SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA, LOOGANA ADKAAN KARAA ARGAGAXISADA IYO FIKIRKA XAGJIRKA?
SIDEE LOOGA HORTAGI
KARAA, LOOGANA ADKAAN KARAA ARGAGAXISADA IYO FIKIRKA XAGJIRKA?
Horudhac
Musiibo goorteey dhacdo qof walba oo
damiir lihi wuxuu isku dayaa inuu ka qeyb qaato siduu dhibkaas wax uga qaban
lahaa. Taasina waa ficilo asal ah oo ey ka siman yihiin dhamaan dadka basharka
ah, Muslim iyo qaar aan Muslim aheynba. Waxaaba la dhihi karaa waa mid ku jrta
DNA-da ama dhiiga baniiaadanka. Laakiin, waxaa lagu kala duwan yahay qaabka
lagu xalinayo musiibaddaas. Tusaale; hadduu guri dab qabsado iyadoo la hurdayo
amaba lasoo jeedo, dadka gurigaas ku sugan xiligaas qofba si gooni ah oo ka
duwan kan kale ayuu ula tacaalaa siduu dabkaas ku damin lahaa. Qof baa biyo uu
dabka ku damiyo raadsada, qofbaa ciid ku shuba, qof baa afuufa, qof baa
teleefoonka qabsada si uu ugu yeero dabdamiska, mid baa laga yaabaa inuusan arimahaas
midna sameyn oo la dayoobo (wareero) xaaladda aloosan oo aan waxba sameyn oo
meel iska fadhiista. Dhamaanna mid walbaa sidiisa goonida ah oo ku xadiddan
awoodiisa garasho, dareen iyo karti ayuu ku saxan yahay; waa haddii uusan isku
arkeyn in kaligii uu saxan yahay –dadka kalana qaldan yihiin. Waxaan intaas uga
gol leeyahay oo marag ma doonto ah inaan ku jirno xili adag oo dalkeena iyo
dalalka muslmiintaba ey la basayaan afkaar xagjireed oo ka daran dab taas oo loo
tiirinayo diinteena suuban. Taasina waxay keentay in dadkii muslimiinta ahaa
dhiigooda iyo maalkoodaba la baneystay. Wiilasheena iyo gabdhaheenana maskaxdii
laga dhaqay oo lagu soo jeediyay iney colaad u qaadaan lana dagaalamaan dadkooda.
Maadaama ey dadka badidii qirsan yihiin in musiibo ina heysataa, oo dadka
inkirsan dhibkaas ey yihiin xoogaaga maskaxda laga dhaqay – hadaba dhibkaan
waxaa looga bixi karaa innagoo soo saarna cudurka iyo meesha uu naga soo galay,
deedna si wadajir ah u raadina dawada cudurkaas.
Waxaa iyanna muhiim ah, inaan isla qeexno
oo isla afgarano cudurka na heystaa noocuu yahay; hadaba waa maxay argagaxiso?
Yaa ku sifoobay argagaxisanimo? Sidee looga hortagi karaa fikirka xagjirnimada
intuusan isku bedelin ficil argagixiso? Waa maxay xalka? Aragagixisadu waa
rabshado dagaal oo lagu qaado dad shacab ah si loogu gaaro ujeedooyin
siyaasadeed. Haddii aan si kale u dhigo; argagaxisadu waxay inta badan
bar-tilmaameysataa meelaha dayacan ee aan is difaaci karin, sida meelaha
shacabku isugu yimaado ee suuqyada, hoteelada, meelaha cibaadada iwm –si ey
dawladda ama maamulka meeshaas ka jira ugu maquuliyaan ujeedooyinkooda
siyaasadeed. Waxaan qormadan gaaban aan isku dayi doonaa bal inaan xoogaa
iftiimiyo sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo loona soo afjari karo
dhibaatooyinka xagjirnimada iyo aragagixisadaba. Waxaan sidoo kale qormadaan ku
xusayaa talo iyo tusaaleyn aan isleeyahay haddaan dhaqan gelinno waxay daawo u
noqoneysaa jahwareerka fikireed ee ku habsatay dhalinteenna.
Maadaama eynu nahay dad Muslimiin ah
waxaa muhiimn ah markeynu la kulano xaalad walba inaan u laabano Quran-ka iyo
sunnaha. Hadaba Quran-ku muxuu ka yiri argagixisada? Ilaaheey SWT wuxuu yiri: “qofkii naf dila, naf
la’aan (yacnii xaqdarro ku ku dila) ama dhulka fasahaadiya wuxuu la mid yahay
qof dadka oo dhan dilay; qofkii naf badbaadiyana wuxuu la mid yahay qof dadka oo
dhan badbaadiyay” (Quran, 5:32). Ilaaheey SWT wuxuu na barayaa oo noo qeexayaa
waxa ey tahay argagaxisanimadu iyo sifaadka ey leeyihiin dadka argagixisada iyo
ciqaabtooda. Hadaba haddeynu si dhow u tijaabinno sifaadka ilaahey ku sheegay
argagaxisanimadu waxaa cad argagixisadu iney dadka oo dhan dhiigooda baneysteen
gaal iyo Muslim, Somalí iyo ajnabi, saqiir iyo kabiir, rag iyo dumar. Xaqiiq
ahaan waxay dhiigooda baneysteen qof walba oo aan la fikrad aheyn. Hadaba
waxaan si wadjir ah u aqoonsanay innagoo tixraaceyna kana duuleenaa sifooyinka
eebe innoogu caddeeyay aayadda kor ku xusan, oo ah in argagaxisanimadu ey tahay
wax aan islaamka shaqo ku laheyn, xaqiiqdiina kasoo horjeeda fariimaha Quran-ka.
sidaa daraadeed argagixisada ama dalkeena ha joogeen ama UK ha joogeen, ama
meehsey rabaan ha joogeenee waa inaan aaminaa fikrad ahaan iyo diin ahaanba
iney ka baxsan yihiin oo kasoo horjeedaan tacliimaadka islaamka.
SOOYAALKA ARGAGIXISADA ADDUUNKA
Inteynaan ka jawaabin oo eynaan falanqeyn
jawaabta su’aasha kor ku xusan oo ah cinwaanka maqaalkeygaan, bal eynu si
wadajir ah u milicsano waxna ka barano sooyaalka argagxisada adduunka, innagoo
isla qaadaa-dhigeyna sida fikirkaan uu ugu baahay dunida, iyo meesha uu salka
ku hayo jiridda geedkiisa, iyo sida uu kusoo caga dhigtay dalkeena. Culumada
taariikhda waxay sheegaan in inta ey taariikhda baniiaadanku jirtay fikirka
argagixisada iyo xag-jirnimada ku dhex nooleed bulshooyinka dunidaan kusoo
noolaa diinteey doonaan ha heesteen. maadaama eynaan maqaalkaa yar kusoo koobi
karin macluumaadka ku saabsan taariikhda argagixisada min alif ilaa ya, bal
waxaan isku dayayaa inaan xoogeey ka taabto taariikhdooda. Haddeynu ka bilowno
taariikhda casriga ah waxaynu u tageynaa dagaaladii argagixisada saliibiyadda
(crusades) ee qarnigii 11aad ey kusoo
qaadeen dhulka muslimiinta gaar ahaan magaalada Qudus, halkaas oo ey ku laayeen
kumanaan kun oo Muslimiin ah, xataa yuhuuddii Muslimiinta la degeneyd wey
laayeen. Taariikh yahanadda Karen Armstrong ee u dhalatay dalkaas Mareykanka buugeeda
la yiraahdo (The crusaders and their impact on today’s world) waxay si khibrad
leh u taxliilisay saliibiyadda iyo saameynta ey ku leedahay dunida maanta. Inta
na khuseesa haddaan kasoo qaadano waxay ku sheegtay buugeeda iyadoo soo xigatay
mid kamid ah hogaamiyeyaashii dagaalka saliibiyadda oo lagu magacaabi jiray
Raymond Aguiles waxay tiri: ‘ninkaan wuxuu indhahiisa ku arkay masaajidada ku
yaala magaalada Qudus oo isku bedelay webiyo dhiig ah, wuxuu yiri markaan muslimiinta
ku leynay oo qoorta kaga jareynay masaajidada gudaheeda dhiiga wuxuu noo joogay
jilbaheena” Karen iyadoo sii wadata hadalkeeda waxay tiri, saliibiyiintiii
waxay qirteen iney laba maalmood gudahood ku xasuuqeen 40,000 oo muslimiin ah
(Armstrong, 2002).
XAGEE SALKA KU HAYAA FIKIRKA
XAGJIRNIMADA?
Hadaba bal eynu si wada jir isugu dayno
inaan ka jawaabno qeybta labaad ee su’aasha ee ah xagee salka ku hayaa fikirka
xagjirnimada? Waxaynu kor kusoo xusnay xagjirnimo iyo islam ineysan is qaadan
karin oo is diidayaan. Hadaba haddeynu milicsano qaar kamid ah fikradihii ka
hana qaaday dunidan waxaan u tageynaa rag badan oo dunida xaga fikirka wax ka
bedelay oo isugu jira saynisyahanno iyo feylasuufyo, qaar Muslimiin ah iyo qaar
badan aanan aheyn. Shaqsiga aadka usii saameeyay xaga fikirka dunida casriga ah
waxaa ugu horeeya saynisyahanka u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo
Charles Darwin iyo fikirkiisa loo yaqaan ‘Darwanism’ ama ‘Evolution’. Charles
Darwin wuxuu dhamaadkii qarnigii 19aad qoray buug la magac baxay ‘the origin of
species’ ‘aslaka noolaha” (Darwin, 1859).
Darwin wuxuu buugiisa kusoo bandhigay
aragti loogu yeeray ‘Evolution’ oo uu ku sharaxay buugiisa, waxaana uu Darwin u
gogol xaaray aragti hadda dunida oo dhan ka hirgashay ooba noqotay qaacido
saynis ah. Darwin waxaa uu yiri nolosha wey is
hormarisaa oo wey is bedeshaa kaligeed iyadoon cidna abuurin ama bedelin.
Isagoo aragtidiisa hormarinaya ayuu wuxuu qoray qaacidada sida weyn dunida uga
hirgashay ee la yiraahdo ‘survival of the fittest’ ‘noloshu waa rafaad, kii
xoog badan baa badbaadaya’, isagoo tusaale usoo qaatay in xayawaanada midba
midkuu ka itaal roon yahay cuno, Waana fikradda ey qaateen gumeystayaashii reer
galbeedka ahaa markeey wadamada bariga kusoo duuleen. Halkaas oo ey si
argagixiso leh u gumaadeen malaayiin kamid ah dadkii dhulka ey tageen ku noolaa
iyagoon u aaba yeelin rag iyo dumar, ama saqiir iyo kabiir, dhacayna wax alaale
iyo wixii kheyraad ah oo ey qaadan kareen. Sababtoo ah waxay ka duulayeen
fikirkii Darwinism ee ahaa ‘noloshu waa rafaad, kii xoog badan unbaa badbaadaya’
(Joll, 1990a). Sidoo kale, dagaaladii lagu hoobtay ee
aan taariikhda bashariyada mid lamid ah lagu arag; sida dagaalkii 1aad ee
adduunka oo dad kor u dhaafaya 20 million ku naf waayeen, tiro intaas seddex
jibaarkeed ahna ey ku dhaawacmeen ee sanadihii u dhexeysay 1914-1918kii,
taariikh yahanka reer ingiriis James Joll (Joll, 1990b) wuxuu buugiisa “Europe
since 1870” ku sheegay in madaxda iyo hogaamiyeyaashii dagaalka 1aad ee
adduunka ey ka duulayeen fikraddii Darwinism ee aheyd ninkii xoog leh ayaa
reerka u haraya, noloshuna waa rafaad. Tusaale, janankii hogaaminayay ciidamada
Austro-Hungary Chief of staff Franz Conrad Von Hoetzendorff wuxuu ku qoray
buugiisa xusuus qorka dagaalkii 1aad ee dunida “qolo walba waxay u
dagaalameysay ineysan casho u noqon qolada kale oo aan la cunin” jananku wuxuu
caddeeynayaa in dhamaan wadamadii ka qeyb galay dagaalkii 1aad ee adduunka ey
ka wada duulayeen fikirkii Darwin (Yahya, 2002).
Ku darso, dagaalkii 2aad ee adduunka ee sababay dhimashada 55
million oo dad ah iyo tiro ka badan oo dhaawcantay oo lugaha ama gacmaha
go’een. Xiligaas Europe qolaba qoladeey ka xoog weyneed ayeey baabi’isay,
tusaale ahaan Germany iyo hogaamiyahoodii Adolf Hitler waxay si ba’an u
gumaadeen Yuhuuddii ku nooleed qaaradda Europe waxay taariikhyahanadu qoreen in
6 sanadood oo qudha uu Hitler gumaaday 6 million oo yuhuud ah (Green, 1978). Hitler
oo loo sababeeyo bilaabista dagaalkii 2aad ee adduunka wuxuu aad u aaminsanaa
fikirka Darwin ee ninkii xoogleh ayaa xaajo u toostaa. Hitler buugiisa ‘mein
kemf’ ‘halgankeygii’ wuxuu ku xusay aragtidiisa xagjirnimada in dadka cad ee
indhaha buluuga leh ka nasabsan yihiin dadyowga kale, loona baahan yahay in
rafaadka nolosha lala halgamo inta tabarta darana birta laga aslo (Hitler,
1967). Gabagabadii dagaalkii 2aad ee adduunka dawladdii mareykanka waxay
magaaloyinka Hiroshima iyo Nagasaki ku rideen nuclear halkaas oo ey judhiiba ku
naf waayeen dad ka badan 200,000 oo qofood, iyo malaayiin kale oo uu si xun u
saameeyay caafimaadkooda iyo caafimaadka caruurtooda, ninkii madaxweynaha ka
ahaa Mareykanka xiligaas Harry S Truman, wuxuu aaminsanaa aragtidii Darwinism
ee aheyd ninkii xoog badan ayaa badbaadaya (Walker, 2005).
Gebi ahaan taariikhdaas kor ku xusan waxay salka ku heysaa aragtida
aragagixisada ee ka dilaacday wadamada islaamka dhamaadkii qarnigii tagay, ee ah
in xalku ku jiro qoriga caaradiisa iyo ninkii xoog badan ayaa haraya. Argagixisada
ku qaraabata magaca islaamka waxay iyagoo og ama ogeyn dabakhaan aragtida
Darwin ee ah ninkii xoog leh ayaa badbaadaya iyo in dadku kala fadli badan
yihiin dhalasho ahaan. Iyagoo gebi ahaan meesha ka saaraya tacliimaadkii
Quran-ka ee ahaa in dadku siman yihiin ilaa cabsi eebe mooyee (Quran 49:13),
iyo in kan daciifka loo dhimriyo, in waayeelka loo naxariisto, in dumarka loo
axsaan falo, in maxaabiista aan la jir dilin, in xataa xayawanaadka loo
naxariisto, in dadku ku dhaqmaan cadaalad, cadaalad in loo sameeyo dadka xataa
hadduu qofku kamid yahay cadowga. Ilaaheey SWT wuxuu Quran-ka ku yiri: “kuwa
Alle iyo rasuulkiisa rumeeyoow ahaada kuwa ku taagan cadaaladda oo marqaatiyaal
ilaahey ah, cadaaladda fala xataa haddii aad ku oogeysaan naftiina ama
labadiina waaalid, ama qaraaba, haddii ey hodan yihiin ama fuqaro Allah ayaa ka
mudan in la raali galiyo” (Quran, 4:135). Haddaba wey adagtahay qof Muslim ah
oo ku dhaqma Quran-ka inuu qaato fikir xagjirnimo amaba uu noqdo argagixiso,
sababtoo ah sidaan kor kusoo aragnay xagjirnimada iyo argagaxisanimada waa
dhaqanka dadka aan Allah SWT rumeysneyn ee aamnisan waxwalba iney is
hormariyaan oo uusan jirin cid abuurtay ama maamusha iyo noloshu iney tahay
rafaad oo uu kii xoog badan oo kaliya uu badbaadayo. Si kale haddaan u dhigo;
qofka xagjirnimada aaminsan ama argagixisada sameeya waa khilaafay wuxuu
rasuulku SCW la yimid oo fariimo ah. Midda kale Quraanku wuu xaaraamtimeeyay in
naf gardarro lagu gooyo, ama dhulka la fasahaadiyo (dadka la argagax geliyo).
WAA MAXAY XALKA?
Haddaba sidee looga hortagi karaa
xagjirnimada laguna baabi’in karaa argagaxisada? Waxaa fiican si aan u daweeyno
ama uga hortagno cudurkaan soo galootiga ku ah diinteena suuban iyo dalkeenaba oo
aan meelna kasoo gelin shareecadeena iyo dhaqankeena. Waxaa muhiim ah marka
hore; inaan annaga inteena ilaahey ka caafiyay cudurka xagjirnimada ku dhaqano
oo dabakhno akhlaaqiyaadka Quranka ee ah aaminaada ilaahey iyo rusushiisa, iyo
isku dhimrin, in loo naxariisto kuwa tabarta darran iyo kuwa da’da weyn, inaan
dadka loo xoog sheegan, inaan loogu awood sheegan aqoon, maal, diin, qabiil iwm.
Eebe SWT wuxuu Quran-ka innagu baray wanaaga wuxuu yahay Allah wuxuu yiri:
‘wanaagu ma’aha inaad wajiyadiina u jeedisaan bariga iyo galbeedka (qorax
u-dhac, iyo qorax kasoo-bax), ee wanaagu waa; qofkii Eabe rumeeya iyo maalinta
qiyaame, oo rumeeya malaaikta iyo nabiyada, maalkana bixiya isagoo jecel –isagoo
siinaya qaraabada, agoonta, masaakiinta, musaafirka, kuwa tuugsada, xoreeya
adoomada salaadda ooga zakadana bixiya, kuwa oofiya balanta markey balan
qaadaan kuwa ku sabra faqriga iyo cudurada, sabrana xiliga cadowga ey la
dagaalamayaan (xiliga jihaadka) kuwaas ayaa run sheegay waana kuwa Allah ka
baqa” (Quran, 2:177).
Sidaan wada ogsoonahay la dagaalanka
argagaxisada iyo xagjirnimada waxaa ku fashilmay wadamo waa weyn oo dhaqaale
iyo cudud military-ba malaayiin mar naga badan. Haddaan tusaale usoo qaato
wadanka Mareykanka; laga soo bilaabo sanadkii 2001dii miisaaniyadda la
dagaalanka aragagixisada waxay aheyd $354 billion, sanadkii 2011kii
miisaaniyadda waxay gaadhay $721 billion waxay kor u kacday 104%, 2015
miisaaniyadda la dagaalanka argagaxisad waxay gaadhay $1.11 trillion (Project,
2016). Xagga khasaaraha nafta la
dagaalanka argagixisada waxaa dawladda mareykanka kaga dhintay kumanaan isugu
jira askar iyo shacab. Marka waxaa halkaas ka cad in cudud military uusan xalka
aheyn, maxaa yeelay aragagixisada waxay ku dagaalamayaan fikir, waana in xagga
fikirka lagala dagaalamaa. Hadaba si looga hortago loona baabi’iyo fikirka
xagjirnimada waa:
· in dhamaan manaahijta waxbarashada laga
bilaabo dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed lagu daraa culuum la xiriirta in
diinteena suuban eysan shaqo ku laheyn argagixisanimada.
· In culumada masaajida tafsiirka iyo
culuumta axaadiista ka aqrisaa loo furaa tababaro wacyigelin oo joogta ah,
iyadoo la sameenayo baaritaano ku saabsan waxa ey diinteena ka qabto
argagixisada iyo afkaartooda xagjirnimada ah.
· Inaan wadaadadeena, imaamada,
macalimiinta dugsiyada Quraanka iyo macalimiinta iskuulada la siiyaa tababaro
ku saabsan cilmiga bulshada iyo cilmiga waaqica (social science).
· In la furo xarumo dhaqan celin oo la
geynayo dhalinyarada maskaxda laga dhaqay, halkaas oo lagu barayo macaanka
diinteena islaamka iyo in diinteena ey kasoo horjeedo wax alaale iyo wixii
argaggxiso ah ama xagjir ah.
· Waa in da’ yarta la baraa dardaarankii
nebigeena SCW ee ku aadanaa khawaarijta.
· Waa in sidoo kale la baraa da’ yarta oo
xoog la saaraa in diinteena ey tahay diin jeceyl, naxariis, dhimrin iyo
taakuleyn.
· Waa in dhalinta la baraa bah wadaagta iyo
asal ahaanta fikirka argagaxisada inuu yahay fikirka Darwin “survival of the
fittest”.
· Shaqo abuuris, waa in djhalinyarada laga
kaafiyaa baahida e yuga mid noqonayaan argagixisada oo shaqooyin loo abuuraa.
GUNAANAD
Gabagabadii maqaalkan gaaban; waxaan ku
talinayaa in dhalinteena la baro taariikhda diinteena ee saxda ah iyo sida ey
dunida afarteeda jiho u gaadhay iyadoon seef la qaadan, laakiin macaamalo iyo
akhlaaq wanaagsan ey aheyd hubkii muslimiintii naga horeysay. Waxaan isla soo
aragnay taariikhda aragagaxisada iyo ineysan sal iyo baar toona ku laheyn
diinteena suuban. Sidoo kale waxaan isla aragnay in fikirka argagaxisada uu bah
wadaag la yahay oo uu 100% waafaqayo fikirkii Darwin iyo Hitler ee ahaa
“survival of the fittest” “kii xoog roon
baa badbaadaya”. Waxaan kaloo isla qaadaa dhignay inaan xagjirnimada iyo
argagaxisadaba la maquulin karin iyadoo uun la isticmaalayo awood military,
laakiin loo baahan yahay in xaga fikirka iyo aqoonta lagula dagaalamo, oo
dhalinyarada wax la baro.
TIXRAAC (BIBLIOGRAPHY)
· Armstrong, K. (1988). Holy War.
London: Macmillan.
· Armstrong, K. (1988). Holy War.
London: Macmillan.
· Darwin, C. and Beer, G. (1996). The
origin of species. Oxford: Oxford University Press.
· Green, G. (1978). Holocaust. New
York: Bantam Books.
· Hitler, A. (1967). Mein Kamf.
New Delhi: Sagar Publications.
· Joll, J. (1990). Europe since
1870. London: Penguin.
· Joll, J. (1990). Europe since
1870. London: Penguin.
· Project, N. (2016). Military
Spending in the United States. [online] National Priorities Project.
Available at:
https://www.nationalpriorities.org/campaigns/military-spending-united-states/
[Accessed 23 Mar. 2016].
· Surah Alhujuraat (Quran, 49:13).
· Surah
Albaqarah (Quran, 2:177).
·
Surah Alma’idah (Quran, 5:32).
· Surah Annisaa’a (Quran, 4:135).
· Walker, S. (2005). Shockwave.
New York, NY: HarperCollins.
·
Yahya, H. (2002). Islam denounces terrorism. Güneşli, Istanbul: Arastirma Pub.
Comments
Post a Comment