TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 2aad]
TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI
[Qeybta 2aad]
Abuu Xaamid wuxuu yiri; waxaan naftayda ku iri
ninkaan Alle ayaa ka hadalsiiyay si uu igu tilmaamo xifdinta cilmiga – hadalka ninkaas
shuftada ah qalbigayga ayuu ku dhacay, wuxuuna i baray cashar lama ilaawaan ah,
casharkaas oo ah; cilmigu wuxuu u baahan yahay xifdin. Cabaar iyo dood dheer kadib
wey siiyeen buugiisa, Imaamkana wuxuu soo gaaray magaalada Duus, halkaas oo uu
ku sugnaaday 3 sanadood oo uu xifdinayay cilmigii buuga ku qornaa oo uu kasoo
bartay Imaam Abuu Nasar, si haddii markale looga dhaco buugtiisa uusan cilmiga
uga lumin. Intaas kadib, Imaamku wuxuu u socdaalay magaalada Naysaabuur oo ka
tirsan gobolka Khurasaan – halkaas oo uu ku sugnaa Caalimkii weynaa ee Abuu
Al-macaali Cabdulmalik Al-Juwayni oo ah inanka Caalimkii Shiikh Maxammed
Al-Juwayni oo ahaa shiikha Shaaficiyada casrigiisa – saaxiibna la ahaa Al-imaam
Al-xaafid Abiibakar Al-bayhaqi. Abuu al-macaali waa sidoo kale lagu naynaysaa
Imaamul Xaramayn, sababtoo ah muddo ayuu dhulka barakaysnaa shiikh ka ahaa.
Sidaas ayuuna Imaamkeena Abuu Xaamid uu arday
ugu noqday Al-juwayni oo ah ninka ugu aqoonta badan madhabta Shaaficiyada iyo
dhammaan Islaamka. Sidaas ayuuna Xujjatul Islaam wax uga barannayay Aljuwayni
ilaa uu ka geeriyooday, Imam Alqasaalina wuxuu jiray 28 sanadood – xiligaas oo
Imaamku ey aqoontiisa caga-dhigatay, kadib markuu cilmiyo farabadan oo kala
gedisan uu shiikha ka meyrsaday. Culuumtuu ka qaatay Aljuwayni waxaa kamid
ahaa; cilmiga fiqiga, usuusha iyo falsafadda. Sidoo kale, Imaamku goonidiisana
wax ayuu isku barayay oo dadaalo dheerad ah oo shaqsiyeed ayuu la imaan jiray. Markuu
geeriyooday Imaam Al-juwayni, durbadiiba waxaa dunida Islaamka ku faaftay inuu
soo baxay nin dhalinyaro ah oo aqoonta ka qaatay Al-calaamah Aljuwayni, ninkaas
oo aad u caqli badan, fariid ah, lehna fahan qoto dheer. Waxay taariikhyahanadu
xusaan in Imaam Alqasaali uu guursaday isagoo 20 ka yar, Allana uu ku arsaaqay
wiil iyo seddex gabdhood.
Wiilka waxaa la oranayay Xaamid, waana halkaas
meeshuu Imaamku ka qaatay kuunyada, inkastoo wiilku uu yaraan ku dhintay,
laakiin gabdhaha ayaa noolaaday in badan kadib geerida aabahood. Intaa kadib,
Imaamka waa kasoo ruqaansaday magaalada Naysaabuur wuxuuna tagay degmada
Mucaskar oo ku tiilay duleedka maagaalada Naysaabuur. Degmada xilligaas waxay
fadhi u aheyd noocyada kala duwan ee culumada Islaamka, kuwooda ku takhasusay
fiqiga, usuusha ama falsafadda. Waxaana degmada wasiir ka ahaa nin la oran
jiray Nidaam Mulki oo wakil ka ahaa Suldaankii la oran jiray Albu Arsalaan oo
ahaa ninkii jabiyay ciidankii Ruum. Imaamku markuu degamada Mucaskar gaaray,
madaxdii halkaas oo ka war hayay in Qasaali uu wax kasoo bartay caalimkii
weynaa Aljuwayni – waxay la baratansiiyeen culumadaii fiqihiga, Imaamka barquu
banaanka dhigay dhammaantood. Wasiirkii degmada ayaa yiri; fiqiga inaad raggaan
oo dhan kaga cilmi badatid waa dabiici, waayo waxaad wax kasoo baratay
Caalimkii ugu fiqiihsanaa umadda ee Aljuwaynii. Dabadeedna, waxay la
baratansiiyeen culumada usuusha (caqiidada) sidii oo kale iyaganna barquu kala
diray. Haddana markale ayeey waxay usoo shiriyeen faylasuufyaadii xilligaas ugu
xeeldheeraa cilmiga falsafadda, iyagana wuxuu marsiiyay dhabbaduu marsiiyay
raggii hore. Maamulkii degmada gaar ahaan wasiir Nadaam ayaa aad ula cajabay,
kana dalbaday Imaamka inuu Professor ka noqdo Jaamacadda nadaamiyah eek u
tiilay magaalada Baqdaad. Xilligaasna jaamacadda Nadamiyah waxay aheyd
jaamacadda dunida ugu horeysa aqoonta, waxaana qiimaheedu (rating) ahaa #1
dunida – sida Oxford University ey dunida maanta #1 ka tahay. Jaamacadda
Nadaamiyah waxaa la dhisay 458 hijriyada. Imaamku wuxuu professor jaamacadda ka
noqday sanadku markuu ahaa 484, afar sano kadibna wuu ka tagay.
Imaamka inta uusan soo gaarin jaamcadda iyo
magaalada Baqdaad, waxaa kasoo hormaray warkiisa, gaar ahaan inuu culumadii
usuusha, fiqiga, falsafadda ugu tun buurnaa inuu barqo kala diray. Maamulka
jaamacadda ayaa imaamka u dhisay meeshuu fariisan lahaa oo ardayda wax ka bari
lahaa, waxayna ku bixiyaan dhisidda golahaas adduu gaaraya 500 oo Diinaar oo
lacag farabadan xilligaas aheyd. Waxaa sidoo kale xusid mudan in khabarka Abuu
Xaamid uu gaaray daafaha dunida, waalidiinta awlaada heysatana waxay bilaabeen
iney awlaadooda ka diiwaan geliyaan Jaamacadda. Imaamka wuxuu galay nolol aad u
heer saraysa, waxaa sara u kacday magaciisa iyo sumcadiisa, magaciisana waxaa
afkau hayay umaddoo dhan.
Comments
Post a Comment