TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM
ABUU XAAMID AL-QASAALI
Wuxuu ku dhashay tuulada la yiraahdo Qasaal oo
u dhow magaalada duus gobolka Kharisaan ee waddanka Iiraan. Magaciisa oo
dhammeystiran waxaa la yiraahdaa; Abuu Xaamid Bin Maxammed Bin Maxammed Bin
Maxammed Al-Shaaficiyu Al-Qazaaliyu Al-Duusiyu. Wuxuu ka dhashay qoys sabool
ah, aabihii wuxuu ahaa harqaanle aan waxna qorin waxna akhriyin, laakiin; cilmiga
jecel – had iyo gooraalana ka fikiri jiray inuu hagaajiyo aayatiinka ubadkiisa.
Waxaa lasoo wariyaa in maalin maalmaha kamid ah odaygu uu tagay gole la buuxo
oo nin caalim ah uu dadka cilmiga barayay, deedna xoogaa shilimaad ah oo
guntiga ugu jirtay ayuu sadaqeystay – Allana wuxuu ka baryay inuu siiyo wiil
noqda sida ninkaas caalima oo kale. Ilaahey ducada ninkaan miskiinka ah wuu ka
aqbalay, oo hal kaliya ma siinin, ee wuxuu siiyay laba wiil, Xujjatul Islaam
Abuu Xaamid oo noqday ninkii ugu faqiihsanaa xilligiisa, iyo walaalkiis Abuu
Al-fatuux Axmed oo noqday nin dadka wacdiya oo wacdigiisu uu dadka saameeyo.
Maadaama odaygu uusan helin waxbarashaduu ku
haminayay, wuxuu awooddiisa intii karaankiisa ah isugu geeyay inuu ubadkiisa
xooga lacag ah meel u dhigo si ey wax ugu bartaan. Abuu Xaamid wuxuu dhashay
taariikhda markey aheyd 1058 oo waafaqsaneyd 450 hijriyadda. Abuu Xaamid wuxuu
kusoo barbaaray gurigaas saboolka ah, aabihii wuxuu ahaa suufi cibaado badan. Markii
sakaraatku u yimid Abu Xaamid abihii, odaygu wuxuu la dardaarmay nin suufi ahaa
sidiisa oo uu ku yiqiin Alla ka cabsi iyo amaano ilaalin – sidaas aawgeed ayuu
odaygu wuxuu u dhiibay ninkaas xoogaa lacag ah oo uu naftiisa ka soomiyay, si
uu ugu xanaaneeyo labadiisa wiil, Abuu Xaamid iyo walaalkiis Axmed. Wadaadka suufiga
ahaa wuu fuliyay balantii wixii karaankiisa ah. Wadaadka suufiga ah laftigiisu
wuxuu ahaa nin faqiir ah oo aan waxba heysan. Yeelkadeede, markii xoogaagii
lacagta aheyd ka go’day, wuxuu u yeeray labadii wiil, wuxuuna u sheegay in
lacagtii ey ka dhamaatay, uusanna u heyn waxay cunaan ama cabaan. Xaalku markuu
sidaas yahay, ayaa wadaadka suufiga ah wuxuu labada inan usoo jeediyay iney
masaajidka tagaan oo ka qeyb galaan xalaaqaadka cilmiga, markii la arko iney
arday yihiina – waxaa la siin waxay cunaan iyo waxay cabaan. Sidaas ayey
sameeyeen Abuu Xaamid iyo walaalkii. Abuu Xaamid oo arinkaan ka sheekeenaya
wuxuu yiri: “cilmi baan u dalbanay ujeedo aan Alle dartii aheyn, laakiin;
cilmiga waa naga diiday illaa inuu Alle dartii u ahaado”.
Abuu Xaamid kuraynimadiisii wuxuu cilmiga ka
qaatay culumo badan, wuxuu cilmiga fiqhiga ka bartay Al-imaam Axmed
Al-raakizaani magaalada Duus. Muddo yar kadib, Imaamku wuxuu u wareegay magaalada
Joorjaan si uu cilmiga uga barto Imaam Abuu Nasr Al-ismaaciili oo ahaa faqiih
weyn oo Shaafici ah. Halkaas oo uu imaamku ku qoray sharaxiisa la magac baxay
‘Al-tacliiq’oo ah cilmigii uu ka uruuriyay Imaam Abuu Nasr. Maalin maalmaha
kamid ah Imaamka oo safar u ah magaalada Duus isagoo ka yimid magaalada
Joorjaan, ayaa shufto jidka u galeyn – deedna wax alaale iyo wuxuu sitay ayeey
ka furteen. Imaamka waxa wax walba uga qaalisanaa buug weyn uu ku qoray wuxuu
Imaam Abuu Nasr kasoo bartay. Nimankii shuftada ahaa ayuu la hadlay, oo wuxuu
ku yiri; wax walba qaata, laakiin; fadlan buugayga iisoo celiya. Ninkii
mooryaanta madaxda u ahaa ayaa ku yiri; ma adigoo inankaagan yar ah ayaad ku
dhiiratay inaad ka hadasho waxaan kaa qaadannay? (yacnii nasiib baadba leedahay
haddeynaan ku dilin). Deedna mooryaankii ayaa si jeesjees ah ku weydiiyay,
maxaa ku qoran buugan aad ku waalatay? Abuu Xaamid ayaa ugu jawaabay; waxaa ku
qoray cilmigii aan kasoo bartay Imaam Abuu Nasr. Mooryaankii ayaa inta qosol
quursi ku jiro ku dhuftay yiri si aflagaadeysan; yaa kaa doqonsan, waxaad
sheeganeysaa inaad Imaam Abuu Nasr wax ka baratay, haatanna annagaa kaa dhcnay
alaabadaadii oo dhan – sidaasna cilmigaad baratay ayuu u lumay.
Comments
Post a Comment