TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 5aad]

Akhriste, isweydii yaa maanta naga mid ah isagoo magac iyo aqoon Eebe u dhiibay musqulaha ama weesada nadiifin lahaa? Yeelkadeedee, Imaamka markuu muddo ku nagaaday xerta, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa xerta yimid nin reer miyi ahaa oo kasoo safray meel fog si loogu caddeeyo mas’alo diini ah oo ku taagneyd. Waxaa xusid mudan xerta waxaa joogay culumo waa weyn oo ardayda xerta cilmiga bari jirtay, dadkana ey ugu imaan jireen iney mas’alooyinka ku taagan ey weydiiyaan. Ninkii reer miyiga ahaa ayaa weydiiyay nin culumada xerta kamid ahaa mas’aladiisa; culumadiina wey inkireen su’aasha ninka reer miyi, sababtoo ah waxay aheyd mas’alo adag oo eysan jawaab u heynin. Si kastaba ha ahaatee, Imaam Abuu Xaamid oo nadiifinaya meesha lagu weesaysto ayaa maqlay su’aasha ninka reer miyi weydiiyay culumada. Imaamkana wuxuu ka naxay ninkaan safarka dheer usoo galay in mas’aladaan looga jawaabo – haddana culumadii ey inkireen. Imaamka wuxuu u yeeray ninkii reer miyiga ahaa wuxuuna weydiiyay; maxay aheyd mas’aladaada? Ninkii reer miyi ayaa u sheegay su’aashiisa imaamka. Imamka ayaa ninkii uga jawaabay mas’aladiisa, ninkii reer miyi oo quursi uu ku jiro ayaa si cod dheer oo dadka oo dhan ey maqlayaan jeesjeesna uu ku jiro u yiri; miskiinkaagan musqulaha iyo weesada nadiifiya miyaa ka jawaabi kara wax ey aqoon waayeen culumada waa weyn ee xerta?! Hadalkii reer miyiga ayaa dadkii oo dhan maqleen, waxaa durbadiiba u yimid culumadii xerta oo ninkii reer miyi ka dalbaday inuu u sheego waxa ninkaan miskiinka ah uu uga jawaabay mas’aladiisa. Ninkii reer miyi markuu u sheegay culumada jawaabta imaamka, durbadiiba wey garteen in jawaabtan eysan aheyn jawaab nin caamo ah, ee ey tahay jawaabta nin iyaga ka cilmi badan. Waxaa xusid mudan, in culumadaan ey ogaayeen in la la’yahay Imaam Abuu Xaamid meeluu cirib iyo jaan dhigay. Markey maskaxda ka shaqeysiiyeen waxay ogaadeen ninkaan weesada nadiifiya ee mas’alada ka jawaabay inuu yahay Imaamkii weynaa ee Abuu Xaamid, inkastoo eysan horay ula kulmin.

Culumada xerta waxay isla habeenkaas diyaariyeen gole ey cilmiga uga bartaan Imaam Abuu Xaamid, imaamkana wuxuu ka cararayay waxay aheyd in la buunbuuniyo oo laga mashquuliyo cibaadada Eebe. Isla habeenkaas imaamka wuu kasoo ruqaansaday xerta maadaama la aqoonsaday, wuxuuna soo dagay manaarada galbeed ee masjidka Ummawiyiinta ee magaalada Dimishiq – halkaas oo uu ku khalaaweyn jiray. Imaamka oo arinkaan ka sheekeenaya wuxuu yiri; waxaan manaardda geli jiray salaadda subax kadib, halkaas ayaana ku nagaan jiray ilaa aasku madoobaado. Ibnu Casaakir kitaabkiisa ‘taariikhu Dimishiq’ wuxuu soo guuriyay in Imaamka uu qoyskaiisa, ardayda iyo dunidaba ka go’doomay muddo gaareysa 20 sanadood. Taasina macquul ma’aha oo ma waafaqeyso da’da uu jiray Imaamku markuu bilaabay tasawuska, yacnii u go’doomidda cibaadada Alle, iyo da’da uu ku dhitayba. Sababtoo ah, imaamka wuxuu dunida furay isagoo 40 jir ah, wuxuuna geeriyooday markuu cimriga ka gaaray 53 sanadood.

Sidaas awaadeed, waxaa raajix ah qawlka oranaya imaamka wuxuu maqnaa 10 sanadood, sababtoo ah markuu soo laabtay wuxuu sii noolaaday sanado badan oo uu kutub badan ku alifay. Imaamka inta uu tasawufka ku maqnaa waxaa caado u aheyd keli noqosho si uu ula xaajoodo rabbigiisa isagoo keligii ah oo addunka oo dhan kasoo dhex baxay. Waxaa kaloo imaamka uu joogteeyay booqashada qubuuraha saalixiinta – halkaas oo uu qur’aan badan kusoo akhriyi jiray, ku ooyi jiray in badan, una duceyn jiray saalixiinta. Intaas kadib, Imaamka wuxuu yiri; Eebe wuxuu ii idmay inaan qoyskayga ku laabto, wallaahi anniga wax walba aan sameeyo ma’aha wax aniga iga yimid ee Eebe ayaa ii gartay, dhaqaaqna ma sameeyo, ee Eebaa i dhaqaajiya. Sidoo kale, Imaamka wuxuu sheegay xiisaha uu u qaaday hablihiisa iney qeyb ka aheyd soo laabashadiisa. Halkaan waxaa noogu jirta cashar weyn oo ey tahay inaan Imaamka kaga dayanno, qofkii raba inuu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya isaga iyo Eebihii waa inuu u kali noqdaa Eebihiis. Si kastaba ha ahaatee, Imaamka markii loo idmay wuxuu kusoo laabatay Duus iyo qoyskiisa. Wuxuu la joogay muddo kooban, deedna waxaa lagu ilxaaxiyay oo lagu cadaadiyay inuu Jaamacadda Nadaamiyah ee magaalada Baqdaad uu kusoo laabto si uu ardayda wax u baro.


Comments

Popular posts from this blog

THE AL-NOOR MOSQUE MASSACRE: THE NEW CRUSADERS OF THE WEST?

XIRIIRKA KA DHEXEEYA AFKA CARABIGA IYO CAQLIGA

Why defeating terrorists in Somalia is proving to be tricky and taking longer than anticipated?