SOOMAALAAY NACAYBKA ETHIOPIA MIYAAD KU DHALATEEN?
SOOMAALAAY NACAYBKA
ETHIOPIA MIYAAD KU DHALATEEN?
Dabcan ilmuhu kuma
dhasho nacayb, ee wuxuu dhashaa asagoo maskaxdiisa iyo maankiisuba nadiif
yihiin una diyaarsan yihiin in wax lagushubo. Hadaba hadeeynaan ku dhalanin
nacaybkan xadhkaha iyo xeeyndaabka goostay ee aan u qabno Ethiopia xagee buu
inaga soo galay? Su’aashaas ayaan qormaddaan ooga jawaabi doonaa idamka Alle.
Waxeey taariikhyahanaddu
wariyaan, inuu Imaam Axmed Gurey ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Holiya,
guluf colaadeedna kuqaadda boqortooyaddii geesaha weeynayd ee ku gaamurtay geeska
Afrika, taas oo la odhan jiray Abyssinia. Sanadihii u dhaxeeysay 1520—1543,
wuxuu Imaam Ahmed Gurey gilgilay garbaduubna usoo qabtay dhul balaadhan oo
halbowle u ahaa Boqortooyaddii Abyssinia. Waxaana kamid ahaa Magaaladda Harar
oo maamulkiisa saldhig u noqotay.
Ujeeddada Imaam Axmed
Guray u dagaalamayay waxaa ugu muhiimsanaa laba arimood. Waa midee, waxaa jiray
loollan Diimeed oo aad u adag kana dhex aloosnaa Geeska Africa. Imaamku kolkaas
wuxuu rabay inuu xididadda u siibo boqortooyadan gaamurtay uuna gaadhsiiyo
nuurka iyo naruuradda diinta Islaamka. Waa mida labaadee, Imaamku wuxuu ahaa gobonimo
u dirir; oo waxuu rabay in uu yagleello dowlad Islaam oo xor ah – Soomaaliduna
hogaanka u haysa. Dagaaladdii miciyaha la isula tagay oo khasaaro nafeed iyo
mid maalba dhaxalsiisay labada dhinacba kasokoow; waxaa abuurmay nacayb labadda
bulsho ay isu qabaan oo midibba midka kale meeshuu ku arkaba unuunka ku gooyo.
Labadii ujeedo ee uu Imaam Axmed Gurey u dagaalamay (diinta Iyo xornimadda)
waxaan odhan karnaa waxaa u hirgalay midii diinta. Waayo, waxaa la wariyaa xilligii
ay dawladiisu saldhiga u ahayd magaaladda Harar inuu ahaa xilligii qoomiyadaha
Oramadda, Tigreega, Uraagadda, Canfarta iyo qeybo badan oo deegaanadii iyo
dadkii Abyssinia la odhan jiray uu Islaamku si fiican u gaadhay. Nasiibdaro,
Imaam Axmed Gurey uma suurtagelin inuu calan Soomaaliyeed ka taago gayiga
Soomaaliyeed.
Waxaa kolkale dabka iyo
Baasiinku istaabteen, oo hulaaqa hanfiga kululi watay Soomaalidda haf kusoo
galay, kolkii Halgamaaggii Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan uu
mudh usoo yidhi bulshaddii Soomaaliyeed ee u muuqatay ineeyba habsoowday oo
ayna marnaba heeryadda gumeeysiga iska qaadi karin. Sayidku wuxuu mar qudha
bulshadda Soomaaliyeed farta ugu wada fiiqay Ingiriiskii, Talyaanigii iyo
Boqortooyaddii Abyssinia oo u xuubsiibatay Ethiopia. Sayidku wuxuu sedexdaa
dowladoodba ku dhuftay shaabad ay adagtahay in ay khadiisa iska tirtiraan,
tiimbarahaas oo ahaa Gumeeyste iyo cadow Islaam. Dagaaladdii ba’anaa ee digadda
iyo dambaaburadda la iskaga dhigay ee Sayidku la galay Boqorkii 111aad ee la
odhanjiray Haile Selassie, ee ahaa ninkii soo khatimay Boqortooyaddii Abyssinia
ee 3000 ee sano jirtay. Waxeey bulshadda Soomaaliyeed quluubtoodda ka buuxisay
cadho ciidaa iyo camaareyda ka badan. Waxeey cadhadaasi sii toban jibaarantay,
kolkii Ingiriisku shantii Soomaaliyeed ( Soomaaliwayn) laba qeeybood oo kamidda
uu ku kala daray Ethiopia iyo Kenya.
Gumeeystihii reer Yurub
tag, Soomaaliwayn labo kamidda weey is raacday (Soomaaliland iyo Soomaalidii
koonfur), Jabuutina weey xoroowday. Waxaa Soomaaliya iyo Ethiopiayaba ka
dhashay laba kacaan oo milateri ah. Ayna kala hogaaminayaan Maxamed Siyaad
barre iyo Mengistu Haile Mariam, oo labaduba afgambi milateri xukunka kula
wareegay. Mengistu Haile Mariam, oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Qoomiyadda
axmaaradda ahaana nin aad u arxan daran, wuxuu cadaabay oo cadaadis ba’an u
geeystay dhamaanba qoomiyadaha Ethiopia marka laga reebo Amxaaradda oo ahayd
qoomiyadda uu u dhashay. Mengistu Haile Mariam wuxuu aaminsanaa in Soomaalidu
dhulka Ethiopia kusoo gashay doolaallo iyo daaqsin, oo dhulku uu katirsan yahay
Ethiopia, dadkuse ay doolaallo iyo daaqsin ku yimaadeen. Sidaa daraadeen waxuu
amar ku bixiyay in ciidankiisa jooga deegaanadda soomaalidda qaniimeeystaan
nafta iyo xoolaha Soomaalidda.
Ciidamaddii Mengistu Haile
Mariam waxeey Soomaalidda ula dhaqmi jireen adoomo ayaga iyo xoolahoodaba ay
leeyihiin. Waxaan anigu garaadsaday iyadoo neefka xoolaha ah ee xeryaha
ciidamada ku daqaqamo oo ay iska qashaan, gabadhii adhiga la joogtayna ay
kufsadaan – laba calina isweeydiinin. Kolkii dowladdii Soomaaliyeed cuddud
milatari yeelatay waxeey weerar ku ekaysay 1977dii xukunkii Mengistu Haile
Mariam. Ujeedadu waxeey ahayd in Soomaaliwayn calankeeda kor loo qaado shantii
Soomaaliyeedna dib loo mideeyo. Soomaalidda oo awood milaterina lahaa mooraalna
ku dagaalameysay, ayna u dheereyd ineey gaalo la dagaalamayeen, waxeey wakhti
kooban ku dardareen difaacyaddii Axmaaradda ee mooraalkoodu hooseeyay,
gacantana lagu dhigay dhamaanba deegaanaddii Soomaalidda.
Waxaase ceynku u
rogmaday kolkii siyaasadii arimaha dibadda Soomaalida looga fara dheereeyay oo
ay meesha soo galeen ciidamo Cuba iyo Ruush ah. 1978dii, ayeey jaanta
Soomaalidii dib u jandhaflaysay, dibna looga wada qabsaday deegaanaddii
Soomaalida. 1978 oo loogu macagdaray Kabaxaay, waa sanadkaan anigu dhashay.
Marwalba oo waalidkeey iiga sheekeynayaan dhaladhadeydii iyo goobtii aan ku
dhashayba waxeey iiga sheekeen jireen Kabaxaay iyo khasaarihii naf iyo nolaleed
ee dagaalkaasi geeystay iyo waliba sida arxan darrada ah ee ay ciidamaddii
Mengistu Soomaalidda ula dhaqmi jireen. Inkasta oo qowskanagu uusan kamid noqon
dadkii xilligaas qaxa iyo qaxootigga Soomaalidda ku galay ayaga oo ka cararaya
dhiig yacabkii Mengistu Haile Mariam ahaa – haddana Aniga aabahay Shaikh
Muhumed ( Gubadle ) dhowr mar baa la xidhay jidhdil ba’ana loo geeystay.
Dhaawacyaddii ay u geeysteen ciidamaddii Mengistu waligii weey ku ooli jireen.
Waxaa xusid mudan,
dagaalkii 1977kii Waxaa qeyb ka ahaa oo Soomaalidda ka garab dagaalamayay
jamhaddo hubaysan oo Oromo iyo Tigree iyo Eritrean ah, gaar ahaan Oromada si
toos ah ayeey Soomalida dagaalka ula geli jirtay – halka Tigreega iyo
Ereterianku ay deegaanadooda ka dagaalamayeen. Sababtoo ah xukunka Mengistu
waxuu ahaa mid kaligii talis ah cadaadis iyo gumeeysi ba’anna ku hayay dhamaan
qoomiyaddaha Ethiopia, waxaan ka ahayn Axmaaradda. Labadda jamhadood ee
Oromadda, Tigreeg iyo Eretetianku waxeey u dagaalamayeen in ay Milateriga xilka
ka tuuraan oo ay yagleelaan nadaam Dimuqraaddi ah oo qoomiyadaha Ethiopia oo
dhami u siman yihiin.
Laga soo bilaabo
dagaalkii Axmed Gurey ilaa iyo kii u dambeeyay ee Maxaakiimta, waxaa bulshadda
Soomaaliyeed ku dhex hannaqaaday, oo xuduudaha iyo xeeyndaabkaba goostay
nacaybka ay u qabaan Ethiopia. Nacaybkaas oo u muuqda sida buufinta oo kale
ineey ugu buufsan yihiin magaca Ethiopia, oo kolka ay maqlaanba muraara dilaaca
miyirkuna katago. Su’aashase Soomaalida hortaal waxeey tahay labadii ujeedo
(Diin iyo Gumeeysi) ee dagaalkan iyo nacaybkanba keenay, gundhigana u ahaa
meesha maka baxeen?
Laga soo bilaabo 1992dii
Ethiopia waxaa ka hanaqaaday Ethiopiada cusub (New Ethiopia), kadib markii xukunkii
kaligii taliska ahaa ee Mengistu Haile Mariam salka dhulka loogu dhuftay, lana
yagleelay nadaam faderaalisim ah iyo heshiisbulsho oo si simman ugu xaqsooray
dhamaanba shacab weeynaha Ethiopia. Ethiopiayada cusub waxeey garoowsatay in
nabad kuwada noolaanshaha geeska Afrika uu yahay dhabbaha kaliya ee gayiga iyo
guud ahaanba qaaradda hurumar gaadhsiin kara. Maadaama ay Ethiopia ku noolyihiin
qoomiyaddo farabadan oo kala diin, dhaqan iyo luuqad ah, waxaa dastuurka dalku
si buuxda u ogolaanayaa in qoomiyad kasta 100% u maxad banaantahay kudhaqanka ,
diinteeda, dhaqankeeda iyo luuqadeedaba. Waxaa si dhib yar loo odhan karaa
dadka Soomaliyeed ee kasoo jeeda Dowladda deegaanka Soomaalidda Ethiopia (DDSI)
maanta weey ku qanacsan yihiin iyagga oo Soomaali ah ineey Qoomiyadaha kale ee
Ethiopia dal iyo Dowlad la wadaagaan. Wakhtul xaadirkan, awoodda siyaasadeed ee
Ethiopia kolka la fiiriyo waxaa loo tiiriyaa Qoomiyadaha Soomalida iyo
Tigreegga ineey ugu turqa weeyn yihiin. Sidaa daraadeed mushkilad diimeed iyo
gumeeysi midna mahaysto Soomaalidda Ethiopia.
Ethiopiada cusub iyo
Soomaaliyada cusub waa laba dal oo daris ah, walaalo ah, noolashooda,
dhaqaalahoodda iyo siyaasadoodubba weey isku xidhan yihiin, oo sinna uma kala
maarmaan. Cadawga ay wada leeyihiin waa cid kasta oo nabad iyo noolaldiid ah,
jahliyo iyo saboolnimada. Waxa ay isku waafaqsan yihiin ayaa ka badan waxa ay
isku diidan yihiin. 100milyan oo Ethiopian ah oo 6milyan oo kamid ah ay soomaali
muwaadiniin ah yihiin in cadaw loo aragto, ayadda oo qarnigii koow iyo
labaatanaad lagu jirro, wax garashadda toganni aqbali karto ma ahan. Waxaa
soomaliyeey lasoo gaadhay xiligii aan is walaalaysan lahayn, wadajirka xoojin
lahayn kana wada hor imaan lahay wax kasta oo horseeyadda nacayb dad iyo dal.
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed
ee shacabka soomaaliyeed ku awr kacsada Ethiopian nacaybka, ayaga oo dareenka
shacabka ka faa’iideysanaya, weey ogyihiin in nacaybka ay firdhinayaan uusan
waaqica maanta la jaanqaadi karin – ee ujeedadoodu waa inay dareenka shacabka
ka faa’iideystaan, mansabna ku gaadhaan. Kuma aynaan dhalanin nacaybka
Ethiopia, waxaa keenay duruufihii dhaqan, diin, siyaasadeed ee ina soo
dhexmaray, kol haddeey xaaladaasi is badashay waa waajib in aragtideenunna is
bedesho, isuna badashaa dhanka walaaltinimadda, iskaashiga iyo horumarka – iyada
oo la siman yahay, la isna xaq dhoowrayo.
Soomaaliya, Ethiopia iyo
Guud ahaanba geyigga Africa ha guuleeysto
W/Q: Ahmed M Gubadle
Axmedsocoto@hotmail.com
Axmedsocoto@hotmail.com
W/T: Abdiaziz Arab
Comments
Post a Comment