MAXAY U FASHILMEEN URUR DIIMEEDYADA SIYAASADEED?
MAXAY U
FASHILMEEN URUR DIIMEEDYADA SIYAASADEED?
Horudhac
Eebe SWT goortuu dunidan abuuray wuxuu u dhigay xeerar ey qasab
tahay iney raacaan dad iyo duunyo iyo dhamaan abuurka oo dhan; qaarka garaadka
leh iyo kuwaan laheynba. Xeerarkaas waxaa kamid ah, xeerka nolosha, xeerka
geerida, xeerka guusha iyo xeerka fashilka, xeerka irsaaqda iwm. Diintaad
doonto heyso, ama diinlaawaba noqo – waxaad ku qasban tahay inaad xeerarkaas u
hogaansanto, ama waxaad ku danbeyn mid fashilma oo halaagsama. Xeerka koowaad
ee ilaahey koonkaan u dajiyay waa; in Alle kaligii yahay, aan isbedeleyn,
suganna – taladana ey kaligii u sugnaatay. Wax walba oo Alle ka sokeeyana ey
tiro yihiin, oo isbedelaya, kala duwan – taladoodana ey ka dhexeyso dhamaantood
si walba oo ey u kala diin, dhaqan iyo jinsiyad duwan yihiin. Taasina waa
laf-dhabarta towxiidka, oo waxay na fahansiinaysaa fahanka dhabta ah ee towxiidka
iyo kali ahaanshaha ilaahey. Eebe wuxuu Quraanka Suurat Al-ikhlaas ku yiri; “waxaad
dhahdaa (nebiyoow) Eebe waa kali (wehelna maleh) * waana sayid deeqtoon*Eebe
wax ma dhalin isna lama dhalin*wax lamid ahna ma jiro*”[1]
Urur diimeedyada siyaasadeed ama ururada lagu naynaaso islaamiinta,
waxay guluf kusoo jireen badidood muddo qarni kudhow, qaar dhowr qarni. Waxayna
dhamaantood had iyo gooraale ku hadaaqaan iney dib usoo celinayaan khlifadii
Islaamka. Khilaafo warkeeda iska daayee, tuulo ma eysan soo celin. Yeelkadeedee,
dhigaaladaan ‘BAADIGOOB XAQIIQO’ ee taxanaha ah waxaan ku falanqaynayaa oo intii
aqoontayda i gaarsiiso ku kala dhig-dhigi doonaa sababta ey u fashilmeen urur
diimeedyada siyaasadeed. Kama hadlayo wadaado aan iyagu siyaasad ku jirin oo
uun dadka diinta bara, ee waxaan ka hadlayaa waa ururada magaca diinta siyaasad
kusoo galay oo fashilmay. Su’aalaha u baahan in la isweydiiyo waxaa weeye;
sidee ragaan magaca ilaahey ku dhowaaqaya ey u fashilmeen? Ma aqoonta diintaa
ku yareed? Ma aqoonta maamulka iyo siyaasadda ayeeysan waxba ka aqoon? Mise
nimanka waa la shirqoolay? Mise ilaahey ayeey ka been sheegayeen? Mise nimanka
waxay u fashilmeen iney ka boodeen xeerarkii ilaahey koonkaan u dajiyay?
Su’aalahaas iyo qaar kaloo badan waa inaan jawaab aan u helnaa si aan u fahamno
waxa sababay fashilka baaxadda weyn ee ku dhacay ururo diimeedka siyaasadeed, anigoo
iska taagi doona xaglooyin kala duwan.
Waxaan isku dayi doonaa inaan xoogeey ka taabto taariikhda aadanaha
iyo casriyadii kala duwannaa ee ey soo martay – anigoo rajaynaya in aqristuhu
uu helo af-biloow u fududeeya fahamka ujeedka dhigaalkan. Waxaan sidoo kale
eegi doonaa qaabkii uu ergaygii ilaaheey (SCW) u dhisay dawladdii muslimiinta
ee uu ka taagay magaalada Madinah – si aan tusaalooyin uga soo qaadano. Ugu
danbeyn waxaan ka hadli doonaa qaar kamid ah urur diimeedyada siyaasadeed ee
abuurmay tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaaniyiinta, anigoo marka hore
qeexaya maxaan ula ujeedaa urur diimeed?
CASRIYADII KALA
DUWANAA EE AADANAHA
Tan iyo waagii Nebiyullaahi Aadan arlada la keenay, oo aadanuhu
tarmeen, Eebe wuxuu aadanaha usoo diriyay ergooyin xanbaarsan fariimaha Eebe –
kuwaas oo taabanayay hadba xaaladda uu aadanuhu ku jiray. Tusaale, nebi Nuux
(CS) waxaa loo soo diray qawkiisa inuu gaarsiiyo fariinta ilaahey ee ah in ey
Alle kaligii caabudaan. Qawmka nuux xiligaas waxay caabudi jireen shan nin oo
awoowayaashood ahaa oo saalixnimo lagu sheego, lana kala oran jiray; wud,
suwaac, yaquut, yacuuq iyo nasra. Muhiimadda nebi Nuux (CS) waxay aheyd in
qawmkiisa uu uga nasteexeeyo caabudida wax Alle ka sokeeya, ilaahey oo ka
waramaya shaqadii Nuux loo soo diray wuxuu yiri:
لَقَدْ
أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا
لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
“waxaan u dirnay Nuux qawmkiisa, wuxuu ku yiri; qamkaygiiyoow
caabuda ilaahey, idiinma sugna ilaah kasoo hadhaye, anigu waxaan idiinkaga
baqayaa cadaab maalin weyn”[2].
Tusaalaha kale, Nebi Luudh (CS) waxaa loosoo diray inuu qawmkiisa ka reebo
faaxishada raga loo galmoonayo, oo cid qawmkaas uga horeysay eysan jirin, Eebe
wuxuu yiri:
وَلُوطًا
إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ
مِّنَ الْعَالَمِينَ
“xusuuso nebi Luudh markuu qawmkiisa ku yiri ma xumaanta ayaad la
imaanaysaan oo uusan idinkaga horeyn qof caalamiinta kamid ah”[3]
aayaddaan wuxuu Alle ku qeexay muhiimadda shaqada nebi Luudh iney aheyd inuu
qawmkiisa uga digo xumaanta raga rag u galmoonaya. Nebiyadii kale iyo
ergooyinkii kale ee Eebe soo dirayay waxaa laloo soo diri jiray fariin qusaysa
hadba bulshadaa ey u digayaan ilaa laga soo gaaro nebi Muxammad naxariis iyo
nabadgelyo korkiisa ha ahaatee (NNKH), oo isaga fariinta uu Eebe ka siday ey
aheyd mid dhan walba ah, oo dhamaystiran. Casriyada sooyaalka aadanaha waxay
taariikhyahannada u kala qeybiyaan laba qeybood oo waa weyn: b) casrigii
tuulooyinka iyo t) casrigii magaalooynka.
B) CASRIGII TUULOOYINKA
Taariikhyahannada ku talaxtagay taariikhda aadanaha, waxay taariikhda
aadanaha u qeybiyaan laba casri. Labadaas casri oo ey u kala bixiyeen; b)
casrigii tuulooyinka iyo t) casrigii magaalooyinka. Tuuladu waa meel ey hal
raas degen yihiin, raaskaas ha noqdo hadduu doono mid qabiil ama dhaqan wadaag ah,
ama cibaado wadaag ah (oo hal ilaah isla caabuda, amaba ilaahyo badan) ama mid
dhaqaale-bulsho wadaag uu ka dhexeeyo, sida; daaqa xooluhu daaqo, iyo biyaha dadka
iyo duunyadu cabaan. Qeexidda tuulo waa meel dadka degani ey isku wada mid
yihiin; dhaqan, dhaqaale, fikir iyo cibaado – haddeey doonaan ha kala badsadaan
e. Casriga tuulada oo bilowday dhamaadkii xiligii loo yiqiin casrigii dhagaxaanta
(the stone age).[4] Xiligii
tuulooyinka, wuxuu kasoo bilaabmaa qiyaastii 10,000 oo sanadood ka hor
dhalashadii Ciise (CS), oo qiyaastii ku abaaran xiligii nebi Nuux (CS)[5]
– wuxuuna casrigaas ku dhamaaday soo saariddii nebi Muxammad (NNKH). Casrigaas
loo yiqiin casrigii tuulooyinka aadanuhu hadba intii isku fikir ah ayaa tuulo
isku uruursan jirtay, waxayna ku qasbi jireen dadka tuulada oo dhan iney hal
dhaqan iyo hal fikir oo sugan yeeshaan, cid alaale iyo cidii la timaada wax
cusub ama ka duwan kan dadka tuulada birta ayaa laga asli jiray. Wuxuuna ahaa
sharci ey ku dhaqmaan reer tuuleedku. Waana sababtaas tan dadkii xiligaas
noolaa ey ula dagaalameen Ergooyinkii iyo nebiyadii Alle usoo diri jiray,
iyagoo isugu daray dil iyo iney dhulka ka ceyrsadaan, maadaama ey la yimaadeen
wax ku cusub bulshooyinka tuulooyinkaas. Waxayna qolo walbaa ku andacoon jirtay
ma dhaqankii aabayaasheen baan uga tagnaa waxa rusushaan noo sheegayaan?! Yacnii
waxay kasoo horjeedeen sunnada ilaahey ee ah in aadanuhu si joogto ah isku-bedelo
oo hormariyo noloshiisa iyo garaadkiisa. Eebe oo dadkaas ka sheekeenaya wuxuu yiri:
“waxay yiraahdeen shucayboow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay
aabahayaasheen caabudi jireen? ama ku fallo maalkanna waxaan doono? adiga
waxaad tahay dulbadane toosan (si jees jees ah)”[6]
قَالُوا يَا
شُعَيْبُ أَصَلَاتُكَ تَأْمُرُكَ أَن نَّتْرُكَ مَا يَعْبُدُ آبَاؤُنَا أَوْ أَن
نَّفْعَلَ فِي أَمْوَالِنَا مَا نَشَاءُ ۖ إِنَّكَ لَأَنتَ الْحَلِيمُ الرَّشِيدُ
Markale Eebe oo na tusaalaynaya nooganna digaya inaan meel uun ku
dhaganaano oo diidno isbedel, horumar iyo horu-socod iyo inaan dareemayaasheena
isticmaalno oo uu ugu horeeyo caqliga – annagoo ku andacoonayna aabayaasheen
ayaa sidaas u dhaqmi jiray wuxuu yiri:
وَإِذَا قِيلَ
لَهُمُ اتَّبِعُوا مَا أَنزَلَ اللَّهُ قَالُوا بَلْ نَتَّبِعُ مَا أَلْفَيْنَا
عَلَيْهِ آبَاءَنَا ۗ أَوَلَوْ كَانَ آبَاؤُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ شَيْئًا وَلَا
يَهْتَدُونَ )
“marka gaalada lagu yiraahdo raaca wuxuu Eebe soo dajiyay, waxay dhihi
saas ma’aha ee waxaan raacin waxaan ka helnay aabayaasheen (caabudi jireen), oo
haddey yihiin aabayowgood kuwaan wax kaseyn oon hanuunsaneyn (miyeey raaci?).
Waxay lamid yihiin kuwii gaaloobay mid u dhawaaqay midaan wax maqleyn kaseyna
dhowaaqa iyo qaylada mooyee, wax ma maqlaan, ma hadlaan, wax ma arkaan waxna ma
kasaan.”[7]
Aayadahaan kor ku xusan waxay na tusaaleynayaan muhiimadda ey leedahay
in caqliga la isticmaalo oo horay loo socdo ee aan hal meel uun la yuurarin
iyadoo lagu doodayo dadkii naga horeeyay ayaa saan ahaan jiray. Casrigii
tuulooyinka wuxuu ahaa casri kaligii talisnimo, casri aadanuhu iska diiday;
horumar, isbedel, kala duwanaansho iyo wax alaale iyo wixii cusub – taas ayaana
keentay iney ka horyimaadaan jidkii Eebe (SWT) u jeexay aadanaha iney raacaan
si ey noloshooda u hormariyaan koonkana ey khilaaafo uga noqdaan oo camiraan. Diidmadaas
iyo meel-ku-dhaggaas waxay aadanaha ku hogaamisay burbur, halaag iyo caro Eebe.
Sababtoo ah waxay ka horyimaadeen sunnadii Ilaahey ee aheyd; wax alaale iyo
wixii Eebe (SWT) kasoo haray iney tiro noqdaan, isbedelaya, aqbalaanna kala
duwanaantooda, taladana ey wadaagaan.
Eebe (SWT) wuxuu balanqaaday inuu halaagayo ama cadaabayo cadaab darran
tuulo walba oo diida sunnada ilaahey ee aan kor ku xusnay, Eebe wuxuu yiri:
وَإِن مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
وَإِن مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab darran qiyaamaha
kahor, waana arin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka)[8].
Tuulana waa sidaan horay ugu soo qeexnay ee ah; degaan yar oo ey ku noolyihiin
dad isku wada fikir ah oo diiday in dad ka duwan ey ku dhex noolaadaan. Tusaale,
qawmu Luudh looma cadaabin kaliya iney faaxishada sameyn jireen, laakiin
cadaabku wuxuu u yimid markii ey yiraahdeen Luudh iyo inta rumaysay ka saara
tuuladiina waa dad is dahirinayee. Eebe wuxuu yiri:
وَمَا
كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ
إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
فَأَنجَيْنَاهُ
وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
وَأَمْطَرْنَا
عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ
“waxayna aheyd jawaabtii qamkiisa ka bixiya Luudh iyo inta rumaysan
tuuladiina waaba dad is dahirinayee. Waxaan korinnay Luudh iyo ehelkiisa –
haweenaydiisii mooyee, oo kamid noqotay kuwa halaag ku hadhay. Waxaana kusoo
daadinnay (roob naareed) bal day sideey noqotay cidhibtii denbiilayaasha”.[9]
Waana markaas markuu halaagu kusoo degay qawmkii nebi Luudh (CS), waayo waxay
diideen kala duwanaanshaha, waxayna lasoo baxeen kalitalisnimo iyo amar ku
taagleen.
Tusaalaha kale aan jeclahay inaan aqristaha dareensiiyo waa goortii nebi
Muuse (CS) uu Eebe u diray inuu hadal jilicsan ku yiraahdo Fircoon isagoo ugu
yeeraya inuu Eebe rumeeyo reer banuu israa’iilna uu adoonsiga ka joojiyo.
Fircoon judhii horaba Eebe waa inkiray, wuxuuna qawmkiisa ku yiri; dadoow ma
ilaah aan aniga aheyn baa jira? Dood dheer ayaa dhexmartay nebi Muuse (CS) iyo
Fircoon, oo xataa uu keenay saaxirintiisii falka u sameyn jiray ee uu aadka ugu
kalsoonaa. Kolkikii dooda Fircoon looga guuleystay ayuu bilaabay inuu u hanjabo
nebi Muuse iyo dadkii rumeeyay – isagoo wacad ku maray inuu laynayo oo ciqaab
daran marsiinayo. Ugu danbeyntiina Fircoon iyo ciidankiisii waxey isku dayeen
iney nebi Muuse iyo mu’miniintii la socotay xasuuqaan kadib markeey masar kasoo
saareen, waana markaas goortuu ilaahey halaagay Fircoon iyo qamkiisa. Ilaahey
(SWT) wuu u kaadsiiyay Fircoon iyo taageerayaashiisii, oo xataa dan kama gelin
markuu Fircoon ilaahnimada sheegtay; ee waxaa la halaagay Fircoon markuu isku
dayay kaligii talisnimo iyo amar kutaaglayn uuna isku dayay inuu laayo dadkii
ka duwanaa ee mu’miniinta ahaa. Eebe SWT wuxuu yiri:
فَأَرَادَ
أَن يَسْتَفِزَّهُم مِّنَ الْأَرْضِ فَأَغْرَقْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ جَمِيعًا
“markaasuu doonay Fircoon inuu ka saaro dhulka (nebi Muuse iyo inta
rumaysay) markaasaan maansheynay isaga iyo intii la jirtay dhamaan”[10].
Aayaddaan wuxuu Eebe noogu sheegayaa sababta loo halaagay Fircoon iyo qawmkiisa
iney aheyd markey damceen iney ku xadgudbaan oo laayaan dadkii ka ra’yi iyo
caqiido duwanaa, ee aan loo haligin gaalnimadooda oo qudha. Sababtoo ah
kalinimo ilaahey cidaan isaga aheyn uma ogola, cid walba oo ilaahey ka sokeysaa
waa iney aqbashaa cidda ka duwan; fikir, diin iyo dhaqan – haddaysan cadaawad
iyo dulmi la imaaneyn. Cid walba oo isku dayda iney ku xadgudbaan dadka ka
duwan, noocey doonaan ha uga duwanaandaan, ama diida isbedel, kala duwanaansho
iyo horu-socod – waxay soo hoosgalayaan cinwaanka tuulooyinka; kuwaas uu Eebe
balanqaaday inuu halaagayo ama cadaabayo cadaab darran kahor maalinta qiyaamaha
sidaan kor kusoo aragnay.
CASRIGII MAGAALOOYINKA
Taariikhyahannadu waxay sheegaan in casriga tuulooyinka uusoo khatimay
nebi Muaxammad (NNKH), uuna si rasmi ah u bilaabay casriga loo yaqaan casrigii
magaalooyinka ‘عصر
المدن . Casrigii magaaloyinka waxay culumada
taariikhdu ku qeexaan inuu yahay casrigii uu bilaabmay is-dhexgalka bulshada
qeybaheeda kala duwan, lana aqbalay kala duwanaanshaha diinta, fikirka, dhaqanka,
midabka jirka, jinsiyadda, iyo luuqadda. Sidoo kale waa xiligii la bilaabay in
la duugo; qabyaaladda iyo is addoonsiga.[11] Suubanaha (NNKH) wuxuu
ahaa shaqsigii ugu horeeyay taariikhda aadanaha oo sharcidarro ka dhigay
addoonsiga (Watt, 2012).[12] Rasuulku (NNKH) wuxuu ahaa naxariis iyo naruuro ilaahey usoo diray dhamaan
koonka oo dhan, si uu uga saaro mugdiyadii iyo jaahiliyaddii ey ku jireen gaar
ahaan aadanaha. Sababtoo ah rasuulka ka hor dadku waxay u noolayeen qaab
tuuloooyin, waxayna diideen iney suurtagal tahay in iyagoo kala duwan ey wada
nolaan karaan. Si kale haddaan u dhigo, ilbaxnimada dhabta ah wuxuu aadanaha
gaaray kadib soo saariddii Nebiga (NNKH). Eebe wuxuu yiri:
وَمَا
أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِين
“kuuma aanan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee”[13]
Eebe (SWT) wuxuu aayaddaan noogu sheegayaa oo na dareensiinayaa in rasuulka
Muxammad ah (NNKH) kahor uu aadanuhu dhib iyo jahwareer ku jiray, iyagoo ku
dhaqmaya dhaqankii tuulooyinka taasina ey u sababtay halaagyo kala duwan oo is
daba joog ah. Sidaas aawadeedna nebiga (SCW) loogu soo saaray inuu aadanaha ku
hogaamiyo xagga horumarka, wada noolaanshaha; uuna midkood midka kale aqbalo oo
la noolaado si nabadgelyo ah isagoon qofna loogu eegeyn midabka diirkiisa,
diintuu aaminsan yahay, qabiilkuu kasoo jeedo, darajadiisa bulshda dhexdeeda, dhaqaalihiisa
amaba dhaqankiisa. Shardi inuusan qofkaasi ku xadgudbin kan ka ra’yi duwan oo
la imaanin dhaqan cadaawad iyo kala soocid ku dhisan (dhaqankii tuulada).
Tusaalaha ugu wanaagsan oo aan ka jaleeci karno taariikhda waa in
rasuulka (SCW) uu doortay inuu dago magaalada Madiinah oo halkaas ka dhiso
dawladdii Islaamka, kana doorbido magaaldii uu ku dhashay ee uu aadka u jeclaa
ee Makkah[14].
Madiina intaan nebigu usoo hijroon waxaa la oran jiray ‘yatrib’ rasuulka ayaa u
bixiyay ‘Madina’ oo micnaheedu tahay magaalo. Nebigu (SCW) markuu Makkah furtay
oo ka xoreeyay gaaladii reer Quraysh, wuu awooday inuu dawladiisa halkaas
saldhig uga dhigo, laakiin wuxuu ogaa in Makkah ey ahaanayso Tuulo xaram ah
(macnaha tuulada), uusanna soo geli karin qof aan muslim aheyn mooyee.
Rasuulkuna wuxuu doonayay inuu dhiso dawlad balaaran si uu u gaarsiiyo
naxariista Eebe usoo dhiibay dhamaan aadanaha. Dawlad markaad tahayna waxaad
xiriir la yeelanaysaa aadanaha oo dhan iyagoo kala diin, dhaqan iyo midab duwan
– oo waxaa booqasho kuugu imaanaya umado kala, diin, midab iyo dhaqan duwan.
Rasuulku isagoo taas dareensan, ayuu doortay magaalada Madiina, sababtoo ah;
Madiina waxaa xiligaas ku noolaa: Muslimiin, Yuhuud, Kirishtaan, Mushrikiin iyo
Munaafiqiin, Rasuulkuna dhamaantood ayuu madaxweyne u ahaa, wuuna simay
xuquuqdooda isagoon u kala soocin kanaa i rumeeyay kanna ima rumeyn, kanaa
Carab ah, kanaa Cajam ah.
Taariikhyahanka reer galbeedka ee lagu magacaabo Michael H Hart wuxuu
ku sheegay buugiisa la yiraahdo: ‘The 100: A Ranking of the Most Influential Persons in History’, 100kii qofood ee ugu saameynta badnaa taariikhda aadanaha, in
nebi Muxammad (SCW) uu ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa taariikhda
banii’aadanka. Isagoo arinkaan faahfaahinaya wuxuu caalimkaani yiri: “waxaaa
dabiici ahaan laheyd inaan Ciise ka dhigo qofkii ugu saameynta badnaa
taariikhda maadaama aan heysto diintiisa, dadka igulama yaabeyn go’aankaas, laakiin
waxaan doortay Muxammad. Sababtoo ah, Muxammad wuxuu ahaa; aabe oo ilma dhalay,
wuxuu ahaa nin xaasas leh oo guursday, wuxuu ahaa hogaamiye diin, wuxuuna ahaa
madaxweyne dawlad rayid oo ey ku hoos noolaayeen noocyada kala duwan ee
aadanaha – isagoo si siman ugu kala garsooray dhamaantood; isagoon eegin mid rumeeyay
iyo mid aan rumeyn. Michael oo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri; laakiin, Ciise
wuxuu ahaa oo kaliya hogaamiye diin, oo ma guursan, waxna ma dhalin, dawlad ma
dhisin, umado kala duwanna kuma hoos nooleyn – ee reer banuu islraa’iil oo qudha
unbaa loo soo diray”[15]
Rasuulku (SCW) wuxuu tusaale u sameeyay cid walba oo doonaysa iney
dawlad yagleesho, marka hore waa iney aqbashaa kala duwanaanshaha umadaha,
suurtagalna ma’aha iney guulaysto dawlad ku dhisan kala soocidda dadka iyadoo
loo eegayo, diin, dhaqan iyo midab. Tusaale waxaa noogu filan dawladdii Koonfur
Afrika ee ku dhisneyd midab takoorta (apartheid) meeshey ku danbeysay iyo wixii
dhibaato ah ey soo martay, iyo sideey u halaagsameyn. Urur diimedyada Islaamka
ee haatan dunida ka jira ee leh yididiilo siyaasadeed oo ah iney umadaha
hogaamiyaan, waxay ku qasban yihiin iney aqbalaan kala duwanaanshaha dadka,
kalana soocaan diinta iyo siyaasdda – haddii kale waxay ku danbeenayaan
halaagii ku dhacay dadyowgii hore ee ku dhaqmay nidaamkii tuulooyinka ee ahaa
kalitalisnimo aan ogoleyn dadka ka duwan, diidayna wada noolaansho.
TIJAABADII AL-WAHAABIYYAH (SALAFIYADDA)
Tan iyo markii la riday dawladdii Cusmaaniyiinta, waxaa dunida
Islaamka ka curtay urur diimeedyo siyaasadeed oo fara badan, oo aragtiyo iyo
madaahib kala duwan xanbaarsan. Waxayna dhamaantood tiigsanayeen iney
yagleelaan dawlad Islaami ah oo balaaran sida tii Cusmaaniyiinta. Waxaa xusid
mudan, eyna tahay in la bidhaamiyo markii horaba dumintii dawladdii
Cusmaaniyiinta iney qaar ururadaas kamid ah ka qeyb qaateen duminteeda. Sanadku
markuu ahaa 1703dii ayuu dhashay aabaha iyo aasaasaha urur diimeedka loogu
magac daray ‘Alwahhabiyyah’ wadaaddkaas oo lagu magacaabi jiray Shiikh Maxammed
bin Cabdulwahaab[16].
Wadaadku wuxuu ku dhashay tuulo la yiraahdo ‘Al-cuyayna’ ee dhulkii loo yiqiin
‘Al-najd’ maantana loo yaqaaan Sacuudi Carabiya. Wadaadku wuxuu ka dhashay
qabiil weyn oo la yiraahdo Banuu Tamiim.[17]
Wadaadku wuxuu saaxiib dhow la ahaa gaashaanbuurna la sameystay nin la oran
jiray Maxammad bin Sacuud oo ah awoowaha qoyska haatan talada dalka Sacuudiga
haya ee reer Aala-Sacuud.[18]
Labadaan nin waxay ku heshiiyeen in shiikh Maxammad bin Cabdulwahaab iyo raaskiisa
Aala-shiikh ey madax ka noqdaan wixii ku saabsan arimaha diinta, Maxamed bin
Sacuud iyo qabiilkiisana ey masuul ka noqdaan arimaha siyaasadda. Dawladda
Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka talineysay dhulkaasna lala dagaalamo oo Najd oo
dhan laga xoreeyo. Sanadku markuu ahaa 1744kii ayaa labadaas nin u suurto
gashay iney yagleelaan maamulkii ugu horeeyay ee Sacuudiga, waxayna u bixiyeen
isu-taga Dirciyah oo aheyd gobol.[19]
Yeelkadeedee,
innahaas kadib, Sh Maxammaed bin Cabdulwahhaab oo marakan miciyeystay wuxuu
guda galay inuu la dagaalamo cid alaale iyo cidii ka aragti duwan – isagoo u
cuskanaya in cidaan manhajkiisa heysan ey yihiin mushrikiin gaalo ah, dhiigooda
iyo maalkoodana uu xalaal yahay(ابن بشر، ص45-46.[20]
). Wadaadka isagoo garab ka helaya dawladdii Sacuudiga uu wax ka yagleelay ayuu
wuxuu qaaday duulaamo badan oo uu ku qaaday shacabka Muslimiinta ah ee deganaa
dhulka Sacudi Carabiya. Xiligaas shacabka Sacuudiga waxay heysteen dhariiqo
kamid ah Suufiyadda oo la yiraahdo ‘Naqshbandi’ (oo ku abtirsata shiikh
Bahaa’uddiin Maxammed Naqshbandi Bukhaari [1318–1389])[21]. Wuxuu wadaadkan
ina Cabdulwahhaab bilaabay inuu culumada dhariiqadaan birta ka aslo maalkoodana
soo qaniimeysto. Buuga caanka ah ee loo yaqaan ‘Aldurar alsanniyah’ oo ka
kooban dhigaalo ey qoreen culumo reer Sacuudiya ah, wuxuu ina Cabdulwahaab ku
xusayaa inuu duulay “qaswah’ in ka badan 300 oo duulaan, isagoo oranaya waxaan
ku duulnay gaaladii deganeyd Sacuudiga – wuxuuna u xusayaa tuulo tuulo iyo
qabiil qabiil, wuxuuna ku xukumayaa dhamaantood gaalnimo, wuxuuna baneynsanayaa
dhiigooda iyo maalkooda ([1] ابن بشر. عنوان المجد في تاريخ نجد.).[22]
Tusaale, wuxuu isla buuga Durar ina
Cabdulwahaab ku leeyahay waxaan ku duulnay gaaladii reer Carab Shaam, waxaana
ka dilnay 120, waxaan kasoo qaniimeysanay 5000 oo geel ah.[23]
Sida uu kusoo waramayo taariikhyahanaka lagu magacaabo Cabdulraxiim Cabdulraxmaan
intaas kuma ekaan wadaadka ina Cabdulwahhhab ee wuxuu ku baxay oo jidgooyo u
dhigtay dawladdii Muslimiinta oo dhan matalaysay ee Cusmaaniyiinta, wuxuu u geli
jiray jidka oo isbaaro inta uu u dhigto ayuu maalkana dhici jiray askartana
layn jiray.[24]
Sidoo kale taariikhyahanka Cismaan Ibnu Bashiir ee wahaabiga ah wuxuu
soo warinayaa in ina Cabdulwahaab iyo ninkey heshiiska wada galeen ey ku
duuleen magaalooyinka barakeysan ee Makkah iyo Madiinah – iyagoo ku doodaya
waxaa degan Mushrikiin – wuxuu taariikhyahanku ku darayaa iney halkaas xerta
ina Cabdulwahaab ey ku burburiyeen qubuuro fara badan, dadkii magaalooyinka
daganaana lagu qasbay iney qaataan manhajka ina Cabdulwahaab. Taariikhyahanka
Cismaan ibnu Bashiir ee wahaabiga ah ee lagu kalsoonyahay oo qoray taariikh
nololeedka shiikhiisa Maxammed Cabdulwahaab wuxuu qirayaa in shiikhu uu
aaminsanaa in dadkii xiligiisa deganaa jasiiradda carabta ey islaamnimada ka
laabteen oo mushrikiin qubuuro caabuda noqdeen, eyna ka gaalnimo iyo shirki
badan yihiin mushrikiintii Quraysh. Ina Bashiir wuxuu buugiisa ‘Cinwaanka Najd’
(pp97) ku xusayaa in
maalin maalmaha kamid ah uu Shiikh Maxamed Cabdulwahaab ku duulay tuulada la
yiraahdo ‘Cuyaynah’ si ey usoo laayaan mushrikiinta degan tuuladaas,
xoolahoodana ey usoo qaniimaystaan. Taariikhyahanku wuxuu sheegayaa in markii
Shiikh Maxamed uu tuulada gaaray uu kula heshiiyay Muslimiintii la socotay (waa
ciidankiisee) iney dilka ka bilaabaan Gudoomiyaha tuulada oo lagu magacaabi
jiray Cismaan bin Mucammar oo xiligaas salaad jimce u taagnaa. Markii gudoomiyaha
uu salaaddii ka baxay ayeey isagoo ku fadhiya saligiisii ku dileen, shiikh
Maxamed bin Cabdulwahaabna wuxuu yiri; kani waa kaafir kani waa mushrik.[25]
Isku soo wada duuboo, wadaadka ina Cabdulwahaab iyo urur
diimeedkiisuba waa mid lagu aasaasay gaaleysiinta ciddaan manhajkooda heysan, qubidda
dhiiga dadka Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan iyo xalaalaysiga maalkooda –
waana tan hadda heysata dadka Muslimiinta ah oo dhashii ururkaasi ey meelwalba
iyo goorwalba ku dooxayaan dadka Muslimiinta ah. Bal eegoo u firso sideey
iskugu midka u yihiin af iyo dhaqanba, ururkii ina Cabdulwahaab iyo urarada
haatan jira oo kaas kasoo farcamay sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko-Xaaraam iyo
Al-Shabaab. Ina Cabdulwahaab qofkaan isaga raacin wuxuu u ahaa Mushrik
dhiigiisa iyo maalkiisaba ey xalaal yihiin, qubuurahanna colaad ba’an baa kala
dhexeysay. Daacish, Al-Qaacida, Boko-xaaraam iyo Al-shabaab waxaan uun ey
sameeyaan waa intaas, Muslimiinta gaaleysii, dhiigooda iyo maalkooda
xalaaleyso, qubuurahanna burburi.
Taariikhyahannada reer galbeedka qaarkood iyo kuwo Muslimiin ahba
waxay soo tabiyaan, in wadaadka ina Cabdulwahaab uu xiriir adag oo dhow la
lahaa boqortooyada Ingiriiska, oo iyada guluf weyn ugu jirtay iney dhidibada u
siibto dawladdii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta ee fadhigeedu ahaa Turkiga.[26]
Ingiriisku waa ku dhici waayeen dagaal fool-ka-fool ah iney la galaan
Cusmaaniyiinta xiligaas, oo waxay ka baqayeen iney Muslimiinta mideeyaan. Waxay
heleen fursad markey ogaadeen in nin la yiraahdo Maxammad bin Cabdulwahaab uu
kasoo baxay dhulka Najd kaas oo mucaarad hubeysan ku ah dawladda Cusmaaniyiinta.
Jaajuuskii weynaa ee u dhashay wadanka Ingiriiska ee boqortooyada Ingiriiska u
qaabilsanaa sirdoonka barriga dhexe, laguna magacaabi jiray; Mr Hempher, wuxuu
xusuus qorkiisa ku qoray inuu la kulmay wadaadka lagu magacaabo Maxamed bin
Cabdulwahaab kulana kulmay magaalada Basra. Wuxuu jaajuuskaan Ingiriiska
sheegayaa in isaga oo matalaya Boqortooyada Ingiriiska uu heshiis la galay ina
Cabdulwahaab iney iska kaalmaystaan sidii lagu ridi lahaa dawladdii
Cusmaaniyinta.[27]
FASHILKA WAHABIYADDA (SALAFIYADDA)
Yeelkadeedee, intaasi waa qeyb kamid ah taariikhda urur diimeedka
‘alwahaabiyyah’ ee raacsan wadadii shiikh Maxamed bin Cabdulwahaab. Haaddaan u
imaado su’aasha ah maxay u fashimeen, ee ah cinwaanka dhigaalkaan – waxaan
durbadiiba heleenaa jawaabta oo ah mid fudud, taas oo ah in wadaadkaan iyo
xertiisaba ey garab mareen xeerarkii Eebe u dajiyay koonkaan iyo abuurka ku
hoos nool. Xeerkaas oo ah in la aqbalo dadka kaa diin, dhaqan, af, midab, madhab
iyo fikir duwan – xisaabtoodana eysan aheyn shaqo qof aadane ah u taal, ee ey
tahay mid Allihii uuntay ey u taal, isageena khusaysa siduu ka yeelayo umadaha
kii rumeeyay iyo mid aan rumaynba. Eebe oo arintaan nooga digaya wuxuu Quraanka
ku yiri:
وَلَا تَطْرُدِ
الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ
مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَيْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن
شَيْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ الظَّالِمِينَ
“ha eyrin kuwa baryaya eebahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni
wajigiisa waxba kaama saarna xisaabtooda iyana xisaabtaada wax kama saarna, ood
erisid oodna ka mid noqotid daalimiinta” Eebe wuxuu ka digayaa in dadka
Muslimiinta ah ee kaa fikir ama darajo ama koox amaba madhab duwan la iska
fogeeyo oo la eryo sababo la xiriira in qofku u arko iney ka hooseeyaan dhincyo
kala duwan, iskaba daa in moorada laga saaro oo la gaaleysiiyo ama la dilo’e.
Eebe wuxuu ku tilmaamayaa qofka sidaas u dhaqma inuu kamid yahay daalimiinta uu
Eebe ugu yaboohay ciqaab adag. Kaasi waa kan eryay oo kaliya, ka waran kan
gaaleysiiyay oo ku tilmaamay iney yihiin mushrikiin, dhiigoodana daadiyay,
sharafkooda duray, maalkoodana dhacay?
1- Qofkii u fiirsada qaabka ey u dhaqmaan xerta wahaabiyadda, wuxuu
durbadiiba garannayaa ineysan nolosha adduun u ogoleyn qofkaan iyaga raacsaneyn
oo ku socon manhajkooda, iskaba daa qof aan Muslim aheyn warkiisa. Arinkaasna
waa arinka uu Eebe (SWT) uu ku dhaleeceeyay dadyowgii naga horeeyay Yuhuudda
iyo Kirishtaanka. Eebe wuxuu yiri:
وَقَالَتِ
الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَىٰ عَلَىٰ شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَىٰ لَيْسَتِ
الْيَهُودُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ ۗ كَذَٰلِكَ قَالَ
الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ ۚ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ
يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
“Yuhuud waxay tiri Nasaara (Kirishtaanka) waxba ma’aha. Nasaarana
waxay tiri Yuhuud waxba ma’aha. Iyagoo aqrinaya kitaabka (tooraat iyo injiil)
sidaas ayeey yiraahdeen kuwaan waxba garaneyn hadalkooda oo kale, Eebaa kala
xukumi maalinta qiyaamaha waxay isku khilaafeen”.[28]
Aayaddaan waxaa laga tusaale qaadanayaa inaan qolanna la fiijin oo lagu sheegin
iney baadiyeysan yihiin, xukunka iyo kala soocidda abuurkana loo daayo Allihii
uuntay sida uu aayadda ku caddeeyayba. Waxaan kaloo aayaddaan ka fahmeynaa in
Eebe sheegay iney jiraan dad aan Yuhuud iyo Nasaaro toona aheyn, laakiin u
dhaqmaya oo ku hadaaqaya waxay labadaas qolo ku hadaaqi jireen kuna dhaqmi
jireen, oo ah in firqo gooniya isku aragto iney kaligeed tahay uun kooxda
badbaaday, wixii aan iyaga aheyna ey halaagsamayaan. Allah kuwaas wuxuu ku
tilmaamay kuwii aan waxba ogeyn ‘laa yaclamuun’. Haddaan aayaddaan si dhow u
eegno waxaan arkeynaa in kooxda wahaabiyadda ey ku dhaqmayaan dhaqanka kaligii
saxsanaanta ee Eebe ku eedeeyay iney Yuhuud iyo Nasaaro ku dhaqmi jireen.
2- Si taa lamid ah, nolosha aakhiro waxay ragaan aaminsan yihiin
qofkaan manhajkooda ku dhaqmin inuusan kamid aheyn kooxda badbaadaysa
‘al-firqah al-naajiyah’.[29]
Arinkaasna waa dhaqan kale oo Eebe uu ku dhaleeceeyay qawmamkii naga horeeyay
ee Yuhuud iyo Kirishtaanba lahaa, Eebe wuxuu yiri:
وَقَالُوا
لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ
أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
بَلَىٰ
مَنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَلَهُ أَجْرُهُ عِندَ رَبِّهِ
وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
“waxay dhaheen ma galayo jannada ruuxaan Yuhuud ama Kirishtaan aheyn;
taasina waa yididiiladooda (beentooda) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad
run sheegaysaan. Ruuxiise wajigiisa u hogaamiya Eebe isagoo sama-fale ah wuxuu
ajrigiisa kuleeyahay Alle agtiisa, kuwaasna ma cabsadaan mana walbahaaraan”.[30]
Kitaabka la yiraahdo Al-durur al-sanniyah oo ah dhigaalo ey qoreen
culumdii hore ee wahaabiyadda oo uu ku jiro ina Cabdulwahaab mujalladka 14aad
waxaa ku qoran; “suurtagal ma aha in qof dadka kamid ah uu ka leexdo manhajkii
Aala-shiikh (yacnii Al-wahhabiyah) sababtoo ah manhajkaasu waa wadadii toosneyd
– oo qofkii ka leexdaa uu jaxiimo galaayo”.[31]
In ruuxu ku naaloodo in firqadiisa kaliya ey tahay firqada
badbaadaysa wax cusub ma’aha, oo Yuhuud iyo Kirishtaan ayaa horay ugu riyooday
in kaligood ey jannada galayaan, Eebana (SWT) arinkaas qolooyinkaas waa ka
diiday kuwa ka danbeeyaana waa uu uga digay iney waxaas ku naaloodaan. Taa
bedelkeeda ilaahey wuxuu rusushiisa uu faray iney dadkooda u sheegaan ineey
iyagu uun yihiin digayaal ka digaya ciqaabka Eebe – eysanna aqoon halka
laftigoodu ey ku danbeyn doonaan, Eebe wuxuu yiri:
قُلْ
مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا بِكُمْ ۖ
إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
“waxaad dhahdaa ma ihi bidci rasuulada ka gooni ah, mana ogi waxa
la igu fali aniga iyo idinka, waxaa uun raaci waxa la ii waxyoodo (oo Qur’aanka
ah) mana ihi waxaan ka aheyn u dige cad (oo muuqda).[32]
Aayad kale wuxuu Eebe (SWT) ku yiri:
قُلْ
كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ
سَبِيلًا
“waxaad dhahdaa cid walba haku shaqeyso jidkeeda, (diinteeda) Eebe
ayaa og cidda ugu jid hanuunsan”[33]
Dadka rasuulka (SCW) la farayo inuu sidaan ula hadlo waa gaaladii
Mushrikiinta reer Quraysh, ee aan gaalnimadooda ku ekaan kaliya ee rasuulka la
dagaalamay oo aad u dhibay. Haddiiba la is faray inaan xataa gaalada xabadka
loo garaacin oo sidaas jajabnaanta iyo qadarinta ka muuqdo ula hadla la is
faray, hadda xagee joogaa qofkii Muslimka ahaa ee uun fikir la isku khilaafay?
3- Ururka Wahaabiyah waxay in badan ka dhowaajiyaan iney xoogga
saarayaan iney umadda ka saxaan caqiidada, laakiin waxaad moodaa marka laga
eego hab-dhaqankooda siyaadadeed inuu khilaafsan yahay mabaadi’da asaasiga ah
ee towxiidka. Ururka Wahaabiyada ma ey ogola cid ka fikir duwan, bal xaaladaha
qaar wey gaaleysiiyaan dadka ka ra’yi duwan. Dhaqankaasna waa dhaqankii
tuulooyinka ee Eebe balanqaaday inuu halagayo kahor maalinta qiyaamaha.
Sidaasna waxay ka hor-imaanaysa xeerka koowaad ee ilaahey u dajiyay koonka –
kaas oo ah; in Alle SWT hayay kaligii, sugan, aan is-bedeleen, amamrkana uu
kaligii u sugnaaday. Cid alaale iyo ciddii Alle ka sokeeysaanna yihiin tiro,
is-bedelaysa, kala duwan, taladooduna wadaaga. Eebe wuxu yiri:
وَإِن
مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ
مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab darran qiyaamaha
kahor, waana arin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka)[34].
Tuulana waa sidaan horay ugu soo qeexnay ee ah; degaan oo ey ku noolyihiin dad
isku wada fikir ah oo diiday in dad ka duwan ey ku dhex noolaadaan.
Isku soo wada xooriyoo, seddxdaas arimood ee aan kor kusoo xusnay
waa wax ka hor-imaanaya tacliimaadka Quraanka, waxayna kamid yihiin arimihii
Yuhuudda iyo Kirishtaanka, iyo dhaqamadii qawmamkii naga horeeyay lagu halaagay
ee Alle ku dhaleeceeyay oo ku diiday caqiidadaas faasidka ah. Waana seddexdaan
sababood iyo amar ku taagleynta waxa fashiliyay urur diimeedyada guud ahaan,
gaar ahaan ururka Al-wahaabiyyah. Sidoo kale dhigaalkaan bilowgiisa waxaan ku
sheegnay in Allah balan qaaday inuu halaagayo cid Allaale iyo cidii isku dayda
kalitalisnimo oo u dhaqanta sida dhaqankii tuulooyinka halka qolo deganeyd (eeg
qoraalka bilowgiisa si aad u fahanto waxaa loola jeedo dhaqanka tuulooyinka).
Xiligii tuulooyinku wuu dhamaaday, waxaa lagu jiraa casrigii magaalooyinka,
laakiin waxaad moodaa urur diimeedyada iney weli joogaan casrigii tuulooyinka
oo eysan kasoo gudbin.
TIJAABADII ALIKHWAANUL MUSLIMUUN
Al-Ikhwaanul Muslimuun (walaalaha
Muslimiinta) ama sida caanka ah ee loo yaqaan Jamaacatul Ikhwaanul Muslimuun, waa
urur diimeed fac weyn oo ku baahsan dunida oo dhan, gaar ahaan dunida Islaamka.
Ikhwaanul Muslimuun waxaa la aasaasay 1928kii, waxaana lagu aasaasay dalka
Masar, waxaana dhidibbada u taagay Shiikh Xasanul Bannaa oo ahaan jiray macalin
uskuul.[35] Ururka
waxaa Shiikh al-Bannaa la aasaasay 6 nin oo kamid ahaa shaqaalihii marinka Suez
– waa sida uu kusoo waramayo taariikhyahanka lagu magacaabo Richard Mitchell oo qoray buug uu ugu magac
daray ‘The Society of Muslim Brothers’.[36] Ikhwaanka inta la ogyahay la iskuna waafaqsan yahay wey ka
qunyar socodsan yihiin urur diimeedyada qaar sida; urur diimeedka
‘Al-wahaabiyyah’ ee aan kor ku xusnay. Si ka duwan urur diimeedka wahaabiyadda
ama salafiyadda hadba sidii loo yaqaan, Ikhwaanku ma heystaan taageero
dawladeed, waxaa maalgeliya waa xubnaha ururka oo bishii lacago ka jara
mushaaharaadkooda si ururuku uu u shaqeeyo.[37]
Halka urur diimeedka wahaabiyadda (salafiyadda) ey heystaan taageerada badi
dawlaha khaliijka iyo shidaalkooda.
Ikhwaanku waxay ku kasbadaan
taageerayaashooda iyagoo ka fuliya wadamada muslmiinta shaqooyin samafal, sida
daboolidda baahida danyartu u qabto adeeg caafimaad, quudinta dadka gaajaysan
iwm. Dagaalkii 1948kii ee u dhexeeyay wadamo carbeed iyo Israaiil si loo
xoreeyo Falastiin, ikhwaanku wey ka qeyb galeen dagaalkaas rag badan oo taageerayaashooda
ahna wey ku dhinteen. Si kastaba ha ahaatee, ciidankii Ikhwaanka waxaa ku hoos
dhuuntay unug ka tirsaneyd sarakiisha ciidamada Masar oo la baxday; ‘ururka
saraakiisha xorta ah’ oo iyagu ahaa isireystayaal (Nationalists) qarannimo aaminsan
oo aan aaminsaneyn waxa Ikhwaanku aaminsanaayeen. Taariikhdu markay aheyd
November 1952kii ayaa saraakiishaasi ey afka ciida u dareen boqortooyadii ka
arimin jirtay dalkaas. Saraakiisha waxaa horbooday sarkaal lagu magacaabi jiray
Jamaal Cabdinaasir kaas oo markuu xukunka gacanta ku dhigay durbadiiba bilaabay
inuu birta ka aslo hogaamiyayaashii ikhwaanka, qaar kaloo bandanna uu xabsiga u
taxaabo.[38]
Dhacdooyinka taariikhdu xusto waxaa kamid ah dilkii loo geystay Sayid Qudhub oo
uu u geystay kaligii taliye Jamaal Cabdinaasir.
Sayidku wuxuu ahaa aqoonyahan
xeeldheer oo qalinkiisa intii karaankiisa iyo aqoontiisa ah ku difaacay Islaamka,
buugaag badana qoray. Buugaagtiisa waxaa ugu magac dheer buuga layiraahdo
‘hadhka quraanka’ oo ah kitaab uu ku fasirayo Quraanka Kariimka. Sidoo kale waxaa
mudan in la xuso markii madaxdii Ikhwaanka laga yeelay qaar la laayay, qaar la
shilqoolay, qaar muddo dheer oo xabsi ah loo jaray – haddana mashaariicdii Ikhwaanka
waxba iskama bedelin oo howlahoodii samafalka iyo dacwada haba yaraadeenee wey
socdeen, ururkuna wuu balaartay oo wuxuu kasbaday taageerayaal badan oo ku kala
baahsanaa dhamaan wadamada dunida.[39]
Wuxuu xaalka Ikhwaanku sidaas ahaadaba, xaaladda dalka Masar oo ey kasoo
unkameen ragaanu kuna xoog badanaayeen uu kaligii taliye bedelay kaligii taliye
kale, laga soo bilaabo Jamaal Cabdinaasir, Anwar Saadaad ilaa Xusni Mubaarak,
awoodii Ikhwaanka wey sii korodhay. Ikhwaankana markaan waxaa usoo baxay fac
cusub oo aqoonyahanno u badan oo carcartooda qaba. Dhalintaan aqoonyahanka u
badani waxay dardar geliyeen barnaamijkii Ikhwaaanka ee ahaa iney dalka Masar
ka taliyaan, waxayna fureen xisbi siyaasadeed ka tarjumaya yididiilada urur
diimeedka Ikhwaanul Muslimuun.
Urur diimeedka Ikhwaanul Muslimuun sida urur diimeedyada kale waxay
ku hadaaqaan had iyo goor iney rabaan iney dhisaan dawlad Islaami ah oo lagu
xukumayo shareecada Islaamka. Laakiin, markaad si dhow u falanqeyso ururka
Ikhwaanka waxaad moodaa iney xoogaa kaga yara duwan yihiin ururada kale wadada
loo marayo yagleelidda yoolkooda. Sidaan ku aragnay kacdoonkii loogu magac
daray ‘guga carbeed’ ee ka curtay wadamada carabta dabayaaqadii sanadkii
2010ka. Ikhwaanku xiligaas dalka Masar waxay ahaayeen xisbiga ugu weyn ee
mucaaradka ah. Xisbiga xoriyadda iyo cadaaladda, oo ah garabka siyaasadeed ee
Ikhwaanka, iyagoo ka faaiidaysanaya kacdoonka shacabka ayeey dardar geliyeen
damacooda siyaasadeed, waxayna fareen in taageerayaashooda eysan kala joojin
isku-soo-baxyada lagaga soo horjeeday kaligii taliye Xusni Mubaarak. Kacdoonkii
2011kii ee Masar ka dhacay ma aheyn mid gooni ku ahaa xubnaha ururkaas oo
qudha, ee wuxuu ahaa kacdoon shacbiyeed oo dhamaan qeybaha kala duwan ee
shacabka Masar ey ka qeyb galeen. Sanadkii 2012kii ayeey aheyd markii Maxamed
Mursi oo matalayay xisbiga xoriyadda iyo cadaaladda uu ku guuleystay ku dhowaad
kala bar codadkii doorashada, waxay aheyd guulweyn oo usoo hoyatay xisbigaas
mudada dheer soo halgamayay.[40]
Si kastaba ha ahaatee, Mursi xukunka kumasii nagaan, mana dhameysan xili
madaxeedkii loo doortay. Wasiirkiisii gaashaandhiga Cabdulfitaax Siisi ahaanna
taliyaha ciidmada qalabka sida ee Masar ayaa afgambiyay 3dii Luulyo 2013kii.
Dhacdadaas waxaa ku daatay dhiig badan kaas oo ey geysteen ciidamada Masaarida
ee daacadda u ahaa kaligii taliye Siisi. Madaxweyne Mursi iyo mdaxdii Ikhwaanka
waxaa la dhigay xabsiga, waxayna noqdeen qaar dil lagu xukumo iyo qaar xabsi
dheer loo jaro.
FASHILKII IKHWAANKA
Inksatoo Ikhwaanku ey ka dabacsan yihiin xagga dhaqanka nimanka
wahaabiyadda, haddana sida salafiyada cidaan iyaga aheyn wax uma ogola, taas oo
ey ka siman yihiin badi urur diimeedyada. Waana qodobka ugu weyn ee sababtay in
cimriga damacooda siyaasadeed uu kusoo erlaado fashil, kadib markey muddo
gaaban ey ka arimiyeen dalka Masar. Ma inkirayo, dabcan; mana diidani in Ikhwaanka
la dulmiyay oo laga gardarnaa, sidoo kale ma inkiriyo in si sharci ah oo codka dadweynaha
ah (democracy) ey xukunka ku yimaadeen. Waxaa iyana aan ka marqaati kacayaa in
Ikhwaanku sanidihii badnaa ey kaligood taliyaashu ka talinayeen dalka Masar uu
ku dhacay buufis, kaas oo dhaawac u geystay xaga aaminaadda dadka aan aheyn
xubnahooda (lack of confidence), kuna qasabtay iney sameystaan sirdoon adag oo iyaga
u gooni ah. Arimahaas oo biirsaday waxay ka dhigeen Ikhwaanka kuwo dadka aan
iyaga aheyn u arka cadow – maadaama ey sidaas kusoo koreen. Arintaan adkeynta
amnigooda iyo aaminaad la’aanta dadyowga kale ee muwaadiniinta ah waxay iyana
ku timid kadib sanado badan oo Ikhwaanka loo geystay dilal, shirqoolo iyo
xabsiyo badan[41]. Dhanka
kale, ikhwaanka iyo taageerayaashoodu waxay ku andacoodaan in wadamo shisheeye
ey Israaiil u horeyso ey fashiliyeen.
Yeelkadeedee, haddaan xagal kale ka eegno; nasiibdarro, Ikhwaanka sida
urur diimeedyada kale waxay isku dayayeyn iney dalka u dhaqaan sidii ey u dhaqi
jireen ururkooda u gaarka ah ee dhamaan xubnaha ururku isku ra’yi, diin iyo
himilo yihiin, kuwaas oo diyaar u ahaa iney naf iyo maalba u huraan qadiyadda
ururkooda. Si kale haddaan u dhigo, ikhwaanka Masar waxay ilaabeen iney
hogaaminayaan wadan ey ku nool yihiin dadyoow kala diin, dhaqan iyo afkaar
duwan. Waana taas tan soo dadajisay fashilkooda, muddo gaabanna ka hor keentay
shacabkii sanad ka hor doortay. Ikhwaanku waxay u baahan yihiin iney runta isku
shegaan oo su’aalo ad-adag naftooda weydiiyaan. Su’aalahaas waxaa kamid ah,
sidee shacabkii doortay Madaxweyne Mursi eysan ugu diirnixin sanad kadib markii
xukunka si sharci darro ah looga tuuray? Ma waxaad na leedihiin shacabka
tiradoodu ey ku dhowdahay 100ka milyan dhamaan waxaa gatay Israaiil oo
laaluushtay? Waxaa xusid mudan iskusoo baxyadii lagu taageerayay madaxweyne
Mursi goortii la inqilaabay waxaa mudahaaradayay waxay ahaayeen xubnaha ururka
oo qudha. Waxaan ogsoonahay inaan Mursi dooran xubnaha Ikhwaanka oo kalya,
laakiin ey doorteen shacab weynaha Masaarida masiixigooda iyo muslimkoodaba,
umana eysan dooran jeceyl ey u qabaan Ikhwaanka!! Ee waxay u doorteen waxay
qaati billaahi ka joogeen kalitalisyadii talada dalka ku koobay iyaga iyo
qoysaskooda – waxayna Mursi ka rajaynayeen inuu si dimuquraadi ah oo ku dheehan
cadaalad bulsho uu u dhaqi doono dalka. Laakiin, durbadiiba waxay dareemeen in
dawladda Masar ey noqotay Dawlad Ikhwaan. Waana taas tan dadka Masaarida ey uga
gaabsadeen goorii la afgambiyay Ikhwaanka.
Isku soo wada duuboo, qodobka ugu weyn uguna muhiimsan oo sababay
fashilka tijaabada Ikhwaanka iyo salafiyadaba waa iney diideen kala
duwanaanshaha dadka ama aqbali waayeen. Sidaas daraadeed, waxaan leeyahay; Umad
walba ama urur walba ama qof walba oo diida ama aqbli waaya kala duwanaanshaha
dadka waxaa u danbeyneysa fashil.
Ku-kalinimada talada waa sifo kamid ah sifooyinka Eebe SWT, ciddii isku
daydaa arinkaasina waxay lamid tahay iney ilaahnimo sheegteen. Cid walba oo
Eebe ka sokaysaa waxay ku qasban yihiin iney aqbalaan talo wadaag, kala
duwanaansho, tirsi badan, is-bedel iyo horumar. Sidoo kale kalinimada Eebe
kaligii ayeey u sugnaatay, halka abuurka Eebe uu tiro badan yahay, Eebe isma
bedelo, halka abuurkiisu uu isbed-bedelo, Eebe uma baahna horumar, halka
abuurkiisa uu u baahan yahay horumar joogto ah. Marka intaas aan ged-gedino
waxaan ogaanaynaa in arimahaasi ey yihiin bud-dhigga towxiidka ama laf-dhabarta
towxiidka, sidaas aawadeed cid alaale iyo cidii damacda iney ku-kali noqoto
amarka dadku ka dhexeeyo – waxay qaadatay sifadii ilaaheey. Cid alaale iyo
ciddii sifo kamid ah sifooyinka Eebe qaadatana sida ku-kali ahaanshaha talada
iyagoo og ama ogaynba waxey ku danbeenayaan fashil iyo halaag. Arinkaasna wuxuu
Quraanka ku tilmaamay dhaqan tuulo. Eebe SWT wuxuu yiri:
وَإِن
مِّن قَرْيَةٍ إِلَّا نَحْنُ مُهْلِكُوهَا قَبْلَ يَوْمِ الْقِيَامَةِ أَوْ
مُعَذِّبُوهَا عَذَابًا شَدِيدًا ۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي الْكِتَابِ مَسْطُورًا
“tuulo aanan halaageyn ma jirto ama aanan cadaabeyn cadaab darran
qiyaamaha kahor, waana arin ku qoran kitaabka (lawxul maxfuudka).[42]
Tuulo waxa loola jeedaa kor ayaan kusoo sharaxnay. Haddaba aqriste is
weydii aawaye dawladihii iyo boqortooyinkii kalitalisnimada ku dhisnaa? Aaway
quwaddii loo yiqiin midowga soofiyeed? Aaway Hitler? Aaway qaarkii ka horeeyay
iyo kuwii ka danbeeyay? Dhamaantood wey haligmeen, sababtoo ah waxay ka
horyimaadeen qawaaniinta Eebe (SWT) u dajiyay koonkaan, wadadaas ayeeyna
marayaan qolo walba oo isku dayda iney talada umadda kaligood maroorsadaan,
Muslimiin raba iney kitaabka isku xukumaan ha noqdaan, ama gaalo aan diin
laheyn ha noqdaan’e.
[1] Suurat
Al-ikhlaas
[2] Suurat
Al-acraaf 59
[3] Suurat
Al-acraaf 80
[4] Patricia D
Netzley The stone age
[6] Suuratu Huud
87
[7] Suurat
Al-baqarah 170-171
[8] Surrat
Al-israa’ 58
[9] Al-acraaf 82
[10] Suurat
Al-israa’ 103
[11] Reza Aslan: “The very first thing that Muhammad
did was outlaw slavery
[13] Suurat al-anbiyaa’ 107
[14] Barnaby Rogerso (2003) The Prophet Muhammad: A Biography
[15] Michael H Hart - The 100: A Ranking of the Most Influential Persons
in Histor
[17] Nawaf E. Obaid (September 1999). "The Power of Saudi
Arabia's Islamic Leaders". Middle
East Quarterly. VI (3): 51–58.
[18] A History of
the Arab Peoples by Albert Hourani (1992
[19] Yaaqii iyo
Shaakir: Taariikhda islaamka cuseyb iyo qadiim (2010)
[21] John L. Esposito (edited by), The Oxford Dictionary of Islam, Oxford University Press (2004), p.
296
[25] Ibnu Bashiir:
Taariikhda Najd (pp97)
[27] confessions
of a british spy and british enmity against islam archived 9 may 2015 at the wayback
machine. 8th
edition, hakikat kitabevi, waqf ikhlâs
[28] Suurat
Al-Baqarah 113
[29]
http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&lang=&Option=FatwaId&Id=5408
[30] Suuarat
Al-Baqarah: 111-112
[31] Al-durarul Sanniyah m14/375
[32] Suurat
al-Axqaaf: 9
[33] Suurat
Al-Israa’: 84
[34] Surrat
Al-israa’ 58
[37]
Mintz, John
and Farah, Douglas (10 September 2004). "In
Search of Friends Among The Foes U.S. Hopes to Work With Diverse Group". The
Washington Post. Retrieved: 2017-07-06.
[40]
Black, Ian (24
June 2012). "Mohamed
Morsi victory is a landmark for Egypt—but a qualified one". The
Guardian. Retrieved 26 June 2017-07-07
Comments
Post a Comment