DAMACA OROMADA IYO DAYACA SOOMAALIDA!
HORDHAC
Afeef: dhigaalkaan difaac uma aha maamulka kaligii taliska ah ee Cabdi
Maxammed iileey ee umadda Soomaali Galbeed mudada dheer soo cadaabayay, ee waa
doc kale ka eegid iyo akhrinta waxa lagu solayo daaha gadaashiisa. Dhigaalkaan
wuxuu ka kooban yahay; dib-eegis taariikh, isbeddelada siyaasadeed ee ka socda
guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan deegaanada Soomaalida Itoobiya. Sidoo
kale, qoraalkaan wuxuu soo jeedinayaa talooyin iyo farriimo ku socda dadka Soomaaliyeed
kuwaas oo ka hadlaya damaca Oromada ee ku wajahan deegaanda Soomalida.
DIB-EEGIS
Oramadu waa qowmiyadda ugu badan ee Itoobiya, waxaa lagu qiyaasaa
tiro ahaan iney ku dhow yihiiin 40 milyan, ama qiyaastii 40% dadka ku nool
Itoobiya. Oramadu badidood waxay heystaan diinta Islaamka, waxayna leeyihiin
taariikh fac weyn. Hase ahaatee waxay ku mabeyn sheegashada dhulka Soomaalida
bad iyo beri, iyagoo had iyo jeer ku wardiya iney dhulka Soomaalida degi
jireen, laakiin xoog looga qabsaday. Sheegashaad badideed waa mid aan laheyn
lugo ey ku istaagto, kaliya waa uun DAMAC OROMEED. Damacaanna wuxuu ku dhashay
iyagoo rumeysan iney yihiin qowmiyadda ugu tirada badan ee ku dhaqan Geeska
Afrika, sidaas la ajligeedna ey lahaan jireen dhulka ugu istiraatiijisan ee
Geeska—waa dhulka Soomaalidu degtee. Gumeystayaashii Soomaaliya soo gumeystay
gaar ahaan Ingiriiska, markii ey ku adkaatay la dagaalanka Soomaalida ayuu
Ingiriisku damcay inuu garab ka helo Oramada si uu Soomaalida ugu jabiyo, taa
beddelkeedana Ingiriisku wuxuu qorsheeyay inuu Oromo ku beero dhulka Soomalida.
Qorshahaas Ingiriiska laftigiisa ayey la xumaatay, oo wuxuu waayay
wax taariikh ah oo kaabineysa sheegashada Oramadu sheegtaan dhulka Soomaalida. Sababtoo
ah erayga ‘OROMO’ laftigiisa waa eray cusub oo markii ugu horeysay lagu dhex
arkay taariikhda buugaata dunida waxay aheyd dhammaadkii qarnigii 19aad. Si
kastaba ha ahaatee, cilmibaarayaal reer Galbeed ah ayaa isku dayay iney gacan-ku-rimis
ah u sameeyaan taariikh Oramada ku aroorineysa xeebaha Soomaalida. Cilmibaarayaasha
la kala yiraahdo; Leon Des Avanchers, P. Paulintschke, Enrico Cerulli, I. M.
Lewis, H. S. Lewis iyo E.R. Turton ayaa waxay soo saareen cilmibaarisyo kala
duwan oo ey ugu meel dayayaan sheegashada Oramada ey sheegato dhulka Soomaalida.
Saynisyahannadaan waxay ku doodeen in Soomaalidu ey asal ahaan yihiin Oromo,
sidaasna Oramadu ku leedahay dhulka Soomaalida, maadaama Soomaalidu ey Oramada
kasoo farcantay. Dooda ey raggaan lasoo shirtageen waxaa kamid ah in magacyada
magaalooyinka Soomaalida ey yihiin magacyo Oromo—taasna ey daliil u tahay in
Soomaalidu kasoo jeedo Oromo, Oramaduna dhulka laheyd. Maadaama ey buugaagta
taariikhda dunida ka waayeen erayga ‘OROMO’ waxay ku doodeen in Oramada waagii
hore loo yiqiin; ‘GAALLA’. Waxayna isku dayeyn iney magaca ‘GAALLA’ iyo erayo
iyo magacyo magaalooyin Soomaaliyeed xiriir u sameeyaan. Magacyadaan waxaa
kamid ah; GAALKACYO, BAARGAAL, GAALA-ERI iyo qaar kale. Professorka
Soomaaliyeed Cabdalla Cumar Mansuur ayaa si cilmiyeysan nimankaan ugu jawaabay
dhowr buug oo uu qoray sida; TAARIIKHDA AFKA IYO BULSHADA SOOMAALIYEED.
Professor Mansuur oo nimankaan u jawaabaya wuxuu yiri; Soomaalidii hore erayga
GAAL waxay u isticmaali jirtay GEELA, waxaana u daliil ah in boqolaal eray oo
erayga GAAL ku lammaanan ilaa imminka bulshada Soomaaliyeed u isticmaasho
GEELA. Tusaale, Gaaljecel qabiil Soomaaliyeed oo ku caan baxay dhaqashada
geela, Haruubgaal waa haruub weyn oo geela lagu liso, Baargaal waa timaha
kuriska geela ka baxa; Dabaggaalle bahal dhirxagatada kamid ah oo leh dabo u eg
tan geela. Sidaas ayeey cilmibaarayaashii reer Galbeedka iyo doodooduba ku
banjartay, mar danbanna hadal lagama maqal.
Si kastaba ha ahaatee, damaca Oromada marnaba ma damin, ee
dhuxushii uunbaa ka dhammaatay. Inkastoon caddeymo biyo-kama-dhibcaan ah loo
heyn, haddana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan fathaadda dadka Oromada
ey kusoo fatahmeen dhulka Soomaalida sanadihii ugu danbeeyay iney tahay qorshe
Oromada ku jira oo ah iney bal isku dayaan iney si nabad ah oo tartiib tartiib
ah dhulka Soomaalida ugu bataan ilaa ey ku miciyeystaan.
Oromada waxaa in muddo ah madaxa kaga taagnaa qowmiyadaha kale ee
Itoobiya sida; qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega oo u xukun adag hoos geliyay
horumarkana ka hor istaagay. Oromaduse waxaas uma muuqan, waxa kaliya ee u
muuqda waa dhulka Soomaalida iyo sidey ku qabsan lahaayeen. Qarnigii 16aad
ayeey isku dayeen iney dhulka Soomaalida ka qabsadaan dhanka Koonfureed, waxaa
duulaankooda gaashaanka u duruuray boqortooyadii Ajuuraan oo xilligaas aheyd
boqortooyada ugu awoodda badan Afrika. Dagaalada Oromada lala galay qarnigii
16aad waxaa la oran jiray dagaaladii Gaala-madow.
Marka taariikhdaas iyo damaca Oromada laga yimaado, dadka
Soomaaliyeed guud ahaan waxaa ka muuqda dayac iyo feejignaan la’aan oo eysan u
feejigneyn taariikhda iyo waxa imminka kusoo foodhaya. Tan iyo xilligii dalka
Itoobiya uu ka dhashay maamul federal ah oo qowmiyad walba ey heshay maamul u
gooni ah, Soomaalidu waxay u kala qeybsaneyd qeyb ku faantay iney Itoobiyaan
yihiin dhalasho ahaan, laakiin Soomaali yihiin isir ahaan. Iyo qeyb ku dooday
waxaan nahay dhalasho iyo isirba Soomaali. Labadaan aragtiyadood waa laba aad u
kala fog—oo iska soo horjeeda, waxayna ugu danbeyntii sababtay isku dhacyo
hubeysan. Cabdi Maxamuud iileey oo hogaaminaya qeybta Itoobiyannimada ku
faanaysa ayaa intuu xukunka heystay dadka ka aragti duwan si arxandarro ah ula
dhaqmay, oo geystay falal ka baxsan banii’aadannimada.
ISBEDDELKA ITOOBIYA: SOOMAALIDA DAN MA UGU JIRTAA?
Xaalku wuxuu sidaas ahaadaba, Itoobiya waxaa ka dhacay isbeddel
weyn, oo waxaa xukunka qabsaday markii ugu horreysay nin kasoo jeeda qowmiyadda
Oromada oo la yiraahdo Caabi Axmed [Abiy Ahmed]. Reysal wasaare Caabi waa nin
xanbaarsan himilooyin badan, lehna hiraal fog. Sida uu dhowr madal oo kala
duwan ka sheegay, Caabi wuxuu doonayaa inuu Itoobiya iyo dhammaan Geeska uu ku
wada noolaado si nabadgelyo ah. Wuxuu heshiis nabadgelyo la saxiixday Eritrea
oo colaad dheer Itoobiya kala dhexeysay, wuxuu sidoo kale heshiisyo horumarineed
iyo mid maalgashi la galay dawladda Soomaaliya. Caabi gacan wuxuu rabaa inuu ku
hirgeliyo afkaartiisa dimuquraadiyeenta mandiqadda, gacanta kalana wuxuu
doonayaa inuu reer tolkii ku caawiyo si ey u xaqiijiyaan riyadooda ah iney mar
uun cagta soo dhigaan dhulka Soomaalida, gaar ahaan xeebaha Soomaalida.
Arrimahaan waxaa caddeyn u ah, tan iyo markii uu xukunka qabsaday mudane Caabi,
reer tolkii waxay weeraro isdaba joog ah kusoo qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ilaa imminkana weeraradaas wey
socdaan; Caabina lagama hayo wax talaabo ah oo uu arrinkaas ka qaaday. Dhanka
kale, madaxweeynaha DDS Cabdi iiley oo dhowaan dhowr jeer lagu mudahaaraday
wuxuu usoo diray guutooyin ciidamo ah oo saakay ku waaberiistay caasimadda DDS
ee Jigjiga. Kudarso, waxaa dhowaan dhulka Soomaalida laga helay shidaal, reysal
wasaare Caabina wuxuu ku dhowaaqay in maamulka Soomaalida ey leeyihiin saami ku
siman 5% oo kaliya. Talaabooyinka Caabi dhowaan si isdaba joog ah u qaaday waxay
xoojinayaan in Caabi uu leeyahay qorshooyin gurracan oo saameyn kara dadka
Soomaaliyeed ee degan Itoobiya.
Dhanka kale, jabhadda waddaniga xorreynta Ogaadeeniya, [Ogaden
National Liberation Front ONLF] waxaa la aasaasay sanadkii 1984kii. Ujeedada
jabhaddu waa madaxbanaanida dhulka Soomaalida iyo gooni isku-taageeda, ee
ma’aha iney Soomaaliyada weyn ku darsamaan sida ku cad shuruucdooda. Dad badan
ayaa si qalad ah u fasira ama iyagoo ku awr-kacsanaya sheega in jabhaddu
doonayso iney Soomaaliya ku darsato. Si kastaba ha ahaatee, in Ogadenia ey
gooni isku taagto iyo inkale waxay u taal dadka deegaanka, laakiin waa muhiim
in dadku ogyihiin xaqiiqada. Jabhadda ONLF waxay ka dhalatay markii Soomaalida
looga adkaaday dagaalkii 1977kii ey Soomaaliya la gashay Itoobiya, oo waagaas
loo yiqiin jabhadda xorreynta Soomaali Galbeed. Dadka dhaliila jabhadda waxay
ku doodaan, in magaca jabhadda ‘OGADEN’ uu ka tarjumayo inaan jabhadda loo
dhammeyn, deegaankana ey degan yihiin dadyow Soomaaliyeed oo aan magacaas
sidan. Yeelkadeed, jabhadda waxay dawladda Itoobiya la gashay dagaalo badan oo
lagu hoobtay oo dad badan oo Soomaali ah lagu xasuuqay, dhowr iyo soddonka sano
ey jirtay jabhaddu wax la taaban karo masoo kordhin, dhul ma xorreyn, nabadna
ma qaadan. Tan iyo dhiibistii sargaal Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ey
dawladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya, ayaa shacbiyadda jabhaddu cirka isku
shareetay. Sidoo kale, waxaa nasiib ahaan caawiyay reysal wasaaraha cusub ee
Itoobiya oo doonaya Isbeddel iyo dimuquraadiyad, isagoo cafis u fidiyay
dhammaan maxaabiista siyaasadda u xiran ee uu kamid ahaa Qalbidhagax. Waxaa
durbadiiba cirka isku shareeray dhaqdhaqaayo isbeddel doon ah oo ka curtay
gudaha deegaanka Soomaalida, kuwaas oo liddi ku ah maamulka madaxweyne Cabdi
iileey. Ugu danbeyntiina waxay kacdoomadaan sababeyn in maanta Jigjiga la isku
hor fadhiyo.
MAXAA LA GUDBOON SOOMAALIDA ITOOBIYA?
Cabdi iileey oo ahaa kaligiitaliye isku dhiibay si dhowna ula
shaqeenayay maamulkii Tigreega, aadna u cadaabi jiray dadka Soomaaliyeed ee ka aragti
duwanaa—ayaa shacbiyadiisa ey hoos u dhacday, dawladda dhexe ee Itoobiya ee
Oromadu horboodeyso iyagoo eeganaya danahooda, kana faa’iideysanaya kacdoonka
shacabka ayey waxay isku dayeysaa iney si xoog ah Cabdi iiley ama Cabd Tigree
xukunka uga qaado, si ey u keenaan Cabdi Oromo. Haddaba dadka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan Itoobiya waxaa marka hore la gudboon iney ilaashadaan dawladdooda,
xifdisadaanna nabaddooda. Cabdi iiley waa shaqsi oo wuu tagayaa goortuu tagaba
amaba wuu dhimanayaa, laakiin waxaa sii jiri doona waa deegaanka. Midda labaad
ee looga baahan yahay dadka deegaanka waxaa weeye iney taariikhda dib u
akhriyaan, oo daraaseeyaan damaca qowmiyadaha la degan ey u qabaan dhulkooda
iyo kan Soomaaliyaba. Haatan kumaba sii jirto, oo dahabkii madoobaa [shidaal]
ayaa dhulka Soomaalida laga helay, waxaana umadda Soomaaliyeed kusoo wajahan
daadad damac dhurwaa ah, oo haddaan laga baaraan-degin suurtagal ey tahay in
badda la isku darro. Tan seddexaad ee aan walaalaheen kula talin lahaa waxaa
weeye, inta eysan tuurin Cabdi iiley ma hayaan qorshihii lagu beddeli lahaa?
Mise Cabdi Oromo bey soo wadaan oo uun magaca kaga geddisan Cabdi Tigree,
lakiin isla howshii uun wadi doona!! 1991kii Soomaalida markii ey tuureen
xukunkii kaligiitaliye Maxamed Siyaad Barre ma diyaarsan wax qorshe ah oo beddela,
kaliya waxay rabeen iney Siyaad Barre tuuraan, natiijadii kacdoonkaas waxay ila
tahay qof walba oo garaad lihi wuu kadheregsan yahay, oo ilaa imminka ku
dhowaad soddon sano kadib xukunkii Siyaad Barre Soomaaliya waa degi la’dahay.
Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan kacdoonka Soomaalida Itoobiya
leeyahay Cabdi Tigree hadduu tago yuusan imaan Cabdi Oromee, Cabdi deegaanka u
turaya, oo waddaniyadi ku jirto—kuna baraarugsan damaca qowmiyadaha kale
doorta. Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ey
tahay in aad loogu fiirsado talaabo walbo oo la aadayo. Sidoo kale, waxaan
walaalaha Soomaaliyeed ee Itoobiya ku baraarujinayaa, iney ku fogaadaan isku
dhacyada gacan ka hadalka ah, wax walbana ku dhammeeyaaan si nabad ah. Oramada
iyo qowmiyadaha kale ee idiin gacan haatinaya ee doonaya inaad Cabdi iileey la
gashaan kacdoon hubeysaan waa qaar doonaya in awooddiina ey wiiqdo si ey
danahooda u fushaan, kheyraadkiinana u daldashaan si xisaab la’aan ah. Cabdi
iiley iyo maamulkiisa waxaan leeyahay, caano daatay dabadood la qabay, ma
Mingiste Xayle Maryam ayaad ka liidataan? Mingiste markuu arkay 1991kii in laga
adkaaday, xukunka wuu wareejiyay dalkana wuu badbaadiyay. Inkastoo Mingste
lahaa taariikh madow, haddana taariikhda waxaa u gashay kaligii taliyihii
xukunka iska wareejiyay markii laga adkaaday.
Comments
Post a Comment