TAARIIKH NOLOLEEDKII XUJJATUL ISLAAM AL-IMAAM ABUU XAAMID AL-QASAALI [Qeybta 3aad]
Waxaa xusid mudan, imaamkuna uu ka warramay in
xilligaas ey ujeedada cilmiga ey ka wareersaneyd. Waxaa sidoo kale
taariikhyahannada ey xusaan in imaamku uu waqtigaas ahaa mid mayal adag, oo aan
doodaha cilmiga cidna ugu nixin – qofkuu arko inuu mas’alo ku qaldan yahay toos
ayuu ugu sheegi jiray iney jaahil yihiin. Waxay giraantu wareegto, xilliyaduna
ey weydaarsadaan, Imaamku wuxuu bilaabay inuu su’aalo naftiisa weydiiyo oo ey
kamid aheyd; waa maxay waxaan aan ku dhex jiro? Ma aakhiradaydaan adduun
siisanayaa? Imaamka waxaa aad u caawiyay oo lasoo wariyaa caqliga uu u dhashay
inuu xaalkiisa wax ka bedelo. Waxay taariikhyahannadu soo guuriyaan dhacdadii
bedeshay Imaam Alqasaali iney aheyd; arooryada kamid ah ayaa waxaa soo galay
golaha cilmiga ee jaamacadda Abuu xaamid walaalkii Shiikh Axmed oo ahaa Suufi u
googo’ay cibaadada ilaahey kana dheeraaday raaxada adduunka iyo dadkeedaba.
Shiikh Axmed markuu golaha soo galay wuxuu arkay sida walaalkiis loogu xoorsan
yahay, oo ardaydu uga timid daafaha dunida oo dhan. Wuxuu ka naxay sida
walaalkii ugu milmay magaca iyo raaxada adduunyada, deedna wuxuu walaalkii ku
dul akhriyay tix gabay ah, oo ey kamid aheyd;
أخذت باعضادهم إذ ونوا *** وخلفك الجهد إذ أسرعوا
وأصبحت تهدى ولا تهتدي *** وتسمع وعظا ولا تسمع
فيا حجر الشحذ حتى متى *** تسن الحديد ولا تقطع
oo micnaheedu
yahay; xoogaa bey ku siiyeen si ey u hormaraan, adigana dadaal baa kuu hadhay
halka iyagana (ardayda) ey horay ugu socdeen. Waxaad noqotay mid dadka
hanuuniya, laakiin isaga aan is-hanuunineyn, mid dadka wanaaga maqashiiya
laakiin aan isaga maqleyn. Xaalkaagu waa sida dhagaxa soofeeya middiyaha si ey
wax u gooyaan, laakiin aan isaga wax goyneyn. Murtida tixda iyadoo kooban axmed
wuxuu walaalkii ka waaninayay inuu noqdo kii dadka sababkii ey jannada ku
galaan isagana naftiisa hilmaamay. Yacnii qofbaad wax wanaagsan faraysaa
adigana kuma aadan liibaanin cilmiga aad dadka faraysi. Haddaan si kale u
dhigo, cilmiga aan liibaan adduun iyo mid aakhiro kuu keenin waxaa ka fiican
inaad jaahil iska ahaato, si aad xoogaa cudurdaar ah u yeelato. Sidoo kale,
cilmi aan cabsida Eebe kuugu hogaamin waa khasaare adduun iyo mid aakhiro. Sababtoo
ah, cilmiga dhabta waakan saaxiibkiis ku hogaamiya barashada dhabta ah ee
Eebe iyo ka cabsigiisa. إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ
عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ “Alla waxaa uun ka cabsada addoomadiisa
aqoonta le”.
Hadalkaas
wuxuu Imaam Abuu Xaamid kaga dhacay qalbiga, wuxuuna go’aansaday inuu
maalintaas ka tago jaamacadda iyo magaalada Baqdaadba. Hadalkaasna waxaa lasoo
wariyaa inuu nolosha Imaamka afgambiyay. Imaamka muddadii uu macalinka ahaa
wuxuu sameeyay hanti aad u farabadan, wuxuuna ahaa Professor-ka ugu mushaarka
sareeya. Si uu isbedel ruuxi ah u sameeyo wuxuu go’aansaday inuu hantidiisa oo
shan sadaqeysto – maraka laga reebo xoogaa lacag ah oo uu uga tagay gabdhihiisa,
iyo xoogaa uu naftiisa ku ilaalsado si uu uga kaaftaamo aadane gacantiis. Sidoo
kale wuxuu dhammaan sadaqeystay dharkiisii qaaliga ahaa marka laga reebo laba
shay oo uu naftiisa u xidhto. Imaamka kitaabkiisa ‘Almunqid minal dalaal’ wuxuu
ku xusay inuu in muddo ah dareemayay in wax ka qaldanaayeen, wuxuuna sheegay
inuu xaaladdaas ku sugnaa ugu yaraan 6 bilood oo naftayda xisaabinayay. Imaamka
wuxuu sheegay iney heshay xaalad carabkiisa uu xabismay oo uu hadli waayay,
xataa ardayda su’aalaha weydiinaysa uu u jawaabi waayay. Wuxuu kaloo sheegay,
inuu cuntada ka go’ay huradana warkeeda haba sheegin. Waxaa imaamka soo
wajahday murugo xad dhaaf ah sida qof depression uu ku dhacay, sababtoo ah;
cuntada iyo cabitaanka dhadhan uma laha, waxaas dhib ah waxay ka imaanayeen
Imaamka oo aan maqsuud ku aheyn xaaladdiisa ruuxiyeed. Intaas kadib, waxaa
Imaamka ku xoogeystay walaahowga nafta, talaabo markuu qaado, mid buu dib usoo
qaadayay – isagoo toloow maxaan sameeyaa?! Wuxuu xaalka Imaamka sidaas sii
ahaadaba, habeen habeenada ka mid ah dadkoo hurda ayuu rabbigiis laba rakco
tukaday, isuna duleeyay eebihiis isagoo ka tuugay inuu xaalkiisa wax ka bedelo.
Imaamku wuxuu yiri; markaan kasoo faaruqay salaadda, Eebe wuxuu ii go’aamiyay
go’aan kii ugu wanaagsanaa oo ah inaan dunida furo, yacnii ka dhex baxo
xaaladdaan ku sugnaa oo cibaadada Eebe u go’o.
Comments
Post a Comment