Imaam Taajuddiin Alsubki wuxuu kaloo ku xusay
kitaabkiisa dhabaqaadka arin kamid ah karaamaadka Imaam Abuu Xaamid. Wuxuu
yiri; Imaamka wuxuu u baxay inuu jihaad kala qeyb galo suldaanka dhulka Maqrib Suldaan
Yuusuf Ibnu Tashfiin, laakiin isagoo safar usii ah dhulkaas ayaa Imaamka loo
sheegay in Yuusuf uu geeriyooday, dabadeedna Imaamka wuxuu kusoo laabtay Duus.
Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Yuusuf Ibnu Tashfiin oo ahaa nin Saalix ah
markuu geeriyooday waxaa xukunkii Maqrib qabsaday wiilkiisa Suldaan Cali Ibnu
Yuusuf Ibnu Tashfiin oo taariikhyahannadu ey ku tilmaamaan inuu ahaa nin xun oo
si gaar ah cadaawad ugu qaaday Imaam Qasaali. Cali wuxuu bilaabay inuu dadka
caamada ah uu ku amro ineysan akhrisan kutubta Imaam Qasaali, wuxuu ku oran
jiray kitaabada Qasaali waxaa ku jirta (zandaqah) gaalnimo qarsoon, dhallanrog
diin iyo xalaaleysi wax Alle xaraamtimeeyay. Akhriste, intaanan qisada
dhammeystirin waayadaan aan noolnahay ma aragtay dad sidaas u dhaqma? Ma aragtay
qaar culumo sheeganaya oo magaca diinta inteey ku hadlaan culumo kale oo
muslimiin ah yiraahda hebel iyo hebel waa (zanaadiqah) gaalo qarsoon, oo waxay
wadaan waa dhallanrog diin iyo xalaaleysi wax Alle xaraamtimeeyay? Haddey
jawaabtaada tahay haa, haddaba waxaad ogaataa in qaar culumo sheeganaya ey
culumo kale gaaleysiiyaan wax cusb ma’aha – Imaam Qasaali oo xilligiisii ugu
aqoon, karaamo iyo Alle ka cabsi badnaa waa la gaaleysiiyay waxaana lagu
shaabadeeyay inuu wado dhallanrog diin. Wax kale laguma maagin ee waxay aheyd
hinaas laga hinaasay fadliga Eebe siiyay, kuwa maanta culumada gaaleysiinaya
cudurkaas hinaaska uunbaa haya. Eeba wuxuu Quraanka ku yiri:
أَمْ
يَحْسُدُونَ النَّاسَ عَلَىٰ مَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِه
“ma waxay dadka ku xaasidi wixii Alle siiyay oo fadligiisa
ah”.
Yeelkadeedee, gabankii Cali Yuusuf ahaa wuxuu amray in
lasoo uruuriyo kitaabada Abuu Xaamid deedna la gubo. Imaam Alsubki wuxuu yiri;
markii kutubta Abuu Xaamid la gubay, Suldaan Cali Yuusuf wuxuu galay
dhibaatooyin is daba joog ah, hal maalin ma nasan ilaa markii danbe uu waayay
suldaanimadiisa, waxaas oo dhan waxay ugu wacnaayeen dulmiga uu ugeystay Waliga
Ilaaheey Al-imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Karaamaadka Imaam Qasaali wey
farabadan yihiin, qaar hore iyo kuwa danbaba, Ustaad Maxamuud Cabdixaliin oo
kamid ahaa ducaadii Ikhwaanul Muslimiinka Masar wuxuu buugiisa ‘Taariikhul
Dacwah’ kusoo guuray qiso dhab ah oo ku dhacday nin dhalinyaro ah oo jamaacada
katirsanaa deedna Islaanimada ka baxay. Ustaad Maxmuud wuxuu yiri; ninkaan
dhalinyarada ah wuxuu kamid ahaa ardayda Imaam Xasanul Bannaa. Ninkii dhalinyarada
ahaa wuxuu bilaabay inuu soo xaadiri waayo duruustii Imaamka bixin jiray.
Deedna Imaam Albannaa ayaa dadka weydiiyay, war hebel ma aragteen maxaa ku
dhacay? Imaamka waxaa loogu jawaabay hebel wuu gaaloobay oo wuxuu noqday
Kirishtaan.
Imaamka arinta waxay ku noqotay waxaan la fileyn, sababtoo
ah ninka dhalinyarada ah wuxuu ahaa nin aad u cabsi Alle iyo cibaado badan.
Imaamka wuxuu dalbaday in xaaladda ninkaas lasoo ogaado. Iyadoo xaalku sidaas
yahay, ayaa ninkii dhalinyarada ahaa kusoo laabtay golihii Imaam Xasanul Bannaa
– wuxuuna ka sheekeeyay waxa ku kalifay inuu Kirishtaan noqdo. Wuxuu yiri; waxaan
jeclaaday gabadh kirishtaan ah oo meel isbitaal ah shaqeenaysay, waxaan ka
dalbaday inaan guursado, deedna waxay igu tiri; isma gayno oo Muslim baad tahay
aniganna waxaan ahay Kirishtaan. Wuxuu yiri; waxaan ku iri, sidaad mooday
ma’aha oo annaga Muslimiinta ah diinteena wey noo ogoshahay inaan guursano ehlu
kitaabka (yuhuud iyo kirshtaan). Waxay tiri; hadal iyo dhammaantiis haddaad i
jeceshahay diintayda soo gal deedna waan ku guursan. Wuxuu yiri; jeceyl indho
la’aan ah ayaa i waday waxaan qaatay diinta Kirishtaanka, markii tii aan jeclaa
aan u sheegay waxay igu tiri; ma rumeysni warkaas oo waxaad u sameynaysaa inaa
i heshid – ee ninyahoow hadduu jeceylka dhab kaa yahay Kaniisadda khaadim ka
noqo oo dadkoo dhan haku arkeen. Ninkii wuxuu yiri; aroor arooryada kamid ah
waxaan iska xaadiriyay Kaniisad weyn oo magaalada bartankeeda ku tiil, waxaana
is qoray inaan ahay nin naftiisa u hibeeyay inuu kaniisadda ka khidmeeyo.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri; habeen habeenada kamid ah ayaan waxaan
riyo ku arkay nebi Muxammad SCW oo midigtiisa uu fadhiyo nin aan u aqoonsaday
inuu ahaa nebi Musse CS, waxaana bidixdiisa fadhiyay nin aan u aqoonsaday inuu
ahaa nebi Ciise CS.
Comments
Post a Comment