TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 9aad]
Waxaan weli bartanka uga jirnaa
karaamooyinka Imaam Abuu Xaamid Alqasaali. Imam Taajuddiin Alsubki wuxuu soo
guuriyay in Imaam Abuu Xasan Alxirsy ama Xaraasihim oo ah Maaliki, markuu arkay
kitaabka uu qoray abuu Xaamid Alqasaali ee ‘إحياء علوم الدين’ intuu eegay buu yiri; kitaabkani waa
bidco wuxuu khilaafayaa sunnadii nebiga. Sidaad daraadeed Shiikh abuu Xasan
wuxuu fatwooday in kitaabka ‘إحياء علوم الدين’ la gubo. Abuu xasan wuxuu Suldaanka dalka
Maqrib xilligaas ka dalbaday inuu ka caawiyo sidii loo gubi lahaa kitaabka ‘إحياء علوم الدين’. Maalin Khamiis ah ayaa la shiray dadkii
baa lasoo xaadiriyay, Abuu Xasan wuxuu u goodiyay qofkii hal bog oo kitaabkaas
ah qarsada in la ciqaabayo – dadkii waa keeneen kitaabkii, waxaana lagu
ballamay in berito oo Jimce ah salaadda Jimce kadib la gubo. Si kastaba ha
ahaatee, habeenka Jimcaha soo galeysay ayuu Abuu Xasan Alxirsy wuxuu riyo ku
arkay isagoo soo galay masjidkii lagu ballansanaa in kitaabka ‘إحياء علوم الدين’ lagu gubo. Wuxuu riyada ku arkay nuur ka
baxaya tiir weyn oo kamid ahaa tiirarka masjidka. Markuu usoo dhowaaday wuxuu
arkay Rasuulka SCW oo ey hareeraha ka fadhiyaan Abuubakar iyo Cumar, Imaam Qasaalina
uu taagan yahay isagoo gacanta ku heysta kitaabkiisa ‘إحياء علوم الدين’.
Imam Qasaali markuu i arkay wuxuuna
yiri; yaa rasuulullaah ninkaan noo kala garnaq kitaabkayga ayuu ku sheegay inuu
khilaafsan yahay sunnadaada, bidcana ey ka buuxdo – wuxuuna rabaa inuu gubo. Dabadeedna
Imaam Alqasaali wuxuu u guurguurtay Rasuulka SCW tawaaduc iyo qadarin aawadeed,
wuxuuna u dhiibay kitaabka. Imaam Qasaali wuxuu yiri; yaa Rasuulullaah
kitaabkaan haddey ku qoran yihiin wax bidco ah oo khilaafsan sunnadaada waan ka
toobad keenayaa hadda, Allana waxaan ka baryayaa inuu ii denbi dhaafo. Haddiise
waxa ku qoran ey wax kula qumman oo aan sunnadaada khilaafsaneyn ahna ii
barakee, aniga iyo ninkaan noo kala garnaq. Rasuulka SCW kitaabka ayuu eegay
boga ugu horeeya ilaa boga ugu danbeeya warqad warqad, deedna wuxuu yiri; Wallaahi
kitaabkani waa mid wacan oo wanaagsan. Deedna Rasuulka SCW wuxuu u dhiibay
Abuubakar, markuu akhriyay bog bog Abuubakar wuxuu yiri; Waxaan ku dhaartay
Allihi xaqqa kugu soo saaree kitaabkaan waa mid wanaagsan. Deedna wuxuu u
dhiibay Cumar, Cumarna wuxuu yiri intii Abuubakar yiiri. Intaas kadib, rasuulku
wuxuu amray in Abuu Xasan dharka laga dhigo oo la jeedlo 40 jeedal oo ah xadka
qofka dadka ka been abuurta, markuu 5 mar qayliyay ayaa Abuubakar ka naxay oo u
shafeeco qaaday – Abuubakar wuxuu yiri; yaa rasuulullaah ninkaan ijtihad bey ka
aheyd wuuna qaldamay hala cafiyo, Imaam Qasaalina markaas wuu iska cafiyay.
Abuu Xasan markuu hurdada kasoo kacay, wuxuu orod isku xaabiyay goobtii lagu
ballansanaa in lagu gubo kitaabka, wuxuuna dadkii u sheegay ha gubina kitaabka;
wuxuuna uga sheegay riyadii uu arkay, wuxuuna tusay dhabarkiisa oo weli
jeedalkii uu ku yaalo.
Abuu Xasan dhacdadaas kadib wuxuu
bilaabay inuu kitaabkaas akhriyo si joogto ah isagoo qadarinnaya ilaa uu ka
geeriyooday. Qisadaan waxaa kutubtiisa kusoo wariyay Imaam Abuu Xasan
Alshaadali iyadoo leh silsilad adag. Waxaa soo wariyayay Shiikh Yaaquut
Alshaadili, wuxuu ka wariryay shiikhiisa Abuu Cabaas Almursy, wuxuu ka wariyay
shiikhiisa Shiikh Abuu xasan Alshaadali. Haddaan yara dul istaagno qisadaan
waxaan arkaynaa in bidceynta iyo gaaleysiinta culumada ey tahay mid horeysay,
ee eysan aheyn mid ugub ah. Waxaan kaloo arkaynaa in dadka qaarkii culumo ama
caamo midkey doonaan ha ahaadeenee eysan walaalahooda kale u quurin wanaaga ey
dheeryihiin, oo haddeey dareemaan in mid kamid ah walaalahood uu ka aqoon bato
ama uu arko in dadka ey ka jecel yihiin uu bilaabayo falka xaasidnimada ah, iyo
inuu sameeyo wax walba oo uu shaqsigaas dhulka kula geli karo.
Comments
Post a Comment