TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 4aad]

Imaamka go’aankaas ayuu qaatay, wuxuu ka dhex baxay xaaladdii uu ku sugnaa. Adduunka oo nafta laga go’doomiyo ma’aha cuntada, cabitaanka, labiska qurxoon iyo shaqada oo la isaga tago, ee Imaamka waxaa u joogay xaas iyo 3 gabdhood, waana ku adagtahay dadkeena xilligaan nool iney qoyskooda iyo adduunyada oo dhan ey naftooda ka go’doomiyaan. Yeelkadeedee, imaamku wuxuu dareensanaa hadduu kusii sugnaado xaaladda uu ku sugnaa inuu halaagsamayo oo dhaldhalaalka adduun uu ka mashquulinayo cibaadada Eebaha sarreeya. Tannina waxay tusaale u tahay in magaciisa iyo cilmigiisa Eebe kor u qaaday gadaashiis, oo ilaa maanta dunida oo dhan gaalo iyo muslimiin ey magaciisa afka ku hayaan – lagana dheregsan yahay taariikhda shacniga badan ee uu ka tagay. Si kastaba ha ahaatee, imaamka furyay dunida iyo waxa ku dhex jira, wuxuuna guda galay raadinta iyo la kali noqoshada Eebe. Imaamku wuxuu ka tagay ardaydii, jaamacaddii, mushaarkii, macalimiintii, xaaskii iyo caruurtii, sumcaddiisa iyo magaciisa, iyo hantidiisa oo dhan, si uu Eebihiisa ugu go’o. Intaas kadib, imaamku wuxuu u ruqaansaday inuu soo xajiyo isagoo lugeynaya oo aan awr ama daabad kale u rarneyn. Abuu-bakar Al-carabi oo kamida ahaa ardayda Imaamka wuxuu yiri; waxaan saxaraha ku kulannay Imaamkeena Abuu xaamid oo aan garan waayay siduu u ekaa, wuxuu xirnaa dhar dug ah, saadna wuxuu ka sitay ubo weyso. Abuubakar wuxuu yiri; waxaan ku iri sow Imaamkeena Abuu xaamid matihid? Wuxuu iigu jawaabay haa! Waxaan weydiiyay waa maxay dharkaan duuga ah ee fuqaradu xirtaan ee aad xiran tahay? Ma waxaad ku biirtay suufiyada? Nin waxaad aheyd adduunka oo dhan ugu cilmi badan, oo umadda oo dhan ey cilmi usoo raadsato, waa maxay sidatan? Abuubakar Alcarabi wuxuu yiri; imaamka wuxuu iigu jawaabay tix gabay ah, markuu isoo eegay kadib isagoo murugo iyo khushuuc wajigiisa uu ka muuqdo, waxayna aheyd sidatan:
تركت هوى ليلى وسعدي بمعزل ** وعدت إلى تصحيح أول منزل 
ونادت بي الأشواق مهلا فهذه ** منازل من تهوى رويدك فانزل 
غزلت لهم غزلا دقيقا فلم أجد ** لغزلي نساجا فكسرت مغزلي

Wuxuu yiri; waxaan kasoo tagay hawadii iyo damacii layla (nafta) iyo liibaansiinteedii, waxaan soo aaday inaan hagaajiyo hoyga koowaad. Waxaa ii dhawaaqay damacyo, oo ilahaa tartiib, waa kuwan hoygaad rabtay ee soo dag. Waxaan u falkiyay (yacnii baray cilmiga) falkis xeeldheer, laakiin falkiskayga kumaanan helin deganaansho, markaas ayaan jabiyay waxaan falkay (yacnii kasoo tagay jaamacaddii). Iyadoo kooban, Imaamku wuxuu Ibnu Carabi ku yiri; Ninyahoow intaan dad wax barayay waxaan ilaabay naftayda iyo xiriirka Eebe. Imaamku wuxuu gaaray xaramka, halkaas oo uu kusoo xajiyay, muddo gaabanna uu ku nagaaday, deedna wuxuu usoo jiheystay xaggaas iyo dhulka Shaam gaar ahaan magaalada Dimishiq – halksas oo uu ku nagaaday muddo yar, sida uu soo wariyay taariikhyahan Ibnu Subki. Sanadku markuu ahaa 489kii Imaamka waa ka tagay Dimishiq, wuxuu aaday dhulka barakeysay Baytul Maqdis. Waxaa lasoo wariyaa sababta Imaamka uu uga cararay Dimishiq iney aheyd in la aqoonsaday, oo dadkii kusoo xoomeyn – Imaamkuna wuxuu ka cararay waxay aheyd in dadku ku mashquulaan, oo ka mashquuliyaan cibaadada Eebe. Si kastaba ha ahaatee, Imaamka wuxuu degay hoosta qubbada masjid Al-aqsaa halkaas oo uu ku ictikaafay muddo. Deedna, wuxuu kusoo laabtay dhulka Shaam, halkaas oo uu ku biiray [khaaniqaah] xer suufiyo ah oo cibaadada Eebe u go’ay.

Khaaniqaah waa meel ey degen yihiin niman xer ah oo u go’ay cilmiga iyo cibaadada, sida xerta Shiikh Cabdullaah Baardheere ama xerta Shiikh aweys. Imaamka markuu golaha xerta yimid wuxuu fariistay iridda laga soo galo, meesha kabaha la dhigo muddo maalmo ah, Imaamka wuxuu waxaas oo dhan u sameynayay waxay aheyd inuu nafta duleeyo oo carbiyo si uu Khaaliqiisa ugu dhowaado. Halkaan waxay cibro ugu jirtaa qof walba oo raba inuu Eebihiisa ka agdhowaado, naftaada kasoo tag – si aad Eebahaa ugu dhowaatid. Xerta waxaa la oran jiray xertii shiikh Abuu Alqaasim Al-suwaysaadhi, kaas oo geeriyooday 453kii. Imaamka markuu maalmo fadhiyay iridda khaaniqada waxaa u idmay inuu gudaha galo nin aan la aqoon oo faqiir lagu sheegay, mana aheyn shiikha xerta ama culumadeeda. Imaamka markuu gudaha mawlaca xerta galay, wuxuu shaqo ka dhigtay inuu nadiifiyo meesha lagu weysaysto, si walaalihiis ey ugu weyseystaan meel nadiif ah, waxaas wuxuu u sameynayay inuu Allihii uumay ugu dhowaado. Waxaa xusid mudan oo aan soo sheegnay, in Imaamka casrigiisa uu ugu cilmi badnaa taana aan laba isku khilaafin, sidaas oo ey tahay waxaas oo dhan wuxuu ka doorbiday inuu Eebe isku duleeyo oo weesada nadiifiyo.


Comments

Popular posts from this blog

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland: Musmaarkii Ugu Dambeeyay Ee Naxashka Qabyaaladda, Urur-Diimeedyada iyo Afkaaraha Duugoobay

Marka Sagxadda La Gaaro: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Fursadda Dib-u-Kaca Qadiyadda Soomaalida

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?