TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI

XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI

Wuxuu ku dhashay tuulada la yiraahdo Qasaal oo u dhow magaalada duus gobolka Kharisaan ee waddanka Iiraan. Magaciisa oo dhammeystiran waxaa la yiraahdaa; Abuu Xaamid Bin Maxammed Bin Maxammed Bin Maxammed Al-Shaaficiyu Al-Qazaaliyu Al-Duusiyu. Wuxuu ka dhashay qoys sabool ah, aabihii wuxuu ahaa harqaanle aan waxna qorin waxna akhriyin, laakiin; cilmiga jecel – had iyo gooraalana ka fikiri jiray inuu hagaajiyo aayatiinka ubadkiisa. Waxaa lasoo wariyaa in maalin maalmaha kamid ah odaygu uu tagay gole la buuxo oo nin caalim ah uu dadka cilmiga barayay, deedna xoogaa shilimaad ah oo guntiga ugu jirtay ayuu sadaqeystay – Allana wuxuu ka baryay inuu siiyo wiil noqda sida ninkaas caalima oo kale. Ilaahey ducada ninkaan miskiinka ah wuu ka aqbalay, oo hal kaliya ma siinin, ee wuxuu siiyay laba wiil, Xujjatul Islaam Abuu Xaamid oo noqday ninkii ugu faqiihsanaa xilligiisa, iyo walaalkiis Abuu Al-fatuux Axmed oo noqday nin dadka wacdiya oo wacdigiisu uu dadka saameeyo.

Maadaama odaygu uusan helin waxbarashaduu ku haminayay, wuxuu awooddiisa intii karaankiisa ah isugu geeyay inuu ubadkiisa xooga lacag ah meel u dhigo si ey wax ugu bartaan. Abuu Xaamid wuxuu dhashay taariikhda markey aheyd 1058 oo waafaqsaneyd 450 hijriyadda. Abuu Xaamid wuxuu kusoo barbaaray gurigaas saboolka ah, aabihii wuxuu ahaa suufi cibaado badan. Markii sakaraatku u yimid Abu Xaamid abihii, odaygu wuxuu la dardaarmay nin suufi ahaa sidiisa oo uu ku yiqiin Alla ka cabsi iyo amaano ilaalin – sidaas aawgeed ayuu odaygu wuxuu u dhiibay ninkaas xoogaa lacag ah oo uu naftiisa ka soomiyay, si uu ugu xanaaneeyo labadiisa wiil, Abuu Xaamid iyo walaalkiis Axmed. Wadaadka suufiga ahaa wuu fuliyay balantii wixii karaankiisa ah. Wadaadka suufiga ah laftigiisu wuxuu ahaa nin faqiir ah oo aan waxba heysan. Yeelkadeede, markii xoogaagii lacagta aheyd ka go’day, wuxuu u yeeray labadii wiil, wuxuuna u sheegay in lacagtii ey ka dhamaatay, uusanna u heyn waxay cunaan ama cabaan. Xaalku markuu sidaas yahay, ayaa wadaadka suufiga ah wuxuu labada inan usoo jeediyay iney masaajidka tagaan oo ka qeyb galaan xalaaqaadka cilmiga, markii la arko iney arday yihiina – waxaa la siin waxay cunaan iyo waxay cabaan. Sidaas ayey sameeyeen Abuu Xaamid iyo walaalkii. Abuu Xaamid oo arinkaan ka sheekeenaya wuxuu yiri: “cilmi baan u dalbanay ujeedo aan Alle dartii aheyn, laakiin; cilmiga waa naga diiday illaa inuu Alle dartii u ahaado”.

Abuu Xaamid kuraynimadiisii wuxuu cilmiga ka qaatay culumo badan, wuxuu cilmiga fiqhiga ka bartay Al-imaam Axmed Al-raakizaani magaalada Duus. Muddo yar kadib, Imaamku wuxuu u wareegay magaalada Joorjaan si uu cilmiga uga barto Imaam Abuu Nasr Al-ismaaciili oo ahaa faqiih weyn oo Shaafici ah. Halkaas oo uu imaamku ku qoray sharaxiisa la magac baxay ‘Al-tacliiq’oo ah cilmigii uu ka uruuriyay Imaam Abuu Nasr. Maalin maalmaha kamid ah Imaamka oo safar u ah magaalada Duus isagoo ka yimid magaalada Joorjaan, ayaa shufto jidka u galeyn – deedna wax alaale iyo wuxuu sitay ayeey ka furteen. Imaamka waxa wax walba uga qaalisanaa buug weyn uu ku qoray wuxuu Imaam Abuu Nasr kasoo bartay. Nimankii shuftada ahaa ayuu la hadlay, oo wuxuu ku yiri; wax walba qaata, laakiin; fadlan buugayga iisoo celiya. Ninkii mooryaanta madaxda u ahaa ayaa ku yiri; ma adigoo inankaagan yar ah ayaad ku dhiiratay inaad ka hadasho waxaan kaa qaadannay? (yacnii nasiib baadba leedahay haddeynaan ku dilin). Deedna mooryaankii ayaa si jeesjees ah ku weydiiyay, maxaa ku qoran buugan aad ku waalatay? Abuu Xaamid ayaa ugu jawaabay; waxaa ku qoray cilmigii aan kasoo bartay Imaam Abuu Nasr. Mooryaankii ayaa inta qosol quursi ku jiro ku dhuftay yiri si aflagaadeysan; yaa kaa doqonsan, waxaad sheeganeysaa inaad Imaam Abuu Nasr wax ka baratay, haatanna annagaa kaa dhcnay alaabadaadii oo dhan – sidaasna cilmigaad baratay ayuu u lumay.
Abuu Xaamid wuxuu yiri; waxaan naftayda ku iri ninkaan Alle ayaa ka hadalsiiyay si uu igu tilmaamo xifdinta cilmiga – hadalka ninkaas shuftada ah qalbigayga ayuu ku dhacay, wuxuuna i baray cashar lama ilaawaan ah, casharkaas oo ah; cilmigu wuxuu u baahan yahay xifdin. Cabaar iyo dood dheer kadib wey siiyeen buugiisa, Imaamkana wuxuu soo gaaray magaalada Duus, halkaas oo uu ku sugnaaday 3 sanadood oo uu xifdinayay cilmigii buuga ku qornaa oo uu kasoo bartay Imaam Abuu Nasar, si haddii markale looga dhaco buugtiisa uusan cilmiga uga lumin. Intaas kadib, Imaamku wuxuu u socdaalay magaalada Naysaabuur oo ka tirsan gobolka Khurasaan – halkaas oo uu ku sugnaa Caalimkii weynaa ee Abuu Al-macaali Cabdulmalik Al-Juwayni oo ah inanka Caalimkii Shiikh Maxammed Al-Juwayni oo ahaa shiikha Shaaficiyada casrigiisa – saaxiibna la ahaa Al-imaam Al-xaafid Abiibakar Al-bayhaqi. Abuu al-macaali waa sidoo kale lagu naynaysaa Imaamul Xaramayn, sababtoo ah muddo ayuu dhulka barakaysnaa shiikh ka ahaa.

Sidaas ayuuna Imaamkeena Abuu Xaamid uu arday ugu noqday Al-juwayni oo ah ninka ugu aqoonta badan madhabta Shaaficiyada iyo dhammaan Islaamka. Sidaas ayuuna Xujjatul Islaam wax uga barannayay Aljuwayni ilaa uu ka geeriyooday, Imam Alqasaalina wuxuu jiray 28 sanadood – xiligaas oo Imaamku ey aqoontiisa caga-dhigatay, kadib markuu cilmiyo farabadan oo kala gedisan uu shiikha ka meyrsaday. Culuumtuu ka qaatay Aljuwayni waxaa kamid ahaa; cilmiga fiqiga, usuusha iyo falsafadda. Sidoo kale, Imaamku goonidiisana wax ayuu isku barayay oo dadaalo dheerad ah oo shaqsiyeed ayuu la imaan jiray. Markuu geeriyooday Imaam Al-juwayni, durbadiiba waxaa dunida Islaamka ku faaftay inuu soo baxay nin dhalinyaro ah oo aqoonta ka qaatay Al-calaamah Aljuwayni, ninkaas oo aad u caqli badan, fariid ah, lehna fahan qoto dheer. Waxay taariikhyahanadu xusaan in Imaam Alqasaali uu guursaday isagoo 20 ka yar, Allana uu ku arsaaqay wiil iyo seddex gabdhood.

Wiilka waxaa la oranayay Xaamid, waana halkaas meeshuu Imaamku ka qaatay kuunyada, inkastoo wiilku uu yaraan ku dhintay, laakiin gabdhaha ayaa noolaaday in badan kadib geerida aabahood. Intaa kadib, Imaamka waa kasoo ruqaansaday magaalada Naysaabuur wuxuuna tagay degmada Mucaskar oo ku tiilay duleedka maagaalada Naysaabuur. Degmada xilligaas waxay fadhi u aheyd noocyada kala duwan ee culumada Islaamka, kuwooda ku takhasusay fiqiga, usuusha ama falsafadda. Waxaana degmada wasiir ka ahaa nin la oran jiray Nidaam Mulki oo wakil ka ahaa Suldaankii la oran jiray Albu Arsalaan oo ahaa ninkii jabiyay ciidankii Ruum. Imaamku markuu degamada Mucaskar gaaray, madaxdii halkaas oo ka war hayay in Qasaali uu wax kasoo bartay caalimkii weynaa Aljuwayni – waxay la baratansiiyeen culumadaii fiqihiga, Imaamka barquu banaanka dhigay dhammaantood. Wasiirkii degmada ayaa yiri; fiqiga inaad raggaan oo dhan kaga cilmi badatid waa dabiici, waayo waxaad wax kasoo baratay Caalimkii ugu fiqiihsanaa umadda ee Aljuwaynii. Dabadeedna, waxay la baratansiiyeen culumada usuusha (caqiidada) sidii oo kale iyaganna barquu kala diray. Haddana markale ayeey waxay usoo shiriyeen faylasuufyaadii xilligaas ugu xeeldheeraa cilmiga falsafadda, iyagana wuxuu marsiiyay dhabbaduu marsiiyay raggii hore. Maamulkii degmada gaar ahaan wasiir Nadaam ayaa aad ula cajabay, kana dalbaday Imaamka inuu Professor ka noqdo Jaamacadda nadaamiyah eek u tiilay magaalada Baqdaad. Xilligaasna jaamacadda Nadamiyah waxay aheyd jaamacadda dunida ugu horeysa aqoonta, waxaana qiimaheedu (rating) ahaa #1 dunida – sida Oxford University ey dunida maanta #1 ka tahay. Jaamacadda Nadaamiyah waxaa la dhisay 458 hijriyada. Imaamku wuxuu professor jaamacadda ka noqday sanadku markuu ahaa 484, afar sano kadibna wuu ka tagay.

Imaamka inta uusan soo gaarin jaamcadda iyo magaalada Baqdaad, waxaa kasoo hormaray warkiisa, gaar ahaan inuu culumadii usuusha, fiqiga, falsafadda ugu tun buurnaa inuu barqo kala diray. Maamulka jaamacadda ayaa imaamka u dhisay meeshuu fariisan lahaa oo ardayda wax ka bari lahaa, waxayna ku bixiyaan dhisidda golahaas adduu gaaraya 500 oo Diinaar oo lacag farabadan xilligaas aheyd. Waxaa sidoo kale xusid mudan in khabarka Abuu Xaamid uu gaaray daafaha dunida, waalidiinta awlaada heysatana waxay bilaabeen iney awlaadooda ka diiwaan geliyaan Jaamacadda. Imaamka wuxuu galay nolol aad u heer saraysa, waxaa sara u kacday magaciisa iyo sumcadiisa, magaciisana waxaa afkau hayay umaddoo dhan. Waxaa xusid mudan, imaamkuna uu ka warramay in xilligaas ey ujeedada cilmiga ey ka wareersaneyd. Waxaa sidoo kale taariikhyahannada ey xusaan in imaamku uu waqtigaas ahaa mid mayal adag, oo aan doodaha cilmiga cidna ugu nixin – qofkuu arko inuu mas’alo ku qaldan yahay toos ayuu ugu sheegi jiray iney jaahil yihiin. Waxay giraantu wareegto, xilliyaduna ey weydaarsadaan, Imaamku wuxuu bilaabay inuu su’aalo naftiisa weydiiyo oo ey kamid aheyd; waa maxay waxaan aan ku dhex jiro? Ma aakhiradaydaan adduun siisanayaa? Imaamka waxaa aad u caawiyay oo lasoo wariyaa caqliga uu u dhashay inuu xaalkiisa wax ka bedelo. Waxay taariikhyahannadu soo guuriyaan dhacdadii bedeshay Imaam Alqasaali iney aheyd; arooryada kamid ah ayaa waxaa soo galay golaha cilmiga ee jaamacadda Abuu xaamid walaalkii Shiikh Axmed oo ahaa Suufi u googo’ay cibaadada ilaahey kana dheeraaday raaxada adduunka iyo dadkeedaba. Shiikh Axmed markuu golaha soo galay wuxuu arkay sida walaalkiis loogu xoorsan yahay, oo ardaydu uga timid daafaha dunida oo dhan. Wuxuu ka naxay sida walaalkii ugu milmay magaca iyo raaxada adduunyada, deedna wuxuu walaalkii ku dul akhriyay tix gabay ah, oo ey kamid aheyd;

أخذت باعضادهم إذ ونوا *** وخلفك الجهد إذ أسرعوا
وأصبحت تهدى ولا تهتدي *** وتسمع وعظا ولا تسمع
فيا حجر الشحذ حتى متى *** تسن الحديد ولا تقطع
oo micnaheedu yahay; xoogaa bey ku siiyeen si ey u hormaraan, adigana dadaal baa kuu hadhay halka iyagana (ardayda) ey horay ugu socdeen. Waxaad noqotay mid dadka hanuuniya, laakiin isaga aan is-hanuunineyn, mid dadka wanaaga maqashiiya laakiin aan isaga maqleyn. Xaalkaagu waa sida dhagaxa soofeeya middiyaha si ey wax u gooyaan, laakiin aan isaga wax goyneyn. Murtida tixda iyadoo kooban axmed wuxuu walaalkii ka waaninayay inuu noqdo kii dadka sababkii ey jannada ku galaan isagana naftiisa hilmaamay. Yacnii qofbaad wax wanaagsan faraysaa adigana kuma aadan liibaanin cilmiga aad dadka faraysi. Haddaan si kale u dhigo, cilmiga aan liibaan adduun iyo mid aakhiro kuu keenin waxaa ka fiican inaad jaahil iska ahaato, si aad xoogaa cudurdaar ah u yeelato. Sidoo kale, cilmi aan cabsida Eebe kuugu hogaamin waa khasaare adduun iyo mid aakhiro. Sababtoo ah, cilmiga dhabta waakan saaxiibkiis ku hogaamiya barashada dhabta ah ee Eebe iyo ka cabsigiisa. إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ “Alla waxaa uun ka cabsada addoomadiisa aqoonta le”.

Hadalkaas wuxuu Imaam Abuu Xaamid kaga dhacay qalbiga, wuxuuna go’aansaday inuu maalintaas ka tago jaamacadda iyo magaalada Baqdaadba. Hadalkaasna waxaa lasoo wariyaa inuu nolosha Imaamka afgambiyay. Imaamka muddadii uu macalinka ahaa wuxuu sameeyay hanti aad u farabadan, wuxuuna ahaa Professor-ka ugu mushaarka sareeya. Si uu isbedel ruuxi ah u sameeyo wuxuu go’aansaday inuu hantidiisa oo shan sadaqeysto – maraka laga reebo xoogaa lacag ah oo uu uga tagay gabdhihiisa, iyo xoogaa uu naftiisa ku ilaalsado si uu uga kaaftaamo aadane gacantiis. Sidoo kale wuxuu dhammaan sadaqeystay dharkiisii qaaliga ahaa marka laga reebo laba shay oo uu naftiisa u xidhto. Imaamka kitaabkiisa ‘Almunqid minal dalaal’ wuxuu ku xusay inuu in muddo ah dareemayay in wax ka qaldanaayeen, wuxuuna sheegay inuu xaaladdaas ku sugnaa ugu yaraan 6 bilood oo naftayda xisaabinayay. Imaamka wuxuu sheegay iney heshay xaalad carabkiisa uu xabismay oo uu hadli waayay, xataa ardayda su’aalaha weydiinaysa uu u jawaabi waayay. Wuxuu kaloo sheegay, inuu cuntada ka go’ay huradana warkeeda haba sheegin. Waxaa imaamka soo wajahday murugo xad dhaaf ah sida qof depression uu ku dhacay, sababtoo ah; cuntada iyo cabitaanka dhadhan uma laha, waxaas dhib ah waxay ka imaanayeen Imaamka oo aan maqsuud ku aheyn xaaladdiisa ruuxiyeed. Intaas kadib, waxaa Imaamka ku xoogeystay walaahowga nafta, talaabo markuu qaado, mid buu dib usoo qaadayay – isagoo toloow maxaan sameeyaa?! Wuxuu xaalka Imaamka sidaas sii ahaadaba, habeen habeenada ka mid ah dadkoo hurda ayuu rabbigiis laba rakco tukaday, isuna duleeyay eebihiis isagoo ka tuugay inuu xaalkiisa wax ka bedelo. Imaamku wuxuu yiri; markaan kasoo faaruqay salaadda, Eebe wuxuu ii go’aamiyay go’aan kii ugu wanaagsanaa oo ah inaan dunida furo, yacnii ka dhex baxo xaaladdaan ku sugnaa oo cibaadada Eebe u go’o.

Imaamka go’aankaas ayuu qaatay, wuxuu ka dhex baxay xaaladdii uu ku sugnaa. Adduunka oo nafta laga go’doomiyo ma’aha cuntada, cabitaanka, labiska qurxoon iyo shaqada oo la isaga tago, ee Imaamka waxaa u joogay xaas iyo 3 gabdhood, waana ku adagtahay dadkeena xilligaan nool iney qoyskooda iyo adduunyada oo dhan ey naftooda ka go’doomiyaan. Yeelkadeedee, imaamku wuxuu dareensanaa hadduu kusii sugnaado xaaladda uu ku sugnaa inuu halaagsamayo oo dhaldhalaalka adduun uu ka mashquulinayo cibaadada Eebaha sarreeya. Tannina waxay tusaale u tahay in magaciisa iyo cilmigiisa Eebe kor u qaaday gadaashiis, oo ilaa maanta dunida oo dhan gaalo iyo muslimiin ey magaciisa afka ku hayaan – lagana dheregsan yahay taariikhda shacniga badan ee uu ka tagay. Si kastaba ha ahaatee, imaamka furyay dunida iyo waxa ku dhex jira, wuxuuna guda galay raadinta iyo la kali noqoshada Eebe. Imaamku wuxuu ka tagay ardaydii, jaamacaddii, mushaarkii, macalimiintii, xaaskii iyo caruurtii, sumcaddiisa iyo magaciisa, iyo hantidiisa oo dhan, si uu Eebihiisa ugu go’o. Intaas kadib, imaamku wuxuu u ruqaansaday inuu soo xajiyo isagoo lugeynaya oo aan awr ama daabad kale u rarneyn. Abuu-bakar Al-carabi oo kamida ahaa ardayda Imaamka wuxuu yiri; waxaan saxaraha ku kulannay Imaamkeena Abuu xaamid oo aan garan waayay siduu u ekaa, wuxuu xirnaa dhar dug ah, saadna wuxuu ka sitay ubo weyso. Abuubakar wuxuu yiri; waxaan ku iri sow Imaamkeena Abuu xaamid matihid? Wuxuu iigu jawaabay haa! Waxaan weydiiyay waa maxay dharkaan duuga ah ee fuqaradu xirtaan ee aad xiran tahay? Ma waxaad ku biirtay suufiyada? Nin waxaad aheyd adduunka oo dhan ugu cilmi badan, oo umadda oo dhan ey cilmi usoo raadsato, waa maxay sidatan? Abuubakar Alcarabi wuxuu yiri; imaamka wuxuu iigu jawaabay tix gabay ah, markuu isoo eegay kadib isagoo murugo iyo khushuuc wajigiisa uu ka muuqdo, waxayna aheyd sidatan:
تركت هوى ليلى وسعدي بمعزل ** وعدت إلى تصحيح أول منزل 
ونادت بي الأشواق مهلا فهذه ** منازل من تهوى رويدك فانزل 
غزلت لهم غزلا دقيقا فلم أجد ** لغزلي نساجا فكسرت مغزلي

Wuxuu yiri; waxaan kasoo tagay hawadii iyo damacii layla (nafta) iyo liibaansiinteedii, waxaan soo aaday inaan hagaajiyo hoyga koowaad. Waxaa ii dhawaaqay damacyo, oo ilahaa tartiib, waa kuwan hoygaad rabtay ee soo dag. Waxaan u falkiyay (yacnii baray cilmiga) falkis xeeldheer, laakiin falkiskayga kumaanan helin deganaansho, markaas ayaan jabiyay waxaan falkay (yacnii kasoo tagay jaamacaddii). Iyadoo kooban, Imaamku wuxuu Ibnu Carabi ku yiri; Ninyahoow intaan dad wax barayay waxaan ilaabay naftayda iyo xiriirka Eebe. Imaamku wuxuu gaaray xaramka, halkaas oo uu kusoo xajiyay, muddo gaabanna uu ku nagaaday, deedna wuxuu usoo jiheystay xaggaas iyo dhulka Shaam gaar ahaan magaalada Dimishiq – halksas oo uu ku nagaaday muddo yar, sida uu soo wariyay taariikhyahan Ibnu Subki. Sanadku markuu ahaa 489kii Imaamka waa ka tagay Dimishiq, wuxuu aaday dhulka barakeysay Baytul Maqdis. Waxaa lasoo wariyaa sababta Imaamka uu uga cararay Dimishiq iney aheyd in la aqoonsaday, oo dadkii kusoo xoomeyn – Imaamkuna wuxuu ka cararay waxay aheyd in dadku ku mashquulaan, oo ka mashquuliyaan cibaadada Eebe. Si kastaba ha ahaatee, Imaamka wuxuu degay hoosta qubbada masjid Al-aqsaa halkaas oo uu ku ictikaafay muddo. Deedna, wuxuu kusoo laabtay dhulka Shaam, halkaas oo uu ku biiray [khaaniqaah] xer suufiyo ah oo cibaadada Eebe u go’ay.

Khaaniqaah waa meel ey degen yihiin niman xer ah oo u go’ay cilmiga iyo cibaadada, sida xerta Shiikh Cabdullaah Baardheere ama xerta Shiikh aweys. Imaamka markuu golaha xerta yimid wuxuu fariistay iridda laga soo galo, meesha kabaha la dhigo muddo maalmo ah, Imaamka wuxuu waxaas oo dhan u sameynayay waxay aheyd inuu nafta duleeyo oo carbiyo si uu Khaaliqiisa ugu dhowaado. Halkaan waxay cibro ugu jirtaa qof walba oo raba inuu Eebihiisa ka agdhowaado, naftaada kasoo tag – si aad Eebahaa ugu dhowaatid. Xerta waxaa la oran jiray xertii shiikh Abuu Alqaasim Al-suwaysaadhi, kaas oo geeriyooday 453kii. Imaamka markuu maalmo fadhiyay iridda khaaniqada waxaa u idmay inuu gudaha galo nin aan la aqoon oo faqiir lagu sheegay, mana aheyn shiikha xerta ama culumadeeda. Imaamka markuu gudaha mawlaca xerta galay, wuxuu shaqo ka dhigtay inuu nadiifiyo meesha lagu weysaysto, si walaalihiis ey ugu weyseystaan meel nadiif ah, waxaas wuxuu u sameynayay inuu Allihii uumay ugu dhowaado. Waxaa xusid mudan oo aan soo sheegnay, in Imaamka casrigiisa uu ugu cilmi badnaa taana aan laba isku khilaafin, sidaas oo ey tahay waxaas oo dhan wuxuu ka doorbiday inuu Eebe isku duleeyo oo weesada nadiifiyo.

Akhriste, isweydii yaa maanta naga mid ah isagoo magac iyo aqoon Eebe u dhiibay musqulaha ama weesada nadiifin lahaa? Yeelkadeedee, Imaamka markuu muddo ku nagaaday xerta, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa xerta yimid nin reer miyi ahaa oo kasoo safray meel fog si loogu caddeeyo mas’alo diini ah oo ku taagneyd. Waxaa xusid mudan xerta waxaa joogay culumo waa weyn oo ardayda xerta cilmiga bari jirtay, dadkana ey ugu imaan jireen iney mas’alooyinka ku taagan ey weydiiyaan. Ninkii reer miyiga ahaa ayaa weydiiyay nin culumada xerta kamid ahaa mas’aladiisa; culumadiina wey inkireen su’aasha ninka reer miyi, sababtoo ah waxay aheyd mas’alo adag oo eysan jawaab u heynin. Si kastaba ha ahaatee, Imaam Abuu Xaamid oo nadiifinaya meesha lagu weesaysto ayaa maqlay su’aasha ninka reer miyi weydiiyay culumada. Imaamkana wuxuu ka naxay ninkaan safarka dheer usoo galay in mas’aladaan looga jawaabo – haddana culumadii ey inkireen. Imaamka wuxuu u yeeray ninkii reer miyiga ahaa wuxuuna weydiiyay; maxay aheyd mas’aladaada? Ninkii reer miyi ayaa u sheegay su’aashiisa imaamka. Imamka ayaa ninkii uga jawaabay mas’aladiisa, ninkii reer miyi oo quursi uu ku jiro ayaa si cod dheer oo dadka oo dhan ey maqlayaan jeesjeesna uu ku jiro u yiri; miskiinkaagan musqulaha iyo weesada nadiifiya miyaa ka jawaabi kara wax ey aqoon waayeen culumada waa weyn ee xerta?! Hadalkii reer miyiga ayaa dadkii oo dhan maqleen, waxaa durbadiiba u yimid culumadii xerta oo ninkii reer miyi ka dalbaday inuu u sheego waxa ninkaan miskiinka ah uu uga jawaabay mas’aladiisa. Ninkii reer miyi markuu u sheegay culumada jawaabta imaamka, durbadiiba wey garteen in jawaabtan eysan aheyn jawaab nin caamo ah, ee ey tahay jawaabta nin iyaga ka cilmi badan. Waxaa xusid mudan, in culumadaan ey ogaayeen in la la’yahay Imaam Abuu Xaamid meeluu cirib iyo jaan dhigay. Markey maskaxda ka shaqeysiiyeen waxay ogaadeen ninkaan weesada nadiifiya ee mas’alada ka jawaabay inuu yahay Imaamkii weynaa ee Abuu Xaamid, inkastoo eysan horay ula kulmin.

Culumada xerta waxay isla habeenkaas diyaariyeen gole ey cilmiga uga bartaan Imaam Abuu Xaamid, imaamkana wuxuu ka cararayay waxay aheyd in la buunbuuniyo oo laga mashquuliyo cibaadada Eebe. Isla habeenkaas imaamka wuu kasoo ruqaansaday xerta maadaama la aqoonsaday, wuxuuna soo dagay manaarada galbeed ee masjidka Ummawiyiinta ee magaalada Dimishiq – halkaas oo uu ku khalaaweyn jiray. Imaamka oo arinkaan ka sheekeenaya wuxuu yiri; waxaan manaardda geli jiray salaadda subax kadib, halkaas ayaana ku nagaan jiray ilaa aasku madoobaado. Ibnu Casaakir kitaabkiisa ‘taariikhu Dimishiq’ wuxuu soo guuriyay in Imaamka uu qoyskaiisa, ardayda iyo dunidaba ka go’doomay muddo gaareysa 20 sanadood. Taasina macquul ma’aha oo ma waafaqeyso da’da uu jiray Imaamku markuu bilaabay tasawuska, yacnii u go’doomidda cibaadada Alle, iyo da’da uu ku dhitayba. Sababtoo ah, imaamka wuxuu dunida furay isagoo 40 jir ah, wuxuuna geeriyooday markuu cimriga ka gaaray 53 sanadood.

Sidaas awaadeed, waxaa raajix ah qawlka oranaya imaamka wuxuu maqnaa 10 sanadood, sababtoo ah markuu soo laabtay wuxuu sii noolaaday sanado badan oo uu kutub badan ku alifay. Imaamka inta uu tasawufka ku maqnaa waxaa caado u aheyd keli noqosho si uu ula xaajoodo rabbigiisa isagoo keligii ah oo addunka oo dhan kasoo dhex baxay. Waxaa kaloo imaamka uu joogteeyay booqashada qubuuraha saalixiinta – halkaas oo uu qur’aan badan kusoo akhriyi jiray, ku ooyi jiray in badan, una duceyn jiray saalixiinta. Intaas kadib, Imaamka wuxuu yiri; Eebe wuxuu ii idmay inaan qoyskayga ku laabto, wallaahi anniga wax walba aan sameeyo ma’aha wax aniga iga yimid ee Eebe ayaa ii gartay, dhaqaaqna ma sameeyo, ee Eebaa i dhaqaajiya. Sidoo kale, Imaamka wuxuu sheegay xiisaha uu u qaaday hablihiisa iney qeyb ka aheyd soo laabashadiisa. Halkaan waxaa noogu jirta cashar weyn oo ey tahay inaan Imaamka kaga dayanno, qofkii raba inuu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya isaga iyo Eebihii waa inuu u kali noqdaa Eebihiis. Si kastaba ha ahaatee, Imaamka markii loo idmay wuxuu kusoo laabatay Duus iyo qoyskiisa. Wuxuu la joogay muddo kooban, deedna waxaa lagu ilxaaxiyay oo lagu cadaadiyay inuu Jaamacadda Nadaamiyah ee magaalada Baqdaad uu kusoo laabto si uu ardayda wax u baro. Imaamka wuxuu jaamacadda wax ka dhigay muddo kooban, deedna wuxuu macalin ka noqoday jaamacadda Nadaamiyah ee magaalada Naysaabuur. Muddo yar kadibna wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Duus, halkaas oo uu gurigiisa agtiisa ka dhisay masjid lagu barto cilmiga iyo xer suufiyada ey Alle ku caabudo oo dunida uga go’doonto. Imaamkana sidaas ayuu waqtigiisa ugu kala qeybiyay, cibaado oo uu u go’o, waqti uu dadka wax baro iyo waqti uu kutub alifo. Kutubtii uu xilligaas qoray waxaa kamid ah ‘Al-mustasfaa’ oo uu alifay sanadku markuu ahaa 503dii hijriyada. Waxaa si xoog leh loosoo wariyaa sababta Imaamka uu usoo laabtay iney aheyd inuu inta uu maqnaa uu aad ugu riyoon jiray riyooyin wanaagsan oo aheyd inuu dib ugu laabto waxbarashada – maadaama 100kii sanaba ilaahey balan qaaday inuu umadda Islaamka usoo saaro qof diinta cusbooneysiiya. Imaamkana wuxuu geeriyooda 505tii, waxaana la isku waafaqsan yahay inuu ahaa cusbooneysiiyihii diinta ee qarnigii 5aad.


Imam Taajuddiin Alsubki, kitaabkiisa Dahabaqaatu Shaaficiyatul Kubraa, wuxuu kaga sheekeeyay qeyb kamid ah karaamaadka Imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Subki wuxuu kasoo wariyay Imaamkii weynaa Fakhrul Islaam Abuubakar Alshaahi inuu yiri; waxaa jiray shaqsi aad u necbanaa Imaam Alqasaali oo marwalba si xun u aflagaadeyn jiray. Imaam Alshaashi oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yiri; ninkii baan la kulmay – wuxuuna ii sheegay inuu riyo ku arkay rasuulka SCW oo ey la fadhiyaan Abuubakar, Cumar iyo Imaam alqasaali. Deedna imaamka ayaa rasuulka SCW ku yiri; rasuulkii Alloow ninkaan wuu i duraa goor walba; markuu rasuulku xaqiiqsaday ayuu amray in ninka la jeedalo, deedna wuxuu yiri hurdada ayaan kasoo baraarugay iyadoo dhabarkayga ey ku taal calaamaddii jeedalka. Ninkaas wuxuu bilaabay inuu ka shalaayo duriddii uu imaamka durijiray isagoo mar walba uu riyada soo xusuuto booyi jiray dadkana uga sheekeen jiray. Imaami Shaashi wuxuu kaloo soo wariyay in nin kamid ahaa fuqhada dhulka Masar uu u sheegay inuu maalin maalmaha kamid ah uu goobjoog u ahaa in nin uu si xun u aflagaadeeyay Imaam Alqasaali, wuxuu yiri deedna waan dhibsaday caayda loo geystay Imaamka. Habeenkii goortii la gaaray ayaan Imaam Alqasaali ku arkay riyo, wuxuuna igu yiri; waan kuu jeedaa inaad dhibsatay in golohaaga la igu caayay, waxba haka soo qaadin ninkaan beri buu dhimanayaa. Markii waaga baryay, baan golohii tagay mise ninkii waan noolyahay oo waa caafimaad qabaa, deedna xilli galab gaabkii ah ayuu ninkii fuulay daabadiisa isagoo u socda gurigiisa, markuu gurigiisa u dhow yahay ayuu daabaddii ka dhacay, waxaan soo gaaray dhaawac culus, gurigiisa markii la geeyana naftii baa ka baxday intaan gabalku dhicin.

Sidoo kale Imaam Subki wuxuu soo wariyay, in Imaam Alqasaali uu ku fakaray inuu madahab shanaad sameeyo, laakiin waxaa ka joojiyay kadib markuu riyo ku arkay rasuulka SCW. Imaamka wuxuu riyo ku arkay isagoo la jooga rasuulka SCW, deedna waxaa usoo galay Imaam Maalik bin Anas imaamka madhabta Maalikiyada, dabadeedna wuu salaamay – ilbaab baa u furmay, ilbaabkiina buu galay. Waxaa haddana noo yimid, Imaam Abuu Xaniifah, wuuna Salaamay wuxuuna galay ilbaab. Waxaa haddana noo yimid Imaam Axmed bin Xanbal, isagana wuuna salaamay wuxuuna galay ilbaab. Waxaa haddana noo yimid Imaam Shaafici, wuuna salaamay deedna wuxuu galay ilbaab, markaas rasuulka SCW intuu isoo eegay buu igu yiri; istaag Imaam Shaafici raac. Wuxuu yiri markaan hurdada kasoo baraarugay waxaan fahmay riyada in rasuulku i farayay inaan madhabta Imaam Shaafici qaato, ee aanan madhab kale alifin, sidaas ayaana uga joogsaday inaan madhab cusub alifo. Waxaa xusid mudan oo culumada badi ey isku waafaqsan yihiin in Imaam Qasaali uu lahaa aqoonta iyo haybada inuu madhab isaga uu leeyahay uu sameeyo.

Imaam Taajuddiin Alsubki wuxuu kaloo ku xusay kitaabkiisa dhabaqaadka arin kamid ah karaamaadka Imaam Abuu Xaamid. Wuxuu yiri; Imaamka wuxuu u baxay inuu jihaad kala qeyb galo suldaanka dhulka Maqrib Suldaan Yuusuf Ibnu Tashfiin, laakiin isagoo safar usii ah dhulkaas ayaa Imaamka loo sheegay in Yuusuf uu geeriyooday, dabadeedna Imaamka wuxuu kusoo laabtay Duus. Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Yuusuf Ibnu Tashfiin oo ahaa nin Saalix ah markuu geeriyooday waxaa xukunkii Maqrib qabsaday wiilkiisa Suldaan Cali Ibnu Yuusuf Ibnu Tashfiin oo taariikhyahannadu ey ku tilmaamaan inuu ahaa nin xun oo si gaar ah cadaawad ugu qaaday Imaam Qasaali. Cali wuxuu bilaabay inuu dadka caamada ah uu ku amro ineysan akhrisan kutubta Imaam Qasaali, wuxuu ku oran jiray kitaabada Qasaali waxaa ku jirta (zandaqah) gaalnimo qarsoon, dhallanrog diin iyo xalaaleysi wax Alle xaraamtimeeyay. Akhriste, intaanan qisada dhammeystirin waayadaan aan noolnahay ma aragtay dad sidaas u dhaqma? Ma aragtay qaar culumo sheeganaya oo magaca diinta inteey ku hadlaan culumo kale oo muslimiin ah yiraahda hebel iyo hebel waa (zanaadiqah) gaalo qarsoon, oo waxay wadaan waa dhallanrog diin iyo xalaaleysi wax Alle xaraamtimeeyay? Haddey jawaabtaada tahay haa, haddaba waxaad ogaataa in qaar culumo sheeganaya ey culumo kale gaaleysiiyaan wax cusb ma’aha – Imaam Qasaali oo xilligiisii ugu aqoon, karaamo iyo Alle ka cabsi badnaa waa la gaaleysiiyay waxaana lagu shaabadeeyay inuu wado dhallanrog diin. Wax kale laguma maagin ee waxay aheyd hinaas laga hinaasay fadliga Eebe siiyay, kuwa maanta culumada gaaleysiinaya cudurkaas hinaaska uunbaa haya. Eeba wuxuu Quraanka ku yiri:
أَمْ يَحْسُدُونَ النَّاسَ عَلَىٰ مَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِه

“ma waxay dadka ku xaasidi wixii Alle siiyay oo fadligiisa ah”.

 

Yeelkadeedee, gabankii Cali Yuusuf ahaa wuxuu amray in lasoo uruuriyo kitaabada Abuu Xaamid deedna la gubo. Imaam Alsubki wuxuu yiri; markii kutubta Abuu Xaamid la gubay, Suldaan Cali Yuusuf wuxuu galay dhibaatooyin is daba joog ah, hal maalin ma nasan ilaa markii danbe uu waayay suldaanimadiisa, waxaas oo dhan waxay ugu wacnaayeen dulmiga uu ugeystay Waliga Ilaaheey Al-imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Karaamaadka Imaam Qasaali wey farabadan yihiin, qaar hore iyo kuwa danbaba, Ustaad Maxamuud Cabdixaliin oo kamid ahaa ducaadii Ikhwaanul Muslimiinka Masar wuxuu buugiisa ‘Taariikhul Dacwah’ kusoo guuray qiso dhab ah oo ku dhacday nin dhalinyaro ah oo jamaacada katirsanaa deedna Islaanimada ka baxay. Ustaad Maxmuud wuxuu yiri; ninkaan dhalinyarada ah wuxuu kamid ahaa ardayda Imaam Xasanul Bannaa. Ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu bilaabay inuu soo xaadiri waayo duruustii Imaamka bixin jiray. Deedna Imaam Albannaa ayaa dadka weydiiyay, war hebel ma aragteen maxaa ku dhacay? Imaamka waxaa loogu jawaabay hebel wuu gaaloobay oo wuxuu noqday Kirishtaan.

 

Imaamka arinta waxay ku noqotay waxaan la fileyn, sababtoo ah ninka dhalinyarada ah wuxuu ahaa nin aad u cabsi Alle iyo cibaado badan. Imaamka wuxuu dalbaday in xaaladda ninkaas lasoo ogaado. Iyadoo xaalku sidaas yahay, ayaa ninkii dhalinyarada ahaa kusoo laabtay golihii Imaam Xasanul Bannaa – wuxuuna ka sheekeeyay waxa ku kalifay inuu Kirishtaan noqdo. Wuxuu yiri; waxaan jeclaaday gabadh kirishtaan ah oo meel isbitaal ah shaqeenaysay, waxaan ka dalbaday inaan guursado, deedna waxay igu tiri; isma gayno oo Muslim baad tahay aniganna waxaan ahay Kirishtaan. Wuxuu yiri; waxaan ku iri, sidaad mooday ma’aha oo annaga Muslimiinta ah diinteena wey noo ogoshahay inaan guursano ehlu kitaabka (yuhuud iyo kirshtaan). Waxay tiri; hadal iyo dhammaantiis haddaad i jeceshahay diintayda soo gal deedna waan ku guursan. Wuxuu yiri; jeceyl indho la’aan ah ayaa i waday waxaan qaatay diinta Kirishtaanka, markii tii aan jeclaa aan u sheegay waxay igu tiri; ma rumeysni warkaas oo waxaad u sameynaysaa inaa i heshid – ee ninyahoow hadduu jeceylka dhab kaa yahay Kaniisadda khaadim ka noqo oo dadkoo dhan haku arkeen. Ninkii wuxuu yiri; aroor arooryada kamid ah waxaan iska xaadiriyay Kaniisad weyn oo magaalada bartankeeda ku tiil, waxaana is qoray inaan ahay nin naftiisa u hibeeyay inuu kaniisadda ka khidmeeyo. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri; habeen habeenada kamid ah ayaan waxaan riyo ku arkay nebi Muxammad SCW oo midigtiisa uu fadhiyo nin aan u aqoonsaday inuu ahaa nebi Musse CS, waxaana bidixdiisa fadhiyay nin aan u aqoonsaday inuu ahaa nebi Ciise CS.

 

Rasuulka SCW oo wjigiisa ey caro ka muuqato ayaa ii yeeray, waan u imid anigoo yaxyax iyo cabsi igu jirto. Deedna nebi Muuse ayuu eegay oo wuxuu ku yiri; walaaloow, maku raali gelinaysaa waxa wiilkaan umaddayda kamid ah uu sameeyay? Nebi Muuse ayaa weydiiyay rasuulka, walaaloow muxuu sameeyay? Nebiga ayaa ugu jawaabay diintaydii ayuu ka baxay oo wuxuu galay diinta nebi Ciise. Nebi Muuse ayaa yiri; maya walaaloow, raali kama ihi. Waxaa xusid mudan akhriste, inaad la socotid in diintii nebi Ciise la bedelay oo ey dhallanrogeen dadkiisii, waana taas tan rasuulku ka carooday. Si kastaba ha ahaatee, haddana rasuulka wuxuu soo eegay nebi Ciise oo ku yiri; walaaloow, maku raali gelinaysaa waxaa wiilkaan umaddayda kamid ah uu sameeyay? Nebi Ciise wuxuu ku jawaabay walaaloow raali kama ihi waxa inankaan sameeyay. Ninkii riyoonayay wuxuu yiri; jirkayga wuxuu bilaabay inuu dubaaxiyo ilmadana ey garkayga ka tifiq tiraahdo. Deedna anigoo ooynaya ayaan ku iri yaa rasuulullaah maxaan sameeyaa hadda? Rasuulku wuxuu iigu jawaabay, waxaad hadda tagtaa firdoowsa meesha ugu sareysa – waxaa joogaa Imaam Abuu Xaamid Alqasaali kasoo raaco kitaabkiisa ‘إحياء علوم الدين’ Alla wuu kugu hanuunin inshallah. Wuxuu yiri waan baxay waxaana u tagay Imaam Alqasaali, wuxuu ii dhiibay kitaabkiisa ‘إحياء علوم الدين’ waan furay waxaana bilaabay inaan akhriyo isaguna wuu ii sharaxayay. Halkaas markaan dhameeyay akhrinta kitaabka waxaan kasoo baraarugay hurdadii anigoo xiiso u qaba la joogistiisa, waxaana soo kacay iyadoo waxa aan ugu jeclahay uu yahay rasuulka iyo diintayda Islaamka, uguna necebahay kirishtaanimada.

 

Waxaa xusid mudan kirishtaanimada ninkaan sheegayaa ma’aha tii saxda aheyd ee Nebi Ciise CS la siiyay, ee wuxuu ka hadlayaa waa tan la dhallanrogay ee maanta ey heystaan dadka kirishtaanka ah. Yeelkadedee, Imam Xasan Alabanna markuu dhegeystay qisada ninkaan, wuxuu amray in kitaabta ‘إحياء علوم الدين’ la daabaco daabacad badan, wuxuu u sameeyay madbacad gaar ah oo daabacada kitaabka ‘إحياء علوم الدين’ dadkana loogu qeybiyo si lacag la’aan ah. Sababtoo ah imaamka wuxuu riyada ardaygiisa ka dheehday in rasuulka uu wiilkaan ku amray inuu kitaabkaas akhristo si uu Alle ugu hanuuniyo.

 

Imam Taajuddiin Al-Subki wuxuu sidoo kale ku xusay kitaabkiisa dhabaqaadka karaamo kamid ah karaamooyinka Imaam Alqasaali. Wuxuu yiri; shiikh Caamir Alsaawi oo ahaa Quraan-ruuge gaboobay ayaa wuxuu arkay riyo muujinaysa karaamda Imaam Alqasaali. Shiikh Caamir wuxuu yiri; waxaan ku sugnaa masjidka xaramka ee magaalada barakeysan ee Makkah, waan daalannaa – deedna dhinaca ayaan dhulka dhigay anigoo kabahayga barkaday, waxaa i qabatay lulmo waanna seexday. Waxaan arkay rasuulka SCW oo fadhiya gole weyn oo aad loo buuxo, rasuulka ayaa saf loogu jiray, Imaamadii waa weynaa ee Islaamka sida; Imaam Shhafici, Imaam Maalik, Imaam Abuu Xaniifah iyo Imaam Axmed ayaa loo yeeray, oo deedna tagay. Waxaa la gaaray koromkayga, rasuulka ayaa ii yeeray oo igu yiri; Caamirow maxaad sidataa? Waxaan ku iri yaa rasuulullaah waxaa sitaa kitaab yar oo la yiraahdo ‘قواعد العقائد –‘ – wuxuu igu yiri ma adigaa qoray? Mise cid kale? Waxaan iri yaa rasuulullah waxaa qoray Imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Rasuulku wuxuu igu yiri akhri, deedna waan akhriyay ilaa aan ka gaaray meesha Imaamka ka leeyahay; Alle wuxuu Nebi Muxammad SCW usoo diray dhammaan aadanaha carab iyo cajam, jinni iyo Insi. Markaan halkaas marsiinayo ayaan waxaan arkay wajiga nebiga SCW oo iftiin iyo shacni siyaadoah uu ka baxayo, intuu isoo eegay ayuu igu yiri; meeyay Abuu Xaamid Alqasaali? Imam qasaalina wuxuu joogay golaha – wuxuuna yiri; waa ikan yaa rasuulullaah, deedna wuu soo guurguurtay isagoo weyneynaya rasuulka SCW – wuxuuna dhunkaday gacanta rasuulka SCW oo dhabannada ku masaxday isagoo barakaysanaya gacanta nebiga. Waxaa xusid mudan rasuulka waxaa lagu akhriyay kutubta imaamada waa weyn sida; Shaafici, Maalik, Abuu Xaniifa iyo Axmed, mana uusan isbedelin farxad iyo shacni sida uu isku bedelay markaan ku akhriyay kitaabka Abuu Xaamid, deedna waxaan kasoo baraarugay hurdada.

 

Waxaan weli bartanka uga jirnaa karaamooyinka Imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Imam Taajuddiin Alsubki wuxuu soo guuriyay in Imaam Abuu Xasan Alxirsy ama Xaraasihim oo ah Maaliki, markuu arkay kitaabka uu qoray abuu Xaamid Alqasaali ee ‘إحياء علوم الدين’ intuu eegay buu yiri; kitaabkani waa bidco wuxuu khilaafayaa sunnadii nebiga. Sidaad daraadeed Shiikh abuu Xasan wuxuu fatwooday in kitaabka ‘إحياء علوم الدين’ la gubo. Abuu xasan wuxuu Suldaanka dalka Maqrib xilligaas ka dalbaday inuu ka caawiyo sidii loo gubi lahaa kitaabka ‘إحياء علوم الدين’. Maalin Khamiis ah ayaa la shiray dadkii baa lasoo xaadiriyay, Abuu Xasan wuxuu u goodiyay qofkii hal bog oo kitaabkaas ah qarsada in la ciqaabayo – dadkii waa keeneen kitaabkii, waxaana lagu ballamay in berito oo Jimce ah salaadda Jimce kadib la gubo. Si kastaba ha ahaatee, habeenka Jimcaha soo galeysay ayuu Abuu Xasan Alxirsy wuxuu riyo ku arkay isagoo soo galay masjidkii lagu ballansanaa in kitaabka ‘إحياء علوم الدين’ lagu gubo. Wuxuu riyada ku arkay nuur ka baxaya tiir weyn oo kamid ahaa tiirarka masjidka. Markuu usoo dhowaaday wuxuu arkay Rasuulka SCW oo ey hareeraha ka fadhiyaan Abuubakar iyo Cumar, Imaam Qasaalina uu taagan yahay isagoo gacanta ku heysta kitaabkiisa ‘إحياء علوم الدين’.

Imam Qasaali markuu i arkay wuxuuna yiri; yaa rasuulullaah ninkaan noo kala garnaq kitaabkayga ayuu ku sheegay inuu khilaafsan yahay sunnadaada, bidcana ey ka buuxdo – wuxuuna rabaa inuu gubo. Dabadeedna Imaam Alqasaali wuxuu u guurguurtay Rasuulka SCW tawaaduc iyo qadarin aawadeed, wuxuuna u dhiibay kitaabka. Imaam Qasaali wuxuu yiri; yaa Rasuulullaah kitaabkaan haddey ku qoran yihiin wax bidco ah oo khilaafsan sunnadaada waan ka toobad keenayaa hadda, Allana waxaan ka baryayaa inuu ii denbi dhaafo. Haddiise waxa ku qoran ey wax kula qumman oo aan sunnadaada khilaafsaneyn ahna ii barakee, aniga iyo ninkaan noo kala garnaq. Rasuulka SCW kitaabka ayuu eegay boga ugu horeeya ilaa boga ugu danbeeya warqad warqad, deedna wuxuu yiri; Wallaahi kitaabkani waa mid wacan oo wanaagsan. Deedna Rasuulka SCW wuxuu u dhiibay Abuubakar, markuu akhriyay bog bog Abuubakar wuxuu yiri; Waxaan ku dhaartay Allihi xaqqa kugu soo saaree kitaabkaan waa mid wanaagsan. Deedna wuxuu u dhiibay Cumar, Cumarna wuxuu yiri intii Abuubakar yiiri. Intaas kadib, rasuulku wuxuu amray in Abuu Xasan dharka laga dhigo oo la jeedlo 40 jeedal oo ah xadka qofka dadka ka been abuurta, markuu 5 mar qayliyay ayaa Abuubakar ka naxay oo u shafeeco qaaday – Abuubakar wuxuu yiri; yaa rasuulullaah ninkaan ijtihad bey ka aheyd wuuna qaldamay hala cafiyo, Imaam Qasaalina markaas wuu iska cafiyay. Abuu Xasan markuu hurdada kasoo kacay, wuxuu orod isku xaabiyay goobtii lagu ballansanaa in lagu gubo kitaabka, wuxuuna dadkii u sheegay ha gubina kitaabka; wuxuuna uga sheegay riyadii uu arkay, wuxuuna tusay dhabarkiisa oo weli jeedalkii uu ku yaalo.

Abuu Xasan dhacdadaas kadib wuxuu bilaabay inuu kitaabkaas akhriyo si joogto ah isagoo qadarinnaya ilaa uu ka geeriyooday. Qisadaan waxaa kutubtiisa kusoo wariyay Imaam Abuu Xasan Alshaadali iyadoo leh silsilad adag. Waxaa soo wariyayay Shiikh Yaaquut Alshaadili, wuxuu ka wariryay shiikhiisa Abuu Cabaas Almursy, wuxuu ka wariyay shiikhiisa Shiikh Abuu xasan Alshaadali. Haddaan yara dul istaagno qisadaan waxaan arkaynaa in bidceynta iyo gaaleysiinta culumada ey tahay mid horeysay, ee eysan aheyn mid ugub ah. Waxaan kaloo arkaynaa in dadka qaarkii culumo ama caamo midkey doonaan ha ahaadeenee eysan walaalahooda kale u quurin wanaaga ey dheeryihiin, oo haddeey dareemaan in mid kamid ah walaalahood uu ka aqoon bato ama uu arko in dadka ey ka jecel yihiin uu bilaabayo falka xaasidnimada ah, iyo inuu sameeyo wax walba oo uu shaqsigaas dhulka kula geli karo. Haddeey noqon laheyd aflagaado, haddeey noqon laheyd gaaleysiin iyo bidceyn, ama haddeyn noqon laheyd in gacan loola tago dhiigiisa la daadiyo. Waxaas oo dhanna waxaa sabab u ah qofkaas oo qalbigiisa ey hareysay xaasidnimo iyo quuriwaa. Nebi Yuusuf CS waxay walaalihiis ceelka ugu rideen waxay aheyd iyagoo u quuriwaayay in Alle doortay Aabahoodna uu ka jeclaa walaalkood. Xaasidnimada hadduusan qofka ka joogin waa mid halaajinaysa aakhiro iyo adduun. Dhanka kale Abul Faraj Bin Aljawsy wuxuu kusoo wariyay kitaabkiisa "الثبات عند الممات" in Abuu Xaamid walaalkiis Shiikh Abul Futuux Axmed Alqasaali uu yiri; maalin Isniin ah ayey aheyd, walaalkey wuxuu tukaday salaad subax, markuu salaaddii ka baxay wuxuu yiri ii keena kafantayda, waa loo keenay – deedna wuu dhunkaday kafanta indhahana ayuu saartay, wuxuuna yiri; "سمعاً وطاعة للدخول على الملك" waan maqlay waana adheecay inaan boqorka u galo. Deedna lugaha ayuu fidsaday isagoo qiblada u jiheysana, ilbiriqsiyo kadibna nafta ayaa ka baxday.

 

 

Inkastoo Imaam Abuu Xaamid uusan aheyn abwaan u banbaxay noocyada kala duwan ee suugaanta, haddana wuu yiqiin xeerarka curinta gabayada iyo maansooyinka. Maansooyin dhowr ah ayuu tiriyay, mid kamid ah haddaan kasoo qaadanno waxay oranaysaa sidatan:

 

فقهاؤنا كذبالة النبراس هي في الحريق وضوؤها للناس
خُبْر دميم تحت رائق منظر كالفضة البيضاء فوق نحاس
fuqahadeenu waa sida dubaaladda faynuusta, iyadana wey guban dadkana wey u iftiimin. Sidoo kale, Imaamku wuxuu ahaa nin si wacan u yaqaan labada luuqadood ee Faarisiga oo aheyd afka hooyadii iyo luuqadda Carabiga oo uu bartay. Laakiin, ma’aheyn nin ku takhasusay naxwaha luuqadda Carabirabiga – sida uu kusoo waramay Cabdulqaafir Alfaarisi oo ahaa imaamka saaxiibkii. Cabdulqaafir wuxuu kaloo sheegay in Imaamka lagu qabsaday jumlooyin kamid ah buugaagtuu curiyay iney ku jireen qaladaad naxwe ah, imaamkana wuu ka cudurdaartay wuxuuna sheegay in naxwaha eysan aheyn takhasusukiisa. Si kastaba ha ahaatee, iintaas yar Imaamka wuxuu ku kabay hibada Eebe u siiyay qalinmaalka iyo inuu si xeeldheer oo gun weyn usoo bandhigay afkaartiisa. Imaamku meeshuu ugu xoogga badnaa waa curinta iyo habeynta kutub dhaxal ah oo umadda anfacda. Waxaa xusid mudan Imaamku wuxuu mootan yahay in ka badan 900 oo sanadood, kutubtiisana ilaa maanta waxay saameeysay dunida oo dhan gaalo iyo Muslimiin. Kutubtiisa fiqiga waxaa ugu weyn uguna muhiimsan 4 kutub oo kala ah; Albasiid, Alwasiid, Alwajiis iyo Alkhulaasah. Albasiid waa kitaab balbalaarinaya cilmiga fiqiga, Alwasiid mid dhexdhexaad ah, Alwajiis mid kooban iyo Alkhulaasah mid soo gunaanaday.

Dhanka culuumta usuusha kutubtiisa waxaa kamid ah, المنخول في علم الأصول Imaamka kitaabkaan wuxuu alifay intuu la joogay Imaamul Xarameyn Aljuwayni oo uu ardayga u ahaa. Waxaa xusid mudan kitaabkaan Almankhuul in lagu daray waxyaabo badan oo lagu xumeenayo suuradiisa, Imaamkana uusan oran. Waxaa kamid ah, in kitaabkiisa lagu maagay oo lagu duray Imaam Abuu Xaniifa. Sidoo kale, waxay raggaan colaadda u qabay Imaamka ey alifeen in ka badan 240 kitaab oo ey Imaamka magaciisa ku qoreen – iyagoo ka dhigaya in Imaamku uu qoray. Waxaa sidaas sameeyay waxay ahaayeen dadkii gaaleysiiyay Imaamka oo xilligiisii uu ka harsan waayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhowaan la helay dhigaalo ku qoran afka Faaris uu Imaamku u qoray madaxdii xilligiisa iyo culumo si uu isaga bari yeelayo waxyaabaha kitaabkiisa lagu daray ee Imaamada Islaamka lagu duray. Dhigaaladaan waxaa dhowaan soo tarjumay Jaamcadda Azhar ee ku taal dalka Masar.

Waxaa iyanna xusid mudan in Imaamku uu dhigaaladaan ku qoran afka hooyadii uu ku xusay in kutubtisa ey yihiin 70 kutub oo majallado kala duwan leh. Taasna waxay meesha ka saareysaa been abuuradii faraha badnaa ee Imaamka loo geystay, sida; in 240 kitaab uu leeyahay ama uu kutubtiisa culumo ku aflagaadeyay. Waxaa kale oo kutubtiisa usuusha kamid ah kitaabka aadka u qiimaha badan ee la yiraahdo ‘Al-mustasfaa’. Waxaa sidoo kale kamid ah kutubtiisa usuusha ee aadka u qiimaha badan kitaabka la yiraahdo; شفاء الغليل في بيان الشبه والمخيل ومسالك التعليل. Dhanka tasawufka (suufinimada, sifeynta ruuxda), waxaan u imaaneynaa kitaabkiisa ‘إحياء علوم الدين’ ee dhaxalgalka ah ee uu dhammaan umadda muslimiinta u hibeeyay. Waxaa kaloo dhigaaladiisa tawufka kamid ah dhigaal la yiraahdo ‘أيها الولد’ oo uu Imaamka u qoray arday kamid ah ardaydiisa. Dhigaalka wuxuu ka kooban yahay talooyin iyo naseexooyin aad u qiima badan. Risaalooyinka Imaam Qasaali uu u diray madaxda casrigiisa waxaa ku jirta warqad uu u imaamku u qoray suldaankii Kharaasaan oo la oran jiray suldaan Sanjar. Imaamku wuxuu warqadda ku yiri: “Waxaad ogaataa, dacigaan (naftiisa ayuu tilmaamayaa imaamka) inuu 53 jir yahay, dacwada iyo cilmigana uu kusoo dhex jiray muddo ka badan 40 sanadood – ilaa uu hadalkiisa ka gaaray heer dadka casrigiisa nool uu dhaafay caqligooda iyo fahankooda.”

Imaamka hadalkiisaan ma’aha faan iyo isla weyni, laakiin waa caddeynta runta iyo sheegidda waxa Eebe ku maneystay oo awood iyo cilmi ah. Sababtoo ah xataa culumadii xilligiisa nooleed badidood ma gaarsiisaneyn garaadka Imaamka si ey u fahmaan cilmiga Imaamka, waana taas tan keentay iney Imaamka gaaleysiiyaan ama ey ka hinaasaan. Hadalka Imaam Qasaali xilligaas wuxuu shabahaa hadalka Shiikh Maxammed Qasaali ee xilligeena noolaa. Shikh Maxamed kutubtiisa iyo dhigaaladiisa ayaa aad looga xaday, deedna waxaa lagu sheegay inuu gaal, murtad iyo munaafiqba yahay. Shiikh Maxamed wuxuu yiri; waxa sidaan la iigu sameenayaa waxaa weeye qof igu aqoon ama igu garaad ah casrigaan ma jiro, dadkuna markey heerkaaga soo gaari waayaan waxay kuugu gamaan wax walba oo xumaato ah oo ey awoodaan. Waxaa jirta maahmaah carbeed oo oranaysa, dadka fadliga leh booskooda ma yaqaan ilaa qof isagu fadligaas oo kale leh mooyee. Qof jaahil ama maangaab ah wey ku adagtahay inuu fahmo booska qof caalim ah. Soomaalidana waxay tiraahdaa; ‘nin walba wuxuu yahay ayuu ku moodaa.’ Yeelkadeedee, dhanka falsafadda Imaamka wuxuu leeyahay laba kutub oo aad u qiimo badan oo la kala yiraahdo; مقاصد الفلاسفة iyo تهافت الفلاسفة. Labada kitaab wuxuu Imaamka qoray kadib markuu muddo laba sano ah uu daraaseenayay falsafadda. Waxaa ku kalifay inuu falsafadda barto oo kutub ka curiyo waxay aheyd; xilligii Imaamka waxaa aad u baahday culuumta falsafadda – taasoo sababtay in dad badan oo muslimiin ah ey mulxidiin noqdeen oo diinta ka baxeen.

Imaamku wuxuu u arkayay in arinkaanu yahay musiibo weyn, qasabna ey tahay in qalinka loo qaato si dadka muslimiinta loo badbaadiyo. Imaamku wuxuu yiri xiligayga ma jirin qof sidayda oo kale hibo loo siiyay qalinmaalka ama garaadka, sababtaas ayaana labadaan kutub u qoray. Hadalka Imaamka waa xaqiiqo ka hadal ee faan iyo isla weyni ma’aha – sababtoo ah taariikhda ayaa uga maragkacaysa in xilligiisa uu ahaa cusbooneysiiyihii diinta. Imaamku wuxuu ka tagay qaacido dhaxalgal ah oo oranaysa; “fahanka cilmi ma gaaro ilaa qof ka gaaray cilmiigaas baalka ugu sareeya ee ey ka gaareen dadkii cilmigaas curiyay.” Tusaale, haddaad rabtid inaad buug falsafad ah aad ka salgaadhid waa inaad ugu yaraan marka hore aqoonta falsafadda heer wacan ka gaahdaa. Waayadaan waxaa soo batay dad ka hadla waxaysan aqoon u laheyn, oo dadkii aqoonta u lahaanna ku maaga oo ku xagxagta. Talooyinka Imaamka waxaa kamid ahaa; “ka gudub waxaadan aqoon, ama aadan awoodin barashadiisa, una gudub waxaad taqaanid ama aad awoodid barashadiisa.” Alle ha unaxariiso qof gartay heerka naftiisa. Sidas ayuu Imaam Qasaali u go’aansaday inuu barto falsafadda uuna u gaaro darajada faylasuufka ugu aqoonta sareeya – si uu u radiyo faylasuufyada baadiyeynaya dadka. Hawlgalkaas Imaamku uu qalinka u qaatay wuxuu noqday hawlgal lagu guuleystay.






 

 



Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?