamiga falanqeeya ayaa ku macneeyay socdaalka Theresa May ee Afrika marka loo barbardhigo qorshayaasha Shiinaha inuu noqonayo mid hooseeya.
GUNAANAD
Taariikhyahannadu waxay yiraahdaan, taariikhdu waa giraan wareeganeysa oo maalinba meel joogta, taariikhduna isma soo celiso. Hase ahaatee, ingiriisku wuxuu u muuqdaa mid doonaya inuu ka boodo xeerarka koonka, oo dib u celiyo taariikhda. Balse, iyadoo cadaaladda la eegayo, Ingiriisku haatan ma’aha mid doonaya inuu ku laabto caadadiisii hore oo xirto shaarkiisii gumeysiga, taa beddelkeeda waxa uu doonayaa inuu xoqdo kaarkiisii taariikhda iyo saaxiibtinimada halka dhinac aheyd ee uu lalahaa mudada dheer waddamada Afrika. Run ahaantiina, marka la miisaamayo taariikhda Ingiriiska ee Afrika oo loo barbardhigo taariikhda waddamada kale ee Yurub ku leeyihiin Afrika, Ingiriisku wuxuu u ekaanayaa saaxiib kalgaceyl ku jiro. Haddaba Afrika iyo madaxdeeda maxaa la gudboon? Afrika waa iney fursaddaan dahabiga ah ka faa’iideysataa oo waddamadaan kusoo yaacay u sheegtaa in Afrika dukaankeedu uu ganacsi u furan yahay, lana ganasanayso cid alaale iyo ciddii ey wax ka dheefeyso—oo danteedu ey ku jirto, iyadoo meesha laga saarayo beerlaxowsi iyo caadifad. Shiinuhu wax waa dhisayaan, wax caaqibo leh oo degdeg ahna wey dhisayaan, balse; dhibta lagu qabaa Shiinaha waxay tahay; waxba ma gelinayaan dadka deegaanka, shaqaalihiisa oo dhan oo ey ku jirto habarta shaaha karisa wuxuu ka keenayaa Shiinaha. Si kale haddaan u dhigo Shiinaha lagama qadeeyo. Dhanka kale, reer Galbeedku; waa qarasheenayaa dadka deegaanka, wu shaqaaleysiin, weyna ka faa’iidayaan. Hase ahaatee, wax ma dhisaan, haddey dhisaana waa mashaariic waqti dheer qaadanaya qarash badanna ku baxayaan, eyna suuratagl tahay in la musuqmaasuqo. Kubadda waxay taal garoonka Afrika, duniduna wey sugeysaa dhinacey u laadaan.
____________________________________
1 Jihad in the Arabian Sea 2011, Camille Pecastaing, In the land of the Mad Mullah: Somalia
2 Brantlinger, Patrick (1985). "Victorians and Africans: The Genealogy of the Myth of the Dark Continent". Critical Inquiry. 12 (1): 166–203. doi:10.1086/448326. JSTOR 1343467
3 Kevin Shillington, History of Africa. Revised second edition (New York: Macmillian Publishers Limited, 2005), b: 301.
4 Darwin, John. "Imperialism and the Victorians: The dynamics of territorial expansion." English Historical Review (1997) 112#447 b: 614–642.
Comments
Post a Comment