SOOMAALAAY NACAYBKA ETHIOPIA MIYAAD KU DHALATEEN?

SOOMAALAAY NACAYBKA ETHIOPIA MIYAAD KU DHALATEEN?

Dabcan ilmuhu kuma dhasho nacayb, ee wuxuu dhashaa asagoo maskaxdiisa iyo maankiisuba nadiif yihiin una diyaarsan yihiin in wax lagushubo. Hadaba hadeeynaan ku dhalanin nacaybkan xadhkaha iyo xeeyndaabka goostay ee aan u qabno Ethiopia xagee buu inaga soo galay? Su’aashaas ayaan qormaddaan ooga jawaabi doonaa idamka Alle.

Waxeey taariikhyahanaddu wariyaan, inuu Imaam Axmed Gurey ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Holiya, guluf colaadeedna kuqaadda boqortooyaddii geesaha weeynayd ee ku gaamurtay geeska Afrika, taas oo la odhan jiray Abyssinia. Sanadihii u dhaxeeysay 1520—1543, wuxuu Imaam Ahmed Gurey gilgilay garbaduubna usoo qabtay dhul balaadhan oo halbowle u ahaa Boqortooyaddii Abyssinia. Waxaana kamid ahaa Magaaladda Harar oo maamulkiisa saldhig u noqotay.

Ujeeddada Imaam Axmed Guray u dagaalamayay waxaa ugu muhiimsanaa laba arimood. Waa midee, waxaa jiray loollan Diimeed oo aad u adag kana dhex aloosnaa Geeska Africa. Imaamku kolkaas wuxuu rabay inuu xididadda u siibo boqortooyadan gaamurtay uuna gaadhsiiyo nuurka iyo naruuradda diinta Islaamka. Waa mida labaadee, Imaamku wuxuu ahaa gobonimo u dirir; oo waxuu rabay in uu yagleello dowlad Islaam oo xor ah – Soomaaliduna hogaanka u haysa. Dagaaladdii miciyaha la isula tagay oo khasaaro nafeed iyo mid maalba dhaxalsiisay labada dhinacba kasokoow; waxaa abuurmay nacayb labadda bulsho ay isu qabaan oo midibba midka kale meeshuu ku arkaba unuunka ku gooyo. Labadii ujeedo ee uu Imaam Axmed Gurey u dagaalamay (diinta Iyo xornimadda) waxaan odhan karnaa waxaa u hirgalay midii diinta. Waayo, waxaa la wariyaa xilligii ay dawladiisu saldhiga u ahayd magaaladda Harar inuu ahaa xilligii qoomiyadaha Oramadda, Tigreega, Uraagadda, Canfarta iyo qeybo badan oo deegaanadii iyo dadkii Abyssinia la odhan jiray uu Islaamku si fiican u gaadhay. Nasiibdaro, Imaam Axmed Gurey uma suurtagelin inuu calan Soomaaliyeed ka taago gayiga Soomaaliyeed.

Waxaa kolkale dabka iyo Baasiinku istaabteen, oo hulaaqa hanfiga kululi watay Soomaalidda haf kusoo galay, kolkii Halgamaaggii Soomaaliyeed ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan uu mudh usoo yidhi bulshaddii Soomaaliyeed ee u muuqatay ineeyba habsoowday oo ayna marnaba heeryadda gumeeysiga iska qaadi karin. Sayidku wuxuu mar qudha bulshadda Soomaaliyeed farta ugu wada fiiqay Ingiriiskii, Talyaanigii iyo Boqortooyaddii Abyssinia oo u xuubsiibatay Ethiopia. Sayidku wuxuu sedexdaa dowladoodba ku dhuftay shaabad ay adagtahay in ay khadiisa iska tirtiraan, tiimbarahaas oo ahaa Gumeeyste iyo cadow Islaam. Dagaaladdii ba’anaa ee digadda iyo dambaaburadda la iskaga dhigay ee Sayidku la galay Boqorkii 111aad ee la odhanjiray Haile Selassie, ee ahaa ninkii soo khatimay Boqortooyaddii Abyssinia ee 3000 ee sano jirtay. Waxeey bulshadda Soomaaliyeed quluubtoodda ka buuxisay cadho ciidaa iyo camaareyda ka badan. Waxeey cadhadaasi sii toban jibaarantay, kolkii Ingiriisku shantii Soomaaliyeed ( Soomaaliwayn) laba qeeybood oo kamidda uu ku kala daray Ethiopia iyo Kenya.

Gumeeystihii reer Yurub tag, Soomaaliwayn labo kamidda weey is raacday (Soomaaliland iyo Soomaalidii koonfur), Jabuutina weey xoroowday. Waxaa Soomaaliya iyo Ethiopiayaba ka dhashay laba kacaan oo milateri ah. Ayna kala hogaaminayaan Maxamed Siyaad barre iyo Mengistu Haile Mariam, oo labaduba afgambi milateri xukunka kula wareegay. Mengistu Haile Mariam, oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Qoomiyadda axmaaradda ahaana nin aad u arxan daran, wuxuu cadaabay oo cadaadis ba’an u geeystay dhamaanba qoomiyadaha Ethiopia marka laga reebo Amxaaradda oo ahayd qoomiyadda uu u dhashay. Mengistu Haile Mariam wuxuu aaminsanaa in Soomaalidu dhulka Ethiopia kusoo gashay doolaallo iyo daaqsin, oo dhulku uu katirsan yahay Ethiopia, dadkuse ay doolaallo iyo daaqsin ku yimaadeen. Sidaa daraadeen waxuu amar ku bixiyay in ciidankiisa jooga deegaanadda soomaalidda qaniimeeystaan nafta iyo xoolaha Soomaalidda.

Ciidamaddii Mengistu Haile Mariam waxeey Soomaalidda ula dhaqmi jireen adoomo ayaga iyo xoolahoodaba ay leeyihiin. Waxaan anigu garaadsaday iyadoo neefka xoolaha ah ee xeryaha ciidamada ku daqaqamo oo ay iska qashaan, gabadhii adhiga la joogtayna ay kufsadaan – laba calina isweeydiinin. Kolkii dowladdii Soomaaliyeed cuddud milatari yeelatay waxeey weerar ku ekaysay 1977dii xukunkii Mengistu Haile Mariam. Ujeedadu waxeey ahayd in Soomaaliwayn calankeeda kor loo qaado shantii Soomaaliyeedna dib loo mideeyo. Soomaalidda oo awood milaterina lahaa mooraalna ku dagaalameysay, ayna u dheereyd ineey gaalo la dagaalamayeen, waxeey wakhti kooban ku dardareen difaacyaddii Axmaaradda ee mooraalkoodu hooseeyay, gacantana lagu dhigay dhamaanba deegaanaddii Soomaalidda.

Waxaase ceynku u rogmaday kolkii siyaasadii arimaha dibadda Soomaalida looga fara dheereeyay oo ay meesha soo galeen ciidamo Cuba iyo Ruush ah. 1978dii, ayeey jaanta Soomaalidii dib u jandhaflaysay, dibna looga wada qabsaday deegaanaddii Soomaalida. 1978 oo loogu macagdaray Kabaxaay, waa sanadkaan anigu dhashay. Marwalba oo waalidkeey iiga sheekeynayaan dhaladhadeydii iyo goobtii aan ku dhashayba waxeey iiga sheekeen jireen Kabaxaay iyo khasaarihii naf iyo nolaleed ee dagaalkaasi geeystay iyo waliba sida arxan darrada ah ee ay ciidamaddii Mengistu Soomaalidda ula dhaqmi jireen. Inkasta oo qowskanagu uusan kamid noqon dadkii xilligaas qaxa iyo qaxootigga Soomaalidda ku galay ayaga oo ka cararaya dhiig yacabkii Mengistu Haile Mariam ahaa – haddana Aniga aabahay Shaikh Muhumed ( Gubadle ) dhowr mar baa la xidhay jidhdil ba’ana loo geeystay. Dhaawacyaddii ay u geeysteen ciidamaddii Mengistu waligii weey ku ooli jireen.

Waxaa xusid mudan, dagaalkii 1977kii Waxaa qeyb ka ahaa oo Soomaalidda ka garab dagaalamayay jamhaddo hubaysan oo Oromo iyo Tigree iyo Eritrean ah, gaar ahaan Oromada si toos ah ayeey Soomalida dagaalka ula geli jirtay – halka Tigreega iyo Ereterianku ay deegaanadooda ka dagaalamayeen. Sababtoo ah xukunka Mengistu waxuu ahaa mid kaligii talis ah cadaadis iyo gumeeysi ba’anna ku hayay dhamaan qoomiyaddaha Ethiopia, waxaan ka ahayn Axmaaradda. Labadda jamhadood ee Oromadda, Tigreeg iyo Eretetianku waxeey u dagaalamayeen in ay Milateriga xilka ka tuuraan oo ay yagleelaan nadaam Dimuqraaddi ah oo qoomiyadaha Ethiopia oo dhami u siman yihiin.

Laga soo bilaabo dagaalkii Axmed Gurey ilaa iyo kii u dambeeyay ee Maxaakiimta, waxaa bulshadda Soomaaliyeed ku dhex hannaqaaday, oo xuduudaha iyo xeeyndaabkaba goostay nacaybka ay u qabaan Ethiopia. Nacaybkaas oo u muuqda sida buufinta oo kale ineey ugu buufsan yihiin magaca Ethiopia, oo kolka ay maqlaanba muraara dilaaca miyirkuna katago. Su’aashase Soomaalida hortaal waxeey tahay labadii ujeedo (Diin iyo Gumeeysi) ee dagaalkan iyo nacaybkanba keenay, gundhigana u ahaa meesha maka baxeen?

Laga soo bilaabo 1992dii Ethiopia waxaa ka hanaqaaday Ethiopiada cusub (New Ethiopia), kadib markii xukunkii kaligii taliska ahaa ee Mengistu Haile Mariam salka dhulka loogu dhuftay, lana yagleelay nadaam faderaalisim ah iyo heshiisbulsho oo si simman ugu xaqsooray dhamaanba shacab weeynaha Ethiopia. Ethiopiayada cusub waxeey garoowsatay in nabad kuwada noolaanshaha geeska Afrika uu yahay dhabbaha kaliya ee gayiga iyo guud ahaanba qaaradda hurumar gaadhsiin kara. Maadaama ay Ethiopia ku noolyihiin qoomiyaddo farabadan oo kala diin, dhaqan iyo luuqad ah, waxaa dastuurka dalku si buuxda u ogolaanayaa in qoomiyad kasta 100% u maxad banaantahay kudhaqanka , diinteeda, dhaqankeeda iyo luuqadeedaba. Waxaa si dhib yar loo odhan karaa dadka Soomaliyeed ee kasoo jeeda Dowladda deegaanka Soomaalidda Ethiopia (DDSI) maanta weey ku qanacsan yihiin iyagga oo Soomaali ah ineey Qoomiyadaha kale ee Ethiopia dal iyo Dowlad la wadaagaan. Wakhtul xaadirkan, awoodda siyaasadeed ee Ethiopia kolka la fiiriyo waxaa loo tiiriyaa Qoomiyadaha Soomalida iyo Tigreegga ineey ugu turqa weeyn yihiin. Sidaa daraadeed mushkilad diimeed iyo gumeeysi midna mahaysto Soomaalidda Ethiopia.

Ethiopiada cusub iyo Soomaaliyada cusub waa laba dal oo daris ah, walaalo ah, noolashooda, dhaqaalahoodda iyo siyaasadoodubba weey isku xidhan yihiin, oo sinna uma kala maarmaan. Cadawga ay wada leeyihiin waa cid kasta oo nabad iyo noolaldiid ah, jahliyo iyo saboolnimada. Waxa ay isku waafaqsan yihiin ayaa ka badan waxa ay isku diidan yihiin. 100milyan oo Ethiopian ah oo 6milyan oo kamid ah ay soomaali muwaadiniin ah yihiin in cadaw loo aragto, ayadda oo qarnigii koow iyo labaatanaad lagu jirro, wax garashadda toganni aqbali karto ma ahan. Waxaa soomaliyeey lasoo gaadhay xiligii aan is walaalaysan lahayn, wadajirka xoojin lahayn kana wada hor imaan lahay wax kasta oo horseeyadda nacayb dad iyo dal.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee shacabka soomaaliyeed ku awr kacsada Ethiopian nacaybka, ayaga oo dareenka shacabka ka faa’iideysanaya, weey ogyihiin in nacaybka ay firdhinayaan uusan waaqica maanta la jaanqaadi karin – ee ujeedadoodu waa inay dareenka shacabka ka faa’iideystaan, mansabna ku gaadhaan. Kuma aynaan dhalanin nacaybka Ethiopia, waxaa keenay duruufihii dhaqan, diin, siyaasadeed ee ina soo dhexmaray, kol haddeey xaaladaasi is badashay waa waajib in aragtideenunna is bedesho, isuna badashaa dhanka walaaltinimadda, iskaashiga iyo horumarka – iyada oo la siman yahay, la isna xaq dhoowrayo.
Soomaaliya, Ethiopia iyo Guud ahaanba geyigga Africa ha guuleeysto
W/Q: Ahmed M Gubadle
Axmedsocoto@hotmail.com
W/T: Abdiaziz Arab


Comments

Popular posts from this blog

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay

Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?