TAARIIKH NOLOLEEDKII ALBERT EINSTEIN [1879-1955]
ALBERT EINSTEIN [1879-1955]
HORDHAC
Albert Einstein wuxuu ku jiraa ragga dunida wax kusoo kordhiyay – oo aqoontooda meel walba oo dunida ah laga isticmaalo. Barashada taariikhdiisina waa u muhiim qof walba oo doonaya inuu guulo ka gaaro noloshooda, umaddiisa iyoo aadanahanna uga tago wax dhaxalgal ah. Gaar ahaan waxay muhiim u tahay iney bartaan taariikh nololeedka Albert Einstein da’ yarta ku himiloonaya iney meel wanaagsan ka gaaraan waxbarashadooda. Haddii Eebe idmo waxaan kasoo dhigi doonaa taxane ka kooban xiliyadii kala duwannaa ee nololsha caalimkaan.
Wuxuu dhashay sanadku markuu ahaa 1879kii, wuxuu ku dhashay tuulada Ulm ee dalka Jarmalka. Wuxuu ka dhashay qoys danyar ah oo heystay diinta Yuhuudda. Goortuu dhashay hooyadii aad ayeey uga welwelsaneyd, sababtoo ah inankeeda madaxa ayaa aad u weynaa, waxaana laga baqayay inuu noqdo ilmo curyaan ah. Aabihii Hermann, wuxuu ahaa dukaanka wareega oo wuxuu suuqyada la wareegi jiray joodariyada suufka ah, hooyadiina Pauline waxay aheyd muusikiiste (musician). Wuxuu ahaa curadkii reerka. Aabihii wuxuu ku khasaaray ganacsiga uu tuulada Ulm ku heystay, qoskiina waxaa kusii adkaatay nolol maalmeedka. Sidaas aawaadeed waxay go’aansadeen iney usoo guuraan magaalada Muyuunikh (Munich) halkaas oo Hermann walaalkii Jakob uu ku heystay shirkad qaabilsan dayactirka korontada. Hermann iyo qoyskiisu waxay degeen magaalada Muyuunikh halkaas ooy wiilkooda curadka ah ka geeyeen uskuul. Sidoo kale inanka yar hooyadii Pauline oo aheyd muusikiiste waxay inankeeda geysay uskuul lagu barto muusikada gaar ahaan biyaanada (piano). Goortuu afar jir noqday – ayaa maalin maalmaha kamid ah aabihii u keenay jiheeye yar, inankii yaraa jiheeyihii ayuu aad uga helay ilaa uu keligii ogaaday sida jiheeyha u shaqeeyo – waana halkaas meeshuu ka bilaabay danaynta Sayniska iyo Fiisigiska.
Markuu 6 sanadood jirsaday waxay labadiisa waalid geeyeen uskuul dugsi hoose dhexe ah oo ey maamulaan madhabta kaatooliga (catholic) oo ahaa uskuulka ugu waxbarasho fiicnaa xiligaas. Inkastoo labadiisa waalid diin ahaan ey heysteen diinta Yuhuudda, haddana waxay ahaayeen kuwo qunyar socod ah oo waxbarashada iyo aqoonta ilmahooda uga muhiimsaneed hardinka diimaha. Wuxuu ahaa inan yar oo gooni istaag ah oo aan ku laban inamada kale ee ardayda la ah. Wuxuu waxbarashada uskuulka ka jeclaa inuu kaararka turubka ka sameeyo guryo ama walaashii ka yar la ciyaaro.
Yeelkadeedee, markuu 10 jirsaday waxay waalidkiisu geeyeen dugsiga sare Luitpold Gymnasium oo ahaa mid lagu barto xisaabta iyo sayniska. Albert Einstein kuma qancin waxbarashada uskuulka, wuxuuna bilaabay inuu casharo kaabis ah uu dibadda uskuulka ka qaato. Adeerkii Jacob ayaa wuxuu amaahiyay buuga xisaabta Algebra. Sidoo kale inan 21 jir ahaa oo reer Einstein saaxiib la ahaa – ayaa isna amaahiyay buugaag ka sheekeenaya maadooyinka Sayniska iyo Falsafadda weli kuwooda casriga ah. Waxaa xusid mudan Albert aabihii Hermann maadaama uu ahaa ganacsade wuxuu jeclaa oo uu ku naawilayay in inankiisu uu barto maadada dhaqaalaha. Albert durbadiiba wuu ka biya-diiday maadada dhaqaalaha isagoo u arkayay iney tahay mid aan u qalmin. Waxaa usoo haray maadooyinka Falsafadda iyo Fiisigiska, wuxuu doortay maadada Fiisigiska isagoo u arkayay iney ku adagtahay barashada Falsafadda.
Albert markuu 11 jirsaday, wuxuu si joogto ah u xaadiri jiray kaniisadda Yuhuuda (Synagogue) waxaa la baray kitaabka Yuhuudda – isagoo loo diyaarinayay inuu noqdo ‘Bar Mitzvah’ wadaadada kurayada ah. Laakiin markii ey aqoontiisa Sayniska soo korodhay ayuu wuxuu bilaabay inuu si shanqar la’aan ah uga siibto diinta Yuhuudda. Si kastaba ha ahaatee, markuu 13 jirsaday ayuu si rasmi ah isaga diiday ururada diimaha iyo madaahibta kala duwan ee abaabulan iyo waxbarashadooda.
Sanadku markuu ahaa 1893kii, ayaa Albert aabihii Hermann iyo adeerkii Jakob ey ganacsigoodii magaalada Muyuunikh ey iibiyeen, waxayna u guureen dalka Talyaaniga. Laakiin, waxay qorsheeyeen in wiilkooda Albert uu uskuulkiisa magaalada Muyuunikh uu sii wato si uu waxbarashada dugsiga sare uga qalin jabiyo. Yeelkadeedee, 6 bilood oo rafaad ah kadib inankii yaraa ee Albert wuxuu dhaqtar magaalada joogay ku qanciyay inuu u qoro warqad caddeynaysa inuu hayo xanuun daran oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘neurasthenic exhaustion’ kaas oo ah daal-maskaxeed. Sidaas ayeyna ugu suurtogashay inuu ka tago uskuulka uuna ka daba tago labadiisa waalid iyo adeerkii.
Markuu gaadhay dalka Talyaaniga labadiisa waalid aad ayeey uga xumaadeen in inankooda uu kasoo tagay waxabarashadii. Laakiin waxaa filan-waa iyo waxaan la qaadan karin ku noqotay in inankoodu uu gebi ahaan ka baxay diinta Yuhuudda – iyo inuu sidoo kale ka tanaasulay dhalashadiisa Jarmalka. Yeelkadeedee, ka tanaasulka dhalashadiisa Jarmalka iyo ka bixidda diinta diinta Yuhuudda waxay Albert Einstien ka dhigtay mid ka go’doomay faragelinta iyo mid u madaxbanaanaaday inuu xoogga saaro baaritaanka, horumarinta iyo barashada cilmiga Sayniska. Si kastaba ha ahaatee, Alberta wuxuu labadiisa waalid u balanqaaday inuu waxbarashadiisa sii wadandoono uuna qorsheenayo inuu galo machadka ‘Federal Swiss Polytechnic’ ee magaalada Zurich dalka Switzerland. Inkastoo Albert uu ku fiicnaa maadada Fiisigiska markuu Jarmalka joogay, imtixaanka gelitaanka machadka Plytechnic wuu ku dhacay, sidaad daraadeedna uma suurtagelin inuu machadka galo. Laakiin maamulihii machadka ayaa kula taliyay inuu hal sano oo dugsiga sare ah dib usoo qaato si uu ula qabsado waxbarashada machadka. Si kastaba taladii maamulaha ayuu qaatay, sanadkii ayuu dugsi sare dib ugu laabtay – deedna wuxuu si fudud ugu baasay imtixaankii gelitaanka machadka, seddex sano kadibna wuu ka qalinjabiyay isagoo ku guuleystay shahaadada Diploma sanadku markuu ahaa 1896. Albert wuxuu qaatay takhasuska macalinimo maadooyinka Xisaabta iyo Fiisigiska.
Dhanka kale, waxay aheyd filan-waa in Albert uu doortay inuu noqdo macalin, sababtoo ah waxbarashada uskuulka kalama uusan kulmin wax farxad geliya oo ku xanbaari karay inuu noqdo macalin. Guusha uu ka gaaray waxbarasadiisa machadka waxay badi aheyd mid iskaa wax u baro ah iyo dadaalkiisa wax-is-barida uu ku sameyn jiray guriga. Yeelkadeedee, waxaa la dhihi karaa Albert wuxuu u doortay inuu macalinimo noqdo si uu u caawiyo labadiisa waalid oo xaalad dhaqaale xumo ku jiray, kadib markii ey ku khasaareyn ganacsigoodii.
Si kastaba ha ahaatee, shaqada macalinimada uu u galay si uu qoyskiisa u caawiyo kama dhigin inuu joojiyay himiladiisa ku aadaneyd hormarinta aqoontiisa Fiisigiska uu aadka u jeclaa. Sidaa aawadeed, wuxuu aqoontiisa Fiisigiska ku hormarin jiray sheybaarka qeybta Fiisigiska uskuulka uu macalinka ka noqday ee Polytechnic uu madaxda ka ahaa professor Heinrich Friedrich Weber. Inkastoo Albert uu aad u qadarin jiray professor weber, haddaana wuu la yaabay sida professorku uga dhacsanaa oo uusan ula socon baaritaanadii ugu danbeyay ee Fiisigiska iyo horumarka laga gaaray birlabka iyo korontada, taas uu helay Saynisyahankii la oran jiray Helmholtz 1850kii.
Albert Einstein, isagoo ka faa’iideysanaya madaxbanaanidiisa iyo xoriyaddiisa ayuu mar kale wuxuu dardar geliyay baaritaankiisa Sayniska. Wuxuu bilaabaay inuu si qoto dheer u aqriyo buugaagta Sayniska gaar ahaan buugaagta ey qoreen Saynisyahannada kala ah; Maxwell, Kirchoff, Hertz, Helmholtz iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale Einstein wuxuu ka faa’iiday macalinkiisa xisaabta, oo ka caawiyay dhisida isle-egtiisa caanka noqotay ee isu-dheelitiridda ‘relativity theory’.
Inkastoo Einstein uusan ku heysanin asxaab badan magaalada Zurich oo uu macalinka ka ahaa, haddana waxaa u suurtagashay inuu isku hareereeyo dhowr saaxiibo dhow – kuwaas oo qeyb libaaxeed ka qaatay guulaha uu ka gaaray hormarinta Fiisigiska iyo soo saaridda macluumaad Fiisigis oo aan horay loo ogeyn. Saaxiibadaas waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Marcel Grossman oo hal sano waxbarashada ka koreeyay Einstein. Grossman wuxuu Einstein siin jiray casharada xisaabta si uu ugu diyaargaroobo imtixaanaadka sanadka soo socda. Wuxuu sidoo kale ka caawiyay xisaabinta iyo habeynta isle-egta isu-dheelitiridda ‘relativity theory’. Saaxiib kale oo aad u caawiyay Einstein wuxuu ahaa nin la yiraahdo Michele Angelo Besso oo ahaa makaanin injineer ‘mechanical engineer’. Saaxiibkaan waxay Einstein isku barteen galaas lagu barto muusikada oo Einstein tagi jiray galab walba oo sabti ah. Saaxiibkaan ayaa wuxuu Einstein ku booriyay inuu aqriyo buugaagta faylasuufka reer Austria ee la oran jiray Ernst Mach. Faylasuufkaan wuxuu xooga saari jiray inuu ka hadlo maadada ‘positivism’ oo ah in wax walba loo khuduuciyo sayniska si uu u caddeeyo waxa ka run ah, iyo maado kale oo falsafadda kamid ah afka qalaadna lagu yiraahdo ‘metaphysics’ oo ah falsafadda barashada walxaha aan muuqan ee aan laheyn jir, sida; ogaanshaha, aqoonsiga, aminta iyo meel. Buugaagtaana waxay Einstein ku sameeyeen saameyn culus, gaar ahaan dhisidda aragtidiisa caanka ah ee isu-dheelitiridda ‘relativity theory’.
Einstein, wuxuu kaloo saaxiib dhow la ahaa ardayad 3 sanadood ka sareeysay machadka oo u dhalatay dalka Hungary taasoo lagu magacaabi jiray Mileva Maric. Mileva ma’aheyn ardayad xariifad ah oo waxbarashada ku wanaagsan, laakiin Einstein wuxuu ku doortay saaxiibtinimadeeda waxay aheyd ardayad dadaal badan oo ey ka go’an tahay iney ka sal gaarto himiladeeda. Inkastoo Einstein uu ahaa mid caan ku ah gabdhaha ardayda la ah dhexdooda, oo gabadh walbaa isla rabtay, haddana wuxuu xiriir dhow la sameystay Meleva –oo ka weyneyd, ka diin duwaneyd, waxbarashada aan xariifad ku aheyn, kana hooseysay xagga dabaqadda bulshada. Yeelkadeedee, inaantaasi waxay hantiday qalbiga Einstein. Sanadku markuu ahaa 1901dii bishii julaay Einstein wuxuu ka qalinjabiyay machadka polytechnic Zurich, isla bishaas waxaa soo baxday in saaxiibtiis Mileva ey uur leedahay. Einstein wuxuu go’aansaday inuu guursado Meliva, laakiin labadiisa waalid oo ahaa Yuhuud ayaa diiday – iyagoo u sababeynaya ineysan ku diin ama dabaqad aheyn. Arinkaasna waxay Einstein ku reebtay saameyn weyn, wuxuuna bilaabay inuu si aayar ah isagoon is ogeyn uu waxbarashada ka saaqido iyo inuu jabay hankiisii iyo himaladiisii. Dhanka kale, labada waalid ee Meliva wey ku farxeen xiriirka ka dhexeeya gabadhooda iyo Einstein gaar ahaan markey uurka yeelatay. Si kastaba ha ahaatee, bishii Janaayo 1902dii Meliva waxay dhashay gabadh aan sharci ku dhalan, inanta yar waxaa loo bixiyay Lieserl. Maadaama Einstein waalidkiisa diideen iney aqbalaan jeceylka inankooda, ama ey ka qeyb qaataan korinta inanta yar – Melivana eysan awoodin iney koriso gabdheeda, waxay ku qasbanaatay iney inanteeda ku wareejiso dad awooda korinteeda iyo xanaanadeeda. Inkastoo xiriirka lamaanahaan uu wanaagsanaa gaar ahaan xiligii ey Meliva uurka laheyd, haddana waalidiinta Einstein waxay ku guuleysteen iney kala jaraan inankooda iyo Meliva; mana eysan is arag ilaa laga gaaray Janaayo 1903dii – xiligaas oo Einstein uu shaqo ka helay xafiiska batente siinta saynisyahannada.
Yeelkadeedee, jeceylka Einstein iyo qalanjadiisa ma dhiman si walba oo ey waalidkiisa iskugu dayeen. Mushaarkii ugu horeeyay ee soo gala Einstein wuxuu ku qarashgareeyay arooska jeceylkiisa ee mudada dheer faragelin iyo walaahoow lagu sameeyay. Ugu danbeyna Einstein wuxuu helay qalanjaduu jeclaa oo garabkiisa istaagtay, waxaana haatan u suuragahsay inuu dar-dargeliyo baaritaanidiisa cilmiga. Waxaa dib usoo cusboonaatay himiladiisii aheyd inuu maadada Fiisigiska ah ku sameeyo kacdoon cilmiyeed. Dr. Evan Harris Walker oo ahaa caalim saynisyahan wuxuu ku dooday in Meliva oo aheyd jeceylkii Einstein haba yaraatee eysan ku laheyn wax door cilmiyeed ah guulaha Saynis uu gaaray Einstein. Dhanka kale, wuxuu Caalimkaan qirayaa in Meliva ey qeyb libaax ka qaadatay xagga nolosha Einstein iyo jeceylka, Einsteina uu ahaa mid farxad badan iyo yididiilo ey ka muuqato xilli walba. Si kastaba ha ahaate, Einstein markuu xareyn jiray waraaqihiisa la xiriira helidda arimo cusub oo la xiriira Sayniska – wuxuu waraaqahaas ku saxiixi jiray magaciisa iyo magaca xaaskiisa, cinwaanna wuxuu uga dhigi jiray ‘shaqadeena’ isagoo farta ku godaya in baaritaanka cilmi uu ka yimid labadooda. Waxaa xusid mudan in Meliva, kasakoow jeceylka iyo farxadda ey siisay ninkeeda, waxey sidoo kale ka hubin jirtay baaritaanidiisa iyo helidiisa cilmiga, gaar ahaan hubinta isle-egyada xisaabta. Isku soo xooriyoo, taariikhyahannada waxay isku waafaqsan yihiin in Meliva aheyd qofka ugu muhiimsan nolosha Einstein.
Waxay giraantu wareegto, xilliyaduna is-weydaaraan, bishii agoosto 1900kii ayuu Einstein iyo seddex saaxiibadii ahaa ka qalinjabiyeen machadka tababarka macalimiinta ee polytechnic ee ku yiil magaalada Zurich ee dalka Switzerland. Einstein mooyee seddexdii arday ee kale waxaa macalinimo u qaatay machadkeey ka qalanjabiyeen. Waxaana sidaas sameeyay maamulihii machadka Professor Weber oo u dhashay dalka Jarmalka. Einstein aad ayuu uga xumaaday sida maamuluhu ula dhaqmay. Taariikhyannada waxay arinkaan ku macneeyeen in maamulaha machadka Professor Weber uu aad uga xumaaday in Einstein uu ka tanaasulay dhalashadiisa wadanka Jarmalka, taasna ey sababtay in Einstein loo diido in shaqo laga siiyo machadka. Si kastaba ha ahaatee, Einstein oo niyad jabsan shaqo la’aanna ah ayaa wuxuu aaday magaalada Milan ee dalka Talyaaniga – halkaas oo ey ku sugnaayeen waalidkiis. Caradii iyo ciilkii uu dareemay Einstein waxay u sababtay inuu labanlaabo dadaalkii waxbarasho si uu uga meel gaaro himiladiisa. Einstein wuxuu bilaabay qoridda risaaladiisa darajada sedexaaad ee jaamacadda PhD. Inkastoo Einstein uu xiligaas uu heli jiray shaqooyin macalinimo oo ku-meel gaar ah, haddana ma aheyn dakhliga kasoo gala shaqooyinkaas mid dabooli karaysay baahiyihiisa. Yeelkadeedee, shaqooyinkaas ku-meel gaarada ahaa waxay ka caawiyeen inuu xooga saaro baadigoobkiisa cilmiyeed ee ku aadan maadada gaaska iyo diyaarinta risaaladiisa PhD.
Wuxuu xaalka Einstein sidaas ahaadaba, waxaa u suurto gashay inuu seddex risaalo oo ku saabsan baadigoob cilmiyeed uu ku daabaco Joornaalkii ugu caansanaa daabicidda baadigoobyada cusub ee Sayniska ee xilligaas – joornaalkaas oo la oran jiray Annalen der Physik. Arinkaan waxay Einstein u sahashay inuu magaciisa iyo sumcaddiisa aqooneed kor u qaado, taas oo fududaysay inuu helo shaqooyin u qalma aqoontiisa. Dhigaalada iyo raasaalada PhD ee Einstein xiligaas qoray wuxuu ku muujiyay siduu uga walaacsanaa aragtida Fiisigis ee la xiriirta makaanikada iyo sida dunidu u aragto. Aragtidaas waxay aheyd mid dunida Sayniska qabsatay qarniyadii 19aad ilaa bilowgii qarnigii 20aad. Aragtida dunida makaanik ahaan ‘the mechanical worldview’ waa aragtidii uu ku caan baxay Saynisyahankii Isaac Newton. Aragtidaani waxay qeexaysaa sida dunidu u shaqayso makaanik ahaan. Haddii aan si kooban u sharaxo, aragtida Newton ee ku aadan sida dunida makaanik ahaan u shaqeyso waxaa weeye; in dhammaan walxaha dabiiciga ha yaraadaan ama ha weynaadaan ey ka sara-maraan la falgalka walxaha socda. Seddexda xeeer ee loo yaqaan ‘Newton laws of motion’ xeerarka dhaqaaqa ee Newton, waxay ku lug leeyihiin; fal iyo falcelin, quwad iyo xawaare, iyo fadhiid.
Si kastaba ha ahaatee, Newton kuma qanacsaneyn 100% aragtidiisa sida dunidu u shaqayso makaanik ahaan, sababtoo ah waxaa is qaban waayay oo is diiday xeerarka Newton ee makaanikada ‘mecahnism’ iyo cuf-is-jiidadka dunida. Sidee quwaddan ugu falgeli kartaa meelaha madhan ee u dhexeeya walxaha dabiiciga ah ee dunidaan dhexyaal? Waana su’aashaas tan culumo kale ku xanbaartay iney ka daba tagaan aragtida Newton oo la baratamaan. Culamadaas waxaa kamid ahaa; Michael Faraday, James Clerk Maxwell, and Heinrich Hertz. Qofka waxa weyn ku daray aragtida Newton wuxuu ahaa Maxwell oo isaga la yimid isle’eg xisaabeed oo uu ku sharaxayo sideey u faafaan mawjadaha koronto-birlabeed ‘electromagnetic waves’. Sidaasna ayeey aragtidii Maxwell ku midaysay korontada iyo birlabka si loo qeexo dabeecadda iftiinka. Iftiinka waxaa waagii hore la aaminsanaa inuu yahay mawjado kasoo butaacaya walax dareerta oo afka qalaad lagu yiraado ‘ether’ – walax dahsoon oo aan aadanuhu aqoon kaasoo ku faafsan dunida oo idil.
Waana halkaan meesha Einstein uu kasoo galay Fiisigiska. Einstein risaalooyinkiisii ugu horeeyay wuxuu isku dayay inuu atamka u fidiyo dhowr dhacdo makaanik ahaan. Inkastoo risaalooyinkiisa Fiisigiska ugu horeeyay uu qaladaad ku jiray iyo arimo uusan si dhab ah u hubin, haddana risaalooyinkiisa danbe wuu ku guuleystay inuu soo bandhigo inuu is-waafajiyo xeerka Fiisigiska ee tirakoobka makaanikada atamka. Risaaladiisa shahaadada PhD wuxuu ku hormariyay oo si tifatiran usoo bandhigay aragtida walxaha aan isha qaban ee dareera – wuxuuna muujiyay xeerarka xukuma kulka dareera ‘thermodynamics’ in lagu fahmi karo dhaqdhaqaaqyada ey sameeyaan iyo sideey isugu dhacaan.
Isku daygaas wuxuu Einstein u suuro geliyay inuu mideeyo kulka darera ‘thermodynamics’ iyo makaanikada, isagoo ku tusaaleeyay sideey labadaan isku dhaafdhaafaan markey isla falgalaan. Mideynta labadaan shay waxay aheyd himilo uu Einstein qabay ilaa maalintii uu bilaabay barashada cilmiga Fiisigiska. Jeceylka uu Einstein u qabay mideynta labadaan walxood wey ka weyneyd saaxada Fiisigiska oo dhan, sababtoo sh midowga iyo wax mideynta wuxuu ahaa mid xiligaas Yurub ka taagneed, sanado aan badneyn ka hore xilliga Einstein mideeyay labadaan walxood waxaa midoobay Jarmalka, waxaa sidoo kale midoobay Talyaaniga – marka waxaa la dhihi karaa xiligaas waxaa socotay dabaysha midoowga iyo mideynta.
Kasakoow guulaha uu ka gaaray qoridda iyo soo bandhigidda risaaladiisa PhD, Einstein waxaa ku adkaatay maareynta noloshiisa, dhaqaalaha oo ku yaraaday aawadeed. Bilowgii 1901dii Einstein wuxuu bilaabay inuu arjiyo shaqo codsi u diro saynisyahannada dunida. Xataa aabihii ayaa arjiyo uu shaqo ugu raadinayo wiilkiisa u qoray meelo kala duwan. Sanadkii xigay nin ey macaariif ahaayeen oo la oran jiray Conrad Habicht ayaa usoo helay shaqo si gooni ah wiil Ingiriis ah wax lagu barayo, mudo yar kadibna waa ka istaagtay. Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii sanadkii 1902dii ayuu Einstein u ruqaansaday xaggaas iyo magaalada Bern ee dalka Switzerland – isagoo rajo ka qabo inuu shaqo ka helo xafiiska batantaha ee saynis dhowrka ‘patente office’.
Bishii Dirirsagaaro (juun) ee sanadkii 1902dii Einstein waxaa loo soo bandhigay inuu ka shaqeeyo xafiiska batentaha sayniska ee magaalada Bern ee dalkaas Switzerland. Shaqada mas’uuliyaddeeda waxay aheyd booska khabiir saynisyahan oo hubiya siinta batentaha (licence) saynisyahannada cusub ee la yimid aragti saynis oo cusub. Shaqda wuxuu ku bilaabay mushaar sanadle oo ahaa 3500 oo farank, muddo yar kadibna – shaqa wanaagiisa aawadeed waxaa la dalacsiiyay 400 oo farank. Intuu ku sugnaa magaalada Bern, Einstein wuxuu si joogto ah ula kulmi jiray xayn saaxiibo dhow ey ahaayeen oo ku midaysnaa danaynta maadooyinka Fiisigiska iyo Falsafadda. Saaxiibadaan waxaa kamid ahaa arday u dhashay dalkaas Romania oo la oran jiray Maurice Solovine, iyo saaxibkiisii gaarka ahaa ee kala yimid magaalada Zurich Michele Angelo Besso, iyo dhowr kale oo uu kula kulmay magaalada Bern. Raggaani waxay kulmi jireen habeen walba waxayna wada joogi jireen ilaa xilli danbe habeenkii iyagoo isla qaada dhigaya kalana weydaarsannaya argtiyada saynis ee ugu danbeysay. Danayntooda cilmiga aawadeed waxay raggaan la baxeen ‘olympia academy’.
Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii bishii Dambarsame (Diseembar) ee sanadkii 1902dii, Einstein aabihii waxaa kusoo booday wadne xanuun, Einstein wuxuu usoo safray magaalada Milan si uu aabihii usoo booqdo. Wuxuu u yimid aabihii oo sakaraadkii hayo, deedna goorteey odayga nafta kasii bixi rabtay – ayuu wuxuu wiilkiisa u sheegay inuu hadda raali ka yahay inuu guursado jeceylkiisa Mileva, ee odaygu uu hadda kahor ka dhaartay in wiilkiisa uu guursado. Bishii Xeys (Janaayo) sanadkii 1903dii ayeey Einstein iyo qalanjadiisa Meliva aqalgaleen, xilligaas oo ey Meliva lumisay danaynta Sayniska iyo baadigoobka aragtiyada Fiisigiska – iyadoo markaan go’aansatay iney noqoto hooyo guri joog ah. Bishii Dirircowl (Maajo) ee sanadkii 1904tii ayaa waxaa lamaanahaan u dhashay wiilkoodii ugu horeeyay, waxayna u bixiyeen Hans Albert.
Sanadihii 1903-1905 waxaa lagu shegaa iney ahaaayeen sanadihii ugu wax soo saar badnaa taariikhda Einstein. Sanadkii 1905tii wuxuu daabacay seddex risaalo oo dooriyay gebiahaan Fiisigiska qarnigii 20aad. Maadooyinka uu kusoo bandhigay risaalooyinkiisa waxay kala ahaayeen; dabagal uu ku sameeyay aragtidii loo yiqiin ‘Brownian theory’ – oo loola jeedo aragtidii saynisyahankii ingiriiska ahaa ee la oran jiray Robert Brown, sidoo kale wuxuu soo bandhigay quantum theory, oo ah aragtida sharaxaysa walaxda ugu yar ee saxarka. Risaalada sedexaad wuxuu caalimka ku qaadaa dhigay aragtidiisa isu-eegidda ama isu-dheelitirada ‘relativity theory’. Sedddexdaan aragtiyadood, Einstein mid walba wuxuu u helay xal aan innaba caadi aheyn oo aan horay loo arag – sidaasna uu ku xaliyay caqabadihii ugu waa weynaa ee Fiisigiska horyiil xiligaas.
Brownian motion waxay ku saabsaneyd dhaqdhaqaaq beeneeedka joogtada ah ee saxarka ee dareeraha lalmada. Waxaa aragtidaan ugu horeeyay oo soo saaray saynisyahan u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Robert Brown sandkii 1828kii. Einstein wuxuu saadaaliyay socodka aan loo meel dayin ee malikuyuulada ku dhex jira walxaha dareera iney saameyn ku yeelan karto saxarka weyn ee lalmada – sida xabadaha manka, kaasoo keeni kara socod fowdo saxareed oo aan caadi aheyn. Socodka saxarka ayuu Einstein ku xadiday mala awaalka aadimaha ee sababay socodka saxarka. Risaaladaan oo faahfaahsan ayuu Einstein ku daabacay joornaalada ka faalooda Sayniska sanadkii 1905tii, waxayna Einstein usoo jiiday indhaha dunida, gaar ahaan indhaha saynisyahannada – waxayna sare u qaaday sumcaddiisa Fiisigisyahannimo. Si kastaba ha ahaatee, Einstein waxaa wadday himiladiisa ah inuu dhiso isle’eg mala awaal kuwaantam si uu uga falceliyo tijaabooyinka Fiisigis ee madaxa xanuujiyay saynisyahannada qarnigii 19aad.
Dabayaaqadii qarnigii 19aad ayaa saynisyahanka Max Planck wuxuu isku dayay inuu daraaseeyo muuqa kaahin marka heerkulku uu siyaado iyo markuu hoos u dhaco. Caalimkaan waxaa usoo baxday in muuqa kaahin uu qaloocan yahay, laakiin wuxuu awoodi waayay inuu sharax ka bixiyo muuqaaladaan isagoo adeegsanaya makaanik negeyaal (statistical mechanic) iyo kul daynaamikada (thermodynamics) ama birlabdanab (electromegnatism). Waxa kaliya ee Planc awooday inuu soo bandhigo waxay aheyd isle’eg xisaabeed oo ku caan baxday isle’egtii Planc, E=hf, halka xarafka ‘E’ u taagneyd Energy Tamar. Yeelkadeedee, Planc ma dareemin in isle’egtiisa eysan aheyn wax ka badan isle’eg xisaabeed oo sharaxday kaaha oo qudha. Waa halkaan meesha Einstein uu kasoo galay soo bandhigidda aragtidiisa isu-eegidda ‘relativity theory’ – taas oo uu si qoto dheer ugu lafaguray caqabdihii la xiriiray iftiinka ee madaxa xanuujiyay saynisyahannadii ka horeeyay. Einstein wuxuu isticmaalay kuwaantam iftiimeedka mala awaaleed si uu u sharaxo raadka footodanabeed. Tijaabadaan aan caadiga aheyn waxay ku lug laheyd iska-caabinta elektaroonada ey iska caabinayaan biraha kaahsan ee iftiinka. Sidaas ayeyna Einstein ugu suurtagashay inuu soo bandhigo aragtidiisa sharaxaysa tamarta oo kasoo horjeeda rakaad garaaf ee raadka footodanabeed.
Dabayaaqadii bishii Seyrmaweydo (April) ee sanadkii 1905tii Einstein wuxuu dunida usoo bandhigay risaaladiiisa 3aad ee aragtida isu-eegidda ‘relativity theory’ – wuxuuna cinwaan uga dhigay; “Diinaamikada danabka ee walxaha socda”. Inkastoo risaaladaan eysan waxba u dhimin aasaaska fikradda guud ee dululaatiga iyo waqtiga, haddana waxay ka jawaabtay dhibihii ugu badnaa ey wajahayeen culumada fiisigiska xiligii Einstein. Diirad saariddii Einstein ee uu saaray xeerkii Maxwell ee isle’egta birlabdanabeedka iyo araga dunida ee makaanikada – Einstein wuxuu ku guuleystay inuu labadaas ku mideeyo hal argti. Iyadoo kooban, aragtida isu-eegidda waxaa laga wadaa in xeerarka Fiisigiska ey isku mid u yihiin dhamaan kormeerayaasha aan karaar qaadaneyn, iyo in xawaaraha ileyska ee meel madhan uu lamid yahay xawaaraha uu kormeere ku safrayo, si walba oo ey u kala xawaare duwan yihiin. Tusaale, nin baa wuxuu saaran yahay mooto, mootadu waxay ku jirtaa van, vanku wuxuu ku jiraa gaadhi weyn, gaadhiga weyn wuxuu saaran yahay Markab. Xawaraha ninka wuxuu lamid yahay, kan mootada, kan vanka, kan gaadhiga weyn iyo kan markabka. Intaas waxaa usii dheer, badda uu marku ku socdo waxay ku taal xidiga dhulka kaasoo jaraya xawaare. Arladu waxay ku dhex jirtaa xayn xidigo qoraxeedyo oo xawaare jaraya, xaytaasna waxay ka tirsan yihiin mareeg weyn ‘galaxy’ oo iyagunna jaraya xawaare. Marka dhamman walax walba midka kale ayeey ku tiirsan tahay oo ey ku xawaare tahay, waa haddeeysan karaar qaadaneyn.
Dhulka wuxuu udub dhexaadkiisa ku wareegaa hal mar 23 saacadood, 56 daqiiqo iyo 4.09053 ilbiriqsi kasta. Wuxuuna gooyaa masaafo gaaraysa 40,075 kilometers, isagoo
ku socda xawaare gaaraya 1,500 km saacaddii. Sidoo kale dhulku wuxuu ku wareegaa qoraxda sanadkii afar jeer, isagoo ku socda xawaare 67,000 miles saacaddii. Dhulka iyo xidigaha kale ee nagu hareereysan ee ka tirsan mareegeena ‘galaxy’ waxay jaraan masaafe ka badan 220 km ilbiriqsigii. Mareegaha deriska la ah mareegteena oo noo jira masaafo 150 million ileys sanadood – waxay jaraan ilbiriqsigii masaafo dhan 1,000 km. Halkii sanad ileys wuxuu la mid yahay masaafo dhan 6 tirilyan miles. Halkii mareeg wuxuu ka kooban yahay tiriliyan tiriliyan tiriliyan xidigo, waxaana jira oo saynisyahannadu ey ku kormeereen diiradahooda in ka badan tiriliyan tiriliyan tiriliyan mareeg, oo dhamaan xawaare ku socda. Xiddiga aan ku noolnahay ee dhulka marka loo eego xiddiga qoraxda wuxuu noqonayaa saxar saxaraha dhex yaal, sababtoo ah; ubucda qoraxda oo qudha waxaa buuxin kara 1,300,000 oo dhul. Mareegtaan ka tirsannahay marka loo eego mareegaha kale waa sida qoraxda iyo dhulku u kala weyn yihiin. Waxaas oo dhan waxay ku yaalaan samada nasoo eegaysa ee loo yaqaan samaa’u dunyaa. Waxaana jira 7 samadood – oo midba midda kale kasii weyn tahay sida saxar saxaraha lagu tuuray oo kale. Marka aadanha marka loo eego abuurkaas kale ee Eebe uumay wuxuu noqonaya waxba, waana tanoo kale marka diinta ey leedahay; dunida Alle agtiisa kama aha garab kaneeco. Eebe oo na tusaa leynaya wuxuu Quraanka ku yiri: أَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاءُ ۚ بَنَاهَا “Ma idinkaa abuuris darran mise samada? Eebaa dhisay”
Aragtida isu-eegidda ‘relativity theory’ ee Einstein dhidibadda u aasay waxay mideeysay oo qeexday xawaaraha kormeerayaasha kala weyn ee aan karaar qaadaneyn iyo xawaaraha ileyska – si walba oo ey u kala kaynaan xawaare duwan yihiin.
Waxaa laga yaabaa mid isweydinaya inuu isweydiiyo, sidee anigoo gurigayga dhex fadhiya aan u jarayaa xawaaraha intaas dhan? Jawaabtoo fudud, xawaarayaashaas waxaa ka dhasha habeenka iyo maalinta, iyo xilliyada kala duwan ee sanadka, sida; guga, dayrta, xagaaga iyo jiilaalka. Maxaan u dareemi weynay xawaaraha intaas le’eg? Waxaan ku dareenaa isbedelka ey ku sameynayaan walxaha nagu hareereysan, waana naxariis Eebe, iyo innagoo ah wax yar oo aan qiimo laheyn marka loo eego koonka naga weyn ee Alle uumay.
Waxaa lasoo guuriyaa in Einstein uusan ugu horeyn qof qalin u qaatay aragtida isu-eegidda, oo uu Galilyo ‘Galilieo’ isku dayay inuu aragtidaan ka sal gaadho biloowgii qarnigii 17aad. Hase ahaatee Galiliyo kuma guuleysan inuu soo bandhigo isle’eg xisaabeed iyo aragtida oo tifatiran. Einsten markuu qalinka u qaatay aragtidaan wuxuu soo bandhigay; iyadoo dhameystiran, faahfaahsan, wuxuuna soo raaciyay isle’eg xisaabeed oo sahashay fahanka aragtida. Sidoo kale wuxuu usoo bandhigay iney noqoto mabda’ fiisigis. Mabda’aan oo ah; in dhamaan kormeerayaasha ey hal cabir ka qaadanayaan xawaaraha ileyska si walba oo ey kormeerayaashu ugu socdaan xawaarayaal kala dheereeya. Sidaas ayeyna daaqadda uga baxday hal saacad oo dunida oo dhan ka dhexeysa, taa bedelkeed; kormeere walbaa wuxuu leeyahay saacaddiisa u goonida ah. Tusaale, haddii kormeere ku dhex jira kormeere kale oo soconaya, mid walbana lagu xiro halbeeg cabiraya kaynaanka xawaaraha kormeeraha, waxaa soo baxeysa in kormeeraha labaad uu ka danbeeyo kormeeraha koowaad qadar lagu qiyaasi karo kaynaanka xawaaraha ileyska oo qudha. Haddaan si kale u dhigo, adigoo saaran bas ku socoda xawaare, adiga iyo teleefoonkaaga jeebka ku jiraa isku xawaare ma noqonaysaan, dabcan ma dareemeysid, sababtoo ah waxaa uun lagu cabiri karaa kaynaanka xawaaraha ileyska. Aragtida Einstein ee isu-eegidda wuxuu ku nuuxnuuxsaday in amin iyo meel eysan aheyn wax ku adag fahanka aadanaha, laakiin ey yihiin tirooyinka la qeexi karo hawlgaladooda.
Aragtida isu-eegidda ee Einstein waxay kaloo qeexday sida cufka iyo tamarta isugu dhigmaan, sida uu ku sharaxay isle’eg xisaabeedkiisa caanka ah ee E = MC2. ‘E’ waxay u taagan tahay energy tamar, ‘M’ waxay u taagan tahay mass cuf, ‘C’ waxay u taagan tahay kaynaanka xawaarah ileyska oo ah 2.99792458 108 m/s/ilbiriqsigii. Sidaasna Einstein wuxuu kusoo saaray in kaahinka birlabdanabeedka sida maatarka iney qaadi karaan wahsi. Tusaale, xoogaa yar oo tamar birlabdanabeed waxay u dhigantaa in badan oo cuf wahsiyeed. Sidoo kale, in yar oo cuf ah wuxuu u dhigmaa in badan oo tamar ah. Isle’egtaan wuxuu Einstein ku xaliyay xiriirka ka dhexeeya makaanikada iyo birlabdanabeedka, waxayna fure u noqotay hormarinta tiknoloojiyadda adduunka iyo sameynta hubka halista ah ee nuclearka. Sidaas ayuuna Einstein ku xaliyay dhibkii hortaagnaa fiisigiska xiligaas. Waxaa xusid mudan aqristoow, haddaan Einstein xalin laheyn soona saari laheyn aragtida isu-eegidda ineysan suurtagal ahaan laheeyn inaan qoraalkaan internetka soo dhigo oo aad aqrisatid. Haddaan si kale u dhigo, dunida ma hormarteen sida xawliga ah ey u hormartay qarnigii 20aad iyo kan aan imminka ku jirno ee 21aad.
Inkastoo Einstein si wacan loogu xusuusto waxqabadkiisa aan innaba caadiga aheyn iyo kusoo biirintiisa cilmiga fiisigiska waxyaabo cusub oo aan horay loo ogeyn, haddana waxaa iyanna la ilaawi karin saameynta uu ku sameeyay culuumta falsafadda iyo suugaanta. Marka la eego waxqabadkiisa cilmiga, waxaa la dhihi karaa aragtidiisa isu-eegidda (relativity theory) ayaa waxay saameyn weyn ku reebtay culumada iyo mufakkiriinta qeybaha kala duwan ee cilmiga. Tusaale, fiisigyahanka u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray Arthur Eddington, wuxuu aragtida isu-eegidda ee Einstein u fasirtay iney ka caawineyso helidda fikir rooxaaniyaad oo dhab ah – oo ku aadan fahanka koonka. Waxaa Athrur iyo xertiisu ku doodaan, in xeerarka sayniska ey leeyihiin; maskax toolmoon iyo jiraataanka boqortooyada ruuxaaniyaadka togan. Dhanka kale, fiisigisyahannadii Soofiyeedka sida ninka la yiraahdo; V.A. Fock wuxuu aragtida isu-eegidda ku fasirtay – iney caddeeyn u tahay ajandahooda Marxist ee maadada. Raggaan ey maadada madaxmadhay, waxay ku doodaan, in saynisku oo sharaxayo kaliya maadada oo uusan fikir shuqul ku laheyn. Inkastoo qaar kamid ah falaasifada Einstein u xanbaariyeen in aragtidiisa isu-eegidda ey tahay in run ahaantii anshaxa iyo akhlaaqda ey jiri karaan oo qudha sida uu u arko kan arkaya, haddana Einstein waxaas ma rumeysneyn. Kudarso, aragtida isu-eegidda waxay noqotay wax cid walba sheegata iney aragtidooda caddeyn u tahay. Aqoonyahannada madrasada falsafadda ee aaminsan in wax walba la hoos geeyo sayniska ‘positivism’, waxay iyanna ku andacoodeen in aragtida Einstein ey caddeyn u tahay waxay rumeysnaayeen muddooyin badan.
Aragtida isu-eegidda waxay kaloo saameyn ku yeelatay farshaxanada iyo qaabkey usoo gudbiyaan humaagyada ey maankooda kasoo dhalaaliyaan. Farshaxanada caanka ah ee Einstein uu aadka u saameeyay waxaa kamid ah; Henri Matisse, Naum Gabo iyo qaar kaloo badan. Farshaxannadaan waxay aragtida isu-eegidda ka fahmeyn xiriirka ka dhexeeya; cufka, tamarta, meel iyo amin.
Diidmada Einstein diiday waqtiga aan xadidneyn waxay horseeday, fahanka waqtiga inuusan ku koobneyn oo kaliya tayo diinimikeed ee farshaxanka la arko – balse, sidoo kale ey gaarsiisan tahay murtida la qoro. Abwaan qalinle William Faulkner, wuxuu soo bandhigay dhigaal uu ugu magac daray ‘aminta shaqsiyeed’. Sidoo kale, abwaanada kala ah; Archibald MacLeish, William Carlos Williams iyo Leon Zukofsky, waxay isku dayeen sideey isaga-kaashan lahaayeen curinta gabayo ka hadlaya aragtida Einstein uu kusoo kordhiyay fiisigiska. Gabayada noocaan waxaa loo yaqaan; gabayada diidmo la’aanta ee isu-eegidda, waxayna si af-maalnimo murtiyeysan u sharaxeen; halbeega meel iyo amin – iyadoo lagu halbeegaayo murtida isu-eegida. Natiijadana waxay noqotay tijaabinta halabuurka murtida, gaar ahaan; qaabka tixuhu isu galayaan iyo habdhiska guud ee maansada kolkaa la alifayo. Abwaano kale, sida; Robert Frost, Ezra Pound, and T.S. Eliot, iyagu waxay la yimaadeen dhaqamo isku dhexjira markey isticmaalayeen aragtida Einstein. Tusaale, Eliot wuxuu u isticmaalay inuu ku raddiyo aragtida ‘positivism’ ee oranaysa waxaa xaqiiqo ah oo kaliya waxay saynisku uu hubiyo. Inksatoo abwaanadaan ey soo amaahan jireen; xeerarka, muuqaalada iyo sharaxaadda Einstein ee falsafadda, haddana wey dhaliileen xeerarka falsafadeed ee Einstein.
Sidoo kale waxqabadka Einstein waxaa kamid ah inuu soo nooleysiiyay aragtida dadweynaha ey ka qabaan kaalinta saynisyahannada ey ku dhex leeyihiin bulshooyinka dhexdooda.
Einstein wuxuu rumeysnaa in saynisyahannada ey bulshada ka saaran tahay mas’uuliyad anshaxeed, loona baahanyahay iney bulshada ku hogaamiyaan baadigoobka xaqiiqooyinka biya kama dhibcaanka ah – si looga kaaftoomo khuraafaadka, khuzacbalaadka iyo aragtiyooyinka aan cilmiga ku dhisneyn. Kudarsoo, Einstein risaalooyinkiisa sayniska ee uu baahiyay wuxuu ku daabacay mowduucyo uu uga faalooday; diimaha, xuquuqda aadanaha, dhaqaalaha, dawladaha, dagaalka hubka halista ah (nuclear war) iyo hormarinta shaqsiyeed. Einstein wuxuu ahaa mid aan qarsan oo rumaysnaa in dagaalku uusan marna banaaneyn, loona qiil raadin karin ‘pacifism’, wuxuu kaloo rumaysnaa oo had iyo gooraale uu u ololeyn jiray in ilaalinta sharafta iyo karaamada aadanaha ey tahay waxaan marnaba gorgortan galeyn. Inkastoo uu rumaysnaa in Yuhuuddu ey asalkooda dib ugu laabtaan, haddana ma taageersaneyn in gacan ka hadal wax lagu raadiyo.
Isku soo xooriyoo, Einstein wax kama bedelin fiisikiska iyo sayniska oo qudha, ee wuxuu si weyn u saameeyay dhamaan qeybaha cilmiga iyo nolosha. Inkastoo uu noqday qof caan ah oo dunidoo dhan laga yiqiinay, haddana Einstein sida lagu yiqiin qawaamiirta, wuxuu had iyo goorba ka fikiri jiray mustaqbalka aadanaha. Ugu danbeyntii Einstein wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada New Jersey ee dalka Mareykanka taariikhdu markey aheyd 18kii bishii Seyrmaweydo (April) sanadkii 1955kii.
Macluumaad dheeri ah, aqri buugaagtaan oo uu qoray Albert Einstein:
Iyo qaarkaloo badan
Comments
Post a Comment