HALGANKII TUKEYAASHA CARABTU SIDEE U JILEEN MADOWGA?' [GORFEYN]
'HALGANKII TUKEYAASHA CARABTU SIDEE U JILEEN MADOWGA?'
[GORFEYN]
[GORFEYN]
Sidaan u balansaneyn waxaan maanta idiin soo gudbinaya nuxurkii
koobaad ee aan kasoo dhirindhiriyay buugga 'HALGANKII RUKEYAASHA CARABTU SIDEE
U JILEEN MADOWGA?' Ee uu qoray qoraaga Soomaaliyeed Cabdisaciid Cabdi
Ismaaciil. Nuxurkaan waxaan ku falanqeynaya waxa tuke loola jeedo, iyo xiriirka
ka dhexeeya tukaha iyo dadka madow, annigoo hubinaya caddeeymaha iyo doodaha uu
buuggu huwan yahay.
Aqoonyahannada ku takhasusay shimbiraha waxay sheegaan in tukuhu
kamid yahay noolaha kuwooda ugu garaadka badan. Sidaad wada ogsoon tihiin,
tukuhu waa shimbir oogadiisu ey madowdahay, wuxuuna quutaa hilibka iyo miraha.
Aqoonyahannadu waxay sheegaan in tukuhu ugu yar yahay inta hilibka cunta, uguna
weyn yahay inta miraha quudata. Waxayna sheegaan in garaadkiisu uu gaarsiiyay
inuu labada caalamba kamid noqdo. Sheeeka xariirada Soomaalida waxaa ku jirta
in hadda ka hor tuke iyo xuunshe la weydiiyay goorta ey wax gartaan oo dareen
uu galo. Xuunshaha ayaa yiri: "Aniga waxaan wax gartaa marka leebka iyo
qaansada la isa-saaro." Tukahiina wuxuu ku jawaabay: "anigu waxaan
wax gartaa goorta laba isdhugato."
Qoraa Cabdisaciid oo noo faahfaahinaya taariikha tukaha wuxuu
yiri; "Tukuhu waa shimbir abaal weyn kuleh aadanaha, waayo wuxuu aadanaha
baray sida maydka loo aaso, arrinkaanina waa arin ey si wadajir ah usoo
warinayaan diimaha samaawiga oo dhan". Waxaa sidoo kale lasoo wariyaa in
Soomaalidii hore ey tukaha u aqoonsadeen Ilaahnimo oo ey caabudi jireen. Erayga
'WAAQ' oo Soomaalidu ilaa haatan uu ula mid yahay Ilaah ama Eebe, waxay
aqoonyahanadaas ku doodaan in laga soo dhirindhiriyay dhowaaqa tukaha ee u eg
"WAAQ WAAQ". Sidoo kale, Soomaalida salaadda waxay u isticmaalaan
erayga 'tukashada' oo isaguna ku biyo-shubta magaca tukaha ee 'TUKE' TUKADE.
Waxayna ku doodaan in marka tukuhu uu ku dhowaaqayo "WAAQ WAAQ" uu
madaxa hoos u laalaadiyo isagoo u muuqda inuu sujuudayo ama rukuucayo.
Dhanka kale, qoraaga buugga 'HALGANKII RUKEYAASHA CARABTU SIDEE
U JILEEN MADOWGA?' Cabdisaciid wuxuu ku dooday in Carabtu ey shareystaan eyna
neceb yihiin tukaha maadaama uu madow yahay. Cabdisaciid oo hadalkiisa sii wata
wuxuu yiri;Carabtu waxay rumeysan yihiin waxa xun oo dhami iney madow yihiin
(all evil are black) Eebana uusan uumin walax wanaagsan oo madow. Shey kasta,
dad, duunyo, dhir dhagxaan oo madow dheehaana uu foolxumaado, madow iyo qurux
kala daa. Waxaa Cabdisaciid doodaan ku waafaqsan Aqoonyahanka reer Ciraaq ee
lagu magacaabo Jaaxid. Jaaxid wuxuu buugiisa Alxayawaan qeybta 2aad bogga 314
ku yiri: "Tukuhu waa madow qundi ah oo aad u gubtay, dadkana waxaa la mid
noqonaya Sanjiga (madowga), waana kuwa dadka ugu shar badan uunkana ugu abuur
iyo akhlaaq xun".
Jaaxid oo dooddiisa qalinka ku adkeynaya wuxuu yiri:
"Xayawaan walba haddii dhogortiisa, haragiisa ama suufkiisa ey madoobaan
waxaa kordha xooggiisa, laakiin lama mahadiyo garaadkiisa, haddii madowgiisu
gubnood gaarana wuxuu sida Sanjiga noqdaa mid dhib badan oo aqoon yar."
Taa beddelkeeda, Carabta waxay midabka cad u aqoonsan yihiin qurux iyo kheyr.
Qoraa Maxammed Al-Tiijaani wuxuu buugiisa 'tuxfatul caruus' kusoo guurinayaa
hadal loo tiiriyo iney Caa'isha (RC) tiri, kaas oo ah; "Caddaantu waa
quruxda barkeed".
Sidaas aawadeed, qoraa Cabdisaciid oo isku xiraya neceybka Carabtu
u qaaday tukaha iyo Sanjiga (dadka madow) wuxuu yiri: "Carabta waxay dadka
madow ugu yeeraan tuke, arrinkaani wuxuu muujinayaa yasid, waayo tukuhu Carabta
dhexdeeda wuxuu astaan u ahaa faal xun oo ah geeri iyo kala taga kuwa is-jecel.
Sidaasna waxaa Cabdisaciid la qaba qoraaga la yiraahdo Cabdoh Badawi buuggiisa
'Al-suud wa alxadaara al Carabiyah bogga 6aad. Qoraa Cabdoh wuxuu yiri; Carabta
waxay dhibsan jireen tukaha aragiisa iyo maqalka codkiisa oo waxay oran jireen
waaq lagaa sii.
Intaas kuma ekaanee, Carabta waxay aqoonyahannada iyo abwaanada
madow ugu yeeri jireen ilaa imminkana ugu yeeraan: "Tukeyaasha gabya"
ama "Tukeyaasha Carbeed". Ragga magacaas lagu bahdilayo waxaa kamid
ah: "Cantar bin Shaddaad, Nuseyb bin Rabaax, Khufaaf bin Nudbah, Suleyk bin
Sulaka, Suxeyn Cabdi bin Xasxaas, Al-Xeyquutaan, Suneex bin Rabaax, Cukeym
Al-Xabashi, Abuu Dulaama iyo aqoonyahanno madow oo badan. Raggaani waxay
noolaayeen xilliyo kala duwan, waxaase dhammaantood Carabta ugu yeeraan
tukeyaasha gabya maadaama uu diirkoodu madoobaa.
Inkastoo raggaani aad loo dulmiyay, haddana waxay ahaayeen
afmaalo isla weyn oo aan quursi qaadan, waxayna u halgameyn iney madowga ka
bixiyaaan sawir ka duwan kan Carabta ka bixisay, waa sida uu ku dooday qoraa
Cabdisaciid ee. Taariikhyahannadu waxay sheegaan in taariikhda nimankaan laga
qaadan karo in madowgu ahaayeen umadaha Islaanka kuwoodii ugu horreeyay ee
Carabta la gala colaad iyo halgan toos ah. Sida uu Cabdisaciid ku xusay
buugiisa nimankaan waxay horseed ka ahaayeen dhaqdhaqaaqii Carab-diidka ee ku
caan baxay 'dhaqdhaqaaqii shucuubiyadda'. Doodda Cabdisaciid waxaa adkeenaya
qoraaga lagu magacaab Cabdoh Badawi biigiisa Al-suud wa al xadaarah Al Carabiya
bogga 6aad iyo meelo kale.
Qoraa Cabdisaciid oo sharaxaya si cilmi ah waxa Carabta iyo
dadyowga Bariga Dhexe madowga ka aaminsan yihiin wuxuu yiri: “Carab iyo guud
ahaan dadyowga Bariga Dhexe madowga waxay ku sheegaan; foolxumo, sirgaxnaan,
garaad yari, ilbaxnimo la’aan, dhaanto iyo dheel badan…iwm buugga
Halganki..bogga xiv”. Qoraagu rumeytaan wuxuu u sababbeynaa in muddo dheer lagu
celceliyay deedna ey shucuubta Carabta iyo kuwa Bariga Dhexe qabatimeyn. Waa
halka faylasuufyada Soomaalidu ka oran jireen; been in badan lagu celceliyay
run bey u ekaataa. Haddaba si fikraddaas ey ugu duxdo maanka bulshooyinka
Carabtu wey jileyn si ey uga iibiyaan shucuubta Carabta iyo kuwa Bariga Dhexe.
Qoraaga oo noo sharaxaya marxaladaha howsha jilidda wuxuu yiri: jiliddu waxay
martaa seddex marxaladood oo kala ah: marxaladda 1aad oo ah marxaladda u
kuurgelidda iyo xog uruurinta, taas oo si qumman loogu fiirsanayo looguna
kuurgalayo dhaqamada dadka la jilayo. Marxaladda 2aad oo ah marxaladda
sheegidda ama wax ka dhihidda, xogta la sheegayaana waxaa laga dhigayaa sidii
iney khuburo cilmibaaris ku xaqiijiyeen—oo eytahay in sideeda loo dhaqangeliyo.
Marxaladda 3aad waa marxaladda fulinta taas oo ah faafinta iyo baahinta sawirka
weyn ee lagu dhex abuuray maanka bulshada.
Buugga Halgankii Tukeyaasha..ee u qoray qoraa Cabdisaciid wuxuu ka
kooban yahay laba cutub oo waa weyn. Cutubka 1aad wuxuu si faahfaahsan oo
qalin-deeqsi ah—oo cilmi ku dhisan qoraagu ugu kala dhigdhigayaa sawirka
fooshaxun oo gardarrada, cunsurinimada iyo cadaawaddu ku dheehan tahay ey
Carabta ka bixiyeen dadka madow. Cutubka 2aad wuxuu qoraagu ku bidhaaminayaa
falcelintii madowgu kala horyimaadeen sawirka Carabtu ku seetaysay madowga.
Qoraa Cabdisaciid wuxuu sheegay in falcelinta madowgu ey isugu jitay af iyo
addin. Af ahaan waxay madowgu tirin jireyn suugaan badan oo ey sharafkooda
aadaninimo ku difaacanayaan, dhanka addinkana wuxuu qoraagu cuskaday Kacdoonkii
Sanjiga ee dagaalada hubeysan la galay Carabta.
Qoraagu markuu qeexay erayada muhiimka ah ee uu ka kooban yahay
cinwaanka buuggan, wuxuu isweydiiyay su’aasha ey akhristayaashu isweydiinayaan
ee ah; maxay tahay xikmadda ku jirta in laga hadlo dhacdooyinkaas waqtiga dheer
kasoo wareegatay, oo khaddii taariikhdaas lagu qoray ey boqolaal sano ka hor
engageen?
Qoraaga oo sababeynaya cilad-bixinayana waxa ku kalifay inuu qoro
buuggaan wuxuu yiri: “waxaan akhriyay labo maqaal oo uu qoray qoraa Sacuudi ah
oo asal ahaan kasoo jeeda Afrikada madow, magaciisana la yiraahdo Maxamuud
Taraawi. Taraawi wuxuu ku dooday in dadka madow ilaa hadda la cunsuriyeeyo
gudaha dalka Sacuudiga xataa haddii ey boqolaal sanadood ku noolaayeen. Taraawi
wuxuu tusaale usoo qaatay in Sacuudidu yasid iyo quursi halkey ka gaareen ey
dadka aan Carabta aheyn kula hadlaan af-Carabi jajaban xataa hadduu qofkaasi
yahay mid ka-ab ka-ab af-Carabi ku hadlayay. Sababtana waa in qofka lala
hadlayo la tusiyo si walba uu wax u bartay inuu yahay jaahil maan gaab ah—oo
aanan gaareyn dadka dhaladka Carabta ah. Quursigaan xagga luuqadda ah waa mid
ey ku caanbaxeyn gumeystayaashii reer Yurub ee Afrika gumeysan jiray. Madaxweynihii
hore ee Saambiya Dr. Kenneth Kaunda ayaa waxaa laga soo wariyaa inuu hadda ka
hor xilligii gumeystaha galay xafiiska ninkii xukamayay Saambiya—oo uuna ku
yiri; good morning! Subax wanaagsan. Ninkii gumeystaha ahaa ayaa carrooday oo
wuxuu xoghayntiisa ku yiri; ninkaan waxaad u sheegtaa inuu subax wanaagsan
afkiisa Bembaha igu yiraahdo. Madaxweyne Kaunda wuxuu yiri mudadii aan la
joogay oo dhan waxaaan kula hadlayay af Ingiriis isaguna iima jawaabin, isagoo
ka xun in nin madoobi uu afkiisa ku hadlayo. Wuxuuna isku dayayay inuu tacab
khasaaray ka dhigo sanooyinkii badna ee aan ku lumiyay barashada afka iyo
suugaanta Ingiriiska.
Midda kale, waxaa laga yaabaa inuu isweydiiyo mid isweydiinaya,
maxaa Carabta ku gaar ah? Sowtan gumeytihii reer Yurubba ey gumesteen dadka
madow?! Jawaabta oo fudud, qoraa Cabdisaciid wuxuu ku dooday in addoonsigii iyo
gumeysigii reer Yurub wax badan laga qoray, welina laga qoro—taas oo ey dheer
tahay in lagu cadaadiyo iney raaligelin iyo magdhaw bixiyaan. Dhanka kale,
addoonsigii Carabta ey u geysteen dadka madow wax aad u yar ayaa laga qoray,
iskaba daa cudurdaar ama magdhaw warkeedee. Midda kale, Carabtu
todobaatameeyadii xilligii boqor Faysal ayey addoonsiga sharcidarro ka dhigeyn,
halka reer Galbeedka ey addoonsiga sharcidarro ka dhigeen 1861kii xilligii
madaxweyne Abraham Lincoln.
Comments
Post a Comment