R/WASAARE CAABI AXMED: AF-MALABEYSAN & FAL DACARAYSAN!
Reysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Caabi Axmed tan iyo maalintii la doortay wuxuu ku jiray soo jiidashada qowmiyadda Soomaaliyeed ee Eebe ku beeray Bariga Afrika. Hase ahaatee, af-malabnimada reysal wasaare Caabi, waxaa daba tiil falal dacareysan iyo hagardaamooyin. Derren Brown oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bulshada, cilminafsiga iyo cilmi-denbiyeedka (Criminology) ayaa waxaa uu hadda ka hor yiri; "qof ama bulsho haddaad doonaysid inaad fikirkaaga ku shubto, waxaa marka hore lagu dayaa wax yar oo hagardaamo ah, haddey taas marto, waxaa sahal ah in tartiib tartiib wax walba loo marsiin karo, ilaa aad gaarsiiso heer aad tiraahdid dabaqa iska tuura, deedna ey falaan". Af-malabeynta Caabina sidaas ayey u egtahay. Dhigaalkaan waxaan ku eegayaa horta waa kuma Dr. Caabi Axmed? Sidoo kale, waxaan ku eegayaa talaabooyinkii uu qaaday muddada yar ee uu xukunka Itoobiya hayo, annigoo diiradda saaraya sida uu ula mucaamulay dadka Soomaali Galbeed (SG) iyo madaxdooda. Waxaan isbarbardhigi doonaa af-malabeynta iyo falka dacaraysan ee isdaba yaal.
WAA KUMA CAABI AXMED?
Caabi wuxuu dhashay 15kii Samalaho (Agoosto) ee sanadkii 1976kii, laba sanadood kadib markii la tuuray boqortooyadii gaamurtay ee Itoobiya, xukunkana ey la wareegeen ciidanka, sanad ka hor dagaalkii Soomaalida iyo iyo Xabashida. Caabi wuxuu ku dhashay tuulada taariikh ahaan loo yaqaan Kaffee—oo sida magaca laga dheehan karo ku caan baxday dallaga iyo beerashada bunka (coffee), haatanna loo yaqaan Beshasha—tuuladaas oo ku taal dawlad deegaanka Oramada Jimma. Tuulada Caabi ku dhashay oo uu ku barbaaray waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 5,000 oo qofood. Tuulada Beshasha ee Caabi ku dhashay waxay kaloo caan ku tahay beerashada qaadka loosoo dhoofiyo Soomaaliya. Caabi aabihii Axmed Cali, sidoo kale loo yaqaan Aba Dabes iyo Aba Fita wuxuu dhalay 13 caruur ah oo uu Caabi ugu yaraa, wuxuuna guursaday 4 xaas, Caabi hooyadiisna waxay aheyd xaaska 4aad, waxayna kasoo jeedaa qowmiyadda Amxaarada. Caabi, caruurnimadiisa waxaa lagu naanaysi jiray ABIYOT, oo Soomaali ahaan noqonaysa Caabiye ama kacaan.
Caabi markuu qaangaadhay sanadkii 1991kii, wuxuu ku biiray kacdoonka isbahaysiga hubeysan ee la dagaalamayay kalitaliskii Mingiste Xayla-Maryam. Caabi wuxuu kamid ahaa 200 oo nin oo Oromo ah oo ku jiray 100,000 oo maleyshiyo Tigree ah. Maadaama Oromadu ey ku yareyd kacdoonka, Caabi wuxuu si dhaqso ah u bartay afka Tigreega, taas oo u sahashay inuu darajo ka gaaro ciidamada. Goortii taliskii militariga la riday, Caabi waxaa loo diray galbeedka Wollega, halkaas oo uu kusoo qaatay tababar ciidan oo rasmi ah. Sanadkii 1993kii, Caabi wuxuu kamid noqday sirdoonka iyo isgaarsiinta ciidanka Itoobiya. Sanadkii 1995kii, Caabi wuxuu kamid noqday ciidamo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay u direen si ey u joojiyaan xasuuqii Ruwanda. Sanadihii u dhexeeyay 1998kii iyo 2000, Caabi wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Itoobiya-Iratariya, isagoo hogaaminayay sirdoonka ciidanka Itoobiya ee loo xilsaaray ogaanshaha fariisimaha ciidanka Iratariya. Sanadkii 2008dii, Caabi wuxuu noqday agaasime ku-xigeenka ha’yadda nabadsugidda Itoobiya ee loo yaqaan Ethiopian Information Network Security Agency (INSA). Caabi wuxuu ciidamada ka gaaray darajada Gaashaanle Sare (Lieutenant Colonel), wuxuuna ciidanka ka rukhseestay sanadkii 2010kii.
Dhanka waxbarashada, Caabi wuxuu darajada 1aad ee jaamacadda (BA) ka qaatay Microlink Information Technology College ee Addis Ababa sanadkii 2001dii—wuxuuna bartay maadada Computer Engineering. Darajada 2aadna (MA) wuxuu ku sameeyay Transformational leadership and change oo ka qaatay International Leadership Institute Addis Ababa oo gacansaar la leh jaamacadda Greenwich London. Sanadkii 2017kii, ayuu Caabi dhameystiray qoridda risaaladiisa PhD oo cinwaankeedu uu ahaa ‘“Social Capital and its Role in Traditional Conflict Resolution in Ethiopia: The Case of Inter-Religious Conflict In Jimma Zone state”.
TAARIIKH SIYAASADEEDKA CAABI
Caabi waa xubin katirsan xisbiga Oromada ee OPDO laga soo bilaabo sanadkii 1991ka, sanadkii 2010kii Caabi waxaa laga soo doortay deegaanka Woreda—halkaas oo loogu doortay xildhibaan aqalka baarlamaanka Itoobiya. Sanadkii 2015kii, Caabi wuxuu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga Oromada OPDO, isla sanadkaas Caabi waxaa loo magacaabay wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Itoobiya. Bishii Deyrhalolood (Oktoobar) ee sanadkii 2016ka, Caabi wuxuu noqday madaxweyne kuxigeenka deeganka Oromada. Sanad kadib, 2017kii, Caabi wuxuu noqday xoghayaha guud ee xisbiga OPDO, wuxuuna mideeyay qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah seddex meelood laba meel tirade guud ee dadka Itoobiya. 15kii bishii Todob (Febraayo) 2018ka, waxaa iscasilay reysal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn oona ahaa xoghayaha guud ee isbahaysiga EPRDF. Sharciga aan qornayn ee Itoobiya, ayaa dhigaya in xoghayaha isbahaysiga EPRDF uu noqdo reysal wasaaraha dalka. 27kii bishii Dirac (Maarso) ee sanadkaan ayeey xubnaha isbahaysiga EPRDF bilaaben iney doortaan xoghaya isbahaysiga oo noqonaya reysal wasaaraha dalka.
Xubnuhu waxay dhammeeyaan 180 xubnood oo ka kala socday 4ta xisbi ee uu ka kooban yahay isbahaysiga ee kala ah: OPDO, ANDM, SEPDM and TPLF. Caabi waxaa la tartamayay: Demeke Mekonnen reysal wasaare kuxigeenkii hore, Shiferaw Shigute oo ahaa xoghayaha guud ee SEDM iyo Debretsion Gebremichael hogaamiyaha xisbiga Tigreega ee TPLF. Inkastoo Caabi ugu cadcaddaa doorashada, haddana wuxuu la kulmay iska caabin weyn oo kaga timid dhanka isxulufaysiga SEPDM iyo TPLF. Afarta xisbi, xisbi walba wuxuu leeyahay 45 cod, judhii horaba Caabi wuxuu helay 90 codood oo katimid labada isbahaysi ee OPDO iyo ANDM, wuxuu sidoo kale helay, 18 codood oo sir aheyd oo katimid xisbiyada kale. Caabi wuxuu helay wadar codeed ah 108 codood, sidaasna wuxuu ku noqday xogahayaha isbahaysiga EPRDF iyo reysal wasaaraha 15aad ee Itoobiya.
AF-MALABEYNTA CAABI
Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Caabi, wuxuu la yimid firfircooni dheeraad ah iyo himilo wanaagsan oo uu ku bandhigayay inuu doonayo inuu mandiqadda geeska Afrika nabdeeyo. Wuxuu safaradiisii ugu horreeyay ku tagay dhammaan geyiga Geeska, isagoo muujinaya inuu doonayo in mandiqadda la mideeyo, dhaqaalaheedana kor loo soo qaado. Caabi wuxuu soo afjaray colaadda ka dhexeysay Itoobiya iyo Iratariya, isagoo dalkaas ku tagay booqasho—halkaasna heshiis kula saxiixday madaxweynaha dalka Iratariya Asiyas Afawarqi. Sidoo kale, Caabi wuxuu booqasho ku tagay dalka Soomaaliya, isagoo halkaas kula saxiixday madaxda federaalka is-afgarad maalgashi oo ku aaddan dekedaha Soomaaliya.
Caabi wuxuu in badan ku celceliyay inuu doonayo inuu mandiqadda geeska Afrika ku mideeyo hal dal. Sidoo kale, Caabi oo iska-gadaya shacabka Soomaaliyeed wuxuu ogolaaday in la beddelo magaca iyo astaanta calanka Soomaali Galbeed, run ahaantiina ma’aha axsaan uu Caabi u sameeyay Soomaalida ee waa xaq uu siiyay dastuurka Itoobiya.
Caabi wuxuu ku guuleystay inuu isku keeno madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, ka gadaal is-maandhaaf diblomaasiyeed oo ka dhex qarxay labada dal, bishii lasoo dhaafay. Nabaddoonnimada Caabi ma'aha miduu "fiisabii-lillaah" u sameynayo, ee wuxuu labada dalba ka leeyahay dano istiraatijiyeed, Soomaaliyaba haba u badnaatee. Waxaa sax ah, oo ila qumman, haddii Soomaaliya cid la heshiinayso ama la colloobayso iney iyada kasoo go'do, ee aan loo kala tarjumin iyada iyo cidda wax kala dhexeeyaan.
Caabi wuxuu ku guuleystay inuu isku keeno madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya, ka gadaal is-maandhaaf diblomaasiyeed oo ka dhex qarxay labada dal, bishii lasoo dhaafay. Nabaddoonnimada Caabi ma'aha miduu "fiisabii-lillaah" u sameynayo, ee wuxuu labada dalba ka leeyahay dano istiraatijiyeed, Soomaaliyaba haba u badnaatee. Waxaa sax ah, oo ila qumman, haddii Soomaaliya cid la heshiinayso ama la colloobayso iney iyada kasoo go'do, ee aan loo kala tarjumin iyada iyo cidda wax kala dhexeeyaan.
FALALKA DACARAYSAN EE CAABI
Sida kor ku xusan, Caabi waa nin xirfado badan—oo shaqooyin kala duwan soo qabtay. Caabi waa askari soo dagaalamay, Caabi waa jabhad soo jabhadeeyay, Caabi waa aqoonyahan waxbartay, Caabi waa siyaasi yaqaan luuqluqyada siyaasadda, Caabi waxaa iska dhalay Oromo iyo Amxaaro. Iskusoo wada duuboo Caabi waa nin wajiyo badan oo macne badan. Isagoo ka faa’iideysanaya xirfaddiisa wajiyada badan ayuu Caabi qowmiyadda Soomaaliyeed kula dhaqmay ciyaar xirfaddeedu aad u sareyso oo ah AF-MALABEYSAN IYO FALAL DACARAYSAN. Caabi oo ka faa’iideysanaya tafraaruqa shacabka Soomaali Galbeed (SG) iyo la dagaalanka madaxdooda, ayuu wuxuu amray in madaxweynihii DDSI mudane Cabdi Iiley xukunka laga tuuro, wuxuuna beddelkiisa keenay nin isaga ku aragti ah, wadadii doono haloo maree. Isagoo gacanna Soomaalida u af-malabeenaya, ayuu gacanta kale ku taageeray reer tolkii Oromo weerarada isdaba jooga ah iyo xasuuqa ey u geysteen umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan agagaarka Mooyaale.
Waxaa laga yaabaa in Caabi uusan dagaalka Oromada si toos ah u wadin, yeelkadeed, Caabi waa reysal wasaaraha dalka. Iska indha saabiddiisa falalka reer tolkiis, waxay khuburada siyaasadda ku fasireen in ugu yaraan raali uu ka yahay falalkaas, hadduusanba si toos ah dabada uga riixeyn. Dabayaaqadii bishii hore, wuxuu Caabi ka qeybgalay shir ey isugu yimaadeen qowmiyadaha Itoobiya, kaas oo ka dhacay magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, halkaas oo Caabi uu kaga dhowaaqay in saamiga shidaalka laga qodayo dhulka Soomaalida ey Soomaalidu ku leeyihiin wax ku siman 5% oo kaliya. Arrinkaan oo markii Caabi lagu qabsaday uu ku fasiray inuu ula jeedo dadka degan deegaanka shidaalka laga qodayo, ee uusan ula jeedin Soomaalida. Waa yaabee, dadka degen Shilaabo sow ma’aha dad Soomaaliyeed oo hoos yimaada DDSI? Maxay kala yihiin dadka shilaabo iyo dawladdooda? Caabi wuu ku fashilmay inuu caddeeyo hadalkiisa, sidoo kale, markuu hadalkiisa qoondada fasirayay kuma xusin qoondada guud ee DDSI, ee 5%kii ayuu ku wareejiyay deegaanka shidaalka laga qodayo, isagoon sheegin waxa ey heleyso DDSI! Hadalkaan dhinac walba oo loo rogo waxa uun uu sheegayaa in qoondada Soomaalidu tahay 5%, ama hala siiyo dadka Shilaabo (oo dabcan ah Soomaali) ama dawladdooda guud ahaan.
Caabi markii la doortay wuxuu sheegay inuu la dagaalamayo musumaasuqa iyo caddaalad darrada. Hase ahaatee, tan iyo markii la doortay, qolada kaliya ee seeftiisa laga adeejiyay waa Soomaalida. Oromadu oo xasuuqyo u geysatay dadka Soomaaliyeed ilaa imminka hal askari lagama soo qaban. Sidoo kale, Tigreegii 28kii sanandood ee ugu danbeeyay ku calanwalleenayay Itoobiya dhinacooda lamaba eegin. Taa beddelkeeda, dhammaadkii bishii hore, ayuu Caabi si sharcidarro ah usoo diray guutooyin kamid ah ciidanka federaalka Itoobiya iney qabtaan Jigjiga, caasimadda dawladda Soomaalida, halkaas oo uu ka dhacay isku dhacyo kooban oo dad ku dhinteen, iyo bililiqo la bililiqeystay hantidii dawladda Soomaalida. Waxaas oo dhan waxaa ka mas’uul ah Caabi. intaas kuma ekaanee, wuxuu shalay xabsiga dhigay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Iiley).
Khubarada u dhuun duleela siyaasadda Geeska Afrika, waxay xariga Cabdi Iiley ku micneeyeen:
1) In Caabi uu kaga aargoosanayo dadkii Oromada ahaa ee uu Cabdi ka musaafuriyay deegaanada Soomaalida kadib markii ey dagaalo kala hoyimaadeen dadka Soomaalida, dadkaan oo lagu qiyaaso ilaa 1 milyan oo qofood.
2) Inuu fariin ah weysha qal dibbigu haku quustee uu u dirayo madaxdii hore ee Itoobiya ee u badan qowmiyadda Tigreega, kuwaas oo dadkoodii dhex jooga.
Waxay khubaradaan meesha ka saareen sheegashada Soomaalida ey sheeganayaan in Cabdi loo xiray denbiyada uu ka galay dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqata dhinaca kale ee Caabi inuu yahay dacar—oo u xoog weyn yahay madaxdii hore ee Soomaalida, maadaama uusan ku dhicin madaxdii hore ee Itoobiya oo idil, oo iyagu ah qaarkii falal denbiyeedka waa weyn geystay. Haddii Caabi ey run ka tahay inuu cadaalad-darrada la dagaalamayo, Cabdi iileeyna uu sidaas usoo xiray, muxuu usoo xiri waayay madaxda qowmiyadaha kale ee iyaguba geystay falal ka badan kana waa weyn kan cabdi Iileey? Maxaa loo waayay in lasoo xiro madaxdii Oromadu oo iyagu fal-denbiyoodkoodu uu qoyan yahay? Aawye kuwii Tigreega iyo Amxaarada?
GUNAANAD
Iskusoo wada xooriyoo, Caabi waa nin ah ciyaaryahan khadka dhexe oo kubadda dhinacyo badan u laadi kara. Caabi isagoo ka faa’iideysanaya xirfadihiisa kala duwan ee leh; ciidan, aqoon, jabhad iyo siyaasad ayuu wuxuu doonayaa inuu ciyaaro shax ciyaareed ey adag tahay iney fahmaan dadka badidiis. Caabi waa af-ku-malable, fal-ku-dacarle. Gacan wuxuu kusoo jiitaa masaakiinta aan fahansaneyn ciyaarta siyaasadda, gacanta kalana wuxuu dhabarka kala dhacaa ableeyo sun ah oo aan laga soo waaqsan karin. Soomaali Galbeed waxaa la gudboon iney ka feejignaadaan hagardaamooyinka uu ninkaan la damacsan yahay, iyo iney diidaan iney noqdaan halaqmareen loosii maro colaadda ka dhexeysa Caabi iyo Tigrrega. Sidoo kale, dawladda Soomaaliya waxaan kula talin lahaa iney aad uga taxadarto macluumaadka ey Caabi la wadaageyso. Sidaan marar badan xusay, Cabdi iiley waa denbiile denbiyo ka galay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya, waxaana ila qumman iney dawladda federaalka Itoobiya ka dalbadaan in Cabdi lagu soo wareejiyo—oo iyagu ey maxkamadeeyaan. Haddii kale waxay u ekaan maxkamaddii Mareykanka ee Baqdaad, ee la saaray Saddaam Xuseen.
Comments
Post a Comment