ISBAARADA MASKAXDA
ISBAARADA MASKAXDA
Isbaarrada maskaxda waa usluub caalami ah oo gaalo iyo Muslinba
adeegsadaan si ey u hogaanka ugu qabtaan bulshada iyagoo aan si toos ah usoo
weerarin. Haddaan si kale u dhigo waa xeelad dad tiro yari ahi ey u maamulaan
dad farabadani. Tusaale, dunidaan aan ku noolnahay waxaa hoggaanka u haya dad
tiro ahaan aan ka badneyn 1% tirada dadka ku nool dunida. Dadkaan waxay u badan
yihiin maalqabeeno, si ey usii badbaadaan waxay dajistaan qorshe ey dadka
dunida isbaaro maskaxeed u dhigtaan. Dhigaalkaan waxaan ku eegi doonaa, seddex
qolo oo isbaaro maskaxeed u dhigtay shacabka Soomaaliyeed boqolkiii sano ee u
danbeysay.
Gumeystihii reer Galbeedka markii laga adkaaday bartamihii qarnigii
20aad, oo badi laga xorreeyay qaaradda diihoon ee Afrika, wuxuu gumeysigiisa u
bedelay duulaan maskaxeed, ama aan iraahdo isbaaro maskaxeed. Wuxuu gumeystuhu
suxul duub u galay siduu usoo saari lahaa kawaadir leh muuqaalka dadka Afrika,
laakiin lagu soo rakibay maskaxdii iyo afkaartii gumeystaha, marwalbana u
heelanaa dardargelinta danaha gumeystaha. Sidaasna waxaa gumeystaha ugu
suuragashay isagoo dalkiisa jooga inuu helo adeegayaal u cabbirisan fulinta
ujeedooyinkiisa gurracan. Kalkii hore wuxuu gumeystuhu uu huri jiray naf iyo
maal si uu danihiisa u gaaro, laakiin isbaarada maskaxda waxay u fududeysay
inuu isagoo aqlkiisa jooga uu dalalka Afrika ka hago sida qof isticmaalaya
hagaha muuqbaahiyaha (TV remote control) oo hadba doc u gedinaya. Xaalkuna
imminka waa sidaas badi waddamada Afrika.
Sidoo kale, waxaa fikirkaan ka shidaal qaatay qabqablayaashii kala
hogaaminayay jabhadihii sababka u ahaa burburka kayaanka dawlad iyo umadnimo ee
Soomaaliya. Qabqablayaashu, waxay kala qobqobeen umadda Soomaaliyeed oo ku kala
xareysteen xero-qabiilo—iyagoo ka dhaadhiciyay in qabiilka kasoo horjeedaa uu
neceb yahay, duulaanna ku yahay jiritaankooda. Isbaarada Maskaxda waxay
shacabka Soomaaliyeed ku qasabtay in qabiil walba u hogaansammo awaamiirta
qabqablayaasha. Shacabku marnaba iskuma dayin iney iska hubiyaan
hagardaamooyinka qabqablayaasha—ee si dhammeystiran ayey isugu dhiibeen.
Arinkaana wuxuu horseeday colaado lagu hoobtay oo sababay dhimasho, dhaawac,
burbur dhaqaale iyo barakac baaxad weyn. Waxaa soo ifbaxday in taboneeyo kun oo
caruur ah ey agoomoobaan, tiro aan ka yareyn oo dumar ahna ey armaloobaan,
xisaab maleh tirada dadka kale eek u dhimatay dagaaladaas amam burburka hanti
iyo daaro.
Waxaas oo dhib ahi waxay ku yimaadeen isbaarada maskaxda ee loo
dhigtay shacabka oo ey qabqablayaal kursi doon ah oo doonayay iney meydadka shacabka
ka dhigtaan jaranjaro ey ku gaaraan xil. Si kastaba ha ahaatee, shacabku wuxuu
ku fashilmay inuu seetada iyo dabinka loo dhigay iska furo oo isweydiiyo, ma
runbaa reer hebel wey na neceb yihiin ama waxay nagu yihiin duulaan? Xaalku
imminka waa dhaamaa sidii hore, oo waxaa jira xayn dhalinyaro ah oo fahmay
hagardaamooyinka, laakiin waxaa la dhihi karaa shacabka badidii weli qoolkii
lagu hogaaminayay iskama goyn.
Dul-jileeca iyo maskax-qufulnaanta shacabka waxaa iyana ka
faa’iideystay wadaado xil iyo maal doon ah oo ugu soo gabbaday diin. Shacabka
Soomaaliyeed waa shacab Muslin ah oo jecel diintiisa, aadna ey ugu adag tahay
inuu ka shakiyo in wadaad uu dhagrayo ama hagardaamo la damacsan yahay.
Yeelkadeed, waxaa dhacday oo soo daahirtay hagardaamada iyo dhagarta urur
diimeedyada siyaasadeed. Urur diimeedyada siyaasadeed oo isticmaalaya
saableydii xisaabeed ey isticmaaleen dhagar qabayaashii ka horeeyay sida gumeystihii
iyo qabqablayaashii waa isbaarada maskaxdee; waxay shacabka u diideen iney
innaba hadal ka keenaan waxa wadaadadu usoo jeediyaan.
Sanadkii 1991kii, markii dawladda dhexe ee Soomaaliya ey burburtay,
urur diimeedyada qaarkood sida Itiaax Al-Islaami waxay qaateen hubka iyagoo
qabsaday magaalooyin dhowr ah, sida gobolada Puntland, Gedo iyo Marka. Waxay
durbadiiba bilaabeen iney tacadiyo u geystaan dadkii halkaas ku noolaa, oo ugu
danbeyntii qori caaraddii isaga saaray. Arinkaana wuxuu urur diimeedka Itixaad
ku qasbay iney shacab noqdaan oo hubka iska dhigaan. Si kastaba ha ahaatee,
marnaba ma bedelin fikirkoodii ahaa iney dalka xukumaan, laakiin waxay
quwaddooda isugu geeyeen iney dhigtaan isbaarada maskaxda iyo isbaarada
dhaqaalaha. Imminka Soomaaliya gees-ka-gees waxaa dhaqaalaha iyo ganacsiga gacanta
ku hayo koox kooban—kuwaas oo u nasab sheegta urur diimeedyada. Run ahaantiina,
nimankaan, sida muuqata diin dan kama leh; ee wadaadada ayey ku
awr-kacsadaan—si ey u gaaraan danahooda ganacsi-siyaasadeed.
Raggaan wadaado-ganacsatada ah sidii rijiimyadii ka horreeyay waxay
isbaaro maskaxeed u dhigteen shacabka. Shacabka Soomaaliyeed ee daacadda ah
imminka badidiis wuxuu u seeteysan yahay raggaan. Nimankaan si yoolkooda
hanti-xukun doonka ah uu u hirgalo waxay huwadeen shaar diini ah—waxay soo
waarideen afkaar xagjir ah oo la diimeeyay, oo aan sal iyo baar toonna ku
laheyn diinteena Islaamka ee naxriista badan. Waxay kusoo fataheen afkaarta
Carabta, sidii kuwii ka horreeyay ey ugu soo fataheen afkaarta reer Galbeedka—waxayna
dadka Soomaaliyeed ey cadaadis ku saareen sidii ey si indho la’aan ah u daba
geli lahaayeen fikirkaas—iyagoo u diimeeyay.
Judhii horaba waxay weerar ku qaadeen oo la dagaalameen culumadii
soojireenka ahaa ee Soomaaliyeed, iyagoo magacyo iyo eedeymo usoo jeediyay.
Waxay culumadii soojireenka ahaa ugu yeereen waa qubuuriyiin qubuuraha caabuda
iyo burcad duulaan ku ah hantida dadka shacabka. Taa beddelkeeda waxay shacabka
oodda uga qaadeen afkaarta culumada jasiiradda Carabta ee xagjirka ah sida
Shiikh Maxammed Cabdulwahaab iyo qaarkaloo badan. Taasinna waxay dhashay inaan
imminka muddo ka badan 10 sanadood ah la dagaalameyno Alshabaab oo ah dhasha
ama mirihii afkaarta laga soo waariday jasiiradda Carabta. Sidoo kale, si ey u
tirtiraan aqoonsiga Soomaaliga (Somali identity) waxay soo saareen arday kasoo
qalinjabisay dugsiyadooda oo xifdisan jasiiradda Carabta taariikhdeeda,
cimiladeeda iyo juquraafigeeda—oo aanan waxba ka aqoon taariikhda, cimilada ama
juquraafiga dalka ey ku noolyihiin oo ey u dhasheyn. Oo haddaad imminka mid
kamid ah ardaydaas weydiisid magaca buurta ugu dheer Soomaaliya, ama weydiisid Soomaaliya
webiyo ma leedahay aanan garaneyn.
Waxay gebi ahaanba la dagaalameen in qofka Soomaaliga ahi uu
fikiro, oo caqligiisa wax ku misaamo, waxaa shacabka lagu wacdiyay jawaabta
nolosha annagaa kuu hayna ee qaado waxaan kuu yeerinno. Dabcan sidaas sahlan
kuma dhicin, ee qorshe iyo olole dheer baa loo soo galay. Dadka fikirkaan usoo
dhiibay waxaa ugu horeeya boqortooyada Sacuudiga o iyagu qirtay iney qarash iyo
dadaal badan ku bixiyeen iney fikirka wahaabiga ku faafiyeen caalamka Islaamka.
Tusaale, waxyaabaha taakuleynta ey kusoo sheegaan ee Sacuudigu uu dalkeena ka
fuliyay intii dalkeenu burbursanaa waxaa kamid ah; dhisidda madaaris iyo
masaajid. Ma xuma labaduba, laakiin markaad aragtid tuulo dhowr masjid leh, oo
midkiiba aan dadku safka hore buuxin karin, haddana tuulada ey dadku ugu
dhimannaayaan adeeg caafimaad la’aan, biyo la’aan waxaa caqligu noo sheegayaa
in ceel iyo rug caafimaad ka mudan yihiin masaajido cusub oo qarash lagu
bixiyo. Masaajid farabadan oo la dhisaa maxay soo kordhinayaan haddii dadkii ku
cibaadeysan lahaa ey caafimaad xumo iyo biyo xumo u dhimanayaan? Mudnaanta
koowaad ee diinta siisay waa in nafta la badbaadiyo marka hore.
Halkaas waxaad ka garaneysaa in Sacuudiga iyo xulufadiisu
ujeedadiisu eysan aheyn caawiya Soomaaliya ee, ey tahay afkaartiina ku faafiya,
si ey u helaan qaar ey sidii hagaha muuqbaahiyaha (TV remote control) uga
hagaan Riyaad, sidii qaarkii ka horreeyay. Yeelkadeed, nasiibdarrada ugu weyn
waa raggaan mashaariicda loo soo dhiibay oo aan innaba u tureyn shacabka—ee ku
mashquulsan iney yoolkooda gaaraan—kaas oo ah dhigashada isbaaro maskaxeed.
Ugu danbeyntii, waxaa mid isweydiinaya isweydiinayaa; toloow
shacabku ma baraarugi doonaan? Toloow ma kala garan doonaan waxa diin ah iyo
waxa ah afkaar siyaasadeed? Toloow seetada iyo dabarka loo xiray ma iska furi
doonaan? Toloow ma garan doonaan in isbaaro maskaxeed loo dhigtay? Toloow
caqliga maka shaqeysiin doonaan? Toloow heeryada ma iska tuuri doonaan sidey
isaga tureen kuwii ka horreeyay?
Comments
Post a Comment