Vince Focarelli (Cabdisalaan)
Wuxuu ka badbaaday 6 shirqool oo la doonayay in lagu khaarajiyo,
waxaa la dhaawacay dhowr jeer, waxaa jirkiisa laga soo bixiyay xabado dhowr ah.
Waxaa la dilay wiilkiisa curadka ah. Weligii hal habeen hal meel ma seexan,
weligii hurdo ma ladin oo dhowr saac oo isku xigta ma hurdin. Waxaa isku si u
ugaarsanayay Policeka iyo kooxo mooryaan ah oo ey is hayeen. Waxaa xabsiga la
dhigay dhowr jeer. Wuxuu ahaa hogaamiyaha koox mooryaan ah oo daroogada iibisa,
kooxdiisa waxay ahaan jireen kooxda loogu cabsi badan yahay dunida. Waxaa
bishii soo geli jirtay boqolaal milyan oo doolarka Mareykanka ah. Waxaa u
shaqeeyn jiray boqolaal mooryaan ah oo aad u hubeysan. Shaqaalihiisa waxaa
kamid ahaa; rag darajo sare ka gaaray Policeka, gar-yaqaanno, policeka
dabagalka ku takhasusay, xubno ku jira golaha shacabka iyo qaarkaloo badan.
Wuxuu ku dhashay dalka Talyaaniga, waxay waalidkii usoo hijroodeen
dalka Austraalia halkaas oo uu ku barbaaray. Wuxuu ka dhashay qoys dan yar ah,
labadiisa waalid waxay kala shaqeyn jireen labada gelin saacado dhaadheer
waqtina umaba hayn inankooda yar. Wuxuu tagi jiray uskuul, laakiin maalmo wuu
goyn jiray si uu shaaricyada ugula ciyaaro ciyaal sidiisoo kale ahaa. Maadaama
labadiisa waalid ey ku mashquuleen shaqo –waxaa wehel u ahaa ciyaalka daroogada
iibiya. Maalin maalmaha kamid aha ayaa waxaa arkay nin ahaa hogaamiyaha koox
mooryaan ah oo doroogada iibisa, wuxuu la yaabay geesinimada iyo dhiiranaanta
inankaan yar iyo sida ciyaalka da’diisa ahi ey uga baqayaan. Deedna wuu u
yeeray wuxuuna ku yiri; ma doonaysaa inaad kamid noqoto kooxdayda oo aad lacag
sameyso? Wuxuu inankii yaraa ku jawaabay haa. Sidii ayuu uga mid noqday kooxdii
daroogada iibin jirtay.
Waalidkii ayaa durbadiiba dareemay in wax kusoo kordheen inankooda
–kadib markeey ku arkeen isagoo dhar iyo waxyaabo cusub xidhan, waxay kaloo ku
arkeen xirmooyin lacago ah. Waalidkii wey canaanteen, inankii yaraa canaantii
ayuu qaadan waayay wuxuuna go’aansaday inuu u sheego hogaamiyihii kooxdan
mooryaanta ah, hogaamiyihii ayaa ku yiri dhib malaha oo hoo furahaan oo qolkaas
iyo waxa ku jiraa adigaa iska leh, laakiin shaqada haka seexan waa inaad si
wacan u shaqaysaa. Sidaas ayuuna labadiisa waalid uga soo tagay.
Yeelkadeedee, waxay giraantu sidaa u wareegto, oo uu inankii yaraa
ugu jiro daroogo la iibinayo iyo la dagaalanka kooxaha kale ee daroogada, iyo
waliba ka badbaadida ugaarsiga ciidamada Policeka –wuxuu noqday gacanta midig
ee hogaamiyaha kooxdiisa. Waxay indhihiisa haleeleen indhaha inanta kaliya uu
dhalay hogaamiyaha kooxda. Wuxuu la haasaaweeyo oo hadba ubax iyo hadiyo qaali
ah uu siduu roobkii ugu rusheeyo inanta –wuxuu hantiyay qalbiga qalanjadii uu
dhalay hogaamiyaha kooxda. Hogaamiyaha kooxda wuxuu awlaad ka lahaa inantaas oo
qudha, wuxuu ogaa inuusan muddo dheer sii noolaaneyn, sababtoo ah; cadowgiisa
oo badan oo afarta beenaj habeen iyo maalin ey kasoo weerarayaan iyo isaga oo
qabay cudurka kansarka. Wuxuu aad ugu farxay in inankii yaraa uu shaarica kasoo
qaatay oo isagu in badan uusoo koriyay inuu inantiisa uu saaxiib la yahay,
wuxuuna go’aansaday inuu u dhigo aroos aan Australia mid lamid ah aan weligeed
lagu dhigin.
Hogaamiyaha wuxuu aad ugu farxay inuu inantiisa u helay wehel uu
aad u yaqaan oo uu ku kalsoon yahay, maadaama uu hantidiisa oo dhan uu uga tagi
doono inantiisa. Aroos ey malaayiin doolar ku baxday ayaa loo dhigay labadii
is-calmatay, hogaamiyihiina markaan aad ayuu u faraxsan yahay.
Waxa ey maalmaha iyo habeenadu isweydaarsadaanba, inantii uur ayeey
qaaday, muddo yar kadibna waxay dhashay wiil. Hogaamiyihii kooxda ayaa aad ugu
farxay in ilmo uu awoowe u yahay dunida kusoo biiraan. Maalin maalmaha kamid ah
ayuu hogaamiyaha kooxda uu si darran u xanuunsaday, deedna isbitaalka ayaa la
dhigay, intuu isbitaalka ku jiray ayuu hantidiisa oo dhan ku wareejiyay inantiisa,
shaqadiisiina wuxuu u magacaabay inanka uu soddoga u yahay – wuxuuna sidaas u
sheegay dhamaan xubnaha kooxda. Waxyar kadib hogaamiyihii wuu geeriyooday – shaqadiina
waxaa si rasmi ah ula wareegay inankuu soddogga u ahaa.
Xaaal wuxuu sidaas ahaadaba, hogaamiyihii cusbaa wuxuu galay
dagaalo badan oo is daba joog ah iyo isa rasaaseyn joogto ah. Cadowgiisa ayaa
batay, oo qaar kooxda ka tirsanaa ayaa iminka nacab u qaaday, maadaama uu isku
dhexlay inantii hogaamiyaha iyo hantidiisiiba. Inankiisii ayaa weynaaday oo
noqday mid garab istaagi kara aabihii. Maalin maalmaha kamid ah ayaa koox
mooryaan ihi ey fooda is dareen, judhiiba waxay rasaas wadnaha kala heleen
inankii hogaamiyaha oo aan meeshaba laga soo rogin, hogaamiyihiinna waa
dhaawaceen. Markuu tacsidii inankiisa uu kasoo faaruqay isaganna uu ka
biskooday dhaawicii soo gaaray, ayuu dardar geliyay inuu ugaarsado raggii
inankiisa dilay. Iska horimaadyo badan oo uu ku dhaawacmay dhowr jeer, ayaa
maalin maalmaha kamid ah waxaa si kadis ah gacanta ku dhigay ciidamada
Policeka, maxkamadeyn kadibna waxaa la dhigay jeelka.
Yeelkadeedee, xabsiga ayuu ku helay waqti uu hurdo ku lado oo
kaligii khalaaweeyo –maadaama qol kaligii lagu xiray. Wuxuu ka fikiray nolosha
dheereenaysa uu saaran yahay, iyo waxa ka qaldan. Miiska qadada ee maxaabiista
ey isugu yimaadaan ayeey isku barteen dhalinyaro Muslimiin ah, wuxuu arkay
dhalintaannu iney ka duwan yihiin maxaabiista kale. Wuxuu bilaabay inuu
dhalinyaradaas dabagalo oo ogaado waxay sameeyaan iyo waxay yihiin. Markuu dhowr
cisho si dhow ula socday xaalka dhalintaan ayuu wuxuu arkay, in dhalintaannu
yihiin dad muslimiin ah oo Allahood caabuda. Wuxuu go’aansaday inuu saaxiib la
noqdo oo raggaan ka agdhowaado. Dhalintii waa soo dhoweeyeen waana aqbaleen
waxayna bilaabeen iney diinta baraan. Muddo waxay xaalkiisa sidaas uu ahaadaba,
wuxuu go’aansaday inuu islaanimada qaato wuxuu ku ashahaatay xabsiga dhexdiisa
iyo dhalinyaradaas hortooda. Waxaa durbadiiba diinta soo galay rag badan oo
asxaabtiisa ahaa.
Ninkaasi waxaa la oran jiray Vince Focarelli wuxuuna ahaa
hogaamiyihii gaangistarada loo yiqiin ‘the bikes’ maadaama ey mooto wax ku
weerari jireen – haddana wuxuu la baxay Cabdulsalaam.
Wuxuu yiri; “maanta waxaan ka xoroobay wax walba oo aan u
malaynayay xoriyad, xoriyadda dhabta ah waa inaad ka xorowdaa adduunyada”
Cabdulsalaam wuxuu ku dhowaaqay inuu cafiyay dhamaan dadkii dhibta
kala dhexeeysay oo ey ku jiraan raggii dilay inankiisa. Cabdulsalaam haatan waa
hantiilaha maqaaayad iibisa cunnada xalaasha ah.
Comments
Post a Comment